22/04/2026
🩺 FASHILKA KALYAHA (KIDNEY FAILURE)
Waxad maqashaa hebel kalyaha ayaa fadhiistay😱.
🔎 Waa maxay?
Kalya xanuunka raagay ama Chronic Kidney Disease (CKD) waa xaalad ay kelyuhu si tartiib ah u lumiyaan awooddoodii sifeynta dhiigga iyo ka saarista sunta jidhka. Marka cudurku gaadho heer dambe, sunta iyo dareeraha ayaa jidhka ku urura, taas oo keenta dhibaatooyin halis ah.
⸻
⚠️ Sababaha ugu wayn
Sababaha ugu badan ee keena cudurkan waxaa ka mid ah xanuunka macaanka ama sonkorowga (Diabetes Mellitus) iyo xanuunka dhiigkarka (Hypertension), kuwaas oo dhaawac joogto ah u geysta kelyaha. Sidoo kale infekshannada kelyaha, isticmaalka daawooyinka qaar ee dhaawaca kelyaha sida kuwa xanuun baa bi iya yaasha ah, iyo xannibaadda kaadi mareenka ayaa door weyn ka ciyaara.
⸻
🧠 Calaamadaha
Bukaanku wuxuu dareemi karaa daal iyo tabar darro, barar ka muuqda lugaha ama wajiga, isbeddel ku yimaada kaadida, iyo mararka qaar lalabbo, matag ama neef-qabatin. Calaamadahani badanaa waxay soo baxaan marka cudurku h**e u sii socdo.
⸻
Waxad maqashaa kalyo dhaqis😮.
⚙️ Dialysis
Marka kelyuhu shaqayn waayaan, waxaa la isticmaalaa kalyo dhaqis(Dialysis), oo ah hab macmal ah oo lagu sifeynayo dhiigga si looga saaro sunta iyo dareeraha badan. Dialysis-ku wuxuu leeyahay laba nooc oo waaweyn: hemodialysis oo mashiin lagu sameeyo, iyo peritoneal dialysis oo caloosha laga isticmaalo lkn inagu inta badan waxan isticmaalaa waa mashiinada oo nuucan kale uma tobobarnin.
⸻
🔄 Sida loo sameeyo
Hemodialysis-ka, dhiigga ayaa laga soo saaraa jidhka, waxaa la marsiiyaa mashiin sifeynaya (dialyzer), kadibna dib ayaa loogu celiyaa jidhka. Habkani badanaa wuxuu dhacaa dhowr jeer usbuucii si loo ilaaliyo dheelitirka jidhka.
⸻
⏳ Nolosha bukaanka
Qofka qaba kalyuhu fadhiisteen wuxuu ku noolaan karaa sanado badan haddii uu helo dhaqis (dialysis ) joogto ah, iyadoo muddadu ku xidhnaan karto xaaladdiisa guud. Haddii lagu sameeyo kalyo badelitaan (Kidney Transplant), fursadda nolol caadi ah ayaa si weyn u kordhaysa.
⸻
💊 Daaweynta
Daaweyntu waxay diiradda saartaa xakamaynta sababaha sida macaanka ama sonkorowga iyo dhiig karka, iyo isticmaalka daawooyin lagu taageerayo jidhka sida kuwa dhiig-yarida iyo dheelitirka macdanta. Marka xanuunku gaadho heerka u dambeeya, dhaqis ama kelyo-beddel ayaa noqda xalka ugu muhiimsan halka daawada rasmiga ah ay tahay in qofka loo badelo kalyaha.
⸻
🛡️ Ka hortagga
Ka hortagga xanuunku wuxuu ku bilaabmaa nolol caafimaad leh: xakamaynta sonkorta iyo dhiig karka, ka fogaanshaha daawooyinka waxyeellada u leh kelyaha, cabidda biyo ku filan, iyo sameynta baadhitaanno joogto ah. Wacyigelintu waa furaha ugu weyn ee badbaadinta kelyaha.
⸻
✅ Gunaanad
Kidney failure waa xanuun halis ah oo si tartiib ah u horumara, balse haddii h**e loo ogaado oo si sax ah loo maareeyo, waxaa suurtagal ah in la xakameeyo oo bukaanku ku noolaado nolol dheer oo tayo leh.
Dr Abdisamed Hashi Arafat.