Siha Health

Siha Health SIHA HEALTH is a channel for community awareness, health education and promoting prevention of life threatening diseases.

We share with you important health information to boost your knowledge.

20/11/2022

Cunto Caafimaad leh, jimicsi joogta ah iyo xili h**e oo aad seexato waxay keenaan in noloshaadu noqoto mid heer sare ah.

Send a message to learn more

09/10/2022

Talo caafimaad

Caafimaadka dhimirka iyo Maskaxda : Sida uu caafimaadka jirka mudnaan u leeyahay, xanuunada jirka xubnihiisa kale ku dha...
07/10/2022

Caafimaadka dhimirka iyo Maskaxda :

Sida uu caafimaadka jirka mudnaan u leeyahay, xanuunada jirka xubnihiisa kale ku dhacan loogu toog haayo oo takhasusyaalo iyo faracyo badan loogu yeelo ayuu caafimaadka dhimirka iyo maskaxdana muhiimad gaar ah u leeyahay !

Maskaxda oo ah xubin aysan cidi ka daahsoonayn muhiimadeeda oo ah halka dareenka, garashada , caqliga, fahamka , iyo ka jawaabista xaaladaha jirka qofka soo wajaha ay tahay oo ah xubin qofka haduu ka dhintana aysan nolol u jirayn , marka laga naafoobana aysan nolosha qofka macno badan yeelanayn , sida uu ilaahay u abuurayna at tahay maskaxda xubin kulansatay mucjisaadka nolosha ee ilaahay u ku soo uruuriyay Xubintaas Muhiimka ah ee maslaxda oo halka xiskeena ah naloogana soocay noolaha kale !

Sidaas oo ay tahay daryeelka caafimaad ee dhimirka waxaad moodaa inaan la dareensaneen loo toog hayn oo la garan wali saameenta caafimaad darro , khataraha ku hareereesan iyo siyaalaha cilmiyeeysan ee looga hortago laguna dabiibo !

Laba cilmi baaris oo aan ka sameeyay qayb ka mid ah cilmiga maskaxda iyo dhimirka , sidoo kale laba course oo aan ka qaatay cilmigaan waxaa ii soo baxday baxday marka h**e sidaan jaahila uga ahaa marka xigana mudnaanta balaaran ee u leeyahay caafimaadka dhimirka , mudnaanta uu mudan yahay iyo sida nugul ee uu maskaxda ugu saamoobi karto ciladaha nolosha leedahay iyo caqabadaha nolol/bulsho ee qofka soo waajihi karo !

Caafimaadka dhimirka wuxuu la socdaa caafimaadka jirka marka la qeexayo badqabka iyo caafimaadka qofkana waa la is raaciyaa oo jirka iyo dhimirka oo wada bad qabo ayaa ah xaalad caafimaad , sidaas oo ay tahayna waxaa la moodaa xaaladaha caafimaadka dhimirka wax xun , la saluugo ama ceeb ah taas keenta in dadku iyaga wajahaya xaalado caafimad xumo oo dhanka dhimirka ah ay jilaan fayoobi kuna waajahaan xaaladahaas dabiiciga ah inkirmaad hadhoow qatar ka dheer ah galin karta dareenkooda maskax iyo dhimir !

Waxaan dhawaan daabici doonaa cilmi baaris waqti socotay oo aan kaga gun gaaraya 3 xanuun oo maskaxda ku dhaca iyo sida ay bulsho ahaan inoo saamayso aniga ka eegaya xagasha cilmiga caafimaadka guud (public health).

" Ma jiraayo caafimaad qab bulsho hadaanay la socon fayoobi ama caafimaadka dhimirka , caafimaadka dhimirkaana mudan ka shaqayn iyo ku lamaanayn adeeg bixinta joogtada ah ee caafimaadka guud"

"No Health without Public Mental Health"

W/Q: Dr Abdirizak Yusuf Ahmed , Jalaaludiin

06/10/2022

DIGNIIN KA DHAN AH 4 DAAWO OO QUFACA LOO QAATO.

Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa soo saartay digniin ka dhan ah isticmaalka ilaa 4 sharoobo oo qufaca loo adeegsado oo ay soo saarto shirkadda daawada ee Maiden Pharmaceuticals Limited (Haryana, India).

Afarta sharoobo ee laga digay ayaa lagu sheegay in ay yihiin wax soosaar tayadiisu ka hooseyso heerka la ogolyahay (substandard products). Afarta sharoobo waxay kala yihiin:
Promethazine Oral Solution, Kofexmalin Baby Cough Syrup, Makoff Baby Cough Syrup iyo
Magrip N Cold Syrup.

Tijaabooyin shaybaar oo la mariyay daawooyin kaan ayaa xaqiijiyay in laga helay xaddi aan la aqbali karin oo diethylene glycol iyo ethylene glycol ah, 2daasi maado oo sun ku ah aadanaha keeni karana dhimasho. Waxaana WHO sheegtay in dalka Gambia, dhimashada 66 ruux lala xiriiriyay isticmaalka afartaasi sharoobo. Dhanka kale waxaa suuragal ah daawooyinkaan ay ku baahsanyihiin guud ahaan qaaradda sidaasi owgeedna WHO waxay ka digaysaa isticmaalkooda.

Sawirka hoose waa afarta sharoobo.

22/09/2022
Dhakhtar Maraykan ah oo ku xeeldheer Qalniinka ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in qofka dhererkiisa la kordhiyo qiyaa...
21/09/2022

Dhakhtar Maraykan ah oo ku xeeldheer Qalniinka ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in qofka dhererkiisa la kordhiyo qiyaas ah 7 illaa 15 sentimitir, haddii uu halkii sentimitir ee kasta ku bixin karo 10 kun oo doolar.
Dr. Kevin Debiparshad, aasaasaha Maxadka ‘LimbplastX’oo shaqadiisu tahay daraasaynta iyo ka shaqaynta kordhinta dhererka dadka, ayaa sheegay in macaamiisha uu u adeegaa ay u badan yihiin rag ah kuwa ka shaqeeya Teknoolajiyada, maalqabeenno, agaasimeyaasha, wakiillada iyo masuuliyiinta sare ee shirkadaha waaweyn ee ganacsiga iyo maaliyadda, waxa uu si gaar ah u magacaabay Injineerrada shirkadaha Google, Meta, Amazon, iyo Microsoft oo ugu badan dadka uu dhererkooda kordhiyey.

Sahamin oo ay samaysay Jimciyadda Qalliinada isqurxinta ee Maraykanka ayaa lagu ogaaday in ay isbeddeshay aragtidii diidmada ahayd ee ay raggu h**e uga haysan jireen is qurxinta, sannadihii u dambeeyeyna ay boqolkiiba 325 kordheen ragga loogu shaqeeyo goobaha lagu sameeyo qalliinada isqurxinta.

Warbixin uu wargeyska ‘Washington Post’ arrintan ka qorayna waxa uu ku sheegay in ay sii kordhayso tirada ragga samaynaya qalliinada qurxinta wejiga, ilka buuxsiga, isku Daweynta laysarka iyo farsamooyinka lagu dhiirrigeliyo xaddiga barootiinka Collagen ee jidhku soo daayo.

Sida ay xeeldheereyaashu sheegeen qaabka dhererka qofka loo kordhinayaa waa in la jebiyo Lafaha bawdyaha, kaddibna la geliyo biro teknoolajiyad ku shaqaynaya oo kala bixi kara qiyaas xaddidan oo aanay dib uga soo noqonayn. Birahaas ayaa uu dhakhtarku muddo saddex bilood ah maalin kasta kor u kala bixinayaa, isaga oo adeegsanaya qalab (Remote) meel durugsan laga adeegsan karo.
Dhawr bilood ayaa ay qaadanaysaa qalliinka iyo hawlaha kale ee dherer kordhinta, iyo soo kabashada dambe ee labada lugood, iyada oo ay ku baxayso lacag dhan 75 illaa 150 kun oo doolar oo ku xidhan hadba qiyaasta la kordhiyo.

Dr. Kevin Debiparshad waxa uu sheegay in ay khataro caafimaad darro ka iman karaan qalliinka noocan ah; waxaa ka mid ah in burbur iyo milan aan laga soo kabani uu ku dhaco neerfayaasha, in xagluhu tawafaan, kaar iyo garaac joogto noqda, iyo sambabada oo xidhma. Waxa aanu is gaar ah ugu digay ciyaartoyga oo ay suurtagal tahay in qalliinkani uu saamayn taban ku yeesho awooddooda ciyaareed.

Dadka qalliinada is qurxinta ah samaynaya ayaa sannadihii u dambeeyey dunida aad ugu soo badanaya, laakiin muddooyinkii h**e waxaa ay ku koobnayd dad doonaya in wejiga loo giijiyo si coodh-coodhka loogala dagaalamo, kuwa sanka lagu qurxiyo iwm.

W/Q: Kamaal Marjaan

Address

Coldharbour Lane London
London
SE59BB

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Siha Health posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram