17/03/2026
Kuwani waa 10-kii qof ee ugu xumaa Taariikhda Basharka.
1-Qaabiil; Wuxuu dilay walaalkiis wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyay taariikhda ee dilka suneeyay, dil walba oo dunidaan dhexdeeda ka dhacana dambigiisa qeyb ayuu ka leeyahay.
2-Camar Binu Luxay Al-Khuzaaci; Wuxuu ahaa hogaamiyihii magaalada Makka iyo sayidkeeda, amarada uu bixiyana Carabta oo dhan waxay u qaadan jireen sida Dastuurka oo kale, balse wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee badalay diintii Nabi Ibraahim CS, wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyay ee asnaam soo galiya magaalada Makka, waliba asnaamtii ay ka dhinteen qowmkii la halaagay ee Nabi Nuux ayuu dib usoo nooleeyay, sheekadiisa waa dheertahay mar baan gooni idiinkuugu sheegi doonaa Insha'allaah, waana ninkii Sheydaanka u waxyoon jiray.
3-Fircoon; Magaciisa dhabta ah waa la isku khilaafaa waxaase la sheegaa in la dhihi jiray Ramsiis Ath-Thaanii, balse waxaa la isku raacay inuu ahaa qofkii igu xadgudubka badnaa dunidaan soo maray kadib markii uu ilaahnimo sheegtay.
4-Cabdullaahi Binu Saba; Wuxuu ahaa Yahuudi Yaman kasoo jeeda, waa qofkii kiciyay fitnadii weyneyd ee saxaabada badan ku dhinteen, waxaa la sheegaa in fitnadii uu kiciyay ay ku dhinteen 80,000 oo saxaabi iyo taabiciyiintii ugu waaweyneyd ay ku jiraan, waa ninkii sababay dagaaladii Al-Jamal iyo Siffiin, waana qofkii aasaasay mad-habka Baadilka ee Raafidada.
5-Quddaar binu Saalif; Wuxuu u dhashay Qabiilka Thamuud waana kii ugu xumaa basharka kadib markii uu ku dhiiraday inuu baqno gooyo hashii Allaah mucjisada usoo saaray, midaasna waxay sababtay in asiga iyo qowmkiisaba uu Allaah ku halaagay cadaab aanan horay loo maqal kadibna la arag.
6-Charles Darwin; Waa Yahuudi, waana qofkii keenay fikrada mulxidnimada ee salka ku heysa in la inkiro jiritaanka Allaah, waa qofkii soo alifay borobagaandada dhaheysa dadka asalkooda waxay kasoo jeedaan daanyeero, adduunkaana dabeecada ayaa abuurtay, ilaah wax la dhahana ma jiraan.
-Abii Lahab; Wuxuu ahaa Nabiga scw adeerkiis la dhashay aabihiis iyo dad kan ugu dhow, balse wuxuu midaas ka doortay inuu Nabiga scw colaadiyo, wuxuuna midaas ku muteystay in asigoo nool quraanka loogu bishaareeyo inuu ahlu naar yahay, waliba bishaaradaas naarta loogu bishaareeyay iyo dhimashadiisa waxaa u dhaxeysay mudo 10 sano ah oo uusan xitaa awoodin inuu soo islaamo.
8-Jeffery Amherst; Waa ninkii booqday Hindidii casseyd ee Ameerika ku nooleyd kadibna ay sida karaamada leh usoo dhaweeyeen, balse markii uu kasoo tagayay wuxuu ku dhex faafiyay cudur sababay iney dabar go'aan kadib markii ay ka dhinteen dad tiradooda kor u dhaafeyso 15,000,000 oo qof Hindi ah (Shan iyo toban Malyan).
9-Adolf Hi**er; Damaciisa darteed wuxuu sabab u noqday inuu huro dagaalkii labaad ee dunida kaasoo ay ku naf waayeen dad kor u dhaafayo 50,000,000 oo qof.
10-Mustafaa Kamaal AtaTurk; Waa ninkii riday khilaafadii islaamka, dagaalkana la galay muslimiinta asigoona sidii Turkida islaamka looga tirtiri lahaa usoo adeegsaday reer Galbeedka, wuxuuna la galay dagaal aanan naxariis laheyn, khilaafadii uu riday ayaana muslimiinta ugu dambeysay awood ay yeeshaan.
Dabcan waa jiraan shakhsiyaad kale oo badan oo xun, kuwaasoo saameyn xun ku yeeshay dunidaan, balse kuwaan waa kuwii aan u aragnay inu ugu xumaayeen.
Adiga ahaan yaad ku dari laheyd meeshaan?
Xigasho anteeno