Dr Maajid

Dr Maajid Dhakhtar Soomaaliyeed oo si Tabarucaad ah
ugu shaqeeya bulshada somaliyeed,
siiyana talooyin iyo fi

๐…๐€๐€โ€™๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ ๐„๐„ ๐ˆ๐ƒ๐€๐‡๐€Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, wax...
26/02/2024

๐…๐€๐€โ€™๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ ๐„๐„ ๐ˆ๐ƒ๐€๐‡๐€

Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, waxaana ka mid ah:

1- Bakteeriyada caloosha.
2- Hargabka iyo ifilada.
3- Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka.
4- Baxnaaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka.
5- Xanuunka shoqosha ama idiinyada.
6- Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno "Sciatica"
7- Xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda.
8- Gaas calooleedka, nooca "Ulcer" ka ah.
9- Dilanka haweenka.
10- Korriimo la'aanta caruurta.

Waxay kaloo soomaalida sheegtaa in raganimada uu xoojiyo iyo in difaaca jirka sare u qaado oo wixii jirka lid ku ah aysan si sahlan wax u gaarsiinin sida in qofka ay qaban wayso daawada suuxdinta iyo wixii la mid ah.

๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐จ ๐ข๐ง ๐’๐ฎ๐›๐š๐ ๐š ๐ˆ๐๐š๐ก๐š ๐ฎ๐ฎ ๐๐š๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐จ ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐š๐๐š๐š๐ฌ ๐ค๐จ๐ซ ๐š๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒ?

Marka h**e Subaga Idaha ee laga shiilay barida inuu daawo yahay waxaa noo sheegay rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee,

waxaana jiro xadiith ka hadlayo sida loogu daaweeyo xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco oo dad badani ka sheegtaan,

Xadiithkaas waxuu ku shardiyay in subaga idaha uu wax ka taro xanuunkaan in idahaas la daajiyay cows dabiici ah oo banaanka la daajiyay oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay, waxaa kaloo shardi looga dhigay in markii daawayn loo isticmaalayo in caloosha oo faaruq ah la isticmaalo weliba subaxii h**e.

Sababta labadaas shardi iyo faa'idada Subagga u leeyahay xanuunkaan waxaa la ogaaday mar dhaw, cilmibaarayaal u dhashay dalka Australia ayaa waxay qoreen research ay kaga hadlayaan arrimahaan soo socdo:

1- Barida wanka ama idaha waa sida kuruska geela oo kale waxaa lagu keediyaa wixii nafaqo ah oo hadhow xilliyada abaarta ah uu ka faa'idaysto xayawaanka inuu jirkiisa ku nafciyo, sidaas awgeed xoolaha wixii la siiyo ayay keedsadaan, haddii geedo dabiici ah uu daaqo oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay ama aan la daajin meelo wasakh ah ama magaalada aanan lagu korin, faaidadiisa way ka badan tahay midka lagu soo koriyaya waxyaabaha aan dabiiciga ahayn.

2- Midda kale sida la wada ogyahay subaga xoolaha waxaa loo qeybiyaa laba nooc, nooc waxaa la yiraahdaa jirka dhibaato ayuu u leeyahay waa nooca Kolestaroolka keeno oo la dhaho "Saturated Fat", noocne waxaa la yiraahdaa faa'ido ayuu leeyahay oo waxaa loo yaqaanaa "unsaturated fat", sidaa awgeed haddii idaha la daajiyo dhul nadiif ah oo dabiici ah, subaga laga heli karo barida wuxuu noqonaa mid si dabiici ah ku yimid waana "Unsaturated Fat", waxaana subagaan ku jirto maado la yiraahdo "OMEGA".

Maadadaan waaye waxa jirka faa'ido uu ka helo oo inta kor ku xusan iyo ka badanba waa laga helaa.

Haddii marka la cuno ama la cabo subagga idaha caloosha oo cunto ku jirto ama lala cuno cunno kale oo dufan leh, waxay ka hortagi kartaa in jirka uu ka faa'ideesto, waana sababta keentay in markii la isku daaweynaayo in subaxii h**e la isticmaalo, laakiin markii lagu daweynaayo xanuunada kale ee jirka la marinayo kuma xirno caloosha in ay faaruq ahaato.

Maadaama dagaal culus lagu hayay wax kastoo dufan ah iyadoo laga cabsi qabo cudurka Kolestaroolka, laakiin iyadane waa muhiim in la kala ogaado subaga khatarta ah iyo midka faa'idada leh, waana muhiim in la ogaado subag la'aan jirka ma shaqayn karo oo waa u muhiim, sidaas awgeed in aad dooratid midka faa'idada leh ama aad badsatid cunnada laga helo waa lagama maarmaan.

Xanuunada kor ku xusan oo ay soomaalida ku daaweyso subagaan, qaar ka mid ah waa wax cilmibaaris lagu arkay, qaarne waa wax khibrad iyo aragti lagu arkay. Mana ahan soomaalida kailya dadka isticmaala Subaga Idaha, subaga ugu caafimaadka badan ee la isku daaweeyo waa nooca madaxa madow oo barida weyn leh, seenta gaaban leh, waana wananka u badan dhulkeena.

Waxaa cajiib ah in cilmibaarayaasha sheegaan in subaga idaha uu daawo u yahay wadna xanuunka iyo dufanka xididada wadnaha fadhiisato.

Waxa kale oo la xaqiijiyay waxaa ka mid ah ku daaweynta cilladaha ku dhaco laabatooyinka ama kalabaxyada shanqarta ka yeerto kuwaas oo ay keenaan Roomaatisamka, Tufta / Riixa.

Waxaa kaloo la xaqiijiyay in lagu daaweeyo xanuunka Sciatica oo aan kor uga soo hadlay oo lagu tiriyo xanuuanda aan kaalmaati waxaan ahayn loo haynin, wayna jiraan takhaatiir ku daaweyso oo ku nool dalka Yemen, Sacuudiga iyo Iraq.

Waxaa kaloo iyadane la arkay in dadka qabo xanuunka gaaska ee "Peptic Ulcer" oo aysan keenin bakteeriyada "H.Pylori" iyagane in lagu daaweeyo oo la arkay in boogta caloosha ay si dhakhso ah ku raysato.

Sidaas awgeed waxaan ku soo gabagabaynayaa jawaabtayda in Subaga Idaha oo la isku daaweeyo in uu ka mid yahay talooyinka caafimaad ee rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu noo reebay, waana arrin sanooyin badan la soo isticmaali jiray, waxaana isa soo taraya cilmibaarisyada taageersan isku daaweynta Subaga Idaha.

Qaabka loo diyaariyo subaga ayaa ah in barida markii la shiilo, laga sooco subaga cad ee soo hara waana midka la isku daaweeyo siyaabaha la isugu daaweeyane waa in la cabo ama la marsado ama cunnada lagu darsado.

Haddii aad heli karto Wan jabsaday oo baadiye lagu soo koriyay, waxaad ka dareemi kartaa isbadal caafimaad adigoo isbadal ka dareemo dheecaanada jirkaaga sida dhididka, candhuufta iyo kaadida adigoo dareema carafta subaga idaha.

๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ-๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ต oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.
W/Q: somali doc

KANIINIGA JUGTA CULUS Wax ka ogow kiniinka la hadal hayo ee feegada ( vi**ra). Dawada magaceedu kor ku xusan yahay, oo a...
17/07/2022

KANIINIGA JUGTA CULUS

Wax ka ogow kiniinka la hadal hayo ee feegada ( vi**ra).

Dawada magaceedu kor ku xusan yahay, oo ah dawo caan ka ah soomaliya ama caalamkaba ayaan jeclaystay in aan idinla wadaago wax tarkeeda,iyo waxyeeladeeda intaba:-

maxay tahay vi**ra?

waa dawo ka tirsan dawooyinka la yiraahdo ( phosphodiesterase type 5 (PDE5) inhibitors), kuwaas oo kolka qofku qaato gaar ahaan ragga, keenta in xubinta taranka dhiig badan hesho,kadibna xubintu shaqadii ey gabtay qabsan karto.

maxay halis keeni kartaa?

dawadaan halista ey keeni karto waxaa ka mid ah,maadama qofku isagoo aan aqoon u'lahayn uu inta iska soo gato hadana cuno,waxaa dhici karta in uu cuno xaddi ka badan intii qofku cuni karey,saasna uu ugu xanuunsado,gaar ahaan waxay si toos ah hoos ugu dhigtaa cadaadiska dhiiga, taas oo sababta xaalad aan la mahadin, waa haddii aan lala tacaalin xilliga ku'haboon.

Mallaga maarmi karaa,mase jiraan waxyaalo kale oo loo isticmaalo?

Dawadaan waxaa loo isticmaalaa xanuunada wadnaha ku dhaca qaar ka mid ah oo la yiraahdo pulmonary hypertension,saas awgeed ma ahan dawo laga maarmi karo ama la oran karo waddan dhan hallaga mamnuuco.

Haddaba inta laga helaayo sharci caafimaad oo xakamaynaya in aan dawooyinka qaar oo vi**ra ka mid tahay qoraal dhakhtar la aan la iibinayo waxaa markasta jireysa in halisteedu badato,iyada keli ah ma ahan ee waxaa jira dawooyin la isku maandooriyo oo iyagana si caadi ah farmashiyada loogu iibiyo.

Talo soo jeedin: fadlan ha isticmaalin dawooyinkaan adoon laguu qorin, ogowna in ey dhici karto hadaad dhakhtar la kaashato in xaalkaagu ka sahlan yahay in aad qaadato kiniinkaan.

Fadlan faafi xogtaan si uu qof aan ogeyni isaga ilaaliyo mahadsanid.
W/q zarqaawi

Ramadan kareem
01/04/2022

Ramadan kareem

Waxaa hubaal aha lana xaqiijiyay in soonku leeyahay faโ€™idooyin badan oo caafimaad  islamarkaana inu soonku kubciyo caafi...
14/04/2021

Waxaa hubaal aha lana xaqiijiyay in soonku leeyahay faโ€™idooyin badan oo caafimaad islamarkaana inu soonku kubciyo caafimaadka jidhka iyo maskaxdaba.
Sido kale waxay dad badani lakulmaan xanuuno xiliga soonka taasoy sababtay qaab dhaqmeedka nolashooda
Hadaba maanta waxaan eegayna :-



Dad badan ayaa waxay dareemaan madax xanuun xilliga soonka khaasatan galabihi iyo xilliga afurka, waxaa la isku waafaqsan yahay in madax xanuunkaan ay sabab u yihiin 3 shay oo kala duwan oo aan mid mid uga hadli doono.

* : Gaajada awgeed waxaa hoos u dhaca Sokorta dhiigga waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Hypoglycemia" waa sababta ugu wayn ee keento madax xanuunka weliba markuu afurka soo dhaw yahay, dadka badanaa dareemo madax xanuunkaan horay uma lahan taariikh madax xanuun, waana arrin dabiici ah in jirka markii ay sokorta ku yaraato uu qofka madax xanuun dareemo, waxaa badanaa loo aanaynayaa cunanda aad ku saxuuratay, hadduu qofka ku saxuurtay cunno ku badan tahay sokorta ama ka samaysan carbohydrate sida , , ama wax bur cad laga sameeyay,

sokorta kor ayay u kacdaa, laakiin markii duhurradii la gaaro sokortii hal mar ayay hadane hoos u soo dhacdaa oo madax xanuunka qaabkaas ayuu ku yimaadaa, sidaas awgeed waxaad kaga hortagi kartaa in aad ku saxuuratid cunno aan sokor lagu darin ama cunno aanan ku badnayn carbohydrate-ka, ku saxuuro soor ka samaysan ama ama cab aan sokor lagu darin.

* /Haraadka: waa arrin kale oo iyadane madax xanuunka keento, qofka bini'aadanka boqolkiiba 75% jirkiisa wuxuu ka samaysan yahay biyo, haddii jirka biyuhu ku yaraadaan ama haraad la dareemo, wax badan ayaa is badala, marka haddii maskaxda ay dareento in biyuhu jirka ku yaraadeen ama qulqulka dhiigga ee maskaxda gaarayo uu gaabiyo waxaa la soo daayaa dheecaanno xididada cadaadiyo si socodka dhiigga loo badiyo, kilyahane ay kaadida u joojiyaan,

dheecaannada howshaas u qaabilsan ayaa waxay keenaan madax xanuun, waxaa lagula taliyaa dadka sababtaan darteed madaxa u xanuuna inay ka fogaadaan cunista ama cabista cunnooyinka kaadida badiya xilliga saxuurta, waana inay iska ilaaliyaan inay ku shaqeeyaan qoraxda ama qabtaan howl culus oo keeni karta inuu qofka aad u dhidido, sokortane ay hoos u dhacdo, dadka badanaa nasto ama hurdo xilliga soonka lama kulmaan madax xanuunkaan, waxaa kaloo muhiim ah in aad biyo badan cabtid xilliga saxuurta, madax xanuunkaan ma lahan waqti go'an, barqadii iyo duhurtiiba waad dareemi kartaa.

* : waa sababta sadaxaad ee keenta madax xanuunka bisha Ramadaan, waxayna ku badan tahay dadka horay u cabi jiray kaffeyga ama qaxwada, madax xanuunka la dareemane waxaa loo yaqaanaa " " oo ah macnaheeda madax xanuunka yimaado markii kaffayga la waayo, dadkaan waxaa lagula taliyaa in labada usbuuc ee ka horayso bisha ramadaan inay kaffayga ama qaxwada ka fogaadaan, haddii ay taasi suuro gali waydane waxaa lagula taliyaa inay xilliga saxuurta ay koob kaffey ah cabaan si maalintaas uusan madax xanuun u qaban.

Sido kale waxaa keena madax xanuunka balwadaha ay kamid yihiin , iwm iyana waxaa wanaagsan in gabi ahaanba lajoojiyo iyado laga faโ€™idaysanayo bisha ramadaan waayo iyagu waa madax xanuun joogta aha soon iyo soon laโ€™anba
Hadduu madax xanuunkaaga sii socdo ramadaanka ka dib waa in aad dhakhtar la xiriirtaa.
Wallahu Aclam

โœ Mubarak Yousuf

Dr Maajid

15/03/2021

SANBOORKA AMA ELERJIGA ADIGOO XAAFADAADA JOOGA ISKA DAAWEE.

sanboorka waxa uu yimaada marka jirkaada ay soo galaan waxyaalo dibadda kaaga yimaadey sida boorka,cuntada ama dhaska.
Marka ay jirkaada soo galaan walxahaan waxay ayna toos u tagayaan unug la yiraahdo mast cell kadib isga ayaa falcelin soo diraya unugaas.

Hadii aad leedahay Sanboorka ama allerjiga marka unugaas ay gaaraan walxihii sanboorka keenayey wuxuu unugaa udiriyaaa unugyada kale ee u dhaw digniino badan si loo soo saaro Maadada Histaminta la yiraahdo ee sababta dhamaan calaamadaha Sanboorka ee ay ugu h**eeyaan

-Hindhisada
-Jir cun cunka barara
-ilin faro badan oo kulul in ay kaa timaadom
-Duuf khafiif ah oo kulul in uu ka socdo.
-Dhaga cun cun saaid .
-Naqaska oo ku dhaga qofka mar marka qaar.

Marka si loo daaweeyo ama looga hortago xanuunkaan waxaa loo baahnaanayaa Maadadaas Histaminta layiraahdo unugyada soo sii deynaya in la xir-xiro si aysan usoo sii deyn.
Si sidaas loo sameeyo waxaa loo baahnaanayaa ANTIHISTAMINE oo ah maadadii xir-xiri lahayd unugyada soo deynaya histamiinta.

Marka waxaan idinku baraya charkaan adinka oo aanan wax daawo ah qaadan in gurigiina aad ka dhex heshaan maadadaan AntiHistaminta la yiraahdo ee ka hortageysa in lasoo saaro Histamiintii sababeysey Sanboorka iyo elerjigii.

1= SANJABIISHA

Sanjabiisha waxa ay qani ku tahay Antihistamin oo awood u leh in ay xir-xirto unugyada Soo saaraya Histaminta.

Ku isticmaal sanjabiisha in aad shaah kulul ku darsato dabadeed aad cabto ama caadi aad u ruugto oo aad cunto maalin walba.

2= TOONTA

Toontu waxay hormarisa difaaca jirka sidoo kale waxa ay koontaroosha elerjiga waxayna daawo utahay caabuqyada kala duwan,madax xanuunka iyo Hindhissada.

Xoogaa toon ah iyo caano isla kululeyso kadib cab maalin walba inta aad ka caafimadeyso.

3= TUFAAXA.

Waxaa ku jirta maadadii antihistaminta ahayd ee aynu u baahneen si aynu u xir-xirno meelaha laga soo deynayey Histamiintii Sanboorka ama Elergiga sababeysey.wuxuuna daawo rasmi ah u yahay duufka,hindhisada,cun-cunka sanka iyo madax xanuunka waxa uuna kobciyaa difaaca jirka.

Shiido tufaaxa kadib biyo diiran ku qaso markaas kadib cab,
Sidoo kale waxaad ku sii qasan kartaa qaado Malab ah iyo in aad liin ku miirato markaas kadib cab ilaa intii ayaan ah oo aad ka bogsaneyso.

TALLO

Daawada ugu muhiimsan ee Sanboorka waa in aad ka dheerataa wax walba oo kugu kiciya Sanboorka,
qof walba waxbaa ku kiciya qof Ukunta ayaa ku kicisa,qof digirta,qof kaluunka, dadka qayb badan oo kamid ahna waxa ku kiciya boorka ama dhaska dadka qaybna qaboowga ayaa ku kiciya
Marka ka dheeroow wax walba oo adiga kugu kicin kara.

U gareeya walaalihiin ugana yeera halkaan qof la dhibtooda sanboorka si ay uga faaiideystaan daawadaan iyo Tallo soo jeedintaan.

Wixii su'aalaha oo khaas ah qofkii qaba qaybta fariimaha khaaska ah ha iga soo waydiiyo.

Mahadsanidiin.

W/Q Dr Mohamed Amen

Qormo u qaas ah gabdhaha๐ŸŒน๐ŸŒนVIRGINITY ( Waa maxay Bikro)(A social Awareness message)(Fariiin wacyi galin bulsheeed)Shaly w...
28/01/2021

Qormo u qaas ah gabdhaha๐ŸŒน๐ŸŒน

VIRGINITY ( Waa maxay Bikro)
(A social Awareness message)
(Fariiin wacyi galin bulsheeed)

Shaly waxaa qof dumar ah wax iga weydiisay waxa ey tahy bikrado ..
Dad badan ayaaa jecel iney wax ka ogaaadaan xladaan oo bulshada dhaxdeeda lagu kala fikir duwanyahay..
Ma waajib baa in gabar walba dhiig ka yimaado galmada ugu h**eyso.

Dad badan ayaa arinkaan aminsan in dhiig yimaado xiliga kowaad ee arooska kadib cadeyn iyo marqaati u yahy bikranimada
Maya sidaaa maaha waa fikir qaldan?
Dhiiga yimaado kulanka koobaad ma go aamin dooono bikira nimadaaada
Qoralkaan ayaad wax badan uga ogaan doontaa xlda saxda ah si aaan dhalinyarada u dareensiino gabdho iyo wiilalba waxa saxda ah eey tahy bikardo iyo sida dadka kale u fahmaan
Maxey san Inta badan dumarku u dhiigin xiliga koowaad ee galmada..

Kala duwnaashaha dhaqanka ee shucuubaha aduunka ayeey qolaba fikrad gooni ah ka qabaaan arkina bikranimada.
Waxaa jira dhaqamo caan ka ah wadamada india Pakistan Bangladesh iyo afrika ku waaasi oo aminsan in dhiiiga galmada koowaad yahay cadeynta bikranimda blase fikirkaas ayaa ah mid gabi ahaanba qaldan .
Aaan isla fahno waxa laga wado bikro..
Bikrado waa xuub yar oo qafiif ah kaasi oo ku daahaaran daloolka xubinta dumarka kaasi oo aanan gabi ahaan si dhameestiran u daahrin xubinta guud ahaanteeed.
dumarka ayaa ku kala duwan qaabka iyo shakliga xuubka bikrada..

Sida dumarka guud ahaan ugu kala duwanyihiin dhirika culeeska iyo midabka ayey si la mid ah ugu kala duwanyihiin xuubka bikrada.
Dumarka qaar ayaa leh xuub bikro oo adag
Dumarka qaaar ayaaa leh xuub bikro oo jilacan
qaar aya gabi ahaanba lahyn wax xuub bikro ah
Qaaar ayaa leh xuub weyn oo wada daboola duleeelka xubinta oo dhan
Qaar ayaa leh xuub yar oo qeyb kali ah ka daboola daloolaka xubinta.

Xuubka bikrada ayaa sii dhamaada oo baa ba'o
Makrii da'da gabadho sii weynaato.
Sidoo kale ciyaarha kala duwan sida kuwa hidaha iyo dhaqanka ka sida ka boodida aroosyada wadida baaskiilka iyo fuulida faras wiifoowga ayaa iyina gabi ahaanb keenta in xuubkaan qafiifka ah aaad si fudud ku weyso.
Gabdhu ma dhiigto hadii eysan gabi ahaanba u dhalan xuubka bikrada.

ama gabar leh xuub yar oo qafiif ah
Sido kale xuubkan aya inta badan ka dilaaco gabdha markii ey weynaadaan si iskiis ah isaga baabao guuud ahaanba.
70% dumarku ma dhiigaan xiliga koowaad ee galmada sida ow qoray joornalk British Medical Journal xuubka bikrda ayaa iskiisa u dilaaca 16 jir markaay tahy gabdho.
Waxaana adag in xuub bikro laga helo gabar ka weyn 25 sano.
Dumarka qaaar ayaa dhiigo aygaoon laheyn wax xuub ah sababo la xariiro seygeeda oo si awood iyo cadaadis ah u dhex jeexo daloolka kaasi oo ugu danbeyn keenta dhiig ka yimaada daribiyada xubinta kaasi oo sababa xanuun daran iyo in gabdho dhibaato kala kulanto bisheedii malabk

Dumarka aan dhiigin xiligooda koowaad ayaa la kulmo cadaadis iyo ehaano kaga imaato ninka iyo reerkiisa taasi oo ah dhaqan xun oo aanan sharciga meel kaga aaalin ugu danbeyna sababta in gabdhii nolosha lagu cidleeyo.

Dadka wax bartay waxaa muhiim ah iney ogaadaan in gabdhuhu dhamaantood dhiigin xiligeeda koowaad kaliya kuwa leh xuubk adag ayaa dhiigo sido kalee qaar ayaanba u dhalan.

Arinka hada anga dhan noogala bahanyhay ayaa ah in aan ka wacyi galino bulshadeena dhibaatada laga dhaxlo fikradaha qaldan iyo caadooyin in mudo ah ku dhax baahsanaa bulshada inteeda aan aqoon badan laheyn
go aan yar oo qaldan ayaa ku reebi karo hooyada sharafta leh eee barito dhibaaato maskaxeed iyo mid jirahaaneed oo aafo ku noqdo nolosheeeda danbe ..

Lawadaag asxaabtaada mid iyo labo siina gaarsii

Dr-Ahmad fartaag
Dr- salaad

Dr Maajid

28/01/2021

HALIS AADAN OGEYN!

Dadka quraacda ka taga oo la cadeeyey in ay qatar ugu jiraan in ay ku dhacaan xanuunada Wadnaha iyo maskaxda

cilmi baaristaan oo lagu daabacay
"Journal of the American College of Cardiology"

ayaa sheegtey dadka aan quraacan 87% in ay khatar ugu jiraan xanuunada wadnaha iyo faaluga oo ah dhiiga maskaxda ku furma,
2016 warbixin ay Hay'adda Caafimaadka ay daabacdey ayey ku sheegtey in 15 milyan oo qof u dhinteen xanuunadaan gudaha marerkanka,

quraacda waa cuntada ugu muhiimsan ee qofka bini aadamka ah uu u baahanyahay si ay maskaxdiisu ay si caafimaad leh ugu shaqayso ee fadlan haka tagin quraacda hada kadib.

halkaan ugu wac qof quraacda ka taga una sheeg in uu khatar ku jiro xanuunada wadnaha iyo maskaxda una SHARE garee asxaabtaada.
Mid iyo laba

Dr Maajid

SHARE

28/12/2020

WAX KA BARRO CAGO-OLOLKA/HURKA

Caga hurka waa in la dareemo in lugaha ay ku ololayaan ama ku balbalayaan waana sheegasho aad ugu badan soomaalida khaas ahaan dumarka.
Haween badan ayaa lugaha ku qaboojisto in ay baaf lugaha la galaan, darbiyada ama mutuleelka cagaha saarsaaro ama cillaan ku qaboojiyo.

Sidaa awgeed waa su'aal weydiin mudanee, talow maxaa keenay cagaha hurka noocaas ah?

Caga hurka wuxuu calaamad u noqdaa cudurro aad u badan, laakiin asbaabta soomaalida ugu badan ee u keeno way kaga duwan yihiin umadaha kale.

Caalamka kale waxa ugu badan oo keena waa cillad ka timaada xagga neerfaha dareenka siiya cagaha iyo lugaha, haddii cillad dhabarka qofka ka gaarto oo dhaawacda neerfaha ama qofka jug ka gaarto ama cadaadis neerfaha lugaha saarmo sida in qofka uu xirto kabo ku dhaggan waxay keenaan kuleel iyo balbal markii qofka socod dheer galo ama markuu kabaha iska siibo.

Midda xigta waa haddii cillad ay ka jirto xididada dhiigga siiya lugaha haddii qulqulkooda uu hooseeyo ama ciriiri ay noqdaan taasoo ka timaada dhibaato xannibaysa isku socodka dhiigga sida dufan ama xinjir fadhiisato ama xididka oo jirrado laftirkiisaba.

Midda sadaxaad waa haddii cagaha ay ku bararaan taasoo keenaysa in ay ku huraan, waxayna u badan tahay cilladaan dadka qaba dhiig-karka, howlgabka wadnaha ama kilyaha, midaan daawadeeda waa in bararka lugaha laga dajiyo si kuleelka kuu daayo.

Midda afaraad waa haddii qofka uu qabo cudur dhaawici kara neerfaha lugaha sida sonkorowga oo kale, tanna daawadiisa waa in sonkortaada ay kontroolan tahay oo daawada aad qaadatid ay kugu filan tahay, takhtarka wuxuu kuugu dari doonaa daawo neerfaha sonkorwga dhaawac gaarsiiyay loogu talagalay, caga hurka sonkorowga waxaa la socdo calaamado dheeraad ah sida kabaabyo lugaha, xadxato, in lugaha wax kaaga socdaan oo kale.

Midda ugu dambayso waa cabidda khamriga oo ka mid ah, asbaabaha ugu badan ee dhaawac gaarsiiya neerfaha addimaha khaas ahaan lugaha, tanoo ay ka cabtaan dad badan oo caba khamriga.

Soomaalida maxaa u keeno caga hurka?
Haddii aan soomaalida u soo laabto waxa ugu badan oo u keeno xanuunkaan waa 4 waxyaabood:

1- Fitamiin yarida khaas ahaan Vitamin B-ga noocyadiisa kala duwan ee kala ah Vitamin B1, B2, B3, B5, B6, B7, B9, B12 waxayna kulligood ka qeyb qaataan ilaalinta iyo kobcidda neerfaha waxaana badanaa laga dareemaa dhibaatadooda cagaha.
Soomaalida laguma tiriyo umadaha cunnada dheellitiran cuna, cunnadeena waxay u badan tahay carbohydrates-ka (bariis, baasto iyo canjeero) iyo protein-nada (hilibka, ukunta iyo kalluunka).
Way nagu yartahay cunidda waxyaabaha laga helo fitamiinnada iyo macaadinta kale oo jirka muhiimka u ah (sida khudaarta iyo fruits-ka).
Fitamiinnada kor ku xusan oo isku samaysan oo loo yaqaanno "Vitamin B Complex" ayaa jiro oo aad qaadan kartaa iyadoo kaniini ah, qaabka aad u qaadan kartidne kala tasho takhtarkaaga.
Haddii aad tahay qof awooda inuu cunnooyinka laga helo fitamiinnadaan heli kara ama daawada aan jeclayn waxaad ka arki kartaa sawirkaan hoose meelaha laga helo.

2- Gaastirikada ama gaaska waa midda labaad ee ugu badan ee caga hurka u keeno soomaalida, inkastoo uusan caga-hur kaliya aanan gaaska lagu aqoonin wuxaa la socdo hur calaacalaha ama sacabada ah iyo calaamado kale oo lagu yaqaano.

3- Midda sadaxaad waa xanuunka loo yaqaanno "Hypothyroidism-ka" oo ku badan haweenkeenna, waxaan kula talin lahaa qof walba oo haween ah da'deedane ka sarrayso 30 sano in ay iska baarto,l

4- Midda afaraad, waxay la xiriirtaa cayilka, qofka cayilan waxauu si sahlan u dhaawici karaa seedaha cagahiisa taasoo keenayso in dhaawac uu gaaro neerfaha lugaha, khaas ahaan hadduu qofka uu ku labisto kabo taako leh ama ku dhaggan, haddii aad cayilan tahay iska ilaali in aad xiratid kabo ku dhaggan ama qalloocan oo taako leh ama hora u dhuuban oo faraha ciriiri kaa galiya.

Maxaa talo ah?

Talooyinkaan hoose waad ka faa'idi doontaa insha'llah haddii aad raacdid.
1- Cun cunno isku dheellitiran oo leh fitamiinnada aan kor ku soo xusay.

2- Miisaankaaga yareey haddii aad cayilan tahay

3- Haddii aad leedahay xanuunada kor ku xusan oo keeni karo cilladaaan isda Gaaska, Sonkorowga, Kolestaroolka, Dhiig-karka, howlgabka thyroid-ka iyo kuwa kalaba, iska daawey.

4- Iska ilaali in aad xirato kabo kugu dhaggan ama taako leh si ay seedaha lugaha dhaawac kaaga gaarsiin.

5- Markaa socod dheer gashid ama aad soo daashid, iskaalshada iyo kabaha iska siib si ay cagahaaga u helaan nasiinno iyo hawo, dhididkane uga qallalo, tan waxay ka hortagaysaa bararka cagaha, kuna dadaal nadaafadda lugahaaga.

6- Ha galin lugahaaga biyo baraf leh ama baraf ku jiraan, way kaaga sii darayaan caga hurka.

7- Talada ugu dambeyso waa mid u gaar ah haweenka marsado cillaanka daawada lagu daro ee loo yaqaanno dalwandi, daawadaan waxay dhaawac u geysataa neerfaha mana u roona caafimaadka ee istcmaalkeeda jooji.

somali medical forums
la wadaag asxaabta mid iyo labo
(share share)

Dr maajid

WAX BADAN KA OGOOW CAABUQA DHAGAHA KU DHACA (Infection ka dhagaha) Caabuqa ku dhaca dhagta waxa uu saameeyaa qaybta dhex...
20/12/2020

WAX BADAN KA OGOOW CAABUQA DHAGAHA KU DHACA (Infection ka dhagaha)

Caabuqa ku dhaca dhagta waxa uu saameeyaa qaybta dhexe ee dhagta waxaana sababa bakteeriyo ama fayris ,
Aad ayuu u xunuun badanyahay caabuqan sidoo kale dhagta waxa uu ka keena malax ama dheecaan,

Wuxuu noqon karaa caabuqan mid waqti koobaan dhaca oo aad u xanuun badan iyo mid daba dheeraada oo soo laab laabta dhagtuna ay marwalba xanuunto dheecaan badana uu ka yimaado

MAXAA SABABA CAABUQA DHAGAHA?

Waxa uu sameysmaa caabuqaan marka tuubooyinka Eustachian ee u furan dhuunta ay bararaan ama xirmaan dabadeena ay malaxi ku sameysmato qaybta dhexe ee dhagta waxyaalaha ciladahaan keeni karana waxaa kamid ah

- xasaasiyada/elerjiga/sanboorka
- hargabka
- sigaarka
- qufaca badan
- qumanka

Waxa ugu badan oo uu ku dhaco waa ilmaha caruurta ah sababtuna waxaa yar toobooyinka Eustachian ee furan dhuunta,
Waxa ugu badan oo ku sababana waxaa kamid hargabka oo aan ilmaha laga daaweyn marka uu ku dhaco, iyo masaasadaha ilmaha wax lagu siiyo iyaga oo jeego jeego u jiifa ama si caadi ahba,

CALAAMADAHA LAGU ARKI KARO

- xanuun daran oo dhagta gudaheeda ah
- qandho
- cadaadis dhagta fuula oo xanuun ah
- dheecaan malax ah ama biyo u eg oo ka soo baxa
- maqalka oo yaraada ama taga

Calaamadahaan hadii caruurta lagu arko h**ey ayaa dhakhtarka loogu geeyaa,

SIDEE LOO DAAWEEYAA CAABUQA DHAGAHA?

- maro yar biyo diiran oo aad ku dhaqdey oo xoogaa yara kulul saar dhagta.
- qaado kaniinyaasha xanuun baabi'iyaasha ah.
- hadii aad intaas ku raysan waydo booqo dhakhtar si uu kuu siiyo daawooyin qalajiyaal ah oo ku haboon.
- hadii uu ilmo caruur ah oo 2 sano kayar yahay dhakhtarka balan uga qabo.
Waxaa macquul ah hadii intaas aad ku caafimaadi waydo in uu qaliin kuu sameeyo dhakhtar ku takhasusey ENT dhagaha,sanka iyo cunaha.

MAXAA KA DHALAN KARA HADAAN LA DAAWEYN CAABUQA DHAGAHA?

- dhagoolnimo
- luuqada oo uu ku hadli waayo ilmaha ama fahmi waayo,
- caabuq ku dhaca qalfoofta lafta ah ee madaxa ku dahaaran (mastoiditis )
- caabuq ku dhaca maskaxda iyo xungulaha.
- dhagta oo qaraxda

SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA?

- gacmahaaga dhaqo mar walba
- ka ilaali dhagta in aad galiso waxyaalaha aan loogu tala galin sida biraha, fandhicilka/istakiinka ama taraqa ama earphones ka afkooda.
- ilmahaaga naaska nuuji intii aad masaasad wax ku siin lahayd.
- ka dheeroow sigaarka iyo in lagugu ag cabo.
- talaalka ilmaha u dhamaystir.

U garee asxaabtaada ama halkaan uga wac asxaab kuu muhiim ah hadii aad wax ka faaiidey mowduucaan.

โœDr Amiin

Dr Maajid

Share

๐—ช๐—ฎ๐˜… ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ด๐—ผ๐—ผ๐˜„ ๐—ง๐—ถ๐—ถ๐—ณ๐—ผ๐—ผ๐˜„๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ ๐—ง๐˜†๐—ฝ๐—ต๐—ผ๐—ถ๐—ฑXanuunka Typhoid oo ay Soomaalidu u taqaano tiifoowga waxa uu aad ugu badanyahay...
08/09/2020

๐—ช๐—ฎ๐˜… ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ด๐—ผ๐—ผ๐˜„ ๐—ง๐—ถ๐—ถ๐—ณ๐—ผ๐—ผ๐˜„๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ ๐—ง๐˜†๐—ฝ๐—ต๐—ผ๐—ถ๐—ฑ

Xanuunka Typhoid oo ay Soomaalidu u taqaano tiifoowga waxa uu aad ugu badanyahay deegaanada Soomaalida oo idil,

Waa jeermis halis ah oo ay keento Bakteeriyo loo yaqaano "Salmonella typhi (S. typhi)" oo si fudud ugu dhex faafta biyaha iyo cuntada wasakhaysan,

Dadka la siiyo daawada xanuunkan si fudud ayey uga bogsadaan, balse dadka aanan helin daawada xanuunkan ayaa la kalma xaalado kale oo khatar ah,

๐—–๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐˜๐—ถ๐—ถ๐—ณ๐—ผ๐—ผ๐˜„๐—ด๐—ฎ

Calaamadaha ugu badan ee qofka ka soo muuqda marka uu haleelo xanuunkan waxaa kamid ah,

- qandho
- tabar darro
- calool xanuun
- madax xanuun
- abateetka oo yaraada
- daal iyo culeys iyo diiqad,
Waxaa u raacda dadka qayb calool fadhiid ama shuban mararka qaarna nabaro yar-yar.

๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ

Habka ugu weyn oo uu ku faafo waa marinka afka oo ah in aad cunto ama cabto biyo wasakhaysan ama cunto wasakhaysan oo ay ku dulnooshahay bakteeriyada keenta tiifoowga,
Ama waxaa lagu kale qaadi karaa in xiriir toos ah lala yeesho qof cudurka qaba.

๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ถ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ

Waa laga hortagi karaa xanuunkan hadii aad raacdo tilmaamaha dhakhaatiirtu ay ku siinayaan,

โ€ข iska hubi biyaha iyo cuntada aad cuneyso in ay yihiin kuwo nadiif ah,

โ€ข Haka cabin biyaha meelaha waraha ama baliyada ay biyihu jiifaan,

โ€ข Si fiican iskaga kari hilibka aad cuneyso
โ€ข si fiican iskaga dhaq khudrada aad
cuneyso,

โ€ข caanaha xoolaha iska karkari ka hor inta aadan cabin siiba caanaha Lo'da,

โ€ข si fiican u falxalo mar walba oo aad cunto cuneyso ka hor,

โ€ข sidoo kale saabuun ku farxalo mararka aad musqulaha ama suuliyada kasoo baxdo.

๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—น ๐—บ๐—ฎ ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†?

Labo nooc oo talaal ka hortag u ah tiifoowga ayuu leeyahay,

Oo lagu kala magacaabo
"Inactivated typhoid vaccine" iyo
"Live typhoid vaccine"

๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐˜„๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ?

Baadhitaan dhiig oo lagu sameeyo qofka ayaa xaqiijin kara jiritaanka xanuunka Tiifoowga,
Markaas kadib Dhakhaatiirta ayaa u daaweysa si fudud iyaga oo siinaya bukaanka daawada qayb kamid ah oo waxtar weyn u leh xanuunkan loona yaqaano antibiyootig.

Daweyn la'aan, cudurka loo yaqaan 'typhoid' waxay horseedi kartaa dhibaatooyin culus oo nolosha halis geliya.
Sanadkii qiyaas ahaan dunida dadka loo diwaangaliyo in ay u dhinteen tiifoowga ayaa kor u dhaafaya 200,000 oo qof.

Taas badalkeeda qofka hela daawada xanuunkan ayaa si deg-deg uga bogsooda wax ka yar 5 maalmood ilaa 3 maalmood marka uu cuno daawada.

Hadaba hadii aad isku aragto calaamadaha xanuunkan ama aad iskaga shakido fadlan booqo goob caafimaad oo tayo leh.

Fadlan Gaarsii asxaabtaada iyo qaraabadaada una SHARE garee oo la wadaag Mid iyo Labo

Dr Maajid

W/q Dr Ameen

SHARE SHARE SHARE SHARE SHARE SHARE

ุนูŠุฏ ู…ุจุงุฑูƒ ๐ŸŒดุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุฃุนู…ุงู„ ๐ŸŒดEid Mubarak
24/05/2020

ุนูŠุฏ ู…ุจุงุฑูƒ ๐ŸŒด
ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุฃุนู…ุงู„ ๐ŸŒด
Eid Mubarak

Address

Ahmedgurey
Jijiga

Telephone

+251912168204

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Maajid posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Maajid:

Share

Category