
21/07/2025
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo KGHP oo Agab Caafimaad ku Wareejiyay Cusbitaalka Guud ee Berbera.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, oo kaashanaysa King’s Global Health Partnerships (KGHP), ayaa si rasmi ah agab caafimaad ugu wareejisay Cusbitaalka Guud ee Berbera. Agabkan ayaa loogu talogalay xakamaynta caabuqyada faafa ee xarumaha caafimaadka.
Munaasibadda wareejinta ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socotay Cusbitaalka Guud ee Berbera, Wasaaradda Caafimaadka, iyo hay’adaha taageeraya mashruuca. Agabkan caafimaad wuxuu qeyb ka yahay barnaamijka National Quality Improvement Programme (NQIP), oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan MoHD iyo KGHP, oo ay dhaqaala ahaanna ka taageerto hay’adda Qatar Charity.
Ujeeddada mashruucan ayaa ah in kor loo qaado tayada adeegyada caafimaad ee la bixiyo, lana yareeyo halista caabuqyada gudaha cisbitaalka, si loo horumariyo badbaadada bukaanka iyo shaqaalaha caafimaadka.