Dr.Marwan dhaqtarka caruurta

Dr.Marwan dhaqtarka caruurta Waydii dhaqtarka inta aadan daawo aadan qaadan

15/08/2024

Baby p**p, type and colors

19/02/2022

  Quality Healthcare.Accessible to Everyone. Your good health is our greatest achievement Explore our services We ProvideFull Medical Care! Highest standards of customer service Know more We ProvideFull Medical Care! Highest standards of customer service Know more Enriched Pharmacy Our pharmacies a...

02/07/2020

Iyadoo maanta ay tahay maalinta dhaqatirta aduunyada waxaan jeclaystay inaan qormadaan yarta idinla wadaago , ogsoonow dhaqatirta waa udhub dhaxaadka bulshada waxayna har iyo heenba utaaganyihiin badbaadinta nafaf kale iyo daryeelka bulshadeena .
✅ Mid ka mid qaacidooyinka ugu muhimsan ee baahda cafimaadka khaasatan dhaqatirta laga rabo waa inowsan marka h**e wax dhib ah ugaysan bukaankiisa taas oo loo yaqaano Hippocratic Oath ( first, do no harm” (or “primum non nocere, ) .
Waxaa jiro tiirarka anshaxa cafimaadka ( principles of healthcare ethics ) ee laga rabo dhaqatirta ineey uhogaasansamaan marka ay daawaynayaan bukanadooda sida : -
1-autonomy
2-beneficence
3- nonmaleficence
4- justice .
Ka hadalka xuquqda bukaanka ( rights of the patient ) waa mowduuc gooni oo madal kale ubaahan waxaan rajaynaa inaan mar wax kasoo qori doono .
✅ Ilaalinta badqabka bukaanada iyo bulshada guudba , dajinta manhajka iyo hubinta tayada jamacadaha lagu barto culumta caafimadka , diiwangalinta iyo hubinta shahadooyinka dhaqatirta iyo u hogaansamida anshaxa cafimadka, ilaalinta ku xadgudubka sharciyada cafimaadkka waa shaqada hayada loo yaqaano MEDICAL COUNCIL oo wadan kaste uu leeyahay mid ugooni ah sida uk waxey leedahay GMC , kenya - KMPDC , nasiib xume wada keena malaha hayadaas oo naga hubin lahayd dhaqatirta ajaanibta ah ee wadanka kusoo qulqulaa kuwa soomalida ah ee dadka iska qasho dhibaatooyin badana bulshada ku haayo iyo qolalka jaamacadaha laga dhigay oo jamacad kastana ay bixinee kuliyada cafimaadka .
Inkastoo aan ogahya in barlamanaku uu meel mariyey sharciga mihnidlayasha cafimaadka hadana qolo ku dhaqanto ama hirgaliso ma maqlin wali .
Xilliyadii h**e daryeela caafimaadka waxaa gacanta ku hayn jiray mihnadlayaal caafimaad oo maamuli jiray sida; isbitaalada, Farmashiyaasah iyo goobaha kale, balse, haddase wee isbedeleen oo dad aan ehel u ahyen oo ganacsato ubadan aan umadda u naxayn ayaa isbitaallo furtay iyagoo macaash iyo faa’ido doon ah, waxayna keensadeen dhaqaatir ugu shaqayso isbitaalada oo ajaanib iyo somaliba iskugu jirto. Dhaqatirtaas khaladaadka caafimaad oo ay galaan wax la xisaabtamo ma jirto. Inkastoo dhaqaatir badan oo fiican ay jiraan oo wadanka ka shaqeeya haddana khaladaadka badan iyo malpractice ay dhaqaatirta badan samaynayaan ayaa ka saamayn badan.
Dhibaatooyinka baryahaan dambe wadankeena kuso batay waxaa ka mid ah :-
1- in dhaqatirta ajaanibta oo lacaga badan oo mushaar ah inta loo qoro laguna dhaho qaliin kaste ama procedure kaste oo aad qabato waxaad ku leedahay percentage taas oo keenee in dad badan oo aan ubaahnayn qaliimo birta lagula dagdago ama cudur owsan qabinba laga sheego , iyadoo mararka qaar aysan jirin indication qofka loo qalaa amo waxyabo aan qaliin ubaahanayn oo hadii conservative management lagu samayn lahaa oo waqti la siin lahaa xalismi lahaa aad arkee qaliin dagdag lagalinaa.
2- bukaanka oo aanba loo sharaxayn faaidada ow ka faaidaa qaliinka iyo khasaaraha ka imaan karo iyadoo mararka qaar qalimada la samayn khaasarada bukaanka kasoo gaaree ay ka tira badantahay faaidada waxaa tusaale u ah sheeko xanun badan oo aan maqlay labo isbuuc ka hor iyo mid aan aniguba goob ujoog u ahaa :
⭕️Tan 1aad oo ka dhacday mid ka mid ah isbitalada private xamar bil ka hor ayaa gabar 30 sano jir aheed waxay utagtay dhaqtar ajnabi ah iyadoo ka cabanaysay in ay ilmaha kasoo daaheen ( ma dhalaysnimo - infertelity ) ka dibna dhaqtarkii wuxuu usheegay iney tubooyinka xiranyihiin laguna samaynaa qaliin laparoscopic ah oo tubooyinka loogu furaa nasiib xume gabadhii waxey ku dhimatay saalada qaliinka marka wixii ay raadinaysay gabadhaas miskiinta iyo khasaarada soo gaartay yaa badan 😢😢🤔 ogsonow wax la xisaabtama isbitaladaas malaha .
⭕️ sheekada labaad anigoo ku guda jiray xiligii internershipka 2014 mid ka mid ah isbitalada xamar ayaa salada waxaa lasoo galiyey maamo lugaheeda ku socoto waxaa loo qorshaynayey in lagu sameeyo qaliin hysterectomy nasiib xume mamadii iyadii saalada lugaheeda kusoo gashay 10daqiqo ka bacdi iyadoo mayd ah ay saalada dhax taalay waliba qaliin lama gaarin suuxdintii ayey ku dhimatay 😢😢, waana sababta aan ilaa maanta aan unecbahay salada qaliinka sababa la xariira Truama maalintaas isoo gaartay.
3- dhaqaatiir ajaanib ah oo isbitalada inta la keensado ka dibna samaynaa qaliimo waaweyn oo aan samayn wax la socod ah (Fellow up ) bukaankii uu habeenkii qalay isla subaxdiina uu diyaarad sii saaranyahay taas oo dayac cafimaad(Negligence ) .
4- dhaqatiirta qaar oo wada shiikhul kuli ah waxkaste weey qalaan weeyna daaweyaan mabalaha takhasus gooni u ah iyagoo samaysto xayeeysiino been ah oo media la gashado si bulshada loo khaldo .
5- dhaqatir badan oo bukaanada udiro baaritaano aysan ubaahnayn ha ahaato sheybaar ama scan iyo raajooyin iyagoo heshiisyo kula jiro xarumaha lagu saaro skaanka oo qofkii ay soo diraanba ay ku leeyihiin percentage .

⛔️ Tani waa qayb yar oo ka mid ah dhibka ka jira dhanka caafimaadka k**a hadlaayo kuwa aan dhaqatiirta ahayn ama dhaqatir u ekayaasha dhibka ay gaystaan .

bal adna ku darso dhibka aad aragtay .

⛔️Waan ka xumahay inaan qoraalka dheereyey iyo inaan eray bixino cafaaimad aan isticmaalay afsomaaliga oo aan ka aradanahay aa keentay inaan soo gaabin waye 🤣🤣😜.

Xigasho dr Marwan Adam Awies

.

Xigasho Dr Marwan Adam Awies

.

17/03/2020

BARAARUJIN CAAFIMAAD

Waxaan arkay asxaab badan oo cudurka cusub ee Covid19 ka walwalsan. Sidaas owgeed, waxaan jeclaystay inaan wax yar la wadaago oo ku saabsan cudurka covid19:-
1- Cudurkaan covid19, waa cudurka si aad ah ufaafa ( qufaca , hindhasada , taabashada meel virus ka ku dhacay, )
2. Cudurkaan dhimashadiisu uma badno sida Cudurka Ebola oo kale oo weey yartahay, waa ilaa 3.5 % heerka dhimashada ( case fatality rate). Inkastoo wadamadu ay ku kala duwan yihiin haddana si guud maahan cudur dhimasho badan .
3. Dadka u dhintay cudurkaan waxeey ahaayeen dadka waayeel ah ee virus ku ku dhacay iyo dadka cudurada kale qabo sida; dhiigkarka, sokorowga, iyo wliba kuwa difaacooda hooseeyo. Qofka dhalinyarada ah oo difaaciisu sareeyo waxa ula mid noqonaa sida hargabyada caadiga ah oo ku dhaca, balse, dhibka jiro waxaa waaye ineey u sii gudbiyaan dadka waayelka ah iyo kuwa difaacoodu hooseeyo madama uu si dhaqsiyah u faafo .
4. Calamadaha cudurkaan waxeey ahaan karaan dhowr nooc;,
 Qofku in wax caalamad ah ka so muuqan (asymptomatic )
 Calaamada iska fudud ilaa meel dhaxaad
 Calaamado daran (severe infection) oo ah kuwa u baahnaan doona ICU , oxygen, mechanical ventilation
Haddaba, ha walwalin oo ilaahey talo saaro, ka dibne qaado talada dhaqaatirta ee ah; yaraynta faafidda cudurka.
Hadda waa maxay sababta ay bahdu caafimaadku ugu walwalayaan?:
# Iyadoo markii h**eba u iska hooseyey adeegyadeenna caafimaad ee isbitaaladu bixiyaan, haddana haduu cudurkaan ku sii darsamo waxaa dhaci karta iney isbitaalladu ay buuxsamaan oo shaqada ka tirro badnaato madaama bukaannada kale ay u baahan yihiin sida; dhiigkarkii , stroke , shubin biyoodkii , dhaawacyadii kala duwanaa (overcrowding of the hospital ). Sababtaas owgeed, aa keeneysa walwalka bahda caafimaadka si lo loo yareeyo faafitaanka cudurka .
Dr Marwan Adam Awies

Address

Nairobi
00202

Telephone

+254716662891

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Marwan dhaqtarka caruurta posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram