Berbera Regional Hospital

Berbera Regional Hospital This page is official page in Berbera Regional Hospital this page is Official for Berbera Regional Hospital

10/05/2026

Booqashada Dr. Adna Adan iyo wafti ay hogaaminaysaa ku yimaadeen Cusbitaalka Guud ee Berbera.

Maanta waxa Cusbitaalka Guud ee Berbera booqasho ku timid Dr. Adna Aadan Ismaaciil iyo wafti ay hoggaaminayso. Ujeeddada...
10/05/2026

Maanta waxa Cusbitaalka Guud ee Berbera booqasho ku timid Dr. Adna Aadan Ismaaciil iyo wafti ay hoggaaminayso.

Ujeeddada socdaalku waxa uu ahaa in ay ogaadaan ardaydii wax ku bartay Compus-ka Adna Adan University ee ku dhexyaalay gudaha Cusbitaalka Guud ee Berbera, sida ay bulshada wax ugu celiyeen iyo waxtarka ay ku soo kordhiyeen adeegyada caafimaad ee Cusbitaalka Berbera.

Waftiga waxa si sharaf leh u qaabilay maamulka Cusbitaalka, kuwaas oo geeyay qaybaha kala duwan ee ay ka hawlgalaan shaqaalihii wax ku bartay Compus-ka Adna Adan University.

Ugu dambayn, Dr. Adna Aadan Ismaaciil waxay ballanqaaday in ay tababbarro kala duwan u fidin doonto shaqaalaha Cusbitaalka, si loo xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha caafimaad ee bulshada gobolka loogu adeego.

Booqashada Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ee Cusbitaalka Guud ee Berbera.Maanta oo ay taariik...
05/05/2026

Booqashada Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ee Cusbitaalka Guud ee Berbera.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 5/5/2026 waxa Cusbitaalka Guud ee Berbera booqasho ku yimid Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo wafti uu hoggaaminayay. Ujeeddada booqashadu waxay ahayd u kuur-gelidda xaaladda guud ee caafimaadka degmada Berbera.

Waftiga waxa si diirran ugu soo dhaweeyay: Isuduwaha Caafimaadka Gobolka, Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Berbera, Admin & Finance-ka iyo HRM-ka Cusbitaalka.

Intii uu joogay, Wasiirku waxa uu mid mid u booqday waaxyaha kala duwan ee Cusbitaalka.

Wasiir ku xigeenku waxa uu booqday qaybta shaybaadhka oo aad loo qalabeeyay, Trauma centerka oo loogu talo galay dhaawacyada, ICU-ga oo uu kula kulmay Dhakhtar ku takhasusay xaaladaha degdega ah iyo xaaladaha daran ( Emergency and Critical care specialist) isla markaana ah qayb lagu qalabeeyay qalabka muhiimka ah sida ventilators iyo Monitors. qaybta bukaan socodka oo uu booqday wasiir ku xigeenku waxa uu kula kulmay dhakhaatiir takhasusaad kala duwan leh sida qalliinka lafaha, Qalliinka Guud iyo takhasuska Caruurta.

Qaybaha kale ee uu wasiir-ku- xigeenku booqday waxa kamid ah qaybta loo diyaariyay in lagu rakibo CT-scanka Cusbitaalka oo dhawaan la keeni doono iyo qaybta qadiimka ah ee Cusbitalka oo dib u habayn balaadhan lagu sameeyay.

Wasiir ku-xigeenku waxa uu ku bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha Cusbitaalka sida hufan ee ay bulshada ugu adeegayaan, isaga oo ku dhiirrigeliyay in ay sii wadaan horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsadeen.

Xuska Maalinta Dhir-beerista Qaranka  Maamulka Cusbitalka Guud ee Berbera ayaa dhir ka guddoomay Isuduwa Wasaaradda Horu...
15/04/2026

Xuska Maalinta Dhir-beerista Qaranka

Maamulka Cusbitalka Guud ee Berbera ayaa dhir ka guddoomay Isuduwa Wasaaradda Horumarinta Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee gobolka Saaxil, iyaga oo ku beeray meelo kala duwan oo cusbitalka kamid ah. Tallaabadan ayaa qayb ka ah xoojinta dedaalka loogu jiro cagaarinta deegaanka iyo bilcinta Cusbitaalka.

Berbera, 15 March 2026 – Cusbitaalka Guud ee Berbera ayaa maanta markii ugu horreysay bulshada ku nool degmada Berbera i...
15/03/2026

Berbera, 15 March 2026 – Cusbitaalka Guud ee Berbera ayaa maanta markii ugu horreysay bulshada ku nool degmada Berbera iyo nawaaxigeeda u soo kordhiyay adeeg cusub oo muhiim ah: Rugta Wicitaanka (Call Center).
Adeeggan ayaa loogu talo galay in ay bulshadu uga faa’iidaysato wicitaanno degdeg ah, gaar ahaan xaaladaha shilalka iyo xaaladaha caafimaad ee degdegga ah (emergency). Rugta Wicitaanku waxay noqon doontaa rug u adeegta Bulshada 24 saac maalintii. iyadoo fududaynaysa helitaanka caawimo degdeg ah iyo adeegyo caafimaad waqti ku habboon.
Tallaabadan cusub waxay ka mid tahay dadaallada joogtada ah ee Cusbitaalka Guud ee Berbera uu ku horumarinayo adeegyada caafimaad ee bulshada, si loo xaqiijiyo in qof kasta oo u baahan caawimo degdeg ah uu si dhakhso ah u helo.

Adeegga Rugta Wicitaanka waxaa laga soo wici karaa lambarka 9399 , waxaana uu bulshada u furan yahay 24 saac maalintii.

Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa kormeer ku yimi Cusbitaalka Guud ee Berbera.  Intii ay ku guda ji...
11/02/2026

Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa kormeer ku yimi Cusbitaalka Guud ee Berbera.

Intii ay ku guda jireen kormeerka, Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Berbera iyo Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Saaxil ayaa gudida siiyey warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan xaaladaha caafimaad ee cusbitaalka iyo guud ahaan gobolka.

Gudidu waxay si weyn u soo dhaweeyeen hawlkarnimada iyo dadaalka ay masuuliyiintu bulshada ugu adeegayaan, iyagoo ku boorriyay in ay sii xoojiyaan adeegyada caafimaad ee ay bulshada u hayaan.

Ololaha Dhiig-shubista Qaranka oo ka bilaabmay Cusbitaalka Guud ee BerberaMaanta waxa si rasmi ah uga bilaabmay Cusbitaa...
10/02/2026

Ololaha Dhiig-shubista Qaranka oo ka bilaabmay Cusbitaalka Guud ee Berbera

Maanta waxa si rasmi ah uga bilaabmay Cusbitaalka Guud ee Berbera ololaha qaran ee dhiig-shubista.

Furitaanka ololahan waxa ka soo qayb galay Badhasaabka Gobolka Saaxil, Mudane Cabdi-qani Maxamuud Caateeye, Xoghayaha gobolka, Isuduwaha Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Isuduwaha WHC ee Gobolka Saaxil, iyo Agaasimaha iyo Maamulaha Cusbitaalka Guud ee Berbera. Masuuliyiintu waxa ay dhammaan bulshada ku dhiirrigeliyeen in ay dhiig ku tabarrucaan oo ay sadaqadaystaan, si loogu badbaadiyo nafo u baahan.

Dhiig-shubistu waa ficil samafal oo qiimo weyn leh, waana astaan muujinaysa wadajirka, isku-duubnida, iyo naxariista bulshada Somaliland.

Waxaan bulshada oo dhan ku boorrinaynaa:
Fadlan ka qayb qaado ololaha qaran ee dhiig-shubista, oo dhiig ugu deeq naf u baahan.

Dhiig ku deeq oo naf badbaadi!
09/02/2026

Dhiig ku deeq oo naf badbaadi!

22/01/2026

Kalmadda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Axmed Zaki, iyo hawl wadeenada caafimaadka ee Cusbitaalka Guud ee Berbera oo ku hawlan aadeegyo caafimaad oo ay u fulinayaan ciyaartoyda.

Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Saaxil iyo Maamulka Cusbitaalka Guud ee Berbera, ayaa diyaariyay...
28/12/2025

Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Saaxil iyo Maamulka Cusbitaalka Guud ee Berbera, ayaa diyaariyay hawl-wadeeno caafimaad oo si buuxda uga qayb qaadan doona daryeelka dhaawacyada iyo xaaladaha caafimaad ee soo wajaha Ciyaartooyda, Taageerayaasha iyo Dadwaynaha ka soo qayb galaya daawashada ciyaaraha Championka ee ka dhacaya garoonka Cabdalle Stadium ee magaalada Berbera.

Munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Admin and Finance-kii h**e ee Cusbitaalka Guud ee Berbera Mursal Axmed Jaamac ...
26/10/2025

Munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Admin and Finance-kii h**e ee Cusbitaalka Guud ee Berbera Mursal Axmed Jaamac iyo Admin and Finance-ka cusub Cabdi-qani Maxamed Ibrahim ayaa ka qabsoontay xafiiska Agaasimaha Cusbitaalka 25/10/2025.

Address

Berbera

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Berbera Regional Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category