26/04/2026
TACSI
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
اللَّهُمَّ اغْفِرْ لَهُ وَارْحَمْهُ وَأَسْكِنْهُ فَسِيحَ جَنَّاتِكَ
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Naf walba geerida way dhadhaminaysaa.
Maamulka Caafimaadka Degmada Iskushuban iyo guud ahaan shaqaalaha caafimaadka degmada Iskushuban waxay ka tacsiyeynayaan geerida naxdinta leh ee ku timid walaal Cali Nuur Jaamac, oo ka mid ahaa shaqaalaha caafimaadka Degmada Iskushuban, gaar ahaan deegaanka Mareer.
Waxaan Ilaahay SWT ka baryeynaa inuu u naxariisto marxuumka, qabrigana u waasiciyo, dambigiisana dhaafo, kitaabkiisana midigta ka siiyo, Jannatul Firdawsana ka waraabiyo.
Sidoo kale, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay, waxaanan Ilaahay ka baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin Yaa Allaah.