22/08/2025
Shaqooyinka jirida maskaxda(Brain stem) ay qabtaan qaybaheeda kala duwan waxa ka mid ah
Maamulida isha,madaxa lafdhabarta iyo waaxyahaba markay wax degdeg ah aad la kilanto si aad markiiba indhaha isugu qabato,gacmaha ugala hortagto,ka gabato ama ka foorarsato....
Maamulida indhaha wiilashooda marka ilays ama toosh indhaha lagaaga qabto eed ururiso...
Maamulida dhaqdhaqyada maalinlaha ah ee aad samayso iyo kuwa xirfadeed ee la barto sida ciyaarida biyaanada ama tumista kabanka ama xirfadaha gacmaha tababaristooda u baahan.
Maamulida murqaha iyagoo soo daynaya dopamine gaar ahaan waxa soo daysa walaxda madaw (substantia nigra) oo waa ta ay dhibaatadu soo gaadho marka uu qofka haleelo xanuunka Parkinson ka ee keena gariirka iyo dhaqdhaqaaq la'aanta murqaha.
Waxa Ku yaala bu'aha ay ka soo unkamaan neerfaha maamula wajiga,indhaha,daamanka,maqalka,carabka ,wadnaha garaaciisa,hawo mareenka,habdhiska dheefshiidka sida wax ligista,...adigu wad uun....sadex qaybood oo qabta shaqooyin aan la soo koobi karin wixii faahfaahin dheeraada ah halkan ka daawo.
https://youtu.be/GezyR1Kb238?si=7adXFUq9ztIZ15Tv