22/01/2026
Maanta waxaan si guul leh u qabannay shirkii toddobaadlaha ahaa ee SBFR ka kaas oo Lagaga Xaajooday Wixii Caqabad ee jirtay iyo Qaab kii loo sixi lahaa iyadoo kor loo qaadayo tayeynta adeeg-bixinta isbitaalka Guud ee Karamardha.
Shirkan Waxaa ka soo qayb galay maamulka isbitaalka ee kala duwan kuwaas oo ku kala qaatay tallaabooyin & qorshe yaal cusub oo looga gol leeyahay xoojinta & hormarinta adeegyada bulshada loo hayo.