Dr Husni jarato

Dr Husni jarato health service

12/09/2025

Cagaarshowga (Hepatitis)

Waa maxay Cagaarshow?

Cagaarshowgu waa cudur ku dhaca beerka, waxaana keena caabuq (infection) uu sababo fayras. Waxaa sidoo kale keeni kara waxyaabo kale sida daroogooyinka, sunta, ama hab-dhaqan caafimaad darro.

Noocyada Cagaarshowga

Cagaarshowgu wuxuu leeyahay dhowr nooc, kuwa ugu badan waa:

1. Cagaarshowga A (Hepatitis A)

Waxaa keena fayraska Hepatitis A (HAV).

Inta badan wuxuu ku faafo cunnada ama biyaha wasaqaysan.

Waa cudur la iska qaado laakiin badanaa wuu ka bogsadaa qofka.

2. Cagaarshowga B (Hepatitis B)

Waxaa keena fayraska Hepatitis B (HBV).

Wuxuu ku faafaa dhiigga, galmada, iyo hooyada oo u gudbisa ilmaheeda.

Wuxuu keeni karaa cagaarshow joogto ah (chronic hepatitis).

3. Cagaarshowga C (Hepatitis C)

Waxaa keena fayraska Hepatitis C (HCV).

Badanaa wuxuu ku faafo dhiigga.

Wuxuu sababi karaa dhaawac joogto ah oo beerka ah, xitaa kansar.

4. Cagaarshowga D iyo E (Hepatitis D & E)

D wuxuu kaliya ku dhici karaa dadka qaba Hepatitis B.

E wuxuu u egyahay Hepatitis A, wuxuuna ku faafo biyaha wasaqaysan.

---

Calaamadaha Cagaarshowga

Maqaarka oo huruud noqda (jaalle)

Indhaha oo huruud yeesha

Daal badan

Lalabbo iyo matag

Calool xanuun, gaar ahaan agagaarka beerka

Saxarada oo midabkeedu cawl noqdo

Kaadida oo madow noqota

---

Sida loo Difaaco Nafteena

Nadaafad ku filan oo laga taxadaro biyaha iyo cuntada (A & E)

Tallaalka Hepatitis A & B

Ka fogaanshaha isticmaalka cirbado la wadaago (B & C)

Iska ilaalinta galmada aan la is hubin

Hubinta dhiigga la is siiyo in uu nadiif yahay

---

Daaweyn

Cagaarshow A iyo E: badanaa daaweyn rasmi ah looma baahna, waxayna ka bogsadaan kaligood.

Cagaarshow B iyo C: waxaa jira daawooyin horumarsan oo yareeya halista dhaawaca beerka. Tallaal ayaa ka hortagi kara Hepatitis B.

Intee in leeg buu ilmahaygu hurdo u baahan yahay? Maxaa ku dhacaya hadii aanu in ku filan seexan?- Da’da 0-3 bilood waxa...
26/02/2025

Intee in leeg buu ilmahaygu hurdo u baahan yahay? Maxaa ku dhacaya hadii aanu in ku filan seexan?

- Da’da 0-3 bilood waxay seexdaan sida caadigaa 14-17 saacadood maalintii
- 4 - 11 bilood waxay seexan karaan 12-15 saacadood
- 1-2 sanno waa inay seexdaan 11-14 saacadood
- 3-5 sanno waa inay seexdaan 10-13 saac
- 6-13 sanno waa inay seexdaan 9-11 saac
- 14-17 sanno waa inay seexdaan 8-10 saac

Hurdada oo ilmaha ku yaraata waxay keeni kartaa caafimaad daro. Waxay keeni kartaa inay lu’loodaan maalintii, diiqad iyo dabeecad xumo. Waxay sababi kartaa inay waxbrashada ku liitaan.

Sideed ula tacaashaa hadii ilmahaagu hurdo xun yahay ama ay khalkhalsantay hurdadiisu?

Bronnie Ware oo ahaan jirtay kalkaaliso caafimaad oo ka shaqaysa daryeelka dadka xaaladahoodu culus yihiin, ayaa qortay ...
20/08/2024

Bronnie Ware oo ahaan jirtay kalkaaliso caafimaad oo ka shaqaysa daryeelka dadka xaaladahoodu culus yihiin, ayaa qortay buug ay ku soo bandhigtay natiiajda daraasad ay ku samaysay waxyaabaha ugu badan ee qofku uu qoomameeyo maalmaha noloshiisa u dambeeya.
Buuggan “The Top Five Regrets of the Dying’ oo soo baxay 2011 ayaa ay ku soo ururisay shantii qodob ee ugu badnaa ee ku soo noqnoday dadkaas ay waraysatay.

1. KU DHAC
Waa ayaan darro in tobannaan sanno oo aad soo noolayd kaddib, aad ugu dambayn ogaato in wax badan oo aad gaadhi lahayd iyo himilo badan oo aad rumayn lahayd waxa kaa hor istaagay uu ahaa keliya ku dhac la’aan. Nolol run ah in aad noolaan weyday, dhiirrasho la’aantaada awgeed.
Dadka qaar waxa ay ka baqaan in ay khatarta u badheedhaan, ama go’aamada qaar aan natiijadooda la hubin qaataan, taasi waxa ay yaraysaa guulihii nololeed ee ay heli lahaayeen, iyo himilooyinkii ay gaadhi lahaayeen. Waxa aanay ku dambaysaa, in ay ka murugoodaan fursado badan oo go’aan qaadasho la’aantoodu ay seejisay.

2. SAAXIIBBADA, QOYSKA IYO BARBAARINTA UBADKA
Dad badan ayaa shaqada iyo daba orodka riyooyinka nolosha kaga mashquula waqti siinta ubadka, qoyska iyo asxaabta.
Bukaanka ay Bronnie waraysatay, gaar ahaan ragga waxa ugu badan ee ay qoomameeyeen waxa uu ahaa in shaqo iyo bannaan joog uu waqtigoodii qaatay, maantana ay qoomamaynayaan in ubadkooda iyo xaasaskooda aanay waqtigii saxda ahaa siinin, si ay barbaarinta ubadka iyo farxadda qoyska qayb uga noqdaan, iyo in ay waqti fiican la qaataan asxaabta iyo dadka ay jecelyihiin.

3. IS CABUDHIN

Dad badan ayaa dareenkooda cabudhiya, iyaga oo ka baqaya dareenka qofka kaga iman kara, tusaale ahaan in uu qalad ka fahmo ama xumaan u qaato, ama in uu diido oo weji gabax ay kala kulmaan. Waxaa ka mid ah in ay gardarrada ka qaban waayaan, in ay gartiisa siin waayaan, ama in ay jacayl ama nacayb u sheegan kari waayaan.
Cabudhintaas dareenku waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu badan ee qofku uu dib ka qoomameeyo.

4. FIRAAQADA IYO KU RAAXAYSIGA NOLOSHA
Qof kastaa waxa uu u baahanyahay nasasho iyo waqtiyo firaaqo ah oo uu noloshiisa ku raaxaysto, laakiin dad badani waqtigaas ma siiyaan naftooda. Baacsiga guusha iyo raadinta kaabayaasha nolosha ee maalku u horreeyo, ama raalligelinta dadka kale ayaa ku kallifta in nafta ay ka maanacaan waqti ay farxad iyo tamashlayn ama nasasho iyo firaaqo ku damaashaado. Ugu dambayntana waxa ay ku keentaa murugo iyo in ay hadhow ka qoomamoodaan dadaalkoodii nasashada u diiday.

5. NAFTOO LA DAYACO
Ruux kasta naftiisu xaq bay ku leedahay, waxaa waajib kugu ah in aad ilaaliso caafimaadkeeda jidheed iyo nafsadeed. Arrintaas oo uu qofku dayacaa waxa ay horseeddaa, in mustaqbalka uu la kulmo xaalado caafimaad oo uu ka hortegi kari lahaa ama intii ay bilowga ahaayeen wax laga qaban kari lahaa. Waxaana ka dhasha murugo iyo ciil uu cimrigiisa dambe la noolaado.

Dr Husni jarato

Iska yaree miisaanka xad dhaafka ah Miisaanka xaddhaafka ah ma keento baruurta oo kaliya ee waxa  sidoo kale keeni kara ...
17/08/2024

Iska yaree miisaanka xad dhaafka ah

Miisaanka xaddhaafka ah ma keento baruurta oo kaliya ee waxa sidoo kale keeni kara ama kordhin kara: murqaha , lafaha, dareerayaasha jidhka sida biyaha IWM.

Dad badan ayaa miisaankoodu uu aad u sarreeyaa sababla'aan, Qaadashada miisaanka badan waxay kordhisaa khatartaada xaalado caafimaad oo kala duwan. Kuwaas oo ay ka mid yihiin : dhiig karka, kolestaroolka sare, nooca 2aad ee xanuunka macaanka, wadne xanuunka, istaroogga, kansarrada qaarkood iyo cudurka xameetida.

Miisaanka badan ayaa sidoo kale kuu horseedi kara dhibaatooyin badan oo la xidhiidha miisaanka xad dhaafka ah, waxaana ugu caansan arthritis-ka ku dhaca kala-goysyada xanbaara miisaanka( weight bearing joints), sida laf dhabarta, miskaha, ama jilbahaaga. Waxaa jira dhowr waxyaalood oo aad isku dayi karto inay kaa caawiyaan inaad lumiso miisaanka oo aad iska ilaaliso.

Dr Husni jarato

5 Hab Oo Looga Hortegi Karo Suuska Iyo Ilko Bololka, Caafimaadka Afkana Lagu XifdiyoMa ogtahay in caafimaad afka laga dh...
10/06/2024

5 Hab Oo Looga Hortegi Karo Suuska Iyo Ilko Bololka, Caafimaadka Afkana Lagu Xifdiyo

Ma ogtahay in caafimaad afka laga dheehan karo caafimaadkaaga guud ahaan iyo in dhibaatooyinka soo wajaha afkaaga ay si toosan iyo si dadban u saameyn karaan jidhkaaga intiisa kale.

Inkasta oo ay muhiim tahay inaad si joogto ah u booqato dhakhtarka ilkaha si aad ula socoto caafimaadka ilkahaaga haddana ma jiro wax diidaya inaad ku darto daryeel dabiici ah.

Haddaba casharkan waxaan kuu soo qaadanaynaa 5 hab oo dabiici ah oo looga hortagi karo ilko bololka, caafimaadka afkana lagu horumarin karo.

Isticmaal Dawada lagu cadaysado ee ay ku jirto maadada “fluoride”:
Maadada “fluoride” waxa ay faaido u keedahay ka hortagga suuska iyo ilko bololka. Caadi ahaan, dawada ilkaha waan inay ku jirto ku dhowaad 1350 illaa 1500 ppm oo maadada “fluoride” ah.

Marka laga soo tago dawada ilkaha, maadadani waxaa laga helaa biyaha la cabbo, iyagoo jidhka siiya flouride-ta uu u baahan yahay.

Jooji sonkorta:
Sonkortu waxa ay kordhisaa bakteeriyada afka ku dhaqan, sidaa awgeed waxa ay dishaa dheeha ilkaha. Dooro cunnooyinka ay ku yartahay sonkortu, adiga oo isha ku haynaya sonkorta qarsoon ee ku jirta cunnooyinka warshadaysan.

Ka fogoow macmacaanka iyo cabitaannada ay sonkortu ku badan tahay.
Cadayso ugu yaraan 2 goor maalintii
Ka luqluqo haddii aad cunto shay sonkor leh
Ku luqluqo biyo milix leh:
Biyaha milixda leh oo lagu luqluqdo waxa ay uroon tahay ilkaha iyo dhuunta. Waxa ay dheellitirtaa asiidhada, waxa ay nadiifisaa carrabka, hungurigana waa ay dejisaa.

Isku dar qaado barkeed milix ah (waa qaadada yar ee shaaha) iyo biyo diirran kuna luqluqo cunnada kadib. Waa hab fudud oo dabiici ah oo lagu ilaalin karo caafimaadka afka.

Hel fitamiin D kugu filan:
Fitamiin D ma ahan oo keliya inuu lagama maarmaan u yahay quwadaysiga lafaha balse waxaa kale oo uu u fiican yahay caafimaadka afka. Waxa uu caawiyaa in jidhku uu nuugo macdanta kalsiyaam taas oo kobcisa caafimaadka afka iyo cirridka. Jidhka oo heli waaya fitamiin D ku filan waxa ay keentaa inuu si fiican uga faaidaysan waayo kalsiyaamta, taas oo horseedaysa dheeha ilkaha oo daciifa iyo u nuglaanta suuska ilkaha oo siyaadda. Helidda fitamiin D kugu filan waxay sare u qaadaa caafimaadka ilkaha waxayna caawisaa in jidhku si dabiici ah iskaga caabbiyo ilko bololka.

Ku dedaal inaad hesho qorrax ku filan iyo qaadashada cunnooyinka laga helo fitamiin D sida kalluunka, beedka iyo caanaha.

Cab shaaha cagaaran:
Shaaha cagaaran waxa uu dilaa islamarkaana uu yareeyaa tarmidda bakteeriyada loo yaqaanno “streptococcus mutans” jeermiskan oo aad ugu badan afka bani’aadamka, taas oo keenta ilko bololka, caabuqa dhuunta iyo cirridka. Cilmi baadhisyo kala duwan waxaa lagu arkay in dadka joogteeya cabbista shaaha cagaaran ay ku yaryihiin xanuunnada ku dhaca ilkaha iyo ciridka. Sida oo kale, shaaha cagaarani, waxa uu yareeyaa xanuunka qumanka.

Cab shaaha cagaaran xilliyada raashinka dhexdooda si aad kor u qaado caafimaadka afkaaga.

Ugu dambeyntii Inaad ka taxadartid caafimaadka afkaaga ayaa ah maalgelin aad ku sameysay caafimaadkaaga guud.

Dr Husni jarato

faaidada galeyda, galeeyGalleyda waa badarka saddexaad ee aduunka loogu beerasho badan yahay kadib qamadiga iyo bariiska...
05/06/2024

faaidada galeyda, galeey
Galleyda waa badarka saddexaad ee aduunka loogu beerasho badan yahay kadib qamadiga iyo bariiska. Galleydu waa cunno maalmeedka dad badan oo dunida ku nool.

Galleydu waxay kulansatay nafaqo kala duwan, waxaa laga helaa barootiin, faybar, fitamiin C, fitamiin B1, folate, magnesium, potassium, zinc, xadiid, copper iyo manganese.

Faaidooyinka Caafimaad ee galleyda:
Caafimaadka dheefshiidka:
Galleydu waa il qani ku ah fiber oo u fiican dheefshiidka. Waxay la dagaallantaa calool istaagga, iyo baabasiirka, waxayna ka hortagtaa kansarka mindhicirrada ku dhaca.

Waxaa ku badan kalooriska (calories):
Haddii miisaanka ilmahaaga uu hooseeyo cunnada ugu dar galley. 100-kii garaam oo galley ah waxaa ku jira 342 oo kalooris ah, si darteed si dhakhso ayay u kobcisaa miisaanka.

Caafimaadka lafaha:
Galleyda waxaa ku badan macdanaha magnesium, iron, copper iyo phosphorus kuwaas oo u wanaagsan caafimaadka lafaha. Macdanahaani waxay lafaha ka ilaaliyaan burburka iyo inay duqoobaan.

Caafimaadka maqaarka:
Galleydu waxay qani ku tahay maadooyin sunsaarista kuwaas oo ilaaliya muuqaalka dhalinyaronimo ee maqaarka. Marka laga soo tago joogtaynta cunista galleyda, saliideedana waa la marsadaa dubka, waxayna hodan ku tahay maado la yiraahdo “Linoleic acid” oo maqaarka waxtar u leh.

Ka hortagga dhiig yarida:
Dhiig yari waa tirada unugyada dhiigga cas-cas oo ka yar sidii caadiga ahayd. Unugyada dhiigga cas-cas waxay ogisjiinta u xanbaaraan qaybaha jirka oo dhan. Galleyda waxaa laga helaa xadiid, fitamiin B iyo folic acid oo ka hortagga dhiig yarida.

Xak**aynta kolestaroolka:
Galleyda waxaa laga helaa maadooyinka fitamiin C, “carotenoids” iyo “bioflavonoids” kuwaas oo uroon caafimaadka wadnaha iyagoo xakameeya heerka kolestaroolka xun, islamarkaanaa kordhiya qulqulka dhiigga ee jirka.

Caafimaadka uurka:
Galleydu waxay muhiim u tahay hooyada uurka leh, maxaa yeelay waxay ka helaysaa maadada “Folic acid” oo hooyooyinka lagula dardaarmo inay cunaan markay uurka leeyihiin, waxayna muhiim u tahay korriimada uurjiifka, waxay ka ilaalisaa inuu ku dhasho miisaan yari iyo cillado kale. Si fiican u mayr galleyda, sidoo kale la tasho dhakhtarkaaga haddii aad isku aragto gacmaha iyo cagaha oo ku barara.

Ka hortagga kansarka:
Galleyda waxaa ku badan maadooyinka sunsaarista kuwaas oo xanniba shaqada xididada xorta ah (free radicals ee sababa cudurka kansarka. Waxaa kaloo galleyda ku jira maadooyinka “phenolic” iyo “ferulic acid” oo yareeya cabbirka burooyinka kansarka naasaha iyo kansarka beerka.

Caafimaad wadnaha:
Galleyda waxaa ku jira walxo la yiraahdo “phenolic phytochemicals” oo la dagaallama dhiig karka caafimaadka wadnahana xoojiya. Cunista galleydu waxay hoos u dhiigtaa halista cudurrada wadne qabadka iyo dhan-qallalka (stroke)

Xanuunka kala-goysyada:
Dadka waa wayn ee da’da ah ee ka cawda xanuunka kala-goysyada waxaa lagu taliyaa in si joogto ah loo siiyo galleyda maadaama ay xambaarsan tahay magnesium, iron, fitamiin B iyo barootiin.

Caafimaadka aragga:
Galleyda waxaa ku jirta maaddo la dhaho “beta-carotene” oo indhaha faa’ido ugu jirto oo kordhisa awoodda aragga. Maadadan Jirku wuxuu u bedelaa fitamiin A oo kordhiya awoodda aragga.

Dr Husni jarato

Cab liin bambeellmo aan wax biyo iyo sonkor ah aan lagu darin habeenkii inta aadan Seexan ka hor , liintu waxay isku dhe...
01/05/2024

Cab liin bambeellmo aan wax biyo iyo sonkor ah aan lagu darin habeenkii inta aadan Seexan ka hor , liintu waxay isku dheeli tartaa socodka dhiiga maskaxda, wadnaha iyo jirka intiisa kale , waxay kaloo ka qayb qaadataa inaad soo toosto adigoo caajis ama wax daal ah aan lahayn.

Sii share si ay uga faa,idaystaan asxaabta kale. # like & share it.


Dr Husni jarato

Xanuunka lagu qaado quraacda oo la daahiyo1. Infection  ama dhagax ku sameysma xameetida.2. Maskaxda oo yaraata ,hilmaan...
18/04/2024

Xanuunka lagu qaado quraacda oo la daahiyo

1. Infection ama dhagax ku sameysma xameetida.

2. Maskaxda oo yaraata ,hilmaansho badan iyo tayada Macdanta oo hoos u dhacda.

3.ugxansidayaas bidix ama midig ama labadaba inay ku samaysmaan burooyin

4. Dhacaamada qanjirada soo daayaan oo noqda kuwo aan dheelitirnayn marna kor ukaca marn hoos ukaca.

5.qanjirka thyroid inay kasoo baxaan burooyin ama infection inuu jirkaaga ka boxin.

6. Sokorta iyo dhiigkarka inay si fududkuugu
dhacaan, cagaarshowgana saaxiib kula noqdo

Share dheh si ay asxaabtaada uga faa,idaystaan.

Dr Husni jarato

Waxaa laga yaabaa ilmaha yar ee hada dhashay inaad ku aragtid inay bishimaha bararaan oo ay  biyo gashtaan ama toxob yee...
17/04/2024

Waxaa laga yaabaa ilmaha yar ee hada dhashay inaad ku aragtid inay bishimaha bararaan oo ay biyo gashtaan ama toxob yeelato bishinta.

Nabaraha noocaan waxaa lagu magacaabaa (sucking pad )waxayna ku dhici karaan ilmo walba oo dhasha, waxaana lagu arkaa ilmaha markay dhashaan xiliga ay naasnuujinta baranayaan.

Wax Qatar ahna malahan , in la daweeyana Uma baahna, ayagoo la daweyna iyaga iska bogsada asbuuc ama labo asbuuc gudihiis.

Share and like it, lawadaag asxaabta

Dr Husni jarato

5 tallo oo ku socota waalidiinta  Imisa jeer ayaa loo maydhaa ilmaha dhasha (new born) goorma ayaa la bilaabaa  maydhida...
16/04/2024

5 tallo oo ku socota waalidiinta
Imisa jeer ayaa loo maydhaa ilmaha dhasha (new born) goorma ayaa la bilaabaa maydhida, sidee loo ilaalinkaraa nadaafadiisa ?

1. Ilmaha dhashey si qabowga looga ilaaliyo looma maydho 24saac ugu horeysa
Ilmaha qoyaanka cad saaran marka uu soo dhasho oo loonayaqaan virnix waa qoyaan antibacteria leh oo natural moisturizer ah sidaa awgeed towel ama harqad ku qalaji

2. Wakhtiga ugu wanaagsan ee ilmaha loo bilaabo maydhitaanka waa asbuuca 2aad markii halkii madheerta laga Jaro ka qalasho ama biinka lagu dhajiyey ka dhaco inta ka horeysa ilmuhu maleh dhidid farabadan kaliya sponge qoyan am wpes ama towel qoyan ugu masax

3. Maalin kasta oo ilmaha loo maydho waa qalad 2 jeer ama 3 jeer todobaadkii way ku filan tahay

4 .meelaha ustaga fadhiisto waxaa ugaba badan meesha xafaayada lagu xidho iyo qoorta hoosteeda labadaas meelood marwalba nadaafadooda la soco

5.ilmaha inta aan dharka cusub loo galin waa in dharka la maydhaa oo biyo diiran lagu maydhaa lagana jaraa xariga ama calaamadaha dharka ku dhagan si looga hor tago (skin irritation) jir cun cun ama wax yaalaha allergy kicin kara.

Lawadaag asxaabta

Dr Husni jarato

Horta soomaalida yaa ku yiri halka xabo oo ukuntaa waxay udhigantaa 1 kilo oo hilib ah waxba k**a jiraan arintaas,Xabada...
15/04/2024

Horta soomaalida yaa ku yiri halka xabo oo ukuntaa waxay udhigantaa 1 kilo oo hilib ah waxba k**a jiraan arintaas,
Xabada ukuntaa umaba dhiganto 1killo oo hilib ah,
1 kg oo hilibka ah waxaa ku jira 21g oo protein ah halka xabo oo ukunta ah waxaa ku jira 6g oo protein ah.

Dr Husni jarato

Address

Jijiga

Telephone

+251915103717

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Husni jarato posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category