11/07/2022
CAJIIB, GANACSIGU XOOG MAAHEE WAA XEELAD!
Nin Barafasoor ah oo ardadiisa u sharraxaya Suuq-geynta(Marketing) isaga oo tusaale uga dhigaya arrimo ay fahmi karaan.
1. Adiga oo ku sugan meel ay xaflad ka socoto waxaad aragtay gabadh qurux iyo jamaalba loo dhammaystiray, xaggeeda ayaad u ruqaansatay waxaad ku tiri: "Een.... Anigu hantiile ayaan ahay aan ku arooso" Taasi waxaa loo yaqaanaa Suuq-geyn toos ah (Dirct marketing).
2. Gabadh qurxoon ayaad ku aragtay meel xaflad ay ka socoto , waxaad u dirtay mid kamid ah saaxibadaada, isagiina adiga ayuu ku soo tilmaamay, wuxuu ku yiri: " Ninkaas waa hantiile ee iska guurso" Taasi waxaa loo yaqaanaa Xayeysiin ( Advertising).
3. Adigoo meel iska fadhiya ayaa gabadh kuu timid, markaasay tiri: Een waxaa tahay hantiile ah oo Eebbe Lacag siiyay, bal ka warran haddaan aqal galno? Taasi waxaa la yiraahdaa Aqoonsi ganacsi (Brand recognition).
4. Waxaad ku tiri: Waxaan ahay nin Lacag leh ee aan ku guursado, kolkaasay bahal dharbaaxsho ah kugu dhufatay, Taasi waxaa loo yaqaanaa Jawaab-celinta macaamiisha (Customer feedback).
5. Gabadh qurxoon ayaad la kulantay, adigoon waxba dhihin baa nin ordaya kaaga hormaray, kolkaasuu ku yiri: Waxaan ahay hantiile ee aan ku guursado, Taasi waxaa la yiraahdaa Tartan ganacsi ( Business competition).
6. Waxaad u soo bandhigtay guur, iyadiina waxay ku bartay ninkeeda oo meesha joogay, Taasi waa farqiga u dhaxeeya Dalab, iyo bandhigid ( Supply and demand gap).
7. Adiga oo la taagan oo aan waxba dhihin ayaa xaaskaaga meesha kuugu timid..Taasina waa caqabadaha kaa hortaagan inaad suuq cusub u hesho ganacsigaaga.
Ardayda baranaysa ama ka baxday kulliyada dhaqaalaha iyo culuumta maamulka(Economic and management science) si gaar ah ayaan u salaamayaa.😊
Sannadahan soo socda jaamacadaha waxaa loo baahnaan doonaa macallimiin update ah si wax loo baro ardayda wada update ah, haddii kale kulliyadaha qaar waxay noqon doonaan gabay aan hadda kahor arkay.
Xigasho:- Mahamed Jama Ismail.