
02/07/2025
Baraawe, 02 July 2025:-Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa Booqasho ku imaaday Maanta Isbitaalka Guud Ee Degmada Barawe
Agaasimaha Isbitaalka Guud Ee Degmada Barawe Mohamed Shaarkey ayaa Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda KGS Mudane Dr Hussein Mohamed Dahir oo uu wehelinayo Xildhibaan Murjaan oo ka tirsan baarlamaanka Dalka FS iyo Gudoomiyaha Degmada Barawe ayaa maanta booqasho iyo kormeer guud ku imaaday isbitaalka guud ee degmada Baraawe.
Booqashadan ayaa qayb ka ahayd dadaallada ay Wasaaradda Caafimaadka ku dardargelineyso xoojinta iyo tayeynta adeegyada caafimaad ee gobolka iyo guud ahaan Koonfurgalbeed.
Wsiirka iyo wefdigiisa ayaa si guud u kormeeray qeybaha isbitaalka, gaar ahaan Xarumaha Hooyada iyo Dhallaanka , Qaaxada iyo Dhismaha cusub ee isbitaalka degmada oo haatan maraya meel gabagabo ah, taas oo lagu wado in dhawaan la xarag jaro.