Abdulahi mahamud matan

Abdulahi mahamud matan ilaahay ayay mahadi u sugnaatay

10/09/2024

Isbadalada duruufihii h**e iyo da'yarta maanta

Waxaan qormadan ku yar iftiimin doonaa xaaladahii wax barasho ee h**e loosoo maray iyo mida hada.
Sidoo kale waxaan tilmaan ka bixin doonaa baahidii ay u qabeen xiligii h**e dhalinyaradu wax barashada iyo heerka ay hada marayaan dhalinta wakhtigan wax barata
Sidoo kale waxaan tilmaami doonaa technology yada iyo saamaynteeda taban ee ay ku yeelatay dhalin yarada

HORDHAC

Waxaan marka h**e u hambalyaynayaa ardayda 261 da arday ee keenay dhibco kasareeya 50%
Waxaana u rajaynayaa mustaqbal ifaya insha allaah

Sidoo kale waxaan rabaa in aan dardaaran yar siiyo ardayda aan keenin dhibco ku filan in ay ugudbaan waxbarashada jaamacadaha dalka waxaana leehay "habow waa lagu dal bartaa" wixii shalay idinka khaldanaa in uu maantana idinka sii khaldanaado waa dhaliil aad idinku yeelanaysaan marka arday kasta isagu ha is qiimeeyo hana go,aansado in uu isbadal dhab ah keeno insha allah ilaahayna hatalo saarto

Sida aan wada ognahay dunidan aynu kunoolahay heerarkeeda waxbarasho waxay soo mareen marxalado kala duwan kuwaas ayayna kamid ahayd mida dalka iyo deegaanku haba kala darnaadaane

1991 dii burburkii soomaaliya iyo isbadalkii itoobiya

Qoraalka oo dheer dartii qaybta labaad yaan halkaas kasiii wadi doonaa

Wixii aan taariikhda khaldo waa la iga sixi doonaa insha allaah

Muwaadin ka digtoonoow isticmaalka dawo uusan Doctor kuu qorin.Sidoo kale iska xaqiiji waxa aad gadanayso taariikhdiisa ...
29/06/2024

Muwaadin ka digtoonoow isticmaalka dawo uusan Doctor kuu qorin.
Sidoo kale iska xaqiiji waxa aad gadanayso taariikhdiisa si aad uga fogaato ama uga badbaado inaad iibsato shay dhacay

28/06/2024
28/06/2024

Waxaa la xaqiijiyay in la qabsiga dawada ee dulinada kala duwan sida bakteeriyada, fayrasyada, fangaska, iyo protozoa ay tahay dhibaato weyn oo caafimaad.
Cilmi-baadhisyo la sameeyay ayaa muujinaya in sanad walba dunida ay u dhintaan ilaa 5 milyan oo qof sababo la xiriira la qabsiga dawada.
Dhimashada ka dhalata xanuunada bakteeriyada ayaa gaadhaysa 7.7 milyan oo qof sanadkii, taas oo muujinaysa in labada dhibaato ay aad isugu dhow yihiin.

Muwaadin, waa muhiim inaad ka digtoonaato isticmaalka dawo aan laguu qorin. Sidoo kale, ku dadaal inaad u isticmaasho dawada laguu qoray qaabka ugu habboon ee uu kuu sheegay dhakhtarkaaga.
Tani waxay kaa caawinaysaa inaad iska ilaaliso la qabsiga dawada iyo inaad si hufan u daaweyso xanuunkaaga.

28/06/2024

Waxaa lacadaynayaa in la qabsiga dawada ee dulinada kala duwan sida bakteeriyada, fayrasyada, fangaska, iyo protozoa ay tahay dhibaato weyn oo caafimaad.
Cilmi-baadhisyo la sameeyay ayaa muujinaya in sanad walba dunida ay u dhintaan ilaa 5 milyan oo qof sababo la xiriira la qabsiga dawada.
Dhimashada ka dhalata xanuunada bakteeriyada ayaa gaadhaysa 7.7 milyan oo qof sanadkii, taas oo muujinaysa in labada dhibaato ay aad isugu dhow yihiin.

Muwaadin, waa muhiim inaad ka digtoonaato isticmaalka dawo aan laguu qorin. Sidoo kale, ku dadaal inaad u isticmaasho dawada laguu qoray qaabka ugu habboon ee uu kuu sheegay dhakhtarkaaga.
Tani waxay kaa caawinaysaa inaad iska ilaaliso la qabsiga dawada iyo inaad si hufan u daaweyso xanuunkaaga.

27/05/2024

.
.

Digniin kasoo baxday, Wakaalada dabagalka cunada iyo daawooyinka dalka ee loo yaqaan EFDA.

Waxaa dalka itoobiya laga mamnuucay daawada loo yaqaan Ranitidine iyo dhamaan daawooyinka ay ku jirikarto daawadan Ranitidine ( ranititidine containing products).

Daawadan ayaa laga helay maado aan nadiif ahayn oo loo yaqaan N-nitrosodimethylamine(NDMA). Maadaddan ayaa cilmi baadhistu sheegaysa in ay ku sababikarto bini aadamka kansar.

Hadaba waxaa xafiiska Caafimaadka DDS oo soo xiganaya Go'aanka waakalada EFDA uu gudbinayaa fariintan.

1. In Xirfadlayaasha caafimaadku aysan u qorin bukaanada daawadan Ranitidine.

2. In xirfadlayaasha farmasiyada jooga ay celiyaan cid kaste oo wadata warqad ay ku qorantahay daawadan Ranitidine sidoo kale ay xirfadlaha soo qora u sheegaan halista daawadan iyo in la mamnuucay.

3. In dhamaan goobaha caafimaadka dawliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay laga isticmaali karin daawadan.

Mahadsanidin.
27May,2024.

14/05/2024

Waxaa maanta madasha shirarka ee xafiiska caafimaadka DDS ka qabsoomay shir ay soo agaasintay wakaalada maamulka iyo dabagalka cunnada dawoyinka iyo adeega caafimaadka oo kashanaysa wasaarada caafimadka ee heer federal.

Shirkan ayaa lagu qiimaynayay waxqabadkii laga qabtay barnaamijkan dhamaystirka diwangalinta casriga ah ee looyaqano ( MFR) ee xarumaha caafimadka ee gaarka loo leyahay iyo kuwa dawligga- ahba.

Madasha ayaa lagu soo jeediyay halka ay marayan iyo sidii loo dhamaystiri lahaa looguna soo xidhi laha aalada GBS-ka xarumaha hadhsan.

Waxaana gaba gabadii la isla qaatay in la dardar galiyo hawlaha Hortabinta u leh shaqada wakaalada gaar ahaan barnaamijka diiwaan galinta casriga ah ee loo yaqaano MFR ka

26/03/2024

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ‎.😢😢
"Inalilahi wainalilahi rajiun" allah unaxariisto waa geeri tiranyo leh,
Allah unaxariisto Abti Saleeye macalin yusuf oo hada Godey ku geeriyoday su,asha qabriga alle ha ufududeyo marti lasodhaweyana alle hakadhigo
dhaman ehelka iyo qarabadana samir iyo imaan jamiil ah alle haku arzaqo

Alahuma amiin..

12/02/2024

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Godey looga daah furay dhismaha qaybta adeega macaamiisha ee sugista duulimaadyada ee Ugaas Mirad Airport ( Terminal of Ugaas Mirad Airport, Gode).
Mahad Allah bay u sugnaatay suuragaliyay dhismahan & adeega casriga ah. Waxaa bogaadin mudan hogaaminta Dawlada Federaalka, Dawlad Deegaanka Soomaalida, maamulka Gobolka Shabelle , maamulka Magaalada Godey, iyo dhamaan qaybaha bulshada dadaalka ay galiyeen in mashruucan u qabsoomo sidan quruxdq badan.

Hambalyowll Ifraax Maxamed Muuse adiga iyo saygaaga alle ha idin barakeeyo reer khayr qabana alle ha idiinka dhigo dhism...
10/12/2023

Hambalyo

wll Ifraax Maxamed Muuse adiga iyo saygaaga alle ha idin barakeeyo reer khayr qabana alle ha idiinka dhigo dhismaha reerkan aad wada yagleesheen.

Aamiin Aamiin Aamiin

Address

Jijiga

Telephone

+251939567188

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdulahi mahamud matan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram