Dr. Filsan

Dr. Filsan kuso dhowow page ka dr filsan

Fiidnimo wanagsan asxaabta caawa mowduucenu wuxu ku sabsan yahay spina bifidaXanuunka lagu dhasho ee ilmaha ay xanguladu...
13/01/2025

Fiidnimo wanagsan asxaabta caawa mowduucenu wuxu ku sabsan yahay spina bifida

Xanuunka lagu dhasho ee ilmaha ay xanguladu dhabarka ka soo baxdo (Spina Bifida) waa cilad ku timaada samaysanka tuunbo neerfeeda marka uu ilmuhu afar todobaad uurka ku jiro tuunbadaas waxa ka samaysma xangulada iyo maskaxda marka ay xaga danbe ka xidhmi waydo waxa ilmuhu ku dhashaa xanuunkan ay xangulada iyo neerfuhu lafdhabarta dusheeda ka soo baxaan waana nooca ugu daran ee spina bifida dada oo la yidhaahdo (myelomeningocele) waxaana sabab u ah Faytamiin B ga 9aad (Folate) oo hooyada uurka leh ku yar maadaamay ka qayb qaadato samayska tuunbo neerfeeda.

Halkan waxaan uga socdaa waa wacyi galin ah inaan bulshada gaadhsiiyo in xanuunkan halista caafimaad keeni kara laga hortagi karo hadii haweenayda uurka leh la siiyo Faytamiin B 9 ama Folic acid(Folate) 400mcg maalintii ugu yaraan oo waa in uurka ka hor loo bilaabo waayo ciladani waxay timaadaamaa todobaadka afaraad ee Uurka waana mid lagu taliyo in la siiyo haweenka uurka leh oo dhan taasoo lagaga hortagi karo xanuunkann iyo kuwo kale oo aynu ka hadli doono in shaa Allaah .
Dr. Filsan

Galab wacan ,isu so noqod wanagsan asxaabta .Insha'Allah waxa halkeenii  inoga sii socon doona cashardenii cafimaad .Wax...
11/01/2025

Galab wacan ,isu so noqod wanagsan asxaabta .
Insha'Allah waxa halkeenii inoga sii socon doona cashardenii cafimaad .

Waxaan si Kooban uga hadli doona turner syndrome.

Xanuunkani waa mid lagu dhasho oo halka dhedigu ka yahay calaamad hidasideed 46,XX ay 45,X kaliya ku dhalanaayaan oo qaybbaa maqnaanaysa Koromosoomkaas X ee maaanina wuxuu ku keenaa inay dhalmo dayso iyadoon qaangaadhin oo waxa burburaya ugxamihii kaydsanaa ee markay qaadhgaadho bilba midi qaadhgaadhi lahayd,sioo kale ugxansidihii ayaa sharaanaya oo talaxgabaya estrogen na soo saarayn sidaana caado la'aan ayaa ku dhacaysa ,hadii caado la waayo amaba makaankii caadi u samaysmi waayo maladhalaysnimo cilada ay ku dhalatay keentay ayaa ku dhacaysa .

Calaamadaha muuqda ee lagu arki karo waxa ka mid ah:
●gaabnaan
● xubinta taranka iyo horaadada oon korin oo kuwii ciyaalnimo iska ahanaya
●ibaha horaadad oo Kala fog masaafana u dhaxayso
●gacmaha oo aan hoos u dagin si dhamaystiran oo siday wax sido halkaa ku takhlama
●qoorta oo wayn murquhu qoorta iyo garbaha isku xidhmeen
●haaro jidhka ka baxa

Dawaynta waxa la dawayn karaa waa inta ay yartahay oo koritaanka si looga caawiyo hoormoonada koritaanka ayaa la sinaya si ay horaadada iyo xubnaha taranku u koraana Estrogen,haweenka qaarkood ciladan ku dhasha hadii aanay ugxamaha ugxansidaha ku jira wada waayin ilmo beeris waa loo samayn karaa .

Dr. Filsan

29/11/2023

Maanta waxay ku beegan tahay 21 November oo ah maalinta macalinka somaliyed.Maalinta Macallinka ee Farxada leh waxaan u ...
21/11/2023

Maanta waxay ku beegan tahay 21 November oo ah maalinta macalinka somaliyed.
Maalinta Macallinka ee Farxada leh waxaan u mahad celinaya hooyaday Mcn oo Ii ah macalinka ugu fiican noloshayda! Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan haysto macalin cajiib ah sidaada oo kale oo i haga tallaabo kasta oo nolosheyda ah ❤️❤️❤️❤️😘😘😘😘

Adresse

Oslo

Nettsted

Varslinger

Vær den første som vet og la oss sende deg en e-post når Dr. Filsan legger inn nyheter og kampanjer. Din e-postadresse vil ikke bli brukt til noe annet formål, og du kan når som helst melde deg av.

Del

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram