03/02/2026
OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS
Reer Baraawe iyo nawaaxigeeda, bishaaro weyn!
Waxaa magaalada Baraawe markale lagu qabanayaa qaliinka indhaha oo lacag la’aan ah.
Markale qaliinkaan waxaa fulin doono Dhaqaatiirta kala ah
Dr. Saciid Xuseen Geedi, iyo Dr Ali Mohamed Hussein oo ku takhasusay qalliinnada indhaha iyo daaweyntooda,
Waxayna imaan doonaan isbuucan soo socda.
Howlaha caafimaadka waxaa fulin doona Isbitaalka Chilaani.
Adeegyada caafimaad ee la qabanayo waxaa ka mid ah:
✔️ Qalliinka sixitaanka aragga (weershaha) – carruur & dadka waaweyn
✔️ Qalliinka Caadka (oo Toliin la’aan ah)
✔️ Qalliinka biyo–gelinta isha maqan
✔️ Daaweynta xasaasiyada Indhaha
✔️ Daaweynta qaleelka indhaha iyo dhibaatooyinka kale ee la xiriira aragga
Isdiiwaangelintu waa socotaa!
Waxaad iskadiiwaangeli kartaa:
Adigoo si toos ah u tagaya Isbitaalka Chilaani, ama
Adigoo wacaya nambarka: 0617548354
Ha ka harin fursaddan caafimaad oo qaali ah.