Badri Mahamed MB

Badri Mahamed MB meesha Qiimaha leh ee ubahan inan ushaqesano waa Aakhiro. Sheikh Mustafe haji ismail haruun Diagnosis and treatment

17/01/2023

Shan nimco ka faa'ideyso inta aanay shan ku haleelin, ayuu suubannaheenu NNKH ina yidhi. Suugaanta soomaalidu kaalin weyn ayay kaga jirtaa kor u qaadida wacyiga bulshada, baraarujinta, xuma reebida samo farida wax ka odhashada kolba xaalada bulsho ay ku jirto. Gabaygan uu tiriyey Abwaan Cali Maxamuud Qeylshe waxa uu ku qotomaa isla xadiiskaa aynnu saray kusoo sheegney. Fasiraad iyo falkin toona uma baahno e bal intan ila akhrista shanta galadood waa.

1. Dhallinyaranimadaada ka faa'ideyso inta aanad gaboobin.
2. Caafimaadka ka faa'ideyso inta aanad bukoon.
3. Qanninimadaada ka faa'ideyso inta aanad sabool(faqiir) noqon.
4. Noloshaada ka faa'ideyso inta aanad geeriyoon.
5. Wakhtigaaga ka faa'ideyso inta aanad mashquul noqon.

Galladaha shantaa ee ILAAH gurada kaa saaray.
Inta aan shan kale loo gediyin gaaxda ka idlayso.

Ger madow, murqaha giisan iyo dhuuxa aan gororin.
Maskax aan gef iyo daal badnayn, gole- ka fuulkaaga.
Inta aan gabow lagu sallidin, gaaxda ka idlayso.

Naflahaas adduunyada gigimay gaal iyo islaamba.
Caafimaadka guunka ah bar baan gaajo laga siine.
Intaad gogosha ku ururinood guri kasoo taahin.
Oon kaniin kasiinkaaga noqon gaaxda ka idlayso.

Siduu beri abwaan gabay badnaa noogu gogol xaaray.
Hal galgalatay weeyoo dunidu gelinba waa cayne.
Geel waxaad dharaar soofsatiyo guunyadaad dhaqatay.
Ama gini akoonnada ku jira go'id ka dhawraysey.
Guulaan harkeed weeye iyo guuxa maanyada e.
Inta aan saboolnimo ku galin kaaxda ka idlayso.

Siduu bacadle gabaygii shirkiga galiyey taariikhda.
Geerida xaqbaa loo arkaa gaal iyo islaane.
God laguu qodyaa iyo yaxaas gaws ku mariyaaba.
Good micida kula sayra iyo gaani ku helyaaba.
Qaraxyada naflaha gaabshey iyo gumuc ku leefyaaba.
Waxaan gibilku saarneyn inaad geedigii rariye.
Intaan malag garruun kuulq iman gaaxda ka idlayso.

Murtidii abwaanniin go'aa geliyey diiwaane.
Nin labaatan gaariyo adduun wey is gelayaane.
Kanshadaad guclaha orodka iyo gool ku dhalinayso.
Amaad geym ismaat foon ku jira kula gariirayso.
Inta aam gurbood iyo haween gurada kaa fuushan.
Oo aan gasiinka u qatimin goodna jirinaaya.
Gardarana la ooyoon xishood goojo laga siinin.
Risiqooda guudkaan la surin gaaxda ka idlayso.

Farshaxannimo iyo abqarinimo aad u sarraysa ayaa gabaygan ka muuqada, waxa marag ma doon ah in aynaan ku baraarugsanayn inteena baddan Galaddahaas shanta ah, waxaad arkaysaa qof maanta dhan baraha bulshada iska dhex jooga oo aan wax dheefa aanan ka helayn, wakhti baddana ka galayo aan ku baraarugsanayn wakhtiga ka galay.
Dheef aan wax loo dhigo jiran ayay aaladan baraha bulshadu leedahay tusaale ahaan; wax ayaad ka baran kartaa adiga oo jooga gurigaaga amaba goobtaada shaqo, dadka ayaad uga faa'ideyn kartaa hibadaada ood kula wadaagi kartaa, samaha ayaad ku baahin kartaa, ikk. Nimcooyinka Eebbe ee tiro beelka ah intani xasuus ayay aniga iyo idinkaba u noqonaysaa saaxiibbayaal .

W/Q: Cabdisalaan Cabdilaahi.

08/01/2023
03/01/2023

Saxiibkay Mu'alif Abdi Husen Ck oo dumar hagbad kula jira

03/01/2023
Malinkii ugu horeysay 1-1- 2023 E C oo qabow ku bilaabmay Eebbe wayne sidaa uu jawigu u qaboobaa maanta uun noloshana no...
01/01/2023

Malinkii ugu horeysay 1-1- 2023 E C oo qabow ku bilaabmay Eebbe wayne sidaa uu jawigu u qaboobaa maanta uun noloshana noogu qabooji waxaa igu weheliya sawirka Cisman Cabdirashid

01/01/2023

Su'aasha kuugu waydiinta badnayd sanadkii tegay ee 2022 maxay ahayd bal nala waddaag ? aniga waxay ( xilimaad guursanaysaa ? ) waa Su'aashii iigu waydiinta badnayd.

Marka laga hadlayo xidhiidhka waxa jira saddex jacayl, oo mid walba ammin u gaar ah dhaco. Qofku inta uu noolyahana sadd...
30/12/2022

Marka laga hadlayo xidhiidhka waxa jira saddex jacayl, oo mid walba ammin u gaar ah dhaco. Qofku inta uu noolyahana saddexdaa mid baa soo maraya.

Jacaylka koowaad

Jacaylkani wuxuu badanaa dhacaa da'da kuraynimada. Aakhirka waad kala fogaanaysaan ama waxaad ugu yeedhaa waxyaabo nacasnimo ah. Marka aad weynaato waxaa laga yaabaa in aad dib u milicsato oo aad u malayso in aannu jacayl ahayn. Laakiin waxa uu ahaa jacayl dhab ah.

Jacaylka labaad

Waa mid adag. Midkaan waad ku dhaawacantay. Jacaylkaani wuxuu ina barayaa cashar wuxuuna naga dhigayaa kuwa xoog badan. Jaceylkan waxaa ka mid ah qalbijab, been abuur, khiyaamo, xadgudub, riwaayad iyo dhaawac. Laakiin jacaylkani waa mid wax badan inoo ka kordhaan. Waxaan garwaaqsanaa waxa aan jecelnahay iyo waxa aynaan jeclayn. Hadda waxaan ognahay farqiga u dhexeeya aadanaha wanaagsan iyo kuwa xun. Waxaynu noqonaa kuwo xidhan, oo taxaddar badan. Waanu garanaynaa waxa aan doonayno iyo waxa aynaan doonayn.

Jacaylka saddexaad

Midkani wuxuu ku yimaadaa indho la'aan. Digniin ma leh. Aammusnaan buu kugu soo degayaa. Ma aadan doonin jacaylkan. Derbi kasta oo aad rabto waa loo dumin karaa. Falal argagax leh waad ku kici kartaa. Waa tamar xoog badan. Waxaad arki adigoo qaadaya qofkaas adigoon isku dayin. Waxa aad arkaysaa quruxda xumaantooda. Waxba k**a qarinaysid qofka. Waxaad doonaysaa guur iyo qoys in aad la yagleesho. Waxa aad 100% ku qabtaa niyadsami buuxda caalamka qofka aad jeceshahay.

Haddaba, bal noo warran, oo saddexdaa jacayl midkee ku soo maray adiga, ama hadda ku jirtaa?

🙏🙏🙏✋️✋️✋️✋️✋️✋️✋️

27/12/2022

Qofna ma doonayo in aagu arko xumaan, oo loogu yeedho magac xun, qofkastaa wuxuu jecelyahay wax wanaagsan, laakiin doorasho bilaa ficil ah marnaba kuma kasban kartid wanaag, dooro wanaaga Oo samee samaha

25/12/2022

Noloshaadu Kor⬆️ iyo Hoos⬇️ midkay u socotaa Bal qiimee oo ka soo billaw malinkaad aduunkan ku soo biirtay illaa wakhtigan aad joogto ? yaraantaadii iyo Hadda midked qu'araanka ku wanaagsan tahay.? Xiftintiisa, barashadiisa, Akhrintiisa.

Farxada ruux ii dhisaayNaftayda ruux dhiiryaayDhabeel allah igu kabaayJacaylka dhexdeena yaalaIntaad dhinacaaga haysoInt...
25/12/2022

Farxada ruux ii dhisaay
Naftayda ruux dhiiryaay
Dhabeel allah igu kabaay
Jacaylka dhexdeena yaala
Intaad dhinacaaga hayso
Intaad dhool dhoolinayso
Ee aad ka jirayso dheelli
Ayaan qayrkayba dhaafay

✍️Badri Mohamed MB

Address

Sheder
Jijiga
653003

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Badri Mahamed MB posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Badri Mahamed MB:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram