26/04/2025
Qaylada Aan lamaqlin
1. Qaybti 1aad: Dadkii Gudaha jooga.
Qaylada aan lamaqlin ee Marwo
Su’aal walba waxay ahayd talaabo aan ku durkay boogaha qarsoon, ilaa aan gaadhay su’aashii daaha ka rogi lahayd xanuunka:
Goormaa xanuunkan kugu horreeyay, Marwo?”
Malaha su aashaydii waxa ay ku furtay albaab ay mudo dheerba isku dayaysay in xidho, ,waa albaabka boogtii iyo xanuunkee,waa albaabka ay ka soo baxdo qaylada maqlina
Markiiba, sidiii in culays ka awood badan bini’aadamka uu korkeeda kusoo dagay ,kadibna dil ugu hanjabay kuna yidhi “Car hadal “
Aamusnaantii ayaa noqotay jawaabtii ugu horraysay, ilaa wajigeedena mugdiga muragadu ka muuqata si tar tibia u wada dabooshay waxaa u hadlay codna u noqday ilinta aayarka indhaheeda uga soodaatay ,mabay u baahnayn inay hadasho ,indhaheeda iyo aamunsteeda ayaa ugu horayn ilahadlay
Cabbaar kadib, iyadoo codkeedu daciif yahay, ayay tiri:"Dhakhtar dadku waxay moodaan in aan hadda xanuunsaday, balse xanuunkaygu madhawayn. Habeenki hurdo ma aqoon , balse subax walba waxa iqasbayey in aan sariirta ka kaco waxa ay ahayd karinka caruurtayda ,oon ogahay in ayna cidi iiga danbayn
Neef dheer iyo hiinraag murugo xambaarsan kadib, ayay inta ilmadii sacabadeeda iskaga tir tirtay ku dartay:"Alxamdulilah, caruurtaydii way koreen,qaarba caruuro leh hada ,nolol fiicana waan ku jirnaa,hada ayay dareemen xanuunkayga. Ilaahay ha idaaye,maalinba meelbay I geeyan shifo iyo dhakhtar haday tahayba, walise dawadayda lamahelin
"Xanuunkaygu wuxuu bilowday maalintii kalinimada la iga dhigay ,maalintii aan waayay wahelkaygii maalintii caruurtaydu agoomen , duniduna boqolka albaab igu furtay,garabna aan waayey
Usii gudubtay boogta dhabte "Saygayga iyo ilma adeertay... ceesh iyo milix baan ahayn, iyaga ayaa ii dhisay . Laakiin markii qabiilku kala irdhoobay qabtii dagaalka sokeeye dhacay , isla reerkayagii aya dilay, Xabaddu kaliya isaga may dilin anigana way idisay ,mayd soconaya uunban ahay
"Maalintaas mugdigii aan dhexgalay ayaan kujiraa,
Dadku waxay moodayaan in aan dhawaan bukooday… laakiin dhaawacii dagaalkaas ayaan wali u bukaa. H**e, qalbigayga ayaan la sheekaysan jiray, guuxa gudahayga cid kale ma maqli jirin. Hadda, markuu cod yeeshay, waxay yidhaahdeen: jinbaa heleelay,waa sixir, waa il,
Maantana waxay yidhaahdeen: *‘buuqbaa ku furan , waaa xaga maskaxda, u geeya dhakhtar. “Dhakhtar... tani waa qayladii h**e ee codka la’ayd ee gudahayga ka baxaysay markay badatay dibada u soo baxday oo cod yeelatay . Imisa sano ayay gudahayga kabaxaysay oon aamusnaa?”
Inkasta oo la yidhi dagaalkii sokeeye wuu istaagay, nabadba dhalatay, nolol degana waa la galay, hadana dad baa wali dagaalkaas ku jira.
, Dad badan oo maanta suuqyada dhex socda, shaqooyinka camiran ka muuqda, ama dhoolo cadaynaya ayaa la mooda kuwa farxad ku noolyihiin ,balse la nool qaylada aan la maqlin
Waa qaylo ka dhalatay dhiig daatay, qudhbixii hortooda ka dhacay, qax iyo hagardaamo nafsiyeed. Halkii ay rajo ka filayeen, waxay la kulmeen burbur iyo baryo dayacan. Halkii ay heli lahaayeen nasasho iyo bogsiin, waxay la kulmeen daal iyo duruufo sii huriyay nabarradii qalbiga, taas oo bogsashadii la filayay sii fogaysay
Qayladaasi ma istaagto xitaa markii rasaastu aamusto. Habeenada qaar waxay kaga qaylisaa maskaxda oo hurdaday udiida , maalmaha qaarna qalbiga ayay gubtaa oo fikir iyo welwelbay ku dhalisaa . Waa dad muuqaal ahaan dhoola caddeynaya, balse gudaha waxa ay la nool yihiin xanuun aan la arki karin.
Markasta oo xaalku adkaado, qaylada gudaha ku qarsoon waxay gaaraysaa heer ay qaraxdo. Markaas ayuu dhawaaqii qarsoonaa ka soo butaacaa afka qofka; dadkuna way maqlaan, waxaana la yidhaahdaa: "Wuu khafiifay," "wuu islahadlay," "wuu kululaaday,,hadii uu waayo cid garab istaagta oo qalbigiisa fahamta, xaalkisana ka warhaysa, xaalku wuu adkaada ilaa lagu sheego waali
Waxaa jira kuwo badan oo, iyagoo la tacaalaya dhaawaca nafsiyeed, aan ogolaan in qaylada aan la maqlin ka adkaato. Way iska dhaga tireen ,oo kadhigan sidii wax aan jirin, ama waxay barteen sida loola tacaalo; waxayna u sameysteen xal u gaar ah oo ay ku maareeyaan marka qayladaasi gudaha ka daaranto,
Waa kuwa geesinimo iyo adkaysi nolosha ku maareeya ,laga yaabaa inuu yahay waalid caruur korinaya, macallin bulshada wax baraya, walaal garab taagan, ama qof kale oo bulshadameel muhiim ah kaga jira.
Balse, hadii ay heli lahaayeen cid caawisa oo xal sax ah u hesha, si ay qayladan baas uga danto, way ka raysan lahaayen culayskan cidlada ku helay .inkastoy malaha ayna aaminsanayn in ayna u helayn
Hadii aad qalbigaaga furto oo aad si dhab ah u dhegaysato, waxaad maqli lahayd qaylada aan la maqlayne aamusnaatu qarisay,dhagahuna maqlayn ,
Qoraalkani wuxuu iftiiminayaa qaar kamida kuwa la nool dagaal nafsiyadeedka qaylada qarsoon dadka aan lakulmay Marwada, Macallinka, Aabbaha, iyo Hooyada kuwaas oo matalaya kumanaan kale oo weli ku dhex jira cidlada dagaal aan weli dhammaan.