06/03/2026
Sharaf weyn ayay ii ahayd in aan ka qayb galo munaasabadda ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ช๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Echo Care. Waxaan halkaas ku matalayay Isbitaalka Dalmar Specialist & Teaching Hospital.
Mowduuca sanadkan, โ๐๐๐ซ๐ฒ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ช๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐: ๐๐๐๐ซ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ข๐ฅ๐๐ ๐๐๐๐ซ ๐๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐จ,โ wuxuu ina xusuusinayaa in caafimaadka maqalku ka bilaabmo bulshada dhexdeeda, isla markaana uu door muhiim ah ku leeyahay waxbarashada iyo horumarka carruurta.
Baaritaanka h**e ee maqalka iyo ka hortagga dhibaatooyinkiisa waa tallaabo muhiim ah si loo hubiyo in aan hal ilmo looga tagin dhibaato maqalka ah oo aan la'ogaan darteed. Caafimaadka maqalku ma aha oo kaliya arrin caafimaad, balse wuxuu saameeyaa waxbarashada, wax-soo-saarka iyo fursadaha siman ee bulshada.