Barwanaag

Barwanaag Caafimaadku waa hanti

07/06/2024

Macalinkii..

REER GUURAA.. SOMALIA, BARIIMAADKA
07/06/2024

REER GUURAA.. SOMALIA, BARIIMAADKA

Casariye time, asxaabta..
07/06/2024

Casariye time, asxaabta..

Is-cadayn mise is-halayn..
04/06/2024

Is-cadayn mise is-halayn..

Awoodeena ah in aan isku dayno waxyaabo cusub oo aan wax ka baranno guulaha iyo guul-darrooyinka waxay aad ugu xiran tah...
17/05/2022

Awoodeena ah in aan isku dayno waxyaabo cusub oo aan wax ka baranno guulaha iyo guul-darrooyinka waxay aad ugu xiran tahay qayb kamid ah unugyada maskaxdeenna.

Waa sababta dadka qaar ay wax uga bartaan qaladkooda, qaarna aysan waxba uga baran qaladkooda .

Si aad u gaarto in aad mqalinkasta ordi kartid 10 daqiiqo iyo kabadan,amee qaabkaan hoos ku qoran.
08/07/2021

Si aad u gaarto in aad mqalinkasta ordi kartid 10 daqiiqo iyo kabadan,
amee qaabkaan hoos ku qoran.

Haddii uu jiro hal shay ee ugu muhiimsan ee dadka xanuunsan ee corona looga shakiyo laga baari lahaa waa cabirka oxygen ...
01/04/2021

Haddii uu jiro hal shay ee ugu muhiimsan ee dadka xanuunsan ee corona looga shakiyo laga baari lahaa waa cabirka oxygen tooda.

Qalbkaan yar ee pulse oximeter waa raqiis, sahal, fudayd iyo cajiib. 20 seconds oo aad farta dhex galiso ayuu kuu sheegi karaa level ka oxygenta ee jirkaaga.

Maanta waxaan clinic ku arkay oday level ka oxygentiisu tahay 65%, waa emergency u baahan oxygen in lagu xiro, neeftuur yar iyo daal ayaa ka muuqday, nasiib darro wiilkiisa waa uu diiday in hospital la geeyo maxaa yeelay wacyiga oo liita iyo qof corona qaba isbitaal lama geeyo uu si qaldan u fahmay.

Sidoo kale gabar aan maalmo ka hor oxygen ka cabirnay oo noqotay 81% qufac iyo qandhana lahayd, isbitaal ayaa 3 maalin la jiifiyay waa ay soo bogsootay.

Medscape ayaa galabta qoray in pulse oximeter uu yahay shay aad muhiim u ah, aadna u sahlan. Balse bulshadeena qof u sharaxa ma jiro, iyo cid masuuliyad iska saartay. Waana qalab jooga 20 Usd.

Cali Macow Macallin, ( 1954 - 22 July 2013) wuxuu cunto kariye ka ahaa isbitaal ku yaallay magaalada Marka ee Soomaaliya...
30/03/2021

Cali Macow Macallin, ( 1954 - 22 July 2013) wuxuu cunto kariye ka ahaa isbitaal ku yaallay magaalada Marka ee Soomaaliya, waana shaqsigii ugu dambeeyay ee la ogyahay inuu ku dhacay cudurkii dilaaga ahaa ee Small Box ama FURUQA oo u qaab ekaa Busbuska.

Waxaa laga helay cudurkaas Oktoobar 1977 wuuna kasoo kabtay 100%.

Intaas wixii ka dambeeyay wuxuu la shaqayn jiray hay'adda WHO, kana saaciday faafintii tallaalka cudurka Dabaysha nawaaxiga Marka.

2013 ayuu ku geeriyooday marka isaga oo 59 jir ah.

26/03/2021

JUMA KARIIM.

Qiimayn la sameeyay waxaa la ogaaday in cabitaanka ay soomaalidu ugu jeceshahay dal iyo dibadba uu yahay cambaha.Hadaba ...
23/03/2021

Qiimayn la sameeyay waxaa la ogaaday in cabitaanka ay soomaalidu ugu jeceshahay dal iyo dibadba uu yahay cambaha.

Hadaba caafimaad ahaan faaidooyinka cambaha maxaa ka mid ah:

1. Wuxuu sahlaa dheefshiidka oo caloosha ayuu socod siiyaa.

2. Waxa uu siyaadiyaa caafimaadka habdhiska dheefshiidka.

3. Waxa uu xoojiyaa difaaca jirka.

4. Waxa laga helaa vitamin C badan .

5. Waxa uu ka qayb qaataan caafimaadka araga iyo indhaha oo waxaa ku jira Beta-carotene oo siyaadisaa vitamin A ga.

6. Waxa uu yareeyaa cholesterol ka xun, oo Fibre pectin ka ku jirta cambaha ayaa hoos u dhigtay LDL (cholesterol ka xun).

7. Waxa uu qurxiyaa maqaarka, oo uu ka qayb qaataa ka takhalusidda unugyada dhintay ee maqaarka.

8. Xitaa dadka sokorta qaba waa ay ku raaxaysan karaan cuniddiisa oo sokorta ma kiciyo.

9. Waxa uu saacidi karaa dhimista culayska.

10. Qolofta cambaha waxa laga helaa intaan iyo ka badan.

W/Q: Dr. Ahmed I. MO.

Uma baahnid in dad aan caafimaadka aqoon u lahayn aad ka waraysatid ama go'aan ku gaartid in aad qaadato ama iska dayso ...
16/03/2021

Uma baahnid in dad aan caafimaadka aqoon u lahayn aad ka waraysatid ama go'aan ku gaartid in aad qaadato ama iska dayso tallaalkaan.

Kaliya bahda caafimaadka ee kuugu dhow ama aad aadka ugu kalsoontahay kala tasho.

Tallaal waligiis wuu jiray, waana la qaadan jiray, markastana halista cudurka ayaa ka badan tan ka dhalan karta tallaalkaan.

WAA MAXAY KILLIYA XANUUNKA DABA-DHEERAADA? Killiya xanuunka daba-dheeraada waa xaalad caafimaad ee Killida saameeysa, oo...
14/03/2021

WAA MAXAY KILLIYA XANUUNKA DABA-DHEERAADA?

Killiya xanuunka daba-dheeraada waa xaalad caafimaad ee Killida saameeysa, oo kasiidarta maalinba maalinta kadanbeeysa, dib ubogsashona aan laheyn.

WAA MAXAY ASTAAMAHA AMA CALAAMADAHA LAGU GARAN KARO KILLIYA XANUUNKA DABA-DHEERAADA?

Astaamaha ugu h**eeyo ee lagu ogaado cudurkan waxaa kamid ah :

In ey labada addimood ee lugaha barar kasoo muuqdo, wajiga oo soo barara, daal fara badan oo aad dareento.

Ugu danbeyn marka ey sii daba-dheeraato waxay gaartaa heer kaadidi yaraato ilaa lawaayo, kadib biyihii kaadi ahaan ku bixi lahaa uu dib jirka ugu noqdo siiba sanbabada, taas oo sababta bukaanka in uu neefsan waayo.

Ugu danbayn bukaanku wuxuu ubaahanayaa in Killi caafimad qabto loogu badalo ama dhiigga laga sifeeyo marwalba.

UGU DANBAYN, MALA DAAWEYN KARAA?

Maya daawo malaha, balse waa laga hortagi karaa sidoo kalena xawliga uu cudurka kusocdo waa la yarayn karaa hadii bukaanku yimaado xilliga h**e ee caalamadahu soo muuqdaan.

W/Q: Dr. ABDURAHMAN HASSAN, MO.

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Barwanaag posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Barwanaag:

  • Want your practice to be the top-listed Clinic?

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram