5-Minutes Health

5-Minutes Health Dr Elmi Aar

Soo Dhawoow Walaal,

Pagekaan waxaa maamula Dr Elmi Ali Abdi Internal Medicine (Cardiology)MD ongoing, Muhimmada ugu weyn oo pagekaan loo sameeyey waa in Walaalaha Somaalida ah lagu Caawiya dhanka Cafimaadka.

Bismillah,Waa mawduuc muhiim ah, wax badan ka ogow waqtiga la daaweeyo cudurka dufanka( Cholesterol), sida aan wada ogna...
02/02/2022

Bismillah,

Waa mawduuc muhiim ah, wax badan ka ogow waqtiga la daaweeyo cudurka dufanka( Cholesterol), sida aan wada ognahay, waxaa jiro cudurro badan oo ubaahan in la daaweyo, iyo kuwo badan oo u baahan in lala socdo inta ay ka gaarayaan in daawo loo qaato iyo in lagu maareeyo wax ka baddalka raashiinkaada ama jimicsi. Aduunka dad badan ayaa la nool cudurka dufanka( Cholesterol), sidaas ay tahayna qof walbo uma baahno in uu daawo qaato. Waxaan marar badan aragnaa bukaanno qaba cudurkaan,haddana aan ubaahneyn wax daawo ah, lagana yaabo in meelo kale sida farmashiye daawo laga soo siiyey, loona sheegay in uu gaaray xilli la daaweeyo, hadaba qormaddan kaga faaideyso xilliga la daaweyo iyo xilliyadda kale.

Dufanka ( Cholesterol) waxaa laga soo saaraa jirkeenna, waxa kale oo ka helnaa xayawaanka caanihiisa ama hilibkiisa. Waxaa jiro dhowr nooc oo dufan ah, Dufanka guud ( Total Cholesterol), dufanka xun ( LDL), Dufanka wanaagsan (HDL) iyo midka dhiiga laga helo ( triglycerides). Qeyb walba oo ka mid ah jirkeenna wey ubaahantahay dufan, taasi micnaheeda ma ahan inaan dufan qaadano ama aan badsano waxyaabahaas. Dufanka waxuu naga caawiyaa in la sameeyo shiidaha cuntada ( bile), iyo vitamiinka lafaha ( Vit D). sabbabaha aan iskaga yareyneyno dufanka waxaa kamid ah in aan ka hortagno in uu nagu dhaco cudurrada ku dhaca xiddidada wadnaha kuwaas oo intooda badan ka yimaado dufanka.

Goorma ayaa la daaweeya dufanka ( Cholesterol)?
Sidda aan kor kusoo xusnay waxaa jiro dhowr nooc oo dufan ah. Marka qofka bukaannka ah laga baarro cudurka dufanka waxaa la fiiriyaa tiro ahaan inta ay yihiin dhowrkaas nooc ee aan soo sheegnay, inta badan mid mid looma aqriyo, ee waala isla aqriyaa si markaas loo gaaro go’aan ku haboon qofka markaas xanuunsan. Hadii qofka bukaannka ah ufiicanyahay dufanka wanaagsan ( HDL), midka xunna ( LDL) uu yaryahay uma baahno wax daawo ah, xittaa hadii midkiisa guud ( total cholesterol) uu yara kacsanyahay. Marka ay sidaas tahay, bukaannka waxaa lagu
wacyi galiyaa inuu dhowr shey sameeyo.

1- In uu Raashinkiisa wax badan ka badalo sida, inuu yareeyo dufanka
2- In uu Almiito badan sameeyo, uuna iska dhimo miisaanka badan hadii uu yahay qof cayiln
3- In uu joojiyo cabidda sigaarka ama khamriga.
4- In uu la socdo cabirka sokortiisa iyo dhiig—karkiisa
5- In uu aad iskaga ilaaliyo waxyaabha saameeyo dareenkisa sida xanaaq iyo stress.

Intaas oo dhan marka la isku wada daro, waa jiraan dad ubaahan in la daaweeyo laakiin qof walbo oo dufankisa badanyahay daawo uma baahno, intaas waxaa sii dheer mar hadii aad daawo qaadasho bilowdo waligaa waad wadi doontaa. Talo dhaqtar adoo heli karo, farmashiye iyo wax lamid ah yeysan ku summeynin walaal.

Fadlan, Walaal adiga oo mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.

Khuraafaadka Covid-19‼➡️ Covid-19 waa cudur ay sameysteen shiinaha si ay ula dagaalamaan mareykanka iyo aduunka intiisa ...
14/07/2020

Khuraafaadka Covid-19‼

➡️ Covid-19 waa cudur ay sameysteen shiinaha si ay ula dagaalamaan mareykanka iyo aduunka intiisa kale.

➡️ Covid-19 ma dilo dhalinyarada.

➡️ Covid-19 kuma dhaco afrikanka iyo dadka ka shaqeeyo shaqada xamaalka.

➡️ Covid-19 waxuu ku dhacaa dadka caatada ah iyo dadka lacagta leh.

➡️ Covid-19 waxuu ku dhacaa dadka waaweyn iyo caruurta kayar 5 sano oo kaliya.

➡️ Covid-19 waxaa lagu daaweeyaa dhirta geedaha oo la isku dardaray.

➡️ Covid-19 kuguma dhacaayo hadii aad jirka oo dhan marsato jeermis dile ama xabasowdo.

➡️ Covid-19 kuguma dhacaayo hadaa cabto waxyaabaha kulul sida sanjabiilka, maraqa iyo shaaha, iwm.

# dhamaan intaas waa been waxbanna k**a jiraan. Gacmaha si fiican iskaga dhaq, xero af dabool hadii aad awoodid.
La wadaag fariintaan walaalahaaga si ay runta u ogaadaan.

Mahadsanidiin.

💠Xaqiiqooyinka COVID-19‼Qeybti 2-aad▶️ Miyuu Covid-19 ku faafi karaa cimilada kulul❓✅ Covid-19 wuu ku noolaan karaa cimi...
09/07/2020

💠Xaqiiqooyinka COVID-19‼Qeybti 2-aad

▶️ Miyuu Covid-19 ku faafi karaa cimilada kulul❓
✅ Covid-19 wuu ku noolaan karaa cimilo ka badan 25 degree. Mar kastana waad qaadi kartaa si kasto oo ay qoraxda kuleel u tahay. Lkn qoraxda waa caafimaad, waxaana laga helaa Vitamin D kaas oo kor uqaadaayo difaaca jirkada.

▶️ Miyey Cabida wax kasto oo kulul iga celinaayaan Covid-19❓
✅ Cabida wax kulul amaba Qabow kaama celinaayaan Covid-19, mana daaweynaayaan. Inaad cabto biyo badan, aadna hesho nasasho fican waxey kaa qafiifineysaa calaamadaha cudurka.

▶️ Daawooyinka loo qaato cudurka duumada miyey daawo uyihiin Covid-19❓
✅ Ilaa hada lama haayo daawada cudurkaan, lkn Dadka inta badan wey iska bogsadaan, ayagoo aanan wax daawo ah qaadanin.

💠Xaqiiqooyinka COVID-19‼▶️Miyuu dhimanayaa qof kasta oo uu ku dhaco COVID-19❓✅ Jawaabta wa maya, qof kasta waqtigiisa ay...
09/07/2020

💠Xaqiiqooyinka COVID-19‼

▶️Miyuu dhimanayaa qof kasta oo uu ku dhaco COVID-19❓
✅ Jawaabta wa maya, qof kasta waqtigiisa ayu dhimanayaa, lkn Dadka intooda badan waxa ku dhaco cudurka qeybtisa aan saameynta badan laheyn oo loo yaqaano ( Mild form) waxeyna bogsadaan ayagoo aanan ubaahneyn wax daawo ah.

▶️Run miyaa in dadka madow iyo dadyowga africanka ah uu si fudud cudurka ugu dhici karo❓
✅ cudurkaan covid-19 wuu ku dhici karaa qof kasta ayadoo aanan loo fiirinin jinsiyadisa iyo kalarka jirkiisaba. Lkn Dadka waaweyn iyo dadka qaba cudurada lala noolaado ee aan laga bogsoonin ayu si adag dhulka udhigaa.

▶️ Maxaa ka jira in covid-19 ku dhaco dadka waaweyn oo kaliya, uusan ku dhicin dadka yaryar❓
✅ Inkasto dadka waaweyn cudurka u nugulyihiin, hadana wuu ku dhacaa dadka yaryar, walibana dhulka ayuu soo dhigtaa mararka qaar oo weyba ugeeriyoodaan, waliba kuwa qaba cudurada lala noolaado.

08/07/2020

Asc
Dhamaan walaalaha page kaan waxa ka heli doontaan wax walbo oo ku saabsan caafimaadka iyo wixii la xariira sida daawooyinka , tallaalka iyo cunooyinka ugu wanaagsan cudurada kala duwan.

mahadsanidiin.

waxaan idin ka rajeyneynaa inaa follow iyo like dhahataan si aad ugu faai'deysataan.

Address

Outring Road
Nairobi

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when 5-Minutes Health posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to 5-Minutes Health:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram