Abdishakur Mahdi H Dualle

Abdishakur Mahdi H Dualle Soo dhawaada walaalayaal, insha allah halkani waxay noqon doontaa meel aynu wax ku kala faaidaysano

Iyadoo aynu ognahay jidhka oo loo dhigo qoraxda muddo 15 daqiiqo ah maalinkii in ay tahay habka ugu fiican ee aynu ku he...
14/04/2024

Iyadoo aynu ognahay jidhka oo loo dhigo qoraxda muddo 15 daqiiqo ah maalinkii in ay tahay habka ugu fiican ee aynu ku helno faytamiinka loo yaqaano (VIT D) hadana qoraxdoo aad ukulul aadna taagnaato muddo kabadan 20 daqiiqo waxay dhaawac ugaysan kartaa duubka sare ee jidhkaaga iyadoo soo daynasa falaadhaha ultraviolet (UV) kaas oo xanuuno ay kamid yihiin kansarka ku dhaca maqaarka jidhka (basal cell carcinoma, squamous cell carcinoma, melanoma) iyo xanuuno kale keeni kara, sidee: shucaaca Ultraviolet (UV) wuxuu keenaa isbeddel ku yimaada DNA-da unugyada maqaarkaaga (melanocyte) Tani waxay u horseedi kartaa gabowga maqaarka oo degdeg ah iyo kansarka maqaarka.

Cimilada soomaaliya waa mid aad ukulul wakhtigan aynu joogno, waxaana lagama maarmaan ah in qofku taxadar badan muujiyo inta aysan kulka qoraxdu dhaawac ugaysan jidhka qofka biniaadamka, sidee?

1: Isticmaal kareenka loo yaqaano sunscreen adoo ufiirinaya jidhkaagu nooca uu yahay (mid qalalan, mid dufan leh): waa mid kamida hababka ugu fiican ee jidhkaagu ku heli karo gaashaan kadhan ah kulaylka qoraxda.

2: Wakhtiga ay qoraxdu ugu kulushahay waa 10ka subaxnimo ilaa 4ta galabnimo hadaba isticmaal dallad hadii wakhtigaas aad tahay qof lugaynaya oo aan haysan gabaad kale.

3: Xidho dhar khafiif ah kaas oo aan dhib ugaysanayn jidhkaaga sidoo kalena kaa yaraynaya dhaawaca ay qoraxdu jidhkaaga ugaysan karto.

4: Cab biyo kugu filan maadaama kulka qoraxda awgeed jidhkaagu samaynayo dhidid badan si aad uga hortagto fuuq-bax kugu yimaada.

W/T

13/04/2024

“Meel ifiyow/ibadqabta ma jirto”

Marka ugu horeysa ee aad dhakhtarka u soo gasho oo uu mgacaaga, da'daada iyo meesha aad ka timid ku waraysto, waxaa ku xigo waa in aad u sheegtid cabashada ku keentay isbitaalka adigoo sheega inta astaan ee aad dareensan tahay, una kala hormariyo sida ay u kala horeeyeen iyo mudada aad xanuunsayd.

Waxaa kaloo muhiim ah in aad dhakhtarka u raacsiiso haddii aad wax daawo ah soo qaadatay iyo inta aad maalmood ee aad qaadanaysay.

Wixii intaa ka dambeeyo dhakhtarka isagaa su'aalo faahfaahsan kaa sii waydiin doono cabashadaada inta uusan kuu dirin shaybaadh (Laboratory test) ama baaris gacmeed (PE) kugu samaynin isagoo xoogga saari doona cabashadaada qeybaha jirkaaga ee ay la xiriirto.

Intaas oo dhan waxay dhakhtarku ka caawinaysaa in baaritaan kooban oo diirada saarayo cabashadaada inuu kuu diro si cudurkaaga loogu garto muddo kooban, kadibna uheshid daawayn sax ah.

Qof walba oo xanuunsan markuu u imaanayo dhakhtar wuxuu doonayaa inuu ogaado xanuunkiisa iyo in uu helo daawadii loogu talagalay, laakiin qofka bukaanka ayaa dhakhtarka dib marin karo garashada xanuunka ama ku keeni karo khalkhal ku yimaada abaarida baadhitaanka/daawaynta xanuunka ku haya (Mis-diagnosed/Mis-treatment) sababahaan soo socdo awgood:

Waxaa dhici kara in qofku uu is leeyahay dhakhtarkaaga xooga ha saaro xanuunkaaga oo yuusan kaa bakhiilin juhdigiisa, waqtigiisaa iyo aqoontiisa intaba sidaas daraadeed waxaa dhacdo in qofka uu cabashada uu buunbuuniyo ama wax aanan jirin oo ku soo daro taasoo aanan is qaadan karin ama dhakhtarku uusan fasiri karin, waxayna arintaan keyntaa in dhakhtarku uu ku jahwareero garashada xanuunka sidaas daraadeedne laguu diro baaritaano badan, adigane aad ku khasbanaatid in qarash badan uu kaa baxo maadaama waxyaabo badan oo aanan is qaadanaynin aad dhakhtarka u sheegtay ama waxaa dhici karto haddii aadan baaritaan qarash u haynin in dhakhtarku uu kuu qoro daawo tiro badan isagoo isku dayaya inuu cabashadaada daboolo xanuunada keeni karo.

Waxaa kaloo jiro koox bukaano ah oo aanan waraysiga dhakhtarkaba u arkin inuu muhiim yahay, oo hadii aad waraysato waxaa dhici karto inuusanba kuu sheegin wax la tilmaami karo oo uu warka dhamba kuu soo koobo, tusaale ahaan inuu qofku dhaho " meel ii ifiyow ma leh" ama "meel kastaa i xanuunayso" ama "haddii aan ogahay meesha la iga hayo, maan kuu imaan lahaa" intaasba waxay keenaysaa inuu dhakhtarku ku wareero garashada xanuunkaagaa maxaa yeelay dhakhtarku wixii qarsoon ma garanayo waana muhiim in warbixinta, aad siinayso dhakhtarka iyo baaritaankaba isku darsado si uu u garto xanuunkaaga kadibna laguugu qoro daawada aad u baahan tahay kaliya.

Xalku muxuu yahay markaa:
1- Isku day in sida laguu hayo aad u sheegtid kaliya adigoo aanan waxba ku darin ama buunbuunin.
2- Haddii aad rabtid in dhakhtarka uu xanuunkaagu si sahlan ku haleelo, ku caawi cabasho kooban oo sax ah adigoo u kala hormarinayo siday ku bilaabatay, ha hilmaamin in aad sheegtid haddii aad daawo soo qaadatay.
3- Ogow sababtu ay badanaa dhakhaatiirta qaar u qoraan daawooyin tiro badan waa iyagoo aanan weli garan xanuunkaaga, ama adigoo dhakhtarka marin habaabiyay oo siiyay warbixin khaldan adigoo isleh dhakhtarka xogta ubadi si ay ufududaato daawadaadu, laakiin cagsigeeda fogayn karta inaad hesho daawadii saxda ahayn, taasi waxay keeni kartaa in aad ku sii xanuunsatid daawada laguu qoray haddii aysan sax ahayn (maadaama aad bixisay tilmaamo aan sax ahayn)!

W/T

Address

Улица Мордовская 35 к194
Moscow

Telephone

+79026692899

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdishakur Mahdi H Dualle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Abdishakur Mahdi H Dualle:

Share