12/10/2025
Iska ilaali waxyaabahan markaad safar ku jirto wa dantaada qoraalka dhamayso!
Sedex Qof oo Hal Shid Gashay, Midna Ma Xerneen Suunka Badbaadada Ee Kuraasta Baabuurta ku Sameysan.
Tani Waa Xasuusin Murugo Leh, oo Aan Rabo In Aan Idinla Wadaago, Walow Dadka Qaar Ay Sahashadaan Arintaan..
Saddex Rakaab Ah oo Hal Shil Baabuur Galay, Isla Markaana Midna uusan Xerneen Suunka Amniga Gawaarida.
Siddee Wax u Gaareen ? Sawiradda Eeg
Qofki Bidix Fadhiyey Ayaa Lugihiisa Is Dhaafiyey, Si Caadi Ah, Waa Hab Dhaqan Dadka Intooda Badan u Fariistan Markay Baabuurta Raacayaan, Balse Shilka Markuu Dhacay Waxaa Burburay Labadiisa Lugood, Iyaddoo Lug Kasta Ay Ka Jabtay Dhowr Meelood, Sawirka eeg.
Rakabki Dhexe Oo Si Caadi Ah u Fadhiyey Laakiin Aan Suunka Badbaadada Xerneen, Wuxuu Si Xoog Ah ugu Dhacay Kuraasta H**e, Asigoo La Kulmay Dhawacyo Guhada Iyo Jug Culus, Wuxuuna Ka Jabay Hal Lug oo Kaliya Balse Jug Culus Ayaa Gaartay.
Qofka Dhanka Midig Fadhiyey Ayaa Lugaha Saartay Dashboard-ka Qeybta H**e Ee Gaariga, Waana Caado Dad Badan Ay Sameeyan, Laakiin Shilka Marki uu Dhacay Waxaay Isku Badeshay Musiib Daran, Waxaa Ku Soo Baxay Airbag-ka Lugihiisa Ayuuna Dib ugu Riixay Waliba Si Xoogan oo Jug Culus La Socoto, Wuxuuna Ka Jabay Miskaha Lugaha, Gacmaha Garbaha Iyo Feeraha Qeybo Ka Mid Ah, Jug Culus Ayaa Gaartay.
Midkastoo Dadkaas Ka Mid Ah Waxaa Gaaray Dhawac Culus Lafo Jab Kala Duwan, Dhawacyaddaas oo Ay Waligood La Noolan Doonaan Inta Nolashooda Ka Harsan..
Xasuuso Waxaa Leedahay, Hal Lafdhabar, Hal Maskax Iyo Hal Fursad oo Aad Ku Badbaadi Karto Dadka Kula Socdaana Ku Badbaadin Karto Fursada Ha Dayicin..
Fariinta Qoraalka Xambaarsan Yahay Ayaa Ah, Markasta oo Aad Gaari Raacaysid oo Aad Baabuur Saaran Tahay Suunka Amaanka Xero oo Taxadarkaga Ha Badnaado.