Landmark LLC

Landmark LLC Evexia Group provides one stop flawless solution for
broad-spectrum healthcare services and developm

11/01/2024
We have the ability to supply COVID-19 protective equipments in mass quantities such as masks, gowns, goggles, gloves, f...
21/06/2020

We have the ability to supply COVID-19 protective equipments in mass quantities such as masks, gowns, goggles, gloves, face shields, sanitizers, sprayers, infrared thermometers etc. we do also arrange delivery across borders to e.g. Somalia, Ethiopia, Uganda, Tanzania and South Sudan. If you are seriously interested contact us through info@evexiagroup.com.

eHospital Systems - Waa barnaamijyada lagu maareeyo isbitaallada kuwaasoo muhiim u ah isku-xirka iyo hagidda shaqada qey...
12/09/2018

eHospital Systems - Waa barnaamijyada lagu maareeyo isbitaallada kuwaasoo muhiim u ah isku-xirka iyo hagidda shaqada qeybaha kala duwan ee isbitaalka uu leeyahay sida qeybta qaabilaada iyo diiwaan-gelinta bukaanka, qeybta maamulka iyo maaliyadda, qeybta xifdinta araajida, qeybta baaritaannada iyo qeybta daawo bixinta. barnaamijyadaan aad ayay muhiim u yihiin waxayna fududeeyaan habsami u socodka shaqada isbitaalka adigoo qarash badan kaaga bixin kormeer iyo xisaabin joogto ah. Haddii aad danaynaysid barnaamijyada nuucaan ah na gala soo xiriir info@evexiagroup.com wixii faahfaahin dheeraad ah.

SAFARRADA CAAFIMAAD EE DALKA TURKIGASida la wada ogyahay, dalka Turkigu wuxuu ka mid noqday dalalka ay soomaalidu baryah...
06/05/2018

SAFARRADA CAAFIMAAD EE DALKA TURKIGA

Sida la wada ogyahay, dalka Turkigu wuxuu ka mid noqday dalalka ay soomaalidu baryahaan dambe ay u aadaan daryeel caafimaad, laakiin nasiib xumo dadkaasi qaar badanoo ka mid ah waxay la kulmaan isfahan la'aan iyo filanwaa taasoo ku keeni karto niyadjab khaassatan haddii aysan horay khibrad ama fikrad uga haysan dalka turkiga iyo daryeelka caafimaadka ay ka heli karaan.

Dalka turkigu wuxuu kaalinta 4-aad kaga jiraa liiska dalalka loo aado safarrada caafimaadka, waxaa ka horeeyo dalalka kala ah: India, Brazil iyo Malaysia, waxayna hadda aad ugu ololeynayaan in kalinta 2-aad ama 3-aad ay galaan, taas ayaana keentay waxyaabo badan oo horay caqabo u ahaa inay fududeeyeen.

Bukaannada ugu badan ee Turkiga u doonto caafimaadka waxay ka yimaadaan dalalka yurub iyo carabta, inkastoo daryeel kala duwan loo doonto laakiin waxyaabaha ugu badan ee loo aado waxaa ka mid ah: Beerista bidaarta, Qalliimada indhaha, Badalista dhuuxa lafta ee dadka kansarka dhiigga ku dhacay, Bacriminta dumarka ee aan uurka qaadin, Qalliimada qurxinta jirka, qalliimada lafdhabarta iyo dhaawacyada iyo cilladaha ku dhaca lafaha iyo ilkaha.

Isbitaallada dalka turkiga ku yaallo waa kuwa dowladdu leedahay ama taakuleyso oo qiimahoodu jaban yahay, looguna talagalay shacabka iyo wixii dowladda dhinaceeda ka socdo, wayna adag tahay inaad daryeel ka heshaa haddii aad ajnabi tahay illaa inay dowladdu ku wadato mooyee iyo kuwo khaas (private) loo leeyahay oo badanaa ajaanibta lagu daaweeyo. daryeelka laga helo isbitaallada dowladda iyo kuwa khaaska waa isku mid oo kalama yareestaan.

Turkigu waa dal muslim ah, Soomaaliduna laga jecel yahay, noloshuna ay macquul ka tahay, daryeelka caafimaadkane aad u sarreeyo laakiin dhibka ugu wayn waa dhinaca luqadda maadaama shacabku ay luqadda Turkishka kaliya adeegsadaan.

Dhibaatada luqadda waxay keentay in soomaalidu markay turkiga tagaan ay raadiyaan qof u tarjumo ama isbitaallada geeyo, halkaasne dhib kale ayay kala kulmaan sababtoo ah waxaa dalka jooga markii laga reebo ardayda iyo ganacsatada oo aan waqti haynin, mukhallasiin soomaali ah oo isbitaallo qaar ah ku xiran oo dad badan lug gooyay, qarashkii saxda ahaa ee wax loogu qaban karayne 2 illaa 3 jibaar ka qaatay.

Marka iyadoo intaas jirto, maxaa talo ah:

# Qodobka 1-aad: Inta aadan safrin ka hor xog-aruurin samee, daryeelka aad u baahan tahay iyo isbitaalka aad ka heli kartid, adigoo fikrad ka haysta meesha aad u socotid, safarka ku dhaqaaq, laakiin haddii aad iska tagtid, waa lagu lug goynayaa, waqtigane wuu kaa dhamaanayaa, qof walba oo aad la kulantidne wuxuu ku oranayaa isbitaalka ugu fiican anaa aqaano, adigane bukaan ayaa tahay, k**a bixi kartid isjiidjiidkaas.

# Qodobka 2-aad: Ogow isbitaallada turkiga ee khaaska ah waxay u badan yihiin "Speciazlied hospitals" taas macnaheedu waxay tahay in isbitaalka oo dhanba inuu ku shaqo leeyahay qeyb caafimaadka ka mid ah, tusaale haddii indhaha lagaa haayo, waxaad helaysaa isbitaallo indhaha u gaar ah kaliya, sidoo kale lafaha, kansarka, bidaarta IWM. isbitaalladaan waxay ku fiican yihiin inay leeyihiin "internationa patients department" oo ah xafiis loogu talagalay ajaanibta, taasoo aad ka helaysid tarjumaan free ah, laakiin isibtaallada guud "General Hospitals", waxaa dhici kara inaad ku wareertid weliba markaa dalka ku cusub tahay, midda kale isbitaallada takhasusaatka goonida leh waxay ku fiican yihiin in dhakhtarkii aad uga baahnayd in si dhakhso ah aad ku heshid, waqti horane ay wax kuu dhamaadaan.

# Qodobka 3-aad: Waa midda ku saabsan qarashka, Isbitaallada khaaska ah ee la tacaamula ajaanibta "international patients" waxay ka wada siman yihiin inay fikrad kaa siin karaan qarashka kugu bixi doona iyo waxa laguugu qabanayo adigoo aan safrin, taasi waxay kaa caawinaysaa inaad sii tabaabushaysatid, laakiin waxaad u baahan tahay inaad u martid dad aad isku hubtid oo dalka turkiga joogo ama dad aqoon u leh system-ka caafimaadka.

Intaas ka dib, haddii aad u baahan tahay talo dheeraad ah ama faahfaahin ku saabsan safarrada caafimaad ee dalka turkiga fariin noogu dhaaf boggaan ama na gala soo xiriir emailkaan: info@evexiagroup.com

Fadlan qormadaan la gareey qofkii u baahan.

Shirkadda Evexia waxay dayactirtaa qalabyada caafimaa ee cilladaysan iyadoo adeegsanayso injineero khibrad u leh cillad ...
19/02/2018

Shirkadda Evexia waxay dayactirtaa qalabyada caafimaa ee cilladaysan iyadoo adeegsanayso injineero khibrad u leh cillad bixinta, hubinta amaanka korontada, sixidda, tijaabinta iyo horumarinta qalabyadaas.Haddii aad u baahan tahay adeegaan, waxaad nagala soo xiriiri kartaa emailkaan: info@evexiagroup.com

Haddii uu jiro bukaan xanuunsan oo xaaladiisu aysan saamaxayn inuu kaligiis safro, waxaan ku lifaaqnaa / darnaa dhakhtar...
16/02/2018

Haddii uu jiro bukaan xanuunsan oo xaaladiisu aysan saamaxayn inuu kaligiis safro, waxaan ku lifaaqnaa / darnaa dhakhtar khibrad iyo takhassus u leh galbinta bukaannada xaaladoodu daran tahay ee doonayo inay ku safraan duulimaadyada caadiga ah. Waxaad nagala soo xiriiri kartaa emailkaan: info@evexiagroup.com

Bukaannada dalka wax looga qaban la'yahay oo daneynayo inay daryeel caafimaad dibadda u raadsadaan waxaan si bilaash ah ...
16/02/2018

Bukaannada dalka wax looga qaban la'yahay oo daneynayo inay daryeel caafimaad dibadda u raadsadaan waxaan si bilaash ah ugu fududeynaa inaan ku xirno isbitaallada iyo dhakhaatiirta takhassuska iyo khibradda u leh cudurradooda ee ka hawlgala dalka ay u socdaan, waxaan kaloo ku caawinnaa ogaanshaha celceliska qarashka ku bixi doono inta aysan dalkood ka bixin. Waxaad nagala soo xiriiri kartaa emailkaan: info@evexiagroup.com

Waa mashruuc cusub oo hadafkiisu yahay in dhakhaatiirta dalka ka howlgasha lagu caawiyo tababarro muddo kooban ah oo ka ...
16/02/2018

Waa mashruuc cusub oo hadafkiisu yahay in dhakhaatiirta dalka ka howlgasha lagu caawiyo tababarro muddo kooban ah oo ka dhisayo dhinaca aqoonta iyo farsamada iyagoo lagu lifaaqayo borofasoorro ka howlgala isbitaallada casriga ah ee dunida ka jiro, dhakhtarka isaga ayaa xadidayo baahidiisa iyo muddada uu u baahan yahay tababarkaas. Waxaad nagala soo xiriiri kartaa emailkaan: info@evexiagroup.com

Waxaan daboolnaa baahida caafimaad ee dhinaca aqoonta iyo xirfadda anagoo la kaashanayno jaamacadaha iyo isbitaallada da...
16/02/2018

Waxaan daboolnaa baahida caafimaad ee dhinaca aqoonta iyo xirfadda anagoo la kaashanayno jaamacadaha iyo isbitaallada dalka ka jira, waxaan ku caawinaa tababarro ay bixinayaan dhakhaatiir iyo aqoonyahanno aqoon durugsan u leh aqoonta caafimaadka. Waxaad nagala soo xiriiri kartaa emailkaan: info@evexiagroup.com

Haddii aad u baahan tahay agab daawo ama qalab farmashiye, waxaan awoodnaa inaan kuu keenno daawooyin aqoonsi iyo tayo l...
16/02/2018

Haddii aad u baahan tahay agab daawo ama qalab farmashiye, waxaan awoodnaa inaan kuu keenno daawooyin aqoonsi iyo tayo leh anagoo u marayno warshadaha daawooyinka soo saaro oo aqoonsiga leh. Waxaad nagala soo xiriiri kartaa emailkaan: info@evexiagroup.com

Anagoo adeegsanayno xiriirka aan la leenahay warshadaha waaweyn ee soo saara qalabyada caafimaad, waxaan kuu damaanad qa...
16/02/2018

Anagoo adeegsanayno xiriirka aan la leenahay warshadaha waaweyn ee soo saara qalabyada caafimaad, waxaan kuu damaanad qaadeynaa inaan kuu keeni karno qalabyo caafimaad oo tayo leh, kuu rakibno, kugu tababarno isticmaalkooda kaana caawinno dhinaca farsmada iyo cillad bixinta. Waxaad nagala soo xiriiri kartaa emailkaan: info@evexiagroup.com

Isibtaallada dalka ka jira waxaan la qorsheynaa ku soo kordhinta xarumo khaas ah oo loogu talagalay daboolidda baahida c...
16/02/2018

Isibtaallada dalka ka jira waxaan la qorsheynaa ku soo kordhinta xarumo khaas ah oo loogu talagalay daboolidda baahida caafimaad ee dalka ka jirta sida qeybta baarista raajooyinka casriga ah ee MRI & PET scan, qeybta dhaqidda kilyaha, qeybta daryeelka degdegga ah, qeybta tubooyinka kaamirada leh ee lagu baaro cudurrada ku dhaca jidiinka, caloosha, xiidmaha iyo malawadka iyo qeybta daaweynta cudurrada kansarka. Waxaad nagala soo xiriiri kartaa emailkaan: info@evexiagroup.com

Waxaan khibrad buuxdo u leenahay naqshad dajinta, dhisidda, qalabeynta iyo dhameystirka xarumaha caafimaad taasoo aan ku...
16/02/2018

Waxaan khibrad buuxdo u leenahay naqshad dajinta, dhisidda, qalabeynta iyo dhameystirka xarumaha caafimaad taasoo aan ku wareejinayno macaamiisha iyadoo diyaar ah, waxaan xarumaha caafimaad u dhisnaa qaab waafaqsan shuruucda dawliga anagoo marayno qaab sahlan oo loo ballaarin karo markay baahi timaado. Waxaad nagala soo xiriiri kartaa emailkaan: info@evexiagroup.com

Evexia Group provides tailor made solutions to suite a client’s needs as well as their budget, this includes:✿ Hospital ...
12/02/2018

Evexia Group provides tailor made solutions to suite a client’s needs as well as their budget, this includes:

✿ Hospital renovations, clinic setups & Turnkey projects.
✿ Healthcare management, consultancy and recruiting services
✿ Provision of medical supplies and pharmaceutical products.
✿ Servicing and maintenance for medical equipments.
✿ Capacity building and professional training courses.
✿ Patient assistance and medical es**rt programs.

Address

Lenana Road
Nairobi

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Landmark LLC posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Introduction

Evexia Group provides one stop solution for broad-spectrum healthcare services and developments in East Africa. Our services are tailor made to suite a client’s needs as well as their budget.

They include: Ø Hospital renovations, clinic setups & Turnkey projects. Ø Healthcare management, consultancy and recruiting services Ø Provision of medical supplies and hospital equipments. Ø Capacity building and professional training courses. Ø Patient assistance and medical es**rt programs.

We pride ourselves in not only providing high quality and cost-effective healthcare solution, but also solutions that are centered on world’s best practice in health, education and social well-being. We are progressing tremendously and engaging skilled and experienced expertise. Currently, we are operating in Kenya, South Sudan and Somalia.

Evexia Group comprises a team of professionals who have a rich portfolio, experience and, extensive international exposure in the field of healthcare. Our specialists from both technical and functional field team up with an objective of providing appropriate yet timely healthcare solutions.