Dr Abdirabi Ahemd Nasir

Dr Abdirabi Ahemd Nasir ■MBBS- Mmed (Qaliimada Cudurada indhaha iyo daaweyntooda)

15/05/2023

𝐌𝐚𝐱𝐚 𝐤𝐞𝐞𝐧𝐚 𝐱𝐚𝐧𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐢𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐬𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐮𝐥𝐚 𝐭𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐚? 𝐃𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐮𝐠𝐚𝐫 𝐚𝐡!

𝑴𝒂𝒙𝒂 𝒌𝒆𝒆𝒏𝒊 𝒌𝒂𝒓𝒂?

Ilma-galeenka waxu caada uleeyahay inu isuso-uruurid sameeyo xiliga Caadada. Hormonada qaar sida Borostagalandiniska (Prostaglandins) aya kiciya xanuunka iyo isuso uruurida ilma-galeenka sida daraadeed, Hadii uu xadiga Hormonkani korodho waxu sare qaadaya xanuunka.
𝑋𝑎𝑛𝑢𝑢𝑛𝑎𝑑𝑎 𝑘𝑒𝑒𝑛𝑖 𝑘𝑎𝑟𝑎 𝑤𝑎𝑥𝑎 𝑘𝑎𝑚𝑖𝑑𝑎:
1.𝑃𝑟𝑒𝑚𝑜𝑛𝑠𝑡𝑟𝑢𝑎𝑙 𝑆𝑦𝑛𝑑𝑟𝑜𝑚𝑒:

Xaaladani waxa keena isbadelada ay sameynayan Hormanada jidhka, Isbadeladani waxay dhacan 1 ila 3 asbuuc kahor xiliga Caadada.
Waa sababta loogu magacaabay Calaamadaha Caadada kahor – (Premonstrual Syndrome)
2.𝐸𝑛𝑑𝑜𝑚𝑒𝑡𝑟𝑖𝑜𝑠𝑖𝑠)
Waa xaalad Caafimaad xanuun badan, waxay unugyada ilma-galeenka koriin kusameynaya meelkabaxsan Ilma-galeenka sida ugxansidayasha lagu magacaabo Falobiyan tuyubis(Fallopian tubes),

𝑺𝒊𝒅𝒆𝒆 𝒍𝒐𝒅𝒂𝒘𝒆𝒚𝒂?

Waxa jira qaabab kale aad kudawen karto xanuunka Caadada adigo jooga gurigaga waxa kamida:
1.In lagu qubeysasho biyo kul leh
2.In Caloosha Duugis(Massaging) losameyo
3.In lajoogteeyo Jimicsiga
4.In laqaato cunada fudud
5.In laqaato dawoyinka la’iskaga yareyo Xanuunka.

Hadii ay tahay markii kugu horeysay fadlan ino 𝐟𝐚𝐥𝐥𝐨𝐰-𝐠𝐚𝐫𝐞𝐲 sidokale 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 sidoo kale xaga hoose ka wac 𝐚𝐬𝐱𝐚𝐚𝐛𝐚𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚, si ay uga faaideystaan.

🙏𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃𝐒𝐀𝐍𝐈𝐃🙏

     waa caabuq ay sababto nooc ka mid ah bakteriyada lona yaqaan (salmonella typhi) caabuqa ama cudurka loo yaqaan tiif...
23/11/2022





waa caabuq ay sababto nooc ka mid ah bakteriyada lona yaqaan (salmonella typhi) caabuqa ama cudurka loo yaqaan tiifawga maku badno wadamada hormaray lakiin inta badan waxa oo ka jiraaa wadamada hada so koraayo cudurka tiifawga inta badan waxa oo ku faafa cunada iyo biyaha wasaqeesan ama marka la macaamisho ama xariir taabasho ah idin dhaxmaro qof qabo cudurka tiifawga.

guud ahaan calaamadaha tiifawga waxaa ka mid ah qandho aad u sareeso madax xanuun calool xanuun iyo calool fadhi ama shuban.

dadka intoda badan way ka ficnaadaan cudurka marka ay bilaabaan daawoyinka qalajiyayaasha ah halka tiro yar dadka ka mid ah ay u dhintaan dhibaatoyinka ka dhasho cudurka.

calaamadaha cudurka waxay inta badan u soo muuqdaan si tartiib tartiib ah inta badana waxay soo muuqdaan hal ilaa iyo labo isbuc ka dib marka jirka cudurka so galo.

calaamadaha ugu horeya ee tiifawga waxaa ka mid ah.

1-qandho heer hooseyo ku bilaabato ka dibna siyaaado.

2-madax xanuun.

3-daal iyo dacìifnimo.

4-murqo xanuun.

5-dhidid

6- calool xanuun.

7-caloosha bararto.

maxaa sababo tiifawga

tiifawga waxaa sababo nooc ka mid ah bakteriyada lona yaqaan 'salmenela typhi, bakteriyada inta badan jirka waxay so gasha marka saxarada afka gaarto ama biyo wasaqeesan la cabo.

dadka qatarta ku jiro in oo ku dhaco tiifawga waxaa ka mid ah.

1-dadka u safro wadamada cudurka sida aadka ah kaga jiro.

2-dadka ka shaqeeyo sheebarada lagu abuuro bakteriyada cudurka sababto.

3-dadka ama xirfad la yaasha caafimaadka ee la macaaamilo bukaanada qabo cudurka.

4-dadka cabo biyaha wasaqeesan.

dhibaatooyinka ka dhalan karo cudurka tiifawga waxa ka mid ah.

1-dhiig bax mandhaciirada ah.

2-caabuq ku dhaco murqaha wadnaha.

3-caabuq ku dhaco sanbabada.

4-caabuq ku dhaco kaliyaha iyo kaadi hesta.

sidee looga hortagaa cudurka tiifawga .

1-waxa ugu muhiimsan talaalka cudurka tiifowga.

2-ku dhaq gacmahaga sabuun iyo biyo ka dib mrka aad suuliga ka so baxdo

3-ka fogaaw in aad cabto biyo aan nadiif ahayn

xigasho /Q Dr Fahad.Al Attas.

share dheh walaaal

𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱-𝗸𝗮 𝗘𝗲 𝗕𝗮𝗿𝗯𝗮𝗿𝗼𝗼𝗻𝗶𝗴𝗮(Bell pepper).𝐁𝐚𝐫𝐛𝐚𝐫𝐨𝐨𝐧𝐢𝐠𝐮 wuxu qani kuyahay  100%  vitaminC  taas oo kadhigan 10...
19/11/2022

𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱-𝗸𝗮 𝗘𝗲 𝗕𝗮𝗿𝗯𝗮𝗿𝗼𝗼𝗻𝗶𝗴𝗮
(Bell pepper).

𝐁𝐚𝐫𝐛𝐚𝐫𝐨𝐨𝐧𝐢𝐠𝐮 wuxu qani kuyahay 100% vitaminC taas oo kadhigan
100 gram oo barbarooniga ah waxa kujiro Vitamin C = 80 milligrams oo u dhigmo 100% xaddiga vitamin C jirku ubaahanyahay maalintii:Reference Daily Intake (RDI).

Dalkeena Waa khudaarta ugu badan ee laga helo vitaminC.

1. wuxu xoojiyaa Difaaca jirka : xaddiga aadka ubadan Ee vitamin C kujiro barbaroonigu wuxu sare uqaadaa difaaca jirka .

2. Wuxu yareeyaa infekshan-ka jirka iyo vitamin C wuxu ka qayb qaataa ladagaalanka jeermiska sida bakteriyada, feyruska iyo wax yaalaha sunta ku ah jirka .

3. Wuxuu ka hortagaa dhiig yarida (Anaemia) : vitamin B6 wuxu muhiim u yahay samaynta unugyada dhiigga sida hemoglobin (HB) oo ah borotiinka qaado oxygen ka iyo carbon dioxide ka ee loo yaqaan .

4. Waxay u fiicantahay maqaarka : vitamin c wuxuu caawiyaa samaysanka collagen oo ka qayb qaadato samaysan iyo bad qabka maqaarka .

5. Wuxu horu mariyaa caafimaadka maskaxda iyo shaqada Neerfaha : wax kujiro Vitamin B6 oo ka qayb qaato samaaynta fariin sidayaasha neerfaha sida serotonin iyo gamma aminobutyric acid .

6. Wuxu ka qayb qaadaa bogsashada dhaawaca : sida dadka leh cirid dhiiga iyo dhaawacyada aan buskoon.

𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 oo Gar sii asxaabtada si ay uga faaideysan
𝑪𝒂𝒂𝒇𝒊𝒎𝒂𝒂𝒅𝒌𝒖 𝑾𝒂𝒂 𝒔𝒉𝒆𝒚 𝒒𝒂𝒂𝒍𝒊 𝒂𝒉 !!
x. latalin caaafimaad.

• MA OGTAHAY??Marka aad dhaawacanto, habka bogsashada jidhkaagu waxa uu sameeyaa  Qolof si uu u bogsiiyo nabarka,  intay...
16/11/2022

• MA OGTAHAY??
Marka aad dhaawacanto, habka bogsashada jidhkaagu waxa uu sameeyaa Qolof si uu u bogsiiyo nabarka, intay howsha bogsahadu socoto, wakhtiyada qaarkood waxaa dhacda xaddi xad dhaaf oo borotiinka (Collagen) kolajiin ah inay ku aruuraan nabarka gudihiisa, halkaas oo ay ka dhalato xaalad lagu magaaco keliods (Rised scar) ama Nabar ko u kacsan.

• Waa maxay borotiinka (collagen) kolaajiin ?

Collagen waa borotiin uu jidhku soo saaro wuxu ka ciyaaraa door lama huraan ah qaab dhismeedka iyo shaqada maqaarka, carjawda, lafaha, iyo unugyada isku xidhxidhan.

Waa maxay KELOID (Nabar kor u kacsan.)
keloid waa nabar sare u kacsan oo yara weyn. Wuxu ku dhici karaa meel kasta oo maqaarkaga kamida ah oo aad ka dhaawacmato, laakiin badanaa waxay ku samaysmaan dhegaha, garbaha, dhabannada ama laabta.

Nabarrada keloid-ka ma aha kuwo waxyeello u leh caafimaadkaaga guud ahaan , laakiin waxay kugu keeni kartaa walwal iyo walbahaar joogto ah.

• ‼️Calaamadaha Keliods ama Nabarada kor u kacsan (Rised scar).‼️‼️

Inu qofku yeesho Nabaro dhumuc weyn, oo an caadi ahayn, inta badan waxay kaso baxaan dhegaha, garbaha, dhabannada ama laabta, sidokale waxay dadka qaari la yimaadan ka cabashada cuncun joogta ah.

‼️‼️Daawaynta keloids ‼️
• In qaliin lagu jarro nabarka.
• In la xadido nabarka laguna xadido leesar.
• In lasiiyo qofka corticosteroid Creams waxay ka caawisa bukaanka inay ka yareyso cuncunka.
Sidoo kale wuxu dhakhtarkaagu ku qori karaa • • • irbad corticosteroid ah taaso oo kaa caawindoonta iney yareyso Nabarka.

‼️‼️Waxaa muhiim ah in la ogaado in keloidyada qaarkood ay dib uso noqon karaan qaliinka ka dib.

‼️‼️Sidee looga Hortagaa keliodska.‼️‼️

Haddii aad ogtahay ama dareensantahay in jidhkaagu u nugul yahay samaynta keloids, ka fogow waxyaabaha dhaawici kara jidhkaaga, Ka fogow walxaha fiiqan iyo waxwalba oo dhaawac kugeysan kara.

• Fiiro gaar ah
Dumarka u maqaarkoodu u nugul yahay samaynta keloids waa inay ka fogaadaan nooc kasta oo daloolin jidhka ah, sida dhag durashada iyo sandurashada iwm.

W/Q Dr Cabdirabi Axmed Nasir.

Wixii talo iyo tusaale ah fadlan noogu so hagaaji Emailkan hoos ku qoran .👇🏿
Abdirabiahmednasiroptho@gmail.com
Ama telegram 👇👇
https://t.me/DrAbdiRabiAhmedOpthamology

𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱-𝗸𝗮  𝗸𝗼𝗼𝘀𝘁𝗮𝗱𝗮 🥬(𝗦𝗽𝗶𝗻𝗮𝗰𝗵)Koostadu waxa kujiro  dhammaan qaybaha Nafaqada waxay qani ku tahay fiitamii...
03/11/2022

𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱-𝗸𝗮 𝗸𝗼𝗼𝘀𝘁𝗮𝗱𝗮 🥬(𝗦𝗽𝗶𝗻𝗮𝗰𝗵)

Koostadu waxa kujiro dhammaan qaybaha Nafaqada waxay qani ku tahay fiitamiinada : vitamins K vitamin A vitamins C Folate (B9)
Macdanta : manganese calcium, iron, sidoo kale Koostadu waxay leedaahay vitamins K iyo vitamin A aad u badan .

1.Waxay xoojisaa Aragtida isha : vitamin A kujiro koostada wuxu ka hortagaa xanuuno ku dhaco isha sida aragtida habaynkii oo yaraato iyo indho qalayl-ka .

2. Waxay xoojisaa Lafaha : waxa kujiro vitamin K aad ubadan oo ka qayb qaato samaysanka lafaha iyo aktiif (active ) gayaynta borotiinada ka qayb qaato dhisida lafaha sida (osteocalcin) sidoo kale waxa kujiro macdanta calcium .

3. Waxay kor uqaadaa caafimaadka Unugyada jirka : vitamin A kujiro wuxuu joogteeyaa badqabka unugyada loo yaqaan (epithelial cells) ee ku dahaaran xubnaha jirka

4. Waxay u fiicantahay dheefshiidka : waxa ku jiro maadada fiber-ka oo saacido dheefshiidka caloosha .

5. Waxay u fiicantahay Difaaca jirka : waxa kujiro vitamin A iyo vitamin C oo dowr muhiim ah ka qaato shaqada difaaca jirka .

6. Wuxu u fiicanyahay xinjiraynta dhiigga : vitamin K kujiro wuxu ka qayb qataa xinjiraynta dhiiga isagoo aktiif (active) ka dhigo cunsurada(factors) qaabilsan xinjirowga dhiiga.

𝐬𝐡𝐚𝐫𝐞-𝐝𝐡𝐞𝐡 si ay uga faaideystaan guud ahaan bulshada.

Caafimaadka iyo Nafaqada

Xigasho cafimaad wanaagsan.

30/10/2022

Waxaan Tacsi tiiraanyo-leh la wadaagayaa dhamaan umada soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qarax-yadii Shalay ee .
Rabbi ha u naxariisto intii dhimatay, intaa dhawacana Ha uboogo dhayo.

5⃣ta  faa'iido  caafimaad ee laga helo dabacaseeyaha (karootada).✅ 1-Waxaa ku  Jirta maado la dhaho   taaso loo badalo  ...
27/10/2022

5⃣ta faa'iido caafimaad ee laga helo dabacaseeyaha (karootada).✅


1-Waxaa ku Jirta maado la dhaho taaso loo badalo A oo isna kor usii qaadi doona Badqabka aragaaga (Indhah).✅
2- Waxay ka caawineysa isku dheelitirka kolestaroolka iyo caafimaadka wadnaha. ...
3- Waxay kaa caawin doontaa yoolalka dhimista miisaanka. ...✅
4-Waxaa laga yaabaa inay kaa yareyso khatarta kansarka. ...
5-Waxay xoojisaa ama taageerto caafimaad siisaaa mindhicirada, sidoo kale waxay kor uqaada difaaca Jirka.

Dr Abdirabi.

🚫🚫🚫JOOJI SHAAMBADA DOVE 🚫🚫🚫🚫🚫Shaambooga Dove oo laga helay Kansar;Shirkada Shaambooyada "Unilever United States" ayaa su...
25/10/2022

🚫🚫🚫JOOJI SHAAMBADA DOVE 🚫🚫🚫🚫🚫

Shaambooga Dove oo laga helay Kansar;

Shirkada Shaambooyada "Unilever United States" ayaa suuqa ka saartay Shaambooyaddeedii sida Shampooga Dove, Nexxus, Suave, TIGI (Rockaholic iyo Bed Head), iyo TRESemmé sababtoo ah heerka maadada sunta ah ee benzene oo sarreeya.

Benzene waa maado kansarka ku keenta aadanaha. Waxay kugu soo gaadhi kartaa neefsasho, liqid, iyo maqaarka oo ay marsanto.

Waxay keeni kartaa kansarka uu kamid yahay kansarka dhiiga (leukemia), kansarka dhiigga ee dhuuxa lafta iyo cilladaha kale ee dhiigga kuwaas oo noloshaada khatar gelin kara. Sida ay baahiyeen qaar kamid ah Warbaahinta Caalamka (CNN iyo Bloomberg).

Waa maxay xanuunka neerfa siyaatika ama xanuunka sinta❓Xanuunkan magaciisa waxaa la yiraahdaa SCIATICA, wuxuuna ku dhaca...
22/10/2022

Waa maxay xanuunka neerfa siyaatika ama xanuunka sinta❓

Xanuunkan magaciisa waxaa la yiraahdaa SCIATICA, wuxuuna ku dhacaa neerfaha SCIATIC NERVE.

🔶Neefahaan waa midka ugu dheer jirka, wuxuuna ka soo baxaa dhbarka qeybtiisa hoose, wuxuu soo dhex maraa lafta sinta, wuxuuna sii aadaa xagga lugta illaa suulka ayuu dareen siiyaa.

✅Neerfahaan maadaama uu soo dhex maro lafta sinta waxuu halis u gali karaa inuu dhaawacmo ama cadaadis fuulo ama infection qaado, sidaa daraadeed ayuu u keenaa xanuunka lagu yaqaano.

✅SCIATICA, wuxaa lagu gartaa :- calaamadaga iyo Astaamaha!
1-xanuun dhabarka ah weliba u badan dhinaca sinta, kaasoo u soo gudbo illaa xagga lugta bidix ama midig, tabar darri hal lug ah,
2-xatoxato
3-iyo kabuubyo lugta ah

Maxaa keena xanuunka?❓

✅Xanuunka waxuu ka dhashaa dhaawac ama cadaadis saarmo neerfaha Sciatic, marka sidaa darteed waxaa la yiraahdaa SCIATICA.
Xanuunka wuxuu ka soo billawdaa dhabarka wuxuuna u soo dagaandagaa illaa lugta.

✅✴Waxyaabaha keena xanuunkaan waxaa ugu badan: Carjawda ricirrada u kala dhaxayso oo booskeeda ka soo baxdo, xanuunka ku dhaca murqaha u dhow sciatic nerve, jug ama jab gaaro qaska, ama buro ka soo baxdo agagaarka neerfaha ama cadaadis xagga dibadda ah oo saarmo neerfaha.

✅Xanuunka SCIATICA wuxuu leeyahay heerar wuxuu ku bilaawan karaa kabuubyo ama dareen olol oo kale wuxuu dadka qaar ku noqon karaa xanuun uusan qofka la dhaqaaqi karin.


Maxaa lagu ogaan karaa xanuunkan oo baaris ah?❓

✅Si loo ogaado waxa keenay xanuunka SCIATICA, waxaa qofka u baahanyahay baaritaanno dhowr ah sida raajo iyo Iskaano laga saaro lafdhabarta IWM.

💉💊

🔶Daawo waxaa ah in la ogaado oo la daaweeyo waxa keenay xanuunkaan sida carjow soo booday, jab, balbal muruqa miskaha ama buro.

🔶Marka ugu horreyso waa in xanuunka laga yareeyo qofka, in la saaro baraf labada maalmood ee ugu horayso kadib wax diiran loo daba mariyo, in nasasho sariirta aan laga soo kacaynin la sameeyo muddo u dhaxayso usbuuc ama labo si caabuqa neerfaha loo yareeyo.

🔶Xanuunka SCIATICA wuu iska baabi'i karaa laakiin wuu soo laalaabtaa, waxaana qofka la siin karaa daawooyin dajiya caabuqa neerfaha iyo daawo caawin kara soo kabsashada neerfaha hadduu dhaawac gaaro.

🔶Haddii aad isku aragtay xanuunkaan, fadlan la xiriir takhtar si lagaaga hubiyo, haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah waad na soo weydiin kartaan.

Xigasho Somalidocs
Dr Cabdirabi Axmed nasir

Wixii talo iyo tusaale iyo su'aalba ah fadlan noogu so hagaaji Emailkan hoos ku qoran Abdirabiahmednasiroptho@gmail.com

 #250 saynisyahano ah ayaa saxeexay codsi ay Qaramada Midoobay kaga dalbanayaan inay tallaabo ka qaadaan shirkadaha tign...
20/10/2022

#250 saynisyahano ah ayaa saxeexay codsi ay Qaramada Midoobay kaga dalbanayaan inay tallaabo ka qaadaan shirkadaha tignoolajiyada ka dib markii ay shaaca ka qaadeen khatarta ay dhagaha ee bilaa-waayirka ah ay u leeyihiin caafimaadka bani’aadamka, iyaga oo ku andacoonaya inay xidhiidh la leeyihiin xanuunnada , , hidda sida-yaasha, cilladaha waxbarashada, xubinta taranka iyo kuwo kale!

Waa Bisha Wacyigelinta Kansarka Naasaha. Baaritaanka kansarku naasahu waqtiga ku habboon wuxuu badbaadiyaa nolosha qofka...
17/10/2022

Waa Bisha Wacyigelinta Kansarka Naasaha.

Baaritaanka kansarku naasahu waqtiga ku habboon wuxuu badbaadiyaa nolosha qofka.
Maanta, bal eeg naasahaaga halmar qiime, wax isbadal ma jiraan, wax soo kuusan iyo meel danqaneysa marka la taabto,?

Xanuunka naasaha badankoodu ma aha kansar.
Hadii ad dareento inuu so kordhay Xanuun ama b***o fadlan booqo dhakhtarka si lugu baaro loona ogaada waxay ay tahay ciladani.
Fadlan raac tixraacyadan oo ay soo saartay WHO.

✅ Iska hubi naasahaaga
✅ Si joogto ah isku baadh
✅ U tag dhakhtarkaaga
✅ Samee raajadaada sanadlaha ah

Xigashi WHO.

Address

Улица Репина, 6, Republic Of Bashkortostan, Russia,, Bashkortostan
Ufa
450032

Opening Hours

Monday 07:00 - 23:00
Tuesday 07:00 - 23:00
Wednesday 07:00 - 23:00
Thursday 07:00 - 23:00
Friday 07:00 - 23:00
Saturday 10:00 - 23:00
Sunday 10:00 - 23:00

Telephone

+79858976763

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Abdirabi Ahemd Nasir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Abdirabi Ahemd Nasir:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram