27/11/2019
السلام عليكم🙋♂️
Cudurka Malaria/Duumada.
-Cudurka Malariyada Waa Cudur Gudbisa Kaneecada(Anopheles), Kaas Oo Sameya Dadka Iyo Xaywaanadkaba, Calamadaha Lagu Garto Badana Waxaa Kamid Ah:
🔹️Qandho/Xumad.
🔹️Daal-Joogta Ah.
🔹️Madax-Xanun
🔹️Matag/Lalabo
🔹️QarQaryo
◾Maxa Sababa Cudur-kani
-Cudurka Dumada Waxaa Sababa Abuure Il-ma-Qabato Ah Lo Loo Yaqaanno Protozoa, Waxaana Keena Amma Ay Kashaan (4) Plasmodium oo Ah:
🔹️P.Ovale.
🔹️P.Vivax.
🔹️P.Malaria.
🔹️P.Falciprim.
F.G.(P.F Iney Tahay Mida Ugu Dhibka Badan, Waxey Kalo Adkeysi U Lee Dahahy Daawada Chloroquine.)
Xili Huuriska/Soo Bixida Cudurka.
(Wuxu Garaa Ku Dhawaad Bil)
Ka Hortaga.
🔹️In La Dareeriyo Dhamaan Biyo Fariiska Degaanka laguna Daro Chlorine Ama Wax Dili Kara Germska Sida:(Ooliyada,Nafta.)
🔹️In La Jaro Qashinka Ka Dhow-Dhow Xafadaha.
🔹️Isticmalka Maro Kaneecoyinka
◾SIDA AY KU BAAHDO
(Rout of Transmission)
Cudurka Duumada, Waxaa Faafiya Nooc Kaneecada Kamid ah, Oo Loo Yaqaanno
(Female Anopheles Mosquito) Waana Nooca Dheddig Ee Kaneecada, Taas Oo Soo Qaniinta Qof Qaba Cudurkaan, Ka Dibna Kaneecada Ayaa Bukoota, Kaneecadaas Bugkta Oo Qaraab Raadis Ah Baa Qaniinta Qof Kale Oo Caafimaad Qaba, WAxaanay Ku Reebtaa Deris Ku Noolihii Plasmodium-ka ahaa, Sidaas Buuna Qofkii ku Qaadayaa Cudurka Duumada/Mariyada .
🔹️Chemoprophylaxis, Waa Ka Hortag Dadban Oo Daawo Qaadasho Ah, Waxaana La Isticmaalaa Tab 2 Toddobaadkii, marka uu Qofku Aadayo Meel Ay Kaneecadu Ku Badan Tahay, Iyada Oo La Siin Karo Hooyada Uurka Leh.
F.G(Daawoyinka Dhaqtarka Ayad Kale Tashan Kartaa Kahortaga Ah Si Lagaga Check Gareeyo Laga Yaba Ina Qabto Cudurka Kuna Qarsan Yahay).
DIGNIIN📢:
*Waa In Uu Daawada Qoraa Dhakhtar Baadhey Qofka, Marnaba Ha Qadan Dawo Aan Dhaqtar Ku Qorin.
MAHADSANIDIN!
🙋♂️🍁⏰