Dr mohamed Hassan Bulaale

Dr mohamed Hassan Bulaale Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr mohamed Hassan Bulaale, Doctor, Mogadishu, Nairobi.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaad iyo Daryeelka Bulshada Md. Xildh. Mohamed Hassan Mohamed Bulaale  ayaa maanta ku...
07/09/2022

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaad iyo Daryeelka Bulshada Md. Xildh. Mohamed Hassan Mohamed Bulaale ayaa maanta kulan la qaatay ku xigeenka Ergayga gaarka ee Qaramadda midoobe Ms Anita Kiki Gbeho, Waxa ay kawada hadlern doorka taageero ee Qarama Midoobe ee xiligaan adag oo ay Dowladu dadaal ugu jirto xoraynta dalka iyo qaabkii degaanada la xoreeyay dadka ku nool loo gaarsiin lahaa adeeg caafimaad.

Sidoo kale, waxa la isku raacay in muhiim ay tahay dedaalada gurmadka abaaraha in lagu daro adeegyo Caafimaad oo la gaarsiinayo dadka ay saamayntu ku yeelatay abaraaha. Kulankaan waxa uu hordhac u noqondoonaa kulamo soo socda oo xafiiska gargaarka arrimaha bani'aaamnimada QM uu la yeelan doonto madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo lagu horumarinayo adeeg Caafimaadka dalka.

Wasiir kuxigeenka caafimaadka XFS oo Muqdisho kula kulmay xildhibaano iyo dhalinyaro aqoonyahan ah.Kulankan oo lagu qabt...
03/09/2022

Wasiir kuxigeenka caafimaadka XFS oo Muqdisho kula kulmay xildhibaano iyo dhalinyaro aqoonyahan ah.

Kulankan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa isugu jiray bogaadin iyo kala warqaadasho dhex martay wasiir kuxigeenka wasaaradda Caafimaadka XFS Hon Dr Maxamed Xasan Maxamed iyo qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ku soo baartay jaamacadaha dalka Shiinaha.

Waxaa sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa qaar kamid ah xildhibaanada BFS,iyadoo wasiirkana uu kamid ahaa ardaydii h**ey wax uga soo baratay dalka Shiinaha ee ka faa'iideystay fursadaha waxbarasho ee dowlada shiinaha siiso Soomaaliya.

Mudadii kulanka uu socday ayaa dhalinyarada soo qaban qaabisay kulankaasi waxaa ay u balanqaadeen wasiir kuxigeenka caafimaadka Somaaliya Hon Dr Maxamed Xasan Maxamed in ay garabkiisa taagan yihiin xilli walba.

Wasiirka ku xigeenka cafimaadka XFS Dr, Maxamed Xasan Maxamed ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu waqti la qaato qaar kamid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed oo wax ku soo bartay dalka dibadiisa,islamarkaan uu shacabka Soomaaliyeed uu ugu adeegi dooni si hufan cilmigii uu soo bartay iyo mas'uuliyadda ka saaran bulshadiisa ka wasaarad ahaan.

INAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Waxaan u tacsiyeynayaa  Madaxwaynihi h**e Sharif Sheekh Axmed Geerridii ku timi...
01/09/2022

INAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Waxaan u tacsiyeynayaa Madaxwaynihi h**e Sharif Sheekh Axmed Geerridii ku timid ALLAH u naxariisto Hooyo Xasno Cabdulle Isaaq. Waxaan ALLE uga baryeynaa in uu Qabriga uwaasiciyo Jannatul Fardowsana ka waraabiyo.

Waxaa sharaf ii ah inaan ku matalo Dowlaha Somalia, Xukuumada Dan Qaran, iyo Wasiirka Wasaarada Caafimaadka,  bahda caaf...
14/08/2022

Waxaa sharaf ii ah inaan ku matalo Dowlaha Somalia, Xukuumada Dan Qaran, iyo Wasiirka Wasaarada Caafimaadka, bahda caafimaadka iyo Shacabka Somaliyeed Shirki Koowaad ee wasaarada caafimaadka tan iyo inta nala doortay.

Hada ayan soo gaarnay magaalada Zanzibar ee Dalka Tanzania anagoo ka qayb galidoona Shirka Africa Union CDC First Ministerial steering committee in Zanzibar,

Waxaan u mahadnaqaya wasiirkayga Caafimaadka kalsoonida uu Aniga iyo teamka aan hogaaminayo ku qabo inan shacabka Somaaliyeed oogu adeegno heer Mug iyo mizan leh.

HORMARI CAAFIMAADKA HORMARI UMADDA

Dr Mohamed Hassan Mohamed
DEPUTY HEALTH MINISTER

14/08/2022

Address

Mogadishu
Nairobi
90909090

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr mohamed Hassan Bulaale posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category