Somali ICU & ER Development Hub

Somali ICU & ER Development Hub Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somali ICU & ER Development Hub, Medical and health, Five star Road, Nairobi.

Himiladeena
Inaan kor u qaadno tayada iyo badbaadada adeegyada degdegga iyo daryeelka adag (ICU) ee Soomaaliya annagoo taageerayna kalkaaliyeyaasha iyo bahda caafimaadka ee badbaadiya nolosha bukaanada maalin kasta.

👇 Waxaan Ku Dhex Nool nahay Khatar! Soomaalidu Maxay Ugu Dhintaan Cudurro Laga hortagi Karo? 📉🆘🩺 Daraasad Cusub oo Kashi...
19/09/2025

👇 Waxaan Ku Dhex Nool nahay Khatar! Soomaalidu Maxay Ugu Dhintaan Cudurro Laga hortagi Karo? 📉🆘

🩺 Daraasad Cusub oo Kashifaysa Xaaladda Dhabta ah ee Adeegyada Daryeelka Degdegga ah iyo ICU-yada ee Soomaaliya (2025)

Soomaaliya waxaa laga sameeyay qiimeyn qaran oo baaxad leh oo lagu baaray adeegyada degdegga ah iyo kuwa daryeelka adag (Emergency & Critical Care - ECC). Daraasaddan, oo lagu sameeyay 43 isbitaal oo dalka ku yaal, waxay si cad u muujisay:

🚨 In bukaanno badan ay u dhintaan xaalado la badbaadin karay – haddii ay helaan daryeel caafimaad degdeg ah.
📉 Celceliska ahaan cimriga dadka Soomaaliyeed: waa 56 sano – mid ka mid ah kuwa ugu hooseeya caalamka!
⚠️ Hooyooyin, dhallaanka cusub, iyo bukaanada ku jira xaaladaha degdegga ah ayaa ah kuwa ugu nugul.

Qodobada Muhiimka ah ee Daraasadda Lagu ogaaday:

❌ Qalab la’aan: Ventilators, oxygen la isku haleyn karo, ECG machines – inta badan isbitaallada ma haystaan.
❌ Shaqaale aan ku filnayn: Tirada iyo tababarka xirfadlayaasha caafimaad aad ayuu u hooseeyaa.
❌ Nidaam kala daadsan: Isbitaalladu ma isla wadaagaan xogta, mana jiro nidaam degdeg u shaqeeya oo isku xira.
❌ Kalsooni darro bulsho: Dadku waxay u leexdaan oo raadiyaan dawo dhaqameedyo ama dalal dibadda ah si ay daryeel u helaan.

🔍 Maxaa Sababa Dhimashada?

Xanuunka wadnaha 🫀

Caabuqyada neefmareenka 😤

Dhiig oo ku furma maskaxda 🧠

Shuban iyo oof-wareen 💦

Shilalka iyo dhaawacyada waddooyinka 🚑

Waxaa ka sii daran:
80% dhimashada dhallaanka cusub waxaa sabab u ah xaalado la daaweyn karo, sida neef-qabatin iyo infekshano!

🎯 Maxaa Laga xallin Karaa?

✅ Dhismaha nidaam qaran oo ECC ah – 24/7 shaqeeya
✅ Qalabeyn casri ah oo isbitaallada lagu sameeyo
✅ Tababaro joogto ah oo shaqaalaha la siiyo
✅ In ECC lagu daro dhammaan isbitaallada

🛑 Gunaanad: Mala Badbaadin Karaa? Haa – Laakiin Waqtigu Wuu Socdaa!

Soomaaliya waxay halis ugu jirtaa in kumannaan qof ay u dhintaan cudurro ama shilal si fudud looga hortagi karo, loona badbaadin karo. Haddii aan la helin qorshe qaran, maalgelin, iyo ka go’naansho, dhibaatadu way kasii dari doontaa.

👇 Hoos ka akhri warbixinta oo dhammeystiran – una faafi dadka kale!
📲 La wadaag si dadku u baraarugaan – Daryeel degdeg ah waa xaq in lahelo!

🔗 Xigasho: Njiru et al., 2025 - Emergency and Critical Care in Somalia
📎 Link: https://bmcemergmed.biomedcentral.com/articles/10.1186/s12873-025-01234-8 BMC Emergency Medicine (2025)

06/09/2025

Dhibaatooyinka lagala kulmo bukaanada ICU gala qaarkood

27/08/2025
26/08/2025

Xaaladaha Bukaanka Qatar Galin karo


゚viralシfypシ゚viralシalシ

31/07/2025

📢📢📢📢📢 OGEYSIIS MUHIIM AH📢📢📢📢📢
--------------------------ONLINE SEMINAR--------------------------

--------------------- Cinwaanka Seminaarka-----------------------
----------Isbitaalka Iyo Qaabka uu u shaqeeyo ------------
----------(Hagidda) Shaqaalaha Caafimaadka-----------‐-- -------‐-----------------------Soomaaliyeed-----------------------------

🧩 Qaabka Casharrada iyo 📅 Goorta la bilaabayo:

= | MUDDADA: Isla markaa isdiwangaliso, waa lagu soo dirayaa SEMINARKA oo duuban.
= | TARIIKH: Waqti kasta waa lasoo dalban karaa
= | Wuxu leeyahay (Certificate of Completion)
= | Waxaad ku qaadanaysaa Telegram
= | Waxa kamid ah Casharad: muuqaal, PDF, slides, & imtixaan

🎯 Yaa loogu talagalay?

= | Ardayda caafimaadka xiiseyneysa (dugsi sare & wixii ka sareeya)
= | Nurses, midwives, doctors, laboratory, Public health & Anesthesia
= | Qof kasta oo raba inuu ka shaqeeyo isbitaalada

🎓 Waxyaabaha aad baran doonto:

= | Waa maxay isbitaal iyo nuucyadiisa?
= | Waaxyaha muhiimka ah uu isbitaalku ka kooban yahay
= | Shaqaalaha isbitaalka iyo doorkooda
= | Anshaxa iyo xeerarka laga rabo shaqaalaha isbitaalka
= | Habka isku wareejinta bukaanada (SBAR) ee wada xiriirka shaqaalaha
= | Safarka ama marxaladaha uu bukaanka maro laga bilaabo imaatinka ilaa bixitaanka
= | Soo koobid iyo imtixaan k**a danbeys ah + Shahaado

🎁 Faa’iidooyinka Kooraska:
✅ Shahaado Free ah (PDF) marka aad dhameyso Seminarka-ka
✅ Inaad faham guud ka hesho isbitaalka
✅ Casharro Af Soomaali lagu sharxaayo
✅ Group Telegram ah oo aad su'aalo ku weydiin karto
✅ Si gaar ah loogu talo galay isbitaalada Soomaalida

📝 Si aad isku diiwaan galiso la xiriir whatsapp numberka hoose:
⬇️⬇️⬇️⬇️
68 8887374

Ama kusoo biir groupka oo guji linkiga “SEMINARKA ISBITAALKA”
⬇️⬇️⬇️⬇️⬇️⬇️⬇️⬇️⬇️⬇️⬇️⬇️⬇️⬇️⬇️⬇️⬇️⬇️⬇️

👉WhatsApp group: https://chat.whatsapp.com/LsXYpJVG0uo9ezeMszYUAS?mode=r_t

👉Telegram group: https://t.me/+jM_7ugnFeSUwYzdk

👉Telegram Page: https://t.me/som_icu_er

🌍 Waxaa soo diyaariyay: Somali ICU & ER Development Hub

📢 Tiro kooban ayaa la qaadanaa! Hadda ku soo biir si aad u hesho faham guud iyo shahaadada.

Address

Five Star Road
Nairobi
59154

Website

https://t.me/som_icu_er

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali ICU & ER Development Hub posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram