03/11/2025
Appendicitis
Qabsinku wuxuu ka mid yahay xanuunada ku caanka ageka yar waxana keeni kara saxaro adkaatay ( fecolith) , caabuq ( infection) fiix ( tumor). Etc
Calamadaha aad isku arki korto waxa ka mida
1. xanuun ka bilaabmaya xudunta wareegeda marka h**e marka xigana u wareegaya sarcantaada midig korkeeda waxa ku raaci kara
2. yalaalugo ( nause) ,
3. Matag (vomiting) ,
4.abateedka oo ka xumaada ( loss of apitite) , 5.Calool istaag( constipation) ama shuban(diarrhea) ,
6. xumad sahlan( low grade fever)
Wuxuu kugu keenni karaa
1. inuu qarxo ( rupture) sameysatana dheecaan ku kooban isaga iyo hareerihiisa( localized peritonitis with abscess ) ama mid ku fidsan ubucda oo dhan. ( diffuse peritonitis).
Tanina hadey dhacdo waxay kor u qaadi kartaa
1. waxyeelada jidhka intiisa kale ( increase mortality) ama
2. Waxay keeni kartaa dhimasho hadii lagugu sababaayo ( increase mortality).
Dawo
1.Dawada ugu fiican ee la isku raacsan yahay waa qaliin.
Aminsanaanta khaldan ee shacabka ama bahda cafimaadka waxa kamida
1.in hadey calooshu socoto aanuu qabsin jirin , lkn inta badan hadii dheecaan uu sameysto qabsinku calool socod baa iman kara .
2. bukaanka qaar waxa kuula ekaan karaa infection kadi mareenka ( UTI) inuu jiro lkn qabsinku hadii sameyskiisu ku dhawaado kaadi mareenka ( bladder or pelvic ) wey dhici kartaa inuu calamadaha infectionka kadimarenku u ekaan karo
3. Wajiga h**e ee calamadaha qabsinka waxa lagu khaldi karaa gasteriga.
Dr. Ahmed Hassen MD