Al-IXSAAN EYE HOSPITAL

Al-IXSAAN EYE HOSPITAL Waa xaruunta Daaweynta Iyo qaliinka Indhaha

Kudhawaad 100 arday oo kala ah F3 iyo F4 oo dhigata Dugsiga Hoose/dhexe iyo Sare ee Evergreen Degmada Balcad ayuu isbita...
16/09/2025

Kudhawaad 100 arday oo kala ah F3 iyo F4 oo dhigata Dugsiga Hoose/dhexe iyo Sare ee Evergreen Degmada Balcad ayuu isbitaalka indhaha ee Al-Ixsaan xaruntiisa Degmada Balacd ugu sameyay baaris caafimaad oo i dhaha ah si bilaash.

Isbitaalka waxa ka go'an sare uqadista caafimaadka indhaha ee bulshadda iyada oo marba marka ka dambeysa bulshada deegaanka, dhalinyarada iyo ardayduba helayaan adeegyo caafimaad oo indhaha ah.

Ilaali caafimaadk indhahaada.

Waxa aan maalintii labaad usameynay olole baaritaanka indhaha dugsiga hoose/dhexe ee Alpha. Xarunta isbitaalka Indhaha A...
14/09/2025

Waxa aan maalintii labaad usameynay olole baaritaanka indhaha dugsiga hoose/dhexe ee Alpha. Xarunta isbitaalka Indhaha Al-IHSAN Balcad waxa ay sii wadeysaa barnaamijyada baaritaanada indhaha ee ardayda dugsiyada balcad.

Kudhawaad 60 arday oo dhigata Dugsiga Hoose/dhexe iyo Sare ee Alpha es Degmada Balcad ayuu isbitaalka indhaha ee Al-Ixsa...
13/09/2025

Kudhawaad 60 arday oo dhigata Dugsiga Hoose/dhexe iyo Sare ee Alpha es Degmada Balcad ayuu isbitaalka indhaha ee Al-Ixsaan xaruntiisa Degmada Balacd ugu sameyay baaris caafimaad oo i dhaha ah si bilaash.

Isbitaalka waxa ka go'an sare uqadista caafimaadka indhaha ee bulshadda iyada oo marba marka ka dambeysa bulshada deegaanka, dhalinyarada iyo ardayduba helayaan adeegyo caafimaad oo indhaha ah.

Ilaali caafimaadk indhahaada.

Agaasimaha Caafimaadka Isbitaalka Al-Ihsan Eye Hospital Dr. Ahmed Mohamed Bille, ayaa ka qeyb galay munsabadda soo bandh...
16/08/2025

Agaasimaha Caafimaadka Isbitaalka Al-Ihsan Eye Hospital Dr. Ahmed Mohamed Bille, ayaa ka qeyb galay munsabadda soo bandhigista kiiskii ugu horeeyay ee bacriminta ilmaha casriga ah ee IVF, oo ay sameeyeen kuna guuleysteen dhaqaatiir Soomaaliyeed oo ka howgala Isbitaalka Mogadishu Fertility.

Waa guul weyn oo dadka Somaliyeed usoo hoyatay iyo hormar dhanka caafimaadka ah.

Waxaa degmada Balcad laga hirgeliyay adeegyo caafimaad oo ay bixiyaan dhakhaatiir ku takhasusay indhaha iyo cudurrada gu...
13/08/2025

Waxaa degmada Balcad laga hirgeliyay adeegyo caafimaad oo ay bixiyaan dhakhaatiir ku takhasusay indhaha iyo cudurrada guud. Dhakhaatiirtan ayaa u joogta si joogto ah, iyagoo diyaar u ah inay bulshada u qabtaan baaritaanno iyo daaweyn.

Adeegyadan waxaa lagu qabanayaa xarunta cusub ee Al-Ixsaan Eye Hospital Balcad Branch, waxaana loo qorsheeyay in bulshada ay si fudud u heli karaan daryeel caafimaad joogto ah oo u dhigma baahiyaha deegaanka

  SHAASHADAHA EE INDHAHAIsticmaalka shaashadaha waqti dheer wuxuu keeni karaa:1. Daal iyo culeys indhaha2. Qalayl indhah...
08/08/2025

SHAASHADAHA EE INDHAHA

Isticmaalka shaashadaha waqti dheer wuxuu keeni karaa:

1. Daal iyo culeys indhaha
2. Qalayl indhaha
3. Madax xanuun

XEERKA 20-20-20:
20 daqiiqo kasta oo aad shaashad ku shaqaynayso, eeg meel fog oo qiyaastii 6 mitir ah (20 feet) muddo 20 ilbiriqsi ah, si murqaha indhaha u nastaan.

Ka fogee shaashadda indhaha masaafo u dhaxaysa 45–60 cm.

Isticmaal muraayado ama habka telefoonka/kombiyuutarka ee yareeya iftiinka buluugga.

Indhahaaga waa nimco — ilaali!

Isbitaalka Indhaha ee Al-Ixsaan, Xarunta Cusub  ee Degmada Balcad ayaa bilowday Qaliimo Indho fiiqis lacag la'aan ah. Wa...
02/08/2025

Isbitaalka Indhaha ee Al-Ixsaan, Xarunta Cusub ee Degmada Balcad ayaa bilowday Qaliimo Indho fiiqis lacag la'aan ah.

Waxa socda wajigii 2aad ee Qaliimada indho fiiqista lacag la'aanta ah. Haddaba si aad uga faa'ideysato nagala soo xiriir taleefan numberaddaan 0617017714 ama 615617424

  Dhammaan!Ilaahay ha inoo barakeeyo maalintan barakeysan ee Jimcaha.Ha inoo siyaadiyo caafimaadka jidhka, naxariista qa...
18/07/2025

Dhammaan!
Ilaahay ha inoo barakeeyo maalintan barakeysan ee Jimcaha.
Ha inoo siyaadiyo caafimaadka jidhka, naxariista qalbiga,
iyo nuurka indhaha iyo noloshaba.

Allaha nagu sugo hanuunka iyo toobadda,
hana naga dhigo kuwa uu u rumeeyo raxmadiisa iyo raalli ahaanshihiisa.
Aamiin yaa Rabbal-Caalamiin.

Jimco Mubaarak

WARGELIN MUHIIM AHFuritaanka Xarunta Cusub ee Alixsaan Eye Hospital Degmada BalcadTaariikh: 13 Luulyo 2025Waxaan si rasm...
13/07/2025

WARGELIN MUHIIM AH

Furitaanka Xarunta Cusub ee Alixsaan Eye Hospital Degmada Balcad
Taariikh: 13 Luulyo 2025

Waxaan si rasmi ah ugu wargelineynaa dhammaan bulshada reer Balcad iyo nawaaxigeeda in Alixsaan Eye Hospital ay xarun cusub ka furtay Degmada Balcad, taas oo si buuxda u bilaabatay adeeg bixinteeda

Ujeeddadeennu waa in aan bulshada u keenno adeeg caafimaad oo tayo leh, si sahlan loo heli karo, oo la jaanqaadaya baahiyaha dhabta ah ee deegaanka.

Fadlan la xiriir lambarka hoose wixii faahfaahin dheeraad ah:
📞 0617017714

Agaasimaha Caafimaadka Isbitaalka Indhaha Al-Ihsan Ex-Control Balcad, Dr. Ahmed Mohamed Bile ayaa ka qeyb galay munaasab...
03/07/2025

Agaasimaha Caafimaadka Isbitaalka Indhaha Al-Ihsan Ex-Control Balcad, Dr. Ahmed Mohamed Bile ayaa ka qeyb galay munaasabadda Furitaanka Hay'adda Caalamiyeynta Waxbarashadda Soomaaliya ee IEASO, oo ka dhacday magaaladda Muqdisho.

IEASO, waxa ay isku xiri doontaa waxbarashadda Soomaaliya iyo tan caalamiga ah waxa ayna ahmiyad weyn siineysaa hormarinta waxbarashadda, tababaradda iyo cilmibaarista si loo gaaro tayo waxbarasho heer caalami ah.

Munasaabadda waxa kasoo qeyb galay madaxda hayaddaha waxbarashadda Soomaaliya iyo marti sharaf ka socotay dalalka afrika si gaar ah koonfur Afrika 🇿🇦 iyo Kenya 🇰🇪.

Munaasabadda ayaa ugu dambeyn kusoo idlaatay jawi qurux badan.

Bahada Alixsaan Eye HospitalTacsi Tiiraanyo Lehإِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَMaamulka, howlwadeenada , iyo d...
08/06/2025

Bahada Alixsaan Eye Hospital
Tacsi Tiiraanyo Leh

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

Maamulka, howlwadeenada , iyo dhakhaatiirta Isbitaalka Bahada Alixsaan Eye Hospital waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, qaraabadii, eheladii iyo dhammaan dadkii uu ka baxay Asad Xasan Omar

Asad Xasan Omar wuxuu ahaa qof qiimo iyo karaamo leh, Alle ha u naxariisto, kana waraabiyo janadiisa Firdowsa.

Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu qabriga u waasiciyo, una beddelo hoy ka kheyr badan kii uu adduunka ku lahaa. Samir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo.

Address

Banaadir
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al-IXSAAN EYE HOSPITAL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Al-IXSAAN EYE HOSPITAL:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category