Al-Rahma Specialist Hospital

Al-Rahma Specialist Hospital kaabaha caafimaadka, Daryeelaha bulshada ku soo dhawaada baahi kaabaha caafimaadka gobolka awdal borama somaliland

جمعة مباركة Bishaaro Bishaaro Bishaaro.  Al-Rahma Specialist Hospital  Specialist waxaa kuugu soo kordhinnay mishiinka b...
17/10/2025

جمعة مباركة

Bishaaro Bishaaro Bishaaro. Al-Rahma Specialist Hospital Specialist waxaa kuugu soo kordhinnay mishiinka baadha Vitamins ka .fiitammiinnada (Vitamins).

Nasoo booqo IDINKA ALLEH WAAD NAGU DAWOOBI.

Waa kuugu diyaar Al-Rahma Specialist Hospital.Nasoo Booqo IDINKA ALLEH WAAD NAGU DAWOOBI.NT- pro BNP waa dheecaan la qaa...
15/10/2025

Waa kuugu diyaar Al-Rahma Specialist Hospital.

Nasoo Booqo IDINKA ALLEH WAAD NAGU DAWOOBI.

NT- pro BNP waa dheecaan la qaado xagga dhiigga. Wuxuu kuu sheegi in muruqa wadnaha dhaawac gaadhay.

12/10/2025
12/08/2025

Al-Rahma Specialist Hospital waxaa kuugu diyaara,

Dr. Abdirahman Mohamed Jama (Gagajir) Abdirahman Gagajir

❤️ Master Degree– Cardiology, Mansoura University, Egypt.

📚 MMed – Health Professions Education, Kings College.UK & Amoud Partnership.

🏥 Consultant Family Physician, Hope-Org.USA & Amoud Partnership.

🩺 MBBS – Amoud University.

Contacts: ✉️ Email: gagajir86@gmail.com.
📞 Phone 615448

Wax ka baro xanuunada dhicis ka(dilanka uur kujirta) keena ee bulshadu aany ku baraarugsanayn:Brucelloosis(brucellosis)-...
03/08/2025

Wax ka baro xanuunada dhicis ka(dilanka uur kujirta) keena ee bulshadu aany ku baraarugsanayn:
Brucelloosis(brucellosis)- Xilliga Uurka
Hordhac guud
Brucellosis waa cudur xoolaha laga qaado oo uu keeno bakteeriyada Brucella (noocyada ugu badan waa B. melitensis, B. abortus, B. suis, iyo B. canis). Waxa uu ku faafi karaa:
1.Cabista caano aan la karkarin (ama aan la nadiifin)
2.Dhaqashada xoolo cudurka qaba (ido, riyo, lo’, doofaar, eey)
3.Cunista hilibka xoolaha oo aan si fiican loo karkarin
4.Neefsashada hawo uu ku jiro jeermigu (meelaha xoolaha lagu hayo ama sheybaarrada)
Dumarka uurka leh waxa ay ku jiraan khatar sare, maadaama jeermigu uu leeyahay awood uu ku galo gudaha unugyada jidhka sida madheerta (ibida) iyo xanuun gaar ah oo uu ku keeno uurka.
Saamaynta Brucellosis-ku ku yeelan karo Uurka
Dhibaatooyinka Hooyada:
1.Qandho, daal, dhidid badan, lafaha iyo madax xanuun
2.Beerka iyo beeryarta oo weynaanaya (Hepatosplenomegaly)
3.Dhiig-yar (anemia)
4.Dhiigga oo jeermigu ku fido (sepsis)
Dhibaatooyinka Uurka iyo Ilmaha:
Uur-jab -dilaac (waxa ugu badan, gaar ahaan bilaha h**e ee uurka)
1.Ilmaha oo caloosha ku dhinta (IUFD)
2.Dhalmo deg-deg ah (preterm)
3.Korriin gaabis ah oo ilmaha ah (IUGR)
4.Ilmo cudurka la dhashay (Congenital) wuxuu dhici karaa in yar
Sababta: Brucella waxay leedahay awood ay ugu gudubto madheerta ilmaha, waxayna ku tarmaysaa unugyada taranka ee xoolaha iyo bini’aadamkaba.
Xanuunkan astamaha u leeyahay waxa jira wax yaabo lagu garan karo sida hooyo iyado cafimaad qabta hadana markasta dhicisa xiliga uurka taaso buruselladu keeni karto
Sidee loo ogaadaa xanuunka Brucellosis ka xiliga hooyada uurka leh
Hadii hooyadu isku aragto calaamaha kor ku xusan waa in ay sidegdeg ah ula xidhiidhaa goob caafimaad
Baadhis deg-deg ah oo taxaddar leh ayaa muhiim ah sida: Baadhitaannada dhiiga
Wuxu noqon kara qofku isago qaba xanuunka bila calamado ,si kadisa loga heli karo dhiiga ama kadida qofka.
Daawaynta Brucellosis-ka ee Dumarka Uurka leh
Waa in ay noqotaa daawo waxtar leh oo ilmaha aan wax u dhimin.
Tixgelinta Ilmaha iyo Dhalmada
Dabagal joogto ah (ultrasound, baaritaanno ilmagaleenka ah)
Haddii cudurku yimaado waqtiga dhalmada, ilmaha ha la baadho
Kahortagga Brucellosis-ka Xilliga Uurka
Ka fogow caanaha aan la karkarin (gaar ahaan meelaha uu cudurku ku badan yahay)
Ha cabin caano an karsanayn ,hana cunin hilib sifiican loo bislayn
Ka fogaansho xoolaha cudurka qaba
Shaqaalaha farmashiyaha ama dhakhaatiirta xoolaha waa inay xirtaan qalab difaac ah
Gunaanad
1.Brucellosis-ka uurka waa khatar weyn wuxuuna keeni karaa uur-dilaac ama ilmaha oo dhinta.
2.Baadhitaan degdeg ah iyo daawayn ku haboon ayaa lagama maarmaan ah
3.Ka fogow dawooyinka halista u leh ilmaha ee kaa mamnuuc ah xiliga uurka
4.Wacyigelin iyo kahortag ayaa muhiim ah, gaar ahaan meelaha uu cudurku ku badan yahay
By: Al-rahma S.Hospital

28/07/2025

Wadnahu waa laf-dhabarta nolosha.

Coronary Artery Disease (CAD) waa cudur halis ah oo si aamusnaan leh u waxyeelleeya xididdada dhiigga ee quudiya wadnaha.

Calaamado badan ma fududa in la dareemo, sidaa darteed wacyigelin ayaa lama huraan ah.

Ka hortagga CAD wuxuu ku bilowdaa nolol caafimaad leh cunto habboon, jimicsi joogto ah, iyo ka fogaanshaha sigaarka.

Haddii aad dareento neefsashada oo kugu yaraata, xanuun dhanka laabta ah, ama daal badan ha iska indho tirin.

Noloshaada qiimo ayey leedahay la tasho dhakhtar, oo ilaali wadnahaaga maanta.

🎉 Ciid Mubaarak! 🕋Dhammaan bulshada Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyaynayaa sanad kale oo kheyr leh. Al...
05/06/2025

🎉 Ciid Mubaarak! 🕋

Dhammaan bulshada Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyaynayaa sanad kale oo kheyr leh. Al-Rahma Specialist Hospital waxa ay idiinka hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa. Waxaan idiin rajeynaynaa caafimaad, nabad, iyo farxad joogto ah.

Ciid wanaagsan!
Al-Rahma Specialist Hospital – Daryeelka Caafimaadkaaga Waa Himiladeena

03/06/2025

Dr. Abdirahman Gagajir – Takhasusle Khabiir ah oo ku takhasusay Xanuunada Wadnaha iyo Dhiigga
Ma dareemaysaa xanuun laabta ah, neef-qabatin, madax xanuun joogto ah, ama daal badan? Waxaa laga yaabaa inay la xiriirto xanuunada wadnaha ama cadaadiska dhiigga.

Waxaan si gaar ah u daweynaa:

Dhiig karka (Hypertension)

Hawlgabka wadnaha (Heart Failure)

Xididada xiran ee wadnaha (Coronary Artery Disease)

Xinjirta wadnaha (Blood Clots)

Khalkhalka danabka wadnaha (Arrhythmia)

Subagga dhiigga (Cholesterol)

Macaanka (Diabetes)

Cudurada qanjirka thyroid-ka

Kalyo xanuunka

🩺 La-talin caafimaad oo dhameystiran
📍 Goobta: Al-Rahma specialist hospital
📞 Wac/WhatsApp: +252634451029
🕒 Ballamo degdeg ah (615448)iyo daryeel hufan ayaa diyaar ah!

Daryeelka wadnahaaga waa fure nololeed. La tasho maanta!

24/05/2025

Al-Rahma Hospital waxaa kuugu diyaara Adeegyo hufan:

Waxaana kuugu diyaara Dr Abdirahman Mohamed Jama (Gagajir) oo ku takhasusay Cudurada wadnaha, halbawlayaasha, iyo Cudurada la xidhiidha sida; macaanka, subagga, thyroidka, iwm.

🩺 Adeegyadayada waxaa ka mid ah:

✅ Qorista garaaca wadnaha (ECG)
✅ Sawirka qaabka wadnaha (Echo)
✅ Daawaynta iyo la socodka bukaanada qaba dhiigkarka iyo macaanka
✅ Daawaynta iyo la socodka bukaanada qaba dufanka iyo kolestaroolka sare
✅ Daawaynta iyo la socodka xanuunnada halbawlayaasha wadnaha, xanuunka wadnaha (angina), iyo wadne istaagga
✅ Ogaansha xididada wadnaha xidhma
✅ Daawaynta iyo la socodka bukaanada qaba tabardarida ama waynaanta muruqa wadnaha
✅ Daawaynta iyo la socodka bukaanada qaba ciriiriga ama dabacsanaanta halbawlayaasha wadnaha
✅ Daawaynta iyo la socodka bukaanada qaba garaac degdeg ah oo aan caadi ahayn (Arrhythmias))
✅ Daawaynta iyo la socodka ciladaha korontada wadnaha
✅ Daawaynta iyo la socodka xaaladaha wadnaha inta lagu jiro uurka
✅ Qiimaynta xaaladda wadnaha kahor iyo kadib qalliinada

📞 Wixii faahfaahin ah ama ballan: 615448.
Cinwaanka: xalane, la jaar ah faaradda cabdi yare.

Address

Dal Dhis Furniture Near Masjid Saaweer
Borama
000

Telephone

+2522615448

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al-Rahma Specialist Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Al-Rahma Specialist Hospital:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category