Bulle Media Network

Bulle Media Network Ku Soo Dhowoow BULLE MEDIA NETWORK – Ka Hel wararka la isku halayn karo, degdeg iyo xaqiiqo ku saleysan.

Hoggaamiyaha Maamulka Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta iyo Xallinta Khila...
05/05/2026

Hoggaamiyaha Maamulka Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta iyo Xallinta Khilaafaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana guddoomiye looga dhigay Suldaan Buube Suldaan Cabdulle.

05/05/2026

Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Magacaabay Gudiga Dib-Uheshiisinta iyo Xalinta Khilaafadka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka DKGS, mudane Dr. Ibrahim Adam Ali (Soomow) ayaa ka qaybgalay Aqoon is-weydaars...
04/05/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka DKGS, mudane Dr. Ibrahim Adam Ali (Soomow) ayaa ka qaybgalay Aqoon is-weydaarsiga Qiimeynta Wadajirka ah iyo Istaraatiijiyadda mashruuca GAVI iyo dib-u-habeynta mudnaanta barnaamijyada, kaas oo maantay ka furmay Magaalada Nairobi.

Inta uu socdo aqoon is-weydaarsigan, Agaasimaha Guud ayaa ka qayb qaadan doona falanqeynta horumarka laga gaaray barnaamijyada tallaalka, isaga oo sidoo kale ka warbixinaya caqabadaha jira iyo meelaha u baahan in si gaar ah wax looga qabto si loo xoojiyo adeegyada tallaalka iyo gaarsiinta bulshada, gaar ahaan carruurta aan helin wax tallaal ah.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalaya madax ka socota Wasaaradda Caafimaadka XFS, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad-goboleedyada, hay’adaha bahwadaagta ah sida UNICEF, WHO, iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Gates Foundation, FCDO, iyo hay’ado kale sida SCI, ACF iyo IRC.

Inta uu socdo aqoon-is-weydaarsiga, waxaa diiradda lagu saarayaa qiimeynta waxqabadka barnaamijyada tallaalka, dib-u-eegista istaraatiijiyaddii h**e ee mashruuca Gavi iyo dejinta mudnaanta istaraatiijiyadda cusub ee mashruuca Gavi, iyadoo xoogga la saarayo gaarista carruurta aan helin tallaalka. Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeynayaa caqabadaha jira, oo ay ku jirto hoos u dhaca miisaaniyadda mashruuca Gavi ee muddada 2026–2030, iyo isbeddellada cusub ee Gavi 6.0 sida “Hal Miisaaniyad,” “Hal Codsi Dal,” iyo “Hal Nidaam Maareynta Deeqaha,” kuwaas oo la filayo inay kor u qaadaan hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

Shirkan oo socon doona dhowr maalmood ayaa la filayaa in natiijooyinkiisa ay gacan ka geystaan horumarinta adeegyada tallaalka iyo gaarista yoolka bulsho caafimaad qab ah.

Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Mudane Cabdiweli Axmed ...
03/05/2026

Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Mudane Cabdiweli Axmed Maxamed U-Magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Shabeelaha Hoose

Sido kale Hogaamiye Jibriil ayaa Mudane Aadan Abdi Abaarey U-Magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Jadwalka Doorasho Hoosaadka Ururka ee Koonfur Galbeed
02/05/2026

Jadwalka Doorasho Hoosaadka Ururka ee Koonfur Galbeed

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sandheere Maxamed Iftiin ayaa meel fagaar...
02/05/2026

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sandheere Maxamed Iftiin ayaa meel fagaaro ah kula hadlay boqolaal kamid ah shacabka ku nool magaalada Baydhabo.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray muhiimadda ay leedahay ka-qaybgalka shacabka ee hannaanka doorashada qof iyo cod, isaga oo ku booriyay muwaadiniinta inay qaataan doorkooda ku aaddan horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Mudane Sandheere Maxamed Iftiin ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay taageeraan Xisbiga JSP, isaga oo xusay in xisbigu uu kaalin muuqata ka qaadan karo horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta dowladnimada.

Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyay shacabka inay muujiyaan midnimo, isla markaana si nabad ah uga qayb qaataan geeddi-socodka doorashooyinka, si loo gaaro mustaqbal ifaya oo ku dhisan cadaalad iyo sinaan.

Guddoomiyaha cusub ee Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Abdirahmaan ibraahim Aadan Sate  oo manta sI rasmi ah x...
02/05/2026

Guddoomiyaha cusub ee Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Abdirahmaan ibraahim Aadan Sate oo manta sI rasmi ah xilka u la wareegey

Xafladda xil wareejin ah oo si here sare loo agaasimey ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha Koonfurgalbeed iyo Gudoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Arimaha siyaasada xilka ugu wareejiyey Gudoomiye Abdirahmaan Sate.

Xaflad ayaa Waxaa ka Soo qeybgalay wasiiro, xildhibaano, odayaal dhaqameed, siyaasiyiin, xubnaha maamulka degmada, hooyooyin, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa bogaadiyay shaqadii guddoomiyihii h**e, iyagoo ku dhiirrigeliyay guddoomiyaha cusub inuu sii xoojiyo horumarka, amniga, iyo adeegyada bulshada ee degmada.

Guddoomiye Abdirahmaan Saate ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegi doono shacabka Degmada Baydhabo, asagoo mudnaanta siin doona amniga, horumarinta degmada, iyo isku duubnida bulshada.

02/05/2026

Wasiir Hassan Hussein Mohamed Eeley oo Wakiil la ah Musharax Madaxweyne Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa Dhowr iyo Toban Neef geel ah kuwareejiyey Ciidan Xooga dalka ee kusugan Magaalada Baydhabo.

01/05/2026

Musharraxa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoowe)

Xaflad Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...
01/05/2026

Xaflad Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu ku shaacinayey musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu qabtay Magaalada Baydhabo, waxaana ka qeyb galay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Dalka, wasiiro Iyo xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, mas’uuliyiin iyo wakiilo ka tirsan Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP oo uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Dr Xuseen Sheekh Maxamuud, culimaa’udiin, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.

Ujeedka xafladda oo aheyd shaacinta musharaxnimada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dhammaan mas’uuliyiintii ka hadashay xafladda waxa ay soo dhoweeyeen musharaxnimada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyagoo sheegay in uu yahay shaqsiga ku habboon qabashada xilka madaxweynaha ee maamulka Koonfur Galbeed , islamarkaana uu kusoo kordhin karo isbedel la taaban karo.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka JSP Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Xisbiga JSP uu isku raacay in musharaxa xisbiga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), maadaamaa uu yahay qofka ugu mudan ee xiligan hogaamin kara maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalla Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ahna musharaxa Madaxweyne ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo xafladda ka hadlay ayaa ugu horreyn u mahadceliyey ka qeyb galayaasha xafladda, wuxuuna sheegay in Koonfur Galbeed ay xiligan u baahantahay isbedel dhab ah oo dhinac walbo ah, wuxuuna balan qaaday in hadii uu ku guuleysto xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed uu xooga saari doono in deegaanada maamulkan ay ka hirgasho dib u heshiisiin dhab iyo in adeegyada dowladnimo la gaarsiiyo guud ahaan shacabka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka JSP Dr Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Ahna musharaxa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) guddoonsiiyey astaanta xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP.

Musharax Madaxweyne KG Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe  ayaa saacadaha soo aadan khudbad ka jeedin doona haduu All...
01/05/2026

Musharax Madaxweyne KG Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa saacadaha soo aadan khudbad ka jeedin doona haduu Alle idmo, Xaflad lagu shaacinaayo Musharaxnimadiisa ee ka dhaceysa Baydhabo.

Gadoomiyaha ayaa jeedin doona khudbad dhanwalba taabaneysa, guulaha ay gaari doonto KG Markii la doorto kadib oo ay kamidyihiin Dib-uheshiisiinta, Amniga, Horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta dowladnimada maamulka KGS.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sharmake Maxamed Kulow, wuxuu hambal...
01/05/2026

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sharmake Maxamed Kulow, wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Address

Baydhabo

Telephone

+252618877115

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bulle Media Network posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share