Dr Abdirahmaan Roble

Dr Abdirahmaan Roble Author,Advocate about global health Awareness,Health education,Health worker Doctor,Advocate global health awareness,Author,Health worker, storyteller

๐Ÿฑ ๐˜๐—ฎ๐—น๐—ผ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐˜„๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ฎ ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐˜€๐—ถ ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐—ป ๐˜‚ ๐˜€๐—ฒ๐—ฒ๐˜…๐—ฎ๐˜๐—ผ ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ถ๐—ถ.๐Ÿ”น ๐—ก๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ผ ๐—ฎ๐—ต, Habeen kasta isku wakhti seexo, subax ...
18/05/2025

๐Ÿฑ ๐˜๐—ฎ๐—น๐—ผ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐˜„๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ฎ ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐˜€๐—ถ ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐—ป ๐˜‚ ๐˜€๐—ฒ๐—ฒ๐˜…๐—ฎ๐˜๐—ผ ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ถ๐—ถ.

๐Ÿ”น ๐—ก๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ผ ๐—ฎ๐—ต, Habeen kasta isku wakhti seexo, subax kastana isku wakhti kac, oo ay ku jiraan maalmaha fasaxa ah.

๐Ÿ”น ๐—ก๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ผ ๐—ฎ๐—ต, ka dhig meesha aad seexato aamusnaan, mugdi, nasasho, iyo heerkul raaxo leh.

๐Ÿ”น ๐˜๐š๐ซ๐ž๐ž ๐ข๐ฌ๐ญ๐ข๐œ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š๐š๐ ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐š๐›๐ค๐š ๐ž๐ฅ๐ž๐ ๐ญ๐š๐ซ๐จ๐จ๐ง๐ข๐ ๐š ๐š๐ก, sida TV-yada, kombayutarada, iyo talefannada casriga ah, ka hor intaadan seexan.

๐Ÿ”น ๐Š๐š ๐Ÿ๐จ๐ ๐จ๐ฐ ๐œ๐ฎ๐ง๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง, caffeine iyo khamriga ka hor wakhtiga jiifka.

๐Ÿ”น ๐’๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ ๐ฃ๐ข๐ฆ๐ข๐œ๐ฌ๐ข. Inaad firfircoonaato maalintii waxay kaa caawin kartaa inaad si fudud u seexato habeenkii.

๐๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด ๐ฌ๐ข๐๐š ๐š๐š๐ ๐ฎ ๐ฆ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ฌ๐จ ๐ก๐ฎ๐ซ๐๐š๐๐š๐š๐๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ญ๐š ๐Ÿ๐š๐š๐ฅ๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ก๐จ๐จ๐ฌ๐ž.

Dr Abdirahmaan Roble

๐—Ÿ๐—ถ๐˜…-๐˜€๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐˜† ๐—ผ๐—ผ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฌ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ผ ๐—ž๐—ผ๐—น๐—ฒ๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐˜„๐—ผ ๐—น๐—ฎ'๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๏ผŠ๐‚๐ฎ๐ง ๐œ๐ฎ๐ง๐ง๐š ๐Ÿ๐š๐š๐ฒ๐›๐š๐ซ-๐›๐š๐๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฆ๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข ๐ค๐š๐ซ๐š ๐ฅ๐ž๐ก (๐„๐š๐ญ ๐ฅ๐จ๐ญ๐ฌ ๐จ๐Ÿ ๐ฌ...
14/05/2025

๐—Ÿ๐—ถ๐˜…-๐˜€๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐˜† ๐—ผ๐—ผ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฌ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ผ ๐—ž๐—ผ๐—น๐—ฒ๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐˜„๐—ผ ๐—น๐—ฎ'๐—ฎ๐—ฎ๐—ป

๏ผŠ๐‚๐ฎ๐ง ๐œ๐ฎ๐ง๐ง๐š ๐Ÿ๐š๐š๐ฒ๐›๐š๐ซ-๐›๐š๐๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฆ๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข ๐ค๐š๐ซ๐š ๐ฅ๐ž๐ก (๐„๐š๐ญ ๐ฅ๐จ๐ญ๐ฌ ๐จ๐Ÿ ๐ฌ๐จ๐ฅ๐ฎ๐›๐ฅ๐ž ๐Ÿ๐ข๐›๐ž๐ซ)

qaadashadaada maalin-laha ah ee cuntooyinka fiber-ka milmi kara leh waxay hoos u dhigi kartaa ๐—ธ๐—ผ๐—น๐—ฒ๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ผ๐˜€๐—ฒ (Low cholesterol Lipid).

* Cuntooyinka hodanka ku ah faaybarka-badan ee milmi kara waxaa ka mid ah:

* ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต-๐—ธ๐—ฎ ( ๐—ข๐—ฎ๐˜๐˜€)
* ๐—Ÿ๐—ฎ๐˜„๐˜€๐—ธ๐—ฎ (๐—ป๐˜‚๐˜๐˜€)
* ๐—ก๐˜‚๐˜‚๐—ฐ ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ถ๐—ฟ๐˜๐—ฎ (๐—น๐—ฒ๐—ด๐˜‚๐—บ๐—ฒ๐˜€)
* ๐—ฎ๐—ฝ๐—ฝ๐—น๐—ฒ๐˜€ (๐˜๐˜‚๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐˜…)
* ๐—”๐—ณ๐—ผ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ (๐—ฎ๐˜ƒ๐—ผ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ๐˜€)
* ๐—ž๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐˜๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ (๐—ฐ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฟ๐—ผ๐˜๐˜€)
* ๐—•๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ด๐—ฎ/๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ต๐—ฑ๐—ฎ-๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป (๐˜€๐˜„๐—ฒ๐—ฒ๐˜ ๐—ฝ๐—ผ๐˜๐—ฎ๐˜๐—ผ๐—ฒ๐˜€).

Qaadashada ๐ค๐š๐š๐›๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ฉ๐ฌ๐ฒ๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฎ๐ฆ ( Psyllium suplements) iyo cunista boorashka quraacda ayaa ah siyaabo sahlan oo lagu kordhin karo xaddiga cuntada faayber-ka milmaya oo aad isticmaali karto maalin kasta. Sidoo kale waxaa qaadn kartaa miraha iyo khudaarta si aad u hesho faaybar-badan.

๐‰๐ข๐ฆ๐ข๐œ๐ฌ๐ข ๐ฃ๐จ๐จ๐ ๐ญ๐š ๐š๐ก (๐„๐ฑ๐ž๐ซ๐œ๐ข๐ฌ๐ž ๐ซ๐ž๐ ๐ฎ๐ฅ๐š๐ซ๐ฅ๐ฒ):

Sameeynta jimicsiga si joogto ah Haddii aad buuran tahay (๐Ž๐ฏ๐ž๐ซ๐ฐ๐ž๐ข๐ ๐ก๐ญ ), waa fursad aad ku yareen karto ๐ค๐จ๐ฅ๐ž๐ฌ๐ญ๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฅ-๐ค๐š ๐ฌ๐š๐ซ๐ž (High cholesterol), laakiin taasi macnaheedu maaha in dadka aan buurnan (Non-overweight)aanay yeelan karin kolestarool sare.

๐‰๐ข๐ฆ๐ข๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ฐ๐š๐๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ข๐๐š๐๐š (Cardiovascular exercise) ayaa kaa caawin kara inaad miisaankaaga ku ilaaliso mid caafimaad leh waxayna sidoo kale kor u qaadi kartaa caafimaadka wadnahaaga. Jimicsigu wuxuu kaa caawinayaa inuu kor u qaado heerarka kolestarool-ka sare (High cholesterol) . kor u-kaaca ๐ค๐จ๐ฅ๐ž๐ฌ๐ญ๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฅ-๐ค๐š ๐ฌ๐š๐ซ๐ž (High cholesterol) waxay markaa kaa caawinaysaa in uu ๐ค๐—ผ๐—น๐—ฒ๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ผ๐˜€๐—ฒ (Low cholesterol) saaro jirkaaga/jidhkaaga. Socodka, orodka, wadista baaskiilka, iyo dabaasha waa dhammaan jimicsiyada kaa caawin kara hoos u dhigista kolestaroolka, gaar ahaan haddii aad sameyso 150 daqiiqo toddobaad kasta - tusaale ahaan, 30 daqiiqo maalintii 5 maalmood usbu

๐ค๐š๐š๐›๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ฌ๐š๐ฅ๐ข๐ข๐๐๐š ๐ค๐š๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š (๐“๐ซ๐ฒ ๐Ÿ๐ข๐ฌ๐ก ๐จ๐ข๐ฅ ๐ฌ๐ฎ๐ฉ๐ฉ๐ฅ๐ž๐ฆ๐ž๐ง๐ญ๐ฌ)

Isku day kabayaasha saliidda kalluunka In kasta oo ay caadi ahaan ugu fiican tahay inaad ka hesho nafaqooyinka aad uga baahan tahay ilaha cuntada, dadka qaar ayaa laga yaabaa inay ka faa'iidaystaan qaadashada kaabayaasha. Waxyaalaha dheeraadka ah qaarkood ayaa laga yaabaa inay kaa caawiyaan hagaajinta dufankaaga jirka . Saliidda kalluunka waxa ku jira maadada omega-3 fatty acids, taas oo gacan ka geystaan ka geeysan karta hoos u dhigida dufanka loo yaqaan (triglycerides),sidoo kale Qaadashada saliidda kalluunka waxaa laga yaabaa inaanay si toos ah hoos ugu dhigin kolestarool-ka hoose (Low cholesterol), laakiin waxay yeelan kartaa faa'iidooyin kale, sida yaraynta bararka.

Dr Abdirahmaan Roble

๐— ๐˜‚๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ธ๐—ฎ๐—น-๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐—ป๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ   ( #๐—œ๐—ป๐˜๐—ฒ๐—ฟ๐—ป๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐—น ๐—ก๐˜‚๐—ฟ๐˜€๐—ฒ๐˜€๐——๐—ฎ๐˜†)Sanad waliba maanta oo kale waxaa ...
12/05/2025

๐— ๐˜‚๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ธ๐—ฎ๐—น-๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐—ป๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ( #๐—œ๐—ป๐˜๐—ฒ๐—ฟ๐—ป๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐—น ๐—ก๐˜‚๐—ฟ๐˜€๐—ฒ๐˜€๐——๐—ฎ๐˜†)

Sanad waliba maanta oo kale waxaa dunida looga dabaal-dagaa oo lagu maamuusaa ๐—ธ๐—ฎ๐—น-๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐—ป๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ee ku nool daafaha dunida.

Waxaan halkaan munaasabada maalinta caalmaiga ee kalkaaliyaasha dunida awgeed hambalyo iyo bogaadin uga diraayaa dhamaan kalkaaliyaasha soomaliyeed ee duruufaha adag ee kala duwan ugu adeega bulshada soomaaliyeed, waxaa tihiin hal-boowlaha iyo mashiinka dhaqaajiya adeegyada kala duwan ee caadimaadka,waxaan tihiin tiir adag, waxa tihiin nafhura-yaaal u heelan bad-qabka bulshadu inay garan doonto doorkiina muhiimka ah, markale hamblayo.

Guud ahaan waxaa dunida ka hawl gala 30 milyan oo kalkaaliyayaal ah, kuwaas oo ah wadanaha nidaamyada caafimaadka adduunka oo dhan. Laga soo bilaabo jawaabta degdega ah ilaa daryeelka muddada-dheer, laga bilaabo dhalashada ilaa dhamaadka nolosha, kalkaaliyayaashu waxay joogaan meel kasta oo adeeg caafimaad ka jiro. ๐—›๐—ฎ๐˜†โ€™๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ (๐—ช๐—›๐—ข) waxay ku boorinaysaa in la taageero lana edejiyayo maal-gashiga kalkaaliyaasha si looga fogaado in yaraadaan ku dhawaad 4 milyan oo kalkaaliye marka la gaaro 2030ka. Sababtoo ah marka kalkaaliyayaasha la taageero, qof kastaa wuu horumaraa.

#๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ
#๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ธ๐—ฎ๐—น-๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐—ป๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ #๐—œ๐—ป๐˜๐—ฒ๐—ฟ๐—ป๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐—น ๐—ก๐˜‚๐—ฟ๐˜€๐—ฒ๐˜€๐——๐—ฎ๐˜†

Dr Abdirahmaan Roble

๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ ๐˜‚๐—ด๐—ฎ ๐—ณ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ฎ ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ ๐˜‚๐˜‚ ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ž๐—ผ๐—น๐—ฒ๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ (๐—›๐—ผ๐˜„ ๐—ง๐—ผ ๐—”๐˜ƒ๐—ผ๐—ถ๐—ฑ ๐—ฅ๐—ถ๐˜€๐—ธ ๐—ข๐—ณ ๐—–๐—ต๐—ผ๐—น๐—ฒ๐˜€๐˜๐—ฒ๐—ฟ๐—ผ๐—น)Dad badan ayaa hoos u dhigi...
10/05/2025

๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ ๐˜‚๐—ด๐—ฎ ๐—ณ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ฎ ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ ๐˜‚๐˜‚ ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ž๐—ผ๐—น๐—ฒ๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ (๐—›๐—ผ๐˜„ ๐—ง๐—ผ ๐—”๐˜ƒ๐—ผ๐—ถ๐—ฑ ๐—ฅ๐—ถ๐˜€๐—ธ ๐—ข๐—ณ ๐—–๐—ต๐—ผ๐—น๐—ฒ๐˜€๐˜๐—ฒ๐—ฟ๐—ผ๐—น)

Dad badan ayaa hoos u dhigi kara heerarka kolestaroolkooda iyagoo bedelaya qaab nololeedkooda, cuntadooda, iyo waxyaaha kale oo ay qaataan (Suplements).

Dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan taabooyin dhawr ah inay qadaan dadka qaba kolestaroolka ee daawaynta ka hor intaysan qorin daawada. Maareynta heerarka kolestaroolkaaga waa muhiim, maadaama kolestaroolka sare (High density Lipoprotein ) uu noqon karo arrin halis u ah badqabka wadnaha iyo xididdada waxa uuna sababi karaa wadne qabad (Heart attack) ama istarooga/ faaliga (Stroke).

Dhakhaatiirtu waxay inta badan qoraan daawooyin caawinaayo dadka heerarka kolestaroolkooda aad u sarreeya hoosna u dhiagaya heerkooda. Si kastaba ha ahaatee, haddii kolestaroolkaagu uu yahay mid khafiif ah (mildly cholesterol)ama dhexdhexaad ah (moderately cholesterol ), waxaad awoodi kartaa inaad hoos u dhigto daawo la'aan.

๐ˆ๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ข ๐ฌ๐ฎ๐›๐š๐ ๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐Ÿ๐š๐ง๐ค๐š ๐›๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐š (๐€๐ฏ๐จ๐ข๐ ๐ญ๐ซ๐š๐ง๐ฌ ๐š๐ง๐ ๐ฌ๐š๐ญ๐ฎ๐ซ๐š๐ญ๐ž๐ ๐Ÿ๐š๐ญ๐ฌ)

Cunista cuntooyinka ay ku jiraan dufanka buuxa ama dufanka ka gudbi kara xuduudaha jirka gudihiisa sababtoo waxay kordhin karaan heerka kolestaroolkaaga. Cuntooyinka dufanku ku badan yahay waxaa ka mid ah caanaha ( High milk fat), hilibka, iyo timirta iyo saliidda qumbaha. Waxaad ka heli doontaa dufanka transit ee cuntada degdega ah iyo cuntada la warshadeeyey.

Si kastaba ha noqotee, Ururada dhakhaatiirta Wadnaha Mareykanka (The American Heart Association ) Ururka Caafimaadka Adduunka ( World Health Organization) ee loogu kalsoon badanyahay wuxuu ku talinayaa in la yareeyo qaadashada dufanka buuxa in ka yar 6% ee kalooriyada maalinlaha ah. Dufanka jirka isaga goosha/isga-gudba (trans-fat) ayaa si gaar ah caafimaad darro u ah, maadaama ay kordhiyaan kolestaroolka LDL "xun" iyo Ilaha la aamini karo ayaa hoos u dhigaya "wanaagsan" kolestaroolka HDL. Ururka Caafimaadka Adduunka ee lagu kalsoon yahay ayaa ku talinaya in la xaddido dufanka transit in ka yar 1% cuntadaada.

Dr Abdirahmaan Roble

๐ˆ๐๐€๐€๐‹๐ˆ๐‹๐€๐€๐‡๐ˆ ๐–๐€๐ˆ๐๐€๐€ ๐ˆ๐‹๐€๐˜๐‡๐ˆ ๐‘๐€๐€๐‰๐ˆ๐‚๐”๐”๐Allaha Unaxariisto ๐ƒ๐ซ. ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐˜๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ wuxuu ahaa Guddoomiyaha Golaha Mihnadlayaasha Ca...
28/02/2025

๐ˆ๐๐€๐€๐‹๐ˆ๐‹๐€๐€๐‡๐ˆ ๐–๐€๐ˆ๐๐€๐€ ๐ˆ๐‹๐€๐˜๐‡๐ˆ ๐‘๐€๐€๐‰๐ˆ๐‚๐”๐”๐

Allaha Unaxariisto ๐ƒ๐ซ. ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐˜๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ wuxuu ahaa Guddoomiyaha Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC), sidoo kalena wuxuu h**e u soo noqday Guddoomiyihii Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

๐ƒ๐ซ. ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐˜๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ wuxuu door muhiim ah ka qaatay horumarinta caafimaadka dalka, isaga oo si hagar laโ€™aan ah ugu soo adeegay bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan Alle uga baryeynaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtiina uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Saddexdan mataano ah ee idiin muuqda waxa maanta laga soo saaray gabadh uur lahayd (sawirka isla iyada ayaa ila wadaagta...
21/01/2025

Saddexdan mataano ah ee idiin muuqda waxa maanta laga soo saaray gabadh uur lahayd (sawirka isla iyada ayaa ila wadaagtay). In aad yaabban tahay waa macquul oo anigu ba sidaas baa aan u yaabay markii h**e. Xaaladda ay ku abuurmeen oo ah meel makaanka ka baxsan (ectopic pregnancy) h**e waa aan u aqaannay se waxa iga fajiciyay qudhayda waxa uu ahaa qaabsameyskooda (anatomy).

In ilmaha uurka ku jiraโ€”gaar ahaan saddexda bilood ee h**eโ€”ay qaab ahaan u eg yihiin noolayaasha kale waa wax caadi ah oo faraca aynu wadaagno ayaa sabab u ah, balse in ay saa'id ugu ekaadaan noole kale sida xaaladdan oo kale waxa u sabab ah; ilmaha oo ku abuurma meel aan munaasib ku ahayn, sida tuunbooyinka ugxanta (follobian tubes). Kuwan sawirka ka muuqda naftarkoodu isla halkaas ayay ku abuurmeen sida aan sawirka raajada ka arkay.

Soomaalidu waxa ay u yaqaannaan xaaladdan "Ummusibyaan" waa magac ay wadaaddadu ka keeneen carabta oo iska khuraafaad ah, waxaana ay ku sheegaan in la ileeyay/cawryay ruuxa marxaladdan la kulma. Sidaas ayaa ay gabadhan lafteedu aammisnayd, aamminsanna tahay.

Waa xaalad dhif iyo naadir ah in saddex mataan ay ku samaysmaan meel ka baxsan makaanka hooyada.

W/Q Dr Mubarek Qowdhan.

Fariin ku socoto dhakhtarada(xarumaha) ilkaha si guud :- xarumaha ilkaha dadka ugu badan ee yimaada waa dad doonaya inay...
14/01/2025

Fariin ku socoto dhakhtarada(xarumaha) ilkaha si guud :-

xarumaha ilkaha dadka ugu badan ee yimaada waa dad doonaya inay noloshooda caafimaad kor u qaadaan iyago raadinaya dhoola cadayn kor u qaadda kalsoonidooda taaso qayb ka ah caafimaadka maskaxda .

hadaba qofkaas caafimaadka qaba ee siyaadada doonaya wuxuu mudan yahay in hadaan wax loo kordhin karin aan looga darin oo dhib loo gaysan caafimaadkiisa jireed.

sidaa si lamid ah dhakhtarku waa inuu aad isaga ilaaliya in qofka uu u adeegayo ee xoogaaga yar siinaya inuu naftiisa iyo tan qoyskiisa ugasoo talaalo xanuunada faafa .

marka si loo wada badbaado waxaan halkaan kusoo gudbinayaa talaabooyin aan u arkay inay muhiim tahay in laga helo xarunta caafimaadka ee adeegga ilkaha bixinaysa :

1: in xaruntu ay leedahay sterilizer ama machine qalabka jeermiska lagaga dilo oo xooggan ( iska ilaali foornada pizzada lagu kululeeyo )
2: in dhakhtarka loo dhamaystiro dharkiisa u goonida ah ee shaqada , koofiyadda iyo gloves ka , afsaaabka iyo muraayadaha indhaha.
marka uu bukaanka u bilaabayo shaqada iyo marka uu dhameeyo waa in dhakhtarku fara dhaqdaa
3: in dhakhtarku helaa kalkaaliso oo uusan faraha ku qaban alaabaha uu bukaanada wadaajinayo sida composite ka bonding ka hadii laga maarmi waayo in uu gacanta ku qabsado waa in alaabtaas lagu duubaa bac la tuuri karo oo loogu talagalay .
3: in biraha aan la wadaajin bukaanada ilaa lasoo sterilize gareeyo ( forceps , mirrors , explorers ) ( soo gado in aad ugu yaraan 20 bukaan ugu shaqayn kartid maalintii)
4: bukaankasta waa in loola dhaqmaa si taxadar leh isago sharaftiisa la dhawrayo
A : history taking ( haduu jiro xanuuno ay tahay in dhakhtarka uu la wadaago sida dhiig kar , sonkor , hiv, hepatits )
B: ka cabir bukaanada waawayn dhiig karka iyo sonkorta una dir dhammaan bukaanada baaritaan guud (screening)
C: qof walba oo kuu yimaada xanuun walba oo uu qabo waxaa waajib kugu ah inaad u adeegtid adoo raacaya medical protocol ka xanuunkaas lagu xalliyo tusaale :- qofka HIV ga qaba u shaqee adoo ogaysiinaya wax walba taxadarna muujinaya , agabka aad ugu shaqaysidna si gooni ah u nadiifi una strelize garee adoo ogaysiinaya kalkaaliyahaaga .

5: in si wadajir ah kor loogu qaadaa wacyiga bulshada , sidoo kalena la helaa dhakhaatiir sax ah oo ilkaha ah , lagana taxadaraa xoogsatada aan caafimaadka guud iyo midka ilkaha waxba ka aqoon .

ku darso waxay kula tahay

Dr Rasheid Caananuug

๐—ช๐—ฎ๐˜… ๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ด๐—ผ๐—ผ๐˜„ ๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜† ๐—”๐—ณ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†1. Afakaadhaddu waxay si heer sare ah u caawisaa habdhiska dheefshiid...
26/03/2024

๐—ช๐—ฎ๐˜… ๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ด๐—ผ๐—ผ๐˜„ ๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜† ๐—”๐—ณ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†

1. Afakaadhaddu waxay si heer sare ah u caawisaa habdhiska dheefshiidka ee cuntada. Madaama oo laga helo Miiq (Fiber) iyo macdano kale oo muhiim ah sida Potassium.

2. Afakaadhadu waxay dumarka ka yaraysaa Stress-ka ay dareemaan xilliga ay uurka (Pregnancy) leeyihiin, sida Wallaca (Morning sickness). Sidoo kale waxay hagaajisaa khal-khalka ku dhaca dhiiga caadada ee dumarka (Menstruation).

3. Afakaadhaddu waxay yaraysaa cudurka xiiqda (Asthma), iyada oo furta marinka hawada, sababta oo ah waxa laga helaa maadada โ€œPineneโ€ oo caawisa habdhiska hawo mareenka.

4. Afakaadhaddu waxay yaraysaa miisaanka jidhka (Weight loss), sida lagu ogaaday daraasad lagu daabacay โ€œThe Journal of the American Heart Associationโ€, sannadkii 2022.

5. Afakaadhaddu waxay hoos u dhigtaa heerka cadaadiska dhiigga ee jidha (Blood Pressure), madaama oo laga helo xaddi ah (6%) oo Potassium ah, taas oo meesha ka saarta halista cudurka Dhiig-karka (High Blood Pressure).

6. Afakaadhaddu waxay sare u qadaa awooda shahwadda ee ragga (S***m), taasi oo caawisa awooda taranka ee ragga. Waayo waxa laga helaa Vitamins iyo Macdano kale oo qaali ah, sida: Vitamins C, B12, D, E, Zinc, iyo Folic Acid.

7. Afakaadhaddu waxay ilaalisaa oo caawisaa caafimaadka Wadnaha. Sababta oo ah waxa laga helaa Maadada โ€œBeta-sitosterolโ€, taasi oo yaraysa halista Cholesterol-ka Wadnaha, sarena u qaada in Wadnuhu si fiican u shaqeeyo.

8. Daraasad lagu sameeyay dalka Mareykanka (USA) waxa lagu ogaaday in Afakaadhaddu ka hortagto noocyo ka mid ah cudurka Cancer-ka, sida Kansarka ku dhaca Ganaca, Hunguriga, Kaadi-heysta iyo Afka.

Sababta oo ah Afakaadhadda waxa ku jira Macdano iyo Acid kala duwan oo ay ka mid yihiin; (Vitamins C, E, K, B6, Beta-carotene, Potassium, Magnesium, Folic Acid iyo Omega-3 fatty acids), kuwaas oo awood u leh inay meesha ka saaraan oo la dagaalamaan unugyadda Cancer-ka sababaya.

9. Afakaadhaddu waxay sare u qaada awooda, quruxdda iyo adkaanta Ilkaha. Madaama oo laga helo xaddi badan oo Potassium iyo Folic Acid ah.

10. Afakaadhaddu waxay caawisaa oo sare u qaadaa awooda Indhaha (Eye Vision), sababta oo ah waxa laga helaa Vitamins A, C, E, iyo B.

11. Afakaadhaddu waxay ka hortagtaa cudurka Lafaha ku dhaca ee (Osteoporosis), madaama oo laga helo Vitamin K, oo sare u qaadaa awooda Lafaha ee jidhka, sidoo kalana fududeeya nuugitaanka Calcium-ta jidhka.

12. Afakaadhadda waxa ku jira Macdanta Folic Acid, taas oo sare u qaada caafimaadka Hooyada uurka leh iyo Ilmaha yare ee Uurjiifka ah (Fetus).

13. Daraasado kala duwan oo lagu sameeyay Dalka Mareykanka sannadihii 2015 iyo 2019, waxay soo bandhigeen in Afakaadhaddu ay sare u qaado caafimaadka Beerka, iyada oo yaraysa cuduradda ku dhaca beerka sida: nonalcoholic fatty liver disease (NAFLD).

14. Afakaadhadda waxa laga helaa (15%) oo dux ah (Fats), taasi oo ah duxda aan khatarta ku keenin jidhka, bal se caawisa inay hoos u dhigto heerka Cholesterol-ka ee jidhka.


Qore: Aadan Xuseen Daa'uud, DVM, MPH.
Xigasho: Healthline Media / PharmEasy.
Dr Abdirahmaan Roble

27/02/2024

๐—ธ๐—ฎ ๐—ณ๐—ผ๐—ด๐—ผ๐—ผ๐˜„ ๐—ธ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ๐—ป ๐Ÿฑ-๐˜๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฐ ๐˜‚ ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ!

1. Cabid laโ€™aanta biyo kugu filan

Biyaha waxa ay muhiim u yihiin guud ahaan nolosha, biya laโ€™aanta waxay saameyn kartaa waxqabadkaaga jir ahaaneed iyo maskaxeed. Dadka aan cabbin biyo ku filan maalin kasta waxay halis weyn ugu jiraan dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin: dhagxaan kelyaha ku samaysma.

2. Cunista cunto culus sariirta ka hor

Khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in aan la cunin cunto badan ama culus wakhtiga hurdada agteeda. Cunista cunto badan oo aad ugu dhow xilliga hurdada waxay saameyn kartaa dheefshiidka iyo tayada hurdada. Waqti ka dib,cunida cuntada maalinlaha ah ee qofku qaato goor dambe oo maalinta ah waxay sidoo kale u horseedi kartaa cayil.

3. Cunista subaga badan ee dufanka badan

Dufanka trans (trans-fat) waxaa loo tixgeliyaa nooca ugu xun ee baruurta la cuno. Si ka duwan dufanka kale ee cuntada, dufanka trans-oo loo yaqaan 'trans-fatty acids' - waxay kor u qaadaan kolestaroolka "xun" waxayna sidoo kale hoos u dhigtaa kolestaroolka โ€œwanaagsan". Cunto ay ku raran yihiin dufanka trans waxay kordhisaa halista cudurrada wadnaha, waana dilaaga ugu horreeya ee dadka waaweyn.

4. Cunista sonkor badan

Cuntooyinka macaan ee leh iyo cabbitaannada sokorta leh badankoodu waxay kuu horseedi karaan kororka miisaanka, dhibaatooyinka sonkorta dhiigga, iyo khatarta sii kordheysa ee cudurrada wadnaha, iyo xaalado kale oo khatar ah. Sababahan dartood,isticmalaka cuntooyinka macaan iyo cabitaanada sonkorta leh waa in la yareeyaa mar kasta oo ay suurtogal tahay, taas oo fudud markuu qofka raaco cunista cunto nafaqo leh oo ka kooban cuntooyinka oo dhan.

5. Samayn laโ€™aanta jimicsi kugu filan

Qaadashada jimicsi ku filan qofka waxa ay u horseedi kartaa faaiidooyin caafimaad oo farabadan balse waxa dhacaya cagsigeeda marka qofka uusan helin jimicsi ku filan sida kororka miisaanka aan caafimaadka lahayn, khatarta cudurro badan oo dabadheeraada, sida cudurrada wadnaha, kansarka, iyo nooca 2 ee sonkorowga. Waxay kor uqaadaa dareenka walaaca, halista waallida waxayna hoos u dhigtaa tayada hurdada.

Dr Abdirahmaan Roble

Xigasho Daily Health Post

Author,Advocate about global health Awareness,Health education,Health worker

๐— ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ-๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป ๐—ฆ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—พ๐˜‚๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฏ๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐˜†๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ผ (๐—ฏ๐—ฎ๐—ธ๐—ถ๐—ป๐—ด /๐—ฆ๐—ผ๐—ฑ๐—ถ๐˜‚๐—บ ๐—ฏ๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฏ๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐˜๐—ฒ ๐˜€๐—ผ๐—ฑ๐—ฎ) ๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐˜„๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ ...
22/02/2024

๐— ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ-๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป ๐—ฆ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—พ๐˜‚๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฏ๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐˜†๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ผ (๐—ฏ๐—ฎ๐—ธ๐—ถ๐—ป๐—ด /๐—ฆ๐—ผ๐—ฑ๐—ถ๐˜‚๐—บ ๐—ฏ๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฏ๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐˜๐—ฒ ๐˜€๐—ผ๐—ฑ๐—ฎ) ๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐˜„๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐—ณ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ,๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—พ๐—ผ๐—น๐—ณ๐—ผ๐—ผ๐—ณ๐˜๐—ฎ-๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ๐˜„ ๐—ฒ๐—ฒ ๐˜„๐—ฎ๐—ท๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ?

Saliida qumbaha iyo budada duban ee loo yaqaano (baking /Sodium bicarbonate soda) ee wejiga lagu dhaqo waxa ay si qoto dheer u galaysa daloolada maqaarkaaga si ay uga hortagto finanka qolfoofta-madow leh ee ka soo baxaya wajigaga.

Tani waa waxa ku dhacaya wajigaaga ka dib markaad ku dhaqdo saliida qumbaha iyo budada duban ee sodhada (Baking soda).

Budada Duban ee soodhada iyo saliidda qumbaha waxay aad ugu fiicantahay ku dhaqidda wajigaaga. Isticmaalka budadaan iyo saliida qumbaha loona isticmalao maqaarka, waxa ay noqtay hab ka mid ah hababka is quruxinta ee ragga iyo dumarka si isku mid ah u isticmaalaan siina kordheysa mudooyinkii dambe.

Fikradda ayaa ah in dabeecadda jilicsan ee ee soodhada duban (Baking soda) iyo saliidda qumbaha ay ka saarto jirkaaga unugyada maqaarka ee dhintay si ay u abuuraan muuqaal qurxoon xitaa ,waxay kor u qaadaan socodka dhiigga waxayna nadiifiyaan daloolka . arinta muhiimada leh ayaa ah in la kordhiyo wacyiga ku saabsan saameynta deegaan ee ku yar-tahay balaastiiga iyo wasakhda nuucayadeeda si loo helo deegaan dabiiciya oo laga heli karo waxyaabaha kala duwan ee caanka ah laguna daryeeli karo maqaarka ah , waxaa hubaal ah in ay mudan tahay in la eego xulashooyinka daryeelka maqaarka ee deegaanka u wanaagsan iyo kuwa aan sunta ahayn (non-toxic skincare options).

Waa maxay sababta saliidda qumbaha iyo budada duban ee loo yaqaano (baking /Sodium bicarbonate soda) loogu isticmalao dhaqida wajiga?

Isticmaalka saliidda qumbaha ee wejiga lagu dhaqo waa fikrad aad u fiican, laakiin isku-dhafkan ayaa aad u fiican si ay hab qoto dheer u gasho daloolladaada jirka si aad uga hortagto finanka iyo haaraha mad-madoow. Budada duban (Baking soda) waa jawiga hawa ah (amphoteric), taas oo macnaheedu yahay in ay ka takhalusto dheelitir la'aanta jirka( PH) iyada oo u dhaqmaysa sidii aash*to( Acid) ama(cusbo) base.
Isku dheelitir la'aanta waa mid ka mid ah sababaha ugu horreeya ee finanka, maqaarka qalalan iyo haraaha madow.
buddada duban (Baking soda) waxa kale oo daawaysaa bararka iyo casaanka caabuqa si uu u bogsado maqaarka dhibaataysan oo ay u yarayso xajmiga finanka.

Saliida Qumbaha Saliidda qumbaha waa qoyaan nafaqo leh oo cajiib ah oo leh astaamo bakteeriyada iyo fayraska ka hortago. Waxa kale oo ay bogsiin kartaa xaaladaha maqaarka sida cambaarta iyo maqaarka qalalan. Waxay xitaa bogsiin doontaa boogaha, taas oo u fiican maqaarka finanka u nugul.
"Salida qumbaha waa qoyaan aad u fiican iyo ka hortagga bararka, sidaas darteed isticmaalkeeda ka hotagaga canbaarta ayay kor u qaadaysaa," ayuu yiri Ted Lain, MD, oo ku takhasusay maqaarka oo ku sugan Austin, Texas.

Dr Abdirahmaan Roble

Xigasho Daily Health Post

๐— ๐—ฎ ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐—ป ๐—ณ๐—ถ๐˜๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ž๐Ÿฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฎ๐—ต ๐—ป๐˜‚๐˜‚๐—ฐ ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ณ๐—ถ๐˜๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป ๐—ž ๐˜‚๐˜‚ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ถ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ ๐—ถ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐˜€๐—ต๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—บ๐—ธ๐—ฎ (๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—ฐ๐—ถ๐˜‚๐—บ) ๐—ธ๐˜‚ ๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐—ฟ๐—ผ ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ฏ๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€...
17/02/2024

๐— ๐—ฎ ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐—ป ๐—ณ๐—ถ๐˜๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ž๐Ÿฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฎ๐—ต ๐—ป๐˜‚๐˜‚๐—ฐ ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ณ๐—ถ๐˜๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป ๐—ž ๐˜‚๐˜‚ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ถ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ ๐—ถ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐˜€๐—ต๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—บ๐—ธ๐—ฎ (๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—ฐ๐—ถ๐˜‚๐—บ) ๐—ธ๐˜‚ ๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐—ฟ๐—ผ ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ฏ๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜…๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ?

Tani waxay qayb muhiim ah u tahay nidaamka wadnaha iyo xididdada dhiigga.

๐ฌ๐ข๐๐ž๐ž ๐š๐ฒ๐ž๐ž ๐ฎ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐š ๐Ÿ๐ข๐ญ๐š๐ฆ๐ข๐ง ๐Š๐Ÿ ?

Marka h**e: Waxaa jira laba nooc oo waaweyn oo fitamiin K ah:

K1 oo ka timaada khudaarta cagaaran sida isbinaajka oo muhiim u ah xinjirowga dhiigga; iyo fitamiin K2 oo inta badan laga helo cuntooyinka xayawaanka iyo sidoo kale kuwa khamiirsan . Dad badan ayaan aqoonin fitamiin K2 balse Waxay ka hortagi kartaa in calciumku ku ururo halbowlayaasha dhiigga, sidaas awgeedna waxay ka hortagtaa xinjirowga, ka caawinta in uu caafimaadka wadnahaaga ilaaliyo!
Aan marka h**e kuu sheego qaar ka mid ah cuntooyinka caadiga ah ee laga helo fitamiin K2.
Haddii aan si dhow u eegno, ma jiraan runtii wax la barbar dhigi karo cunto caafimaad leh. Wax kabitaan ah looma baahna!

Natto waa saxan Jabbaanays ah oo laga sameeyo digirta khamiirsan. Waxaa ku badan fitamiin K2. Qaar ka mid ah xulashooyinka cuntada kale ee wanaagsan ee ay ku badan yihiin fitamiin K2 waa eel, noocyo badan oo cuntooyinka farmaajada leh sida(raclette, gouda, Jarlsberg, edam waa tusaalooyin qaar), beerka lo'da, subagga laga keena loโ€™da cawska cunta , hilibka madow sida lugaha digaaaga ,iyo ukunta - gaar ahaan qeeybta jaalaha ah digaaga .

๐—ช๐—ฎ๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ž๐Ÿฎ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฒ๐—น๐—ผ?

Waxaad ka heli kartaa kalsiyumk ilo kala duwanโ€ฆ
sida khudaarta caleenta cagaaran ee madow, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, iyo caanaha laga keena xoolaha yicibta cuna . Uma baahnid inaad qaadato kabitaan ilaa dhakhtarkaagu kuu sheego.

Faytamiin K2 waxa uu yareeyaa xadiga kaalshiyamka ee gala xididada dhiigaaga waxa uuna caawiyaa in lafahaaga ay xoogaystaan, taas oo ka hortagi karta lafo-jileeca.

Haddii aad raadineyso inaad Kor u qaato fitamin K2.
waxaad u baahan tahay inaad ogaato.
Waxaa jira laba nooc oo fitamiin K2 ah: MK4 iyo MK7. MK4 waxay leedahay nolol gaaban oo mudo kooban ayee jirkaaaga ku jiri kartaa halka si dhakhsa ahna jirkaaga ay ula fal-geli karto halka MK7 in badan muda dheer ku jiraayo jirkaaga.

Mk7 waxa la qaadan karaa hal mar maalintii. waa inaad qaadatana inta u dhaxaysa 90 iyo 100 microgram, iyo ilaa 200 oo mikrogram ayaa la qaadan karaa haddii aad rabto. Qaadashada Mk7 iyo fitamiin D isla socda waa ikhtiyaar adiga kugu xiran , inkastoo lagu taliyo in si wada jir loo qaato sababtoo ah fitamiin D-ga ayaa door lama huraan ah ka ciyaara isbeddello badan oo kiimiko ah oo ku dhaca jirkeena oo dhan. Markaad dooranayso nooc ka mid ah fitamiin D, dooro D3 oo ha dooran D2 sababtoo ah kani waa midka ugu badan ee jirkaaga ka heli karo natiijooyin wanaagsan.

Dr Abdirahmaan Roble

Address

Ballymount

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Abdirahmaan Roble posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Abdirahmaan Roble:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category