Dr Abdulrashiid Younis Lodoon

Dr Abdulrashiid Younis Lodoon Ka faideyso talooyinka caafimaad

MACLUUMAAD KU SAABSAN TALAALKA ASTRAZENECCA/Oxford._____________________________________________Covid-19 wuxuu saamayn a...
25/03/2021

MACLUUMAAD KU SAABSAN TALAALKA ASTRAZENECCA/Oxford.
_____________________________________________
Covid-19 wuxuu saamayn aad u xun ku yeeshay isdhexgalkii iyo nolol maalmeedkii bulshada, dhaqaalihii dunida, wuxuuna sidoo kale sababay dhimasho badan isagoo dilay dad gaadhaya 2,758,106 (Source: Worldometer website, 25 March, 2021), sidaas darteed ayaa wadamada ku horumaray aqoonta caafimaadku waxay tallo iyo tamar, xoog iyo xeelad ku bixiyeen sidii xal loogu heli lahaa xanuunkan saamaynta daran ku yeeshay wadamada dunida.
_____________________________________________
Ugu dambayntii waxay wadamada horumaray sida Ingiriiska, Maraykanka, Shiinaha, Ruushka iyo wadamada kale ee reer yurub waxay tartan adag ku galeen sidii loo heli lahaa talaal ka hortag u ah xanuunka Covid-19, waxayna soo saareen talaalada kala ah: Pfizer/BioNTech (mRNA vaccine) , Moderna vaccine (mRNA vaccine), AstraZenecca/Oxford vaccine (Viral vector vaccine) iyo Johnson Johnson.

Talaalka Pfizer waxaa badankiisa lagu sameeyay xarumo ku yaala Biljamka iyo Jarmalka, halka moderna lagu sameeyay dalka Switzerland iyo xarumo kale oo ku yaala dalka Isbayn. (BBC).

Si loo gaadho darajada Herd Immunity waxaa dal kastaa u baahanyahay inuu talaalo dadkiisa 75-85%, taaso aad u yaraynasa xawliga faafitaanka xanuunka Covid-19.

Haddii bulshada badankeed la talaalo waxay badbaadinasa in xanuunku ku dhaco dadka aan talaalka Covid-19 loo ogolayn sidaa caruurta da’doodu ka hoosayso 18 sano.

Waxaa Soomaaliya dhowaan soo gaadhay 300, 000 oo ah talaalka AstraZenecca, sidaas darteed waxaa qormadan kaga hadli doona oo kaliya talaalka AstraZenecca.

1) Waa maxay Talaalka AstraZenecca/Oxford?

Talaalkan waxa laga sameeyay fayraska adenoviras oo si xoog ah loo daciifiyay awoodiisa, sababtoo ah fayraskan Adenovirus wuxuu aad ugu eegyahay fayraska Crona, sidaasdarteed wuxuu difaaca jirka siinaya xasuus, taaso difaac jirkeena u fuduudaynasa in si fuduud ku dilo marka fayraska Crona soo galo gudaha jirka.
Talaalka AstraZenecca/Oxford waa talaal ay soo saartay Jaamacada Oxford ee dalka Ingiriiska iyadoo kaashanasa shirkada dawada soo saarta ee AstraZenecca waana sababta ay u wadaageen labbada magac.
Waxaana dalka Ingiriiska lagu sameeyay ku dhowaad 100 milyan oo xabbo oo talaalkan ah, halka 10 milyan oo ka mid ah lagu sameeyay machadka Serum Institute ee dalka Hindiya, sidoo kale qaybo kamid ah talaalka ayaa lagu sameeyaya xarumo ku yaala Kuuriyada Koonfureed. Waxaana dowlada Ingiriisku cilmibaadhista talaalkan ku bixisay 65.5 milyan oo Yuuro.

2) Intee ayay Gaarsiisantahay awooda talaalka AstraZenecca/Oxford?
_____________________________________________
WHO waxay sheegtay in awooda talaalka AstraZenecca/Oxford gaarsiisantahay 63.09%, balse cilmibaadhisyo aan badnayn ayaa muujinaya in talaalkan awoodiisa ka hortag ay gaarsiisantahay 76% saddexda bilood ee ugu horaysa marka qofku qaato qaybta koowaad ee talaalka, haddii u qaato qaybta labbaadna ay gaarsiisantahay 82% awoodiisu.

3) Ma jirta dad qaatay talaalka AstraZenecca/Oxford oo Covid-19 ku dhacay?
_____________________________________________
Ma jirto xog muujinasa qof qaatay talaalka AstraZenecca/Oxford oo uu soo ritay xanuunku ama galay xaalad khatar ah.

4) Iyamaa awood badan talaalka AstraZenecca/Oxford iyo Pfizer?
_____________________________________________
Cilmibaadhisyadu waxay muujinayaan in awooda talaalka Pfizer ay gaarsiisantahay 95%, halka talaalka AstraZenecca/Oxford awoodiisu tahay 63.09%.

5) Immisa milyan oo qof ayaa qaatay talaalka AstraZenecca/Oxford?
_____________________________________________
Dalka UK waxaa talaalka AstraZenecca/Oxford qaatay dad gaadhaya 17 milyan, halka wadamada kale ee Yurubna ay qaateen dad gaadhaya 5 milyan.

6) Yaa Ansixiyay talaalka AstraZenecca/Oxford?
_____________________________________________
Talaalkan waxaa ansixiyay dalka UK, hay’ada dawada iyo agabka caafimaadka ee European Medicine Agency, WHO qaybteeda Strategic Advisory Group of Experts Immunization (SAGE) waxay ku talo bixisay in la qaadan karoo talaalkan, balse hay’ada dawada iyo cuntada FDA ee dalka Maraykanka wali ma ansixin talaalkan, waxayna ku wadaa cilmibaadhis.

7) Immisa bilood ayuu shaqayn karaa talaalka AstraZenecca/Oxford?
_____________________________________________
Wali lama hubo ilaa mudada uu shaqayn karo talaalkani.

8) Qofka qaata talaalka AstraZenecca/Oxford ma xinjiroobayaa dhiigiisu?
_____________________________________________
Majirto wax cilmibaaris ah oo cadaynasa in xiriir ka dhaxeeyo talaalka AstraZenecca/Oxford iyo xinjirowga dhiiga, WHO iyo European Medicine Agency waxay ku adkaysnayaan in talaalka AstraZenecca/Oxford aanu wax dhibaato ah lahayn. 17 milyan oo qof oo qaatay talaalka AstraZenecca/Oxford 15 qof oo kamid ah ayaa xinjir ku yeeshay lugaha, halka 22 kalena xinjir ku yeesheen xididada sambabka. Wali baadhitaanku ma cadayn in dadkani markii h**eba ay unuglaayeen xinjirowga ama h**e u lahaayeen. Sidaas darteed talaalka AstraZenecca/Oxford ma keeno xinjirowga dhiiga ilaa laga helayo cilmibaadhis cadaynasa.

9) Dalalkee hakad galiyay talaalka AstraZenecca/Oxford, waa maxay sababtu?
_____________________________________________
Xinjirowga dhiiga oo ay ka shakiyeen darteed ayaa waxaa talaalka hakad galiyay (ma joojin) talaalka AstraZenecca/Oxford wadamada Sweden, Jarmalka, Isbayn, Faransiiska, Talyaaniga, Bortuqiiska, Indunuusiya, Nehterland, Ireland, Bulgeeriya, Thayland, Roomaaniya, Iceland, Denmaik, Norway, Austaria IWM. Waxayna wadamadani ka jawaab sugayeen baadhitaanka ay samaynaso European Medicine Agency, balse ugu dambayntii todobaadkii h**e European Medicine Agency waxay ku adkaysatay in talaalka AstraZenecca/Oxford aanu lahayn wax dhibaato ah. (Source: Aljazeera English Website).

Balse akhriste waxaa xusid mudan in wadamadani ay haystaan talaalo kale oo ay ku badalan karaan ama iibsan karaa sida Pfizer, Moderna, Johnson Johnson.
Da’dee loo ogolyahay qaadashada AstraZenecca/Oxford?

WHO waxay ku talo bixinasa in talaalka uu qaadan karo qof kasta oo da’diisu ay tahay ama ka wayntahay ≥ 18 sano (lab iyo dhadig). Halka wadamo ay ka midyihiin Jarmalka iyo Faransiisku ay ku tallo bixiyeen in talaalkan ay qaadan karaan dadka da’doodu ka wayn tahay 65 sano, halka European Medicine Agency ay ogolaatay in talaalkan ay qaadan karaan dadka ka wayn 65 sano. Sidaas darteed talaalka AstraZenecca/Oxford waxaa qaadan kara qofkasta oo ka wayn 18 sanno.

10) Intee jeer qofku qaadanaya talaalka AstraZenecca/Oxford?
_____________________________________________
WHO waxay ku tallo bixinasa in talaalkan qofku qaato labbo jeer, isagoo midkiiba qaadanaya xadi ah 0.5ML, waxaana qofku ka qaadanaya muruqa gacanta ah (Deltoid muscle). Balse waa in labbad goor ee qofku qaadanayo ay u dhaxaysa muddo ah 4-12 isbuuc. Tusaale:marka qofku qaato dose ka koowaad, kan labbaad wuxuu qaadanay 4-12 isbuuc kadib. WHO waxay ku tallo bixinasa in qofku qaato labbo jeer talaalka oo ay u dhaxayso 4-12 isbuuc.
Haddii qofku qaadanayo talaalo kale sida Hepatitis B vaccine, waa inay mudada labbada talaal u dhaxaysa ugu yaraan 14 casho.

11) Yaan qaadan karin talaalka AstraZenecca/Oxford?
_____________________________________________
Qof kasta oo allergic ku leh talaalkan ma qaadan karo, haddii uu qaatay dose ka koowaad kadibna ku yeeshay allergic, ma qaadan karo dose ka labbaad. Sidaas waxaa ku tallo bixinasa WHO.

Marka qofku qaadanayo talaalkan waa inuu jooga xarun caafimaad, islamarkaasna awood u leh inay la tacaasho qofka qaadanaya talaalka haddii uu yeesho allergic, sidoo kale waxay WHOku tallo bixinasa in qofku 15 daqiiqo jooga goobta u ku qaatay talaalka.
Haddii qofka qaadanaya talaalka ay xumadiisu ka sarayso 38.5C waa in dib loo dhigaa talaalka ilaa inta xumadiisu dagaso.

12) Heerkul intee la’eeg ayaa lagu kaydinaya talaalka AstraZenecca/Oxford?
_____________________________________________
Talaalkan halkii dhalo waxaa ku jira 10 dose, dhalo kasta oo aan afkeed la furin waa in lagu kaydiyaa 2-8C, iyadoon aan baraf laga dhigayn. Waa in dhalada la tuura marka tallaaku ka dhammaado ama ay dhaladu furantahay 6 saacadood, xiligan waxaa talaalka lagu kaydin karaa heerkul ah 30C. Talaalkan lama badhxikaro (Dilute).Balse talaalka Pfizer waxaa lagu kaydinaya heerkul ah ─70, wadamada Afrika awood umalaha inay talaalkan kaydsadaan.

13) Haweenka Uurka leh iyo caruurta ka yar 18 sano ma qaadan karaan talaalka AstraZenecca/Oxford?
_____________________________________________
Ma jirto wax cilmibaadhis ah oo muujinasa dhibaatada ama faa’iidaduu u leeyahay dadka ka yar 18 sanno, sidaas darteed WHO kuma tallo bixinaso in talaalka AstraZenecca/Oxford la siiyo dadka ka hooseeya 18 sano ilaa laga helayo cilmibaadhisyo.

Haweenka uurka leh waxay halis ugu jiraan xanuunka Covid-19, sidoo kale wuxuu Covid-19 kor u qaada caruurta ku dhalata sidkooda ka hor (Premature). Cilmibaadhisyadu wali waa socdaan haseyeeshe hordhacoodu waxay muujinayaan inaanu wax dhibaato ah ugaysan hooyada iyo ilmahaba.

Hooyada uurka lahi waxay qaadan kartaa haddii ay halis ugu jirto xanuunka sida inaad tahay xirfadle caafimaad, ay leedahay xanuunada waara sida Sonkorta, Asmada ama ay ka shaqayso shaqo halis u ah Covid-19 Iwm.
WHO kuma tallo bixinaso in hooyada la baadho inay uur leedahay iyo inkale, sidoo kale kuma tallo bixinaso in dib loo dhigo talaalka uurka jira darteed.

14) Hooyada Nuujinasa ma qaadan kartaa Talaalka AstraZenecca/Oxford?
_____________________________________________
Awooda talaalka ee hooyada nuujinasa iyo dadka kale waa iskumid, ma jirto wax cadaynaya in talaalku ka gudbo caanaha. Hooyada nuujinasa waxay qaadan kartatalaalka haddii ay halis ugu jirto xanuunka.WHO kuma talo bixinaso ina la joojiyo Nuujinta ilmaha hadii hooyadu qaadato talaalka.

15) Dadkee qaadan kara tallaalka AstraZenecca/Oxford?
_____________________________________________
Guud ahaanTalaalka waxa qaadan kara qofkasta oo ka wayn 18 sano, dalkastaa waxa u raacaya qorshayaashiisa iyo caafimaad iyo sida loo kala horaysinayo bulshada, haseyeeshe waxaa lagula talinaya inay qaataan: shaqaalaha caafimaadka, dadka halista ugu jira ama u nugul xanuunka sida dadka ka wayna 65 sanoee leh xanuunada waara ama aan-lahayn, dadka leh xanuunada waara, shaqaalaha safka h**e sida macalimiinta, Booliska, Iwm.

16) Qofka qaba Covid-19 ma qaadan karaa talaalka AstraZenecca/Oxford?
_____________________________________________
Qofkasta oo mashiinka PCR ku cadeeyay inuu qabo Covid-19 ma qaadan karo talaalka, ilaa uu ka bogsanayo xanuunka, mararka qaarkood waa suurtogal in talaalka dib loo dhigi karo ilaa 6 bilood.

17) Haddii uu h**e iigu dhacay Covid-19 ma qaadan karaa talaalka AstraZenecca/Oxford?
_____________________________________________
Lama oga inta difaaca jirkaagu xasuusnan karo fayraska haddii uu h**e kuugu dhacay, sidaas darteed waa qaadan karaa talaalka qofkasta oo h**e ugu dhacay Covid-19 oo ka bogsaday.

18) Haddii aan qaatay Talaalka AstraZenecca/Oxford ma igu dhici karaa Covid-19?
_____________________________________________
Majirto wax cadayn ah oo muujinasa inaanu kugu dhici karin ama kugu dhici karo Covid-19 haddii aad qaadatay talaalka AstraZenecca/Oxford. Balse talaalku waxa uu hoos u dhigaya in xanuunka laguu dhigo cusbital ama aad gashid xaalad khatar ah. Sidoo kale ma jirto wax cadaynaya inaad faafin karto xanuunka ama aadan faafi karin haddii aad qaadatay talaalka oo uu kugu dhaco Covid-19. Balse nasiib wanaag ilaa hadda ma jirto qof qaatay talaalka AstraZenecca/Oxford oo u dhintay Covid-19 ama galay xaalad halis ah (ICU).

W/Q: Dr Maacir, 25 March, 2021 (abdikanimaacir@gmail.com).

FG: Qormadan kuma darin hal eray ama aragti oo ka timi xagayga, dhammaan xogaha kala duwan waxaan ka soo uruuriyay cilmibaadhisyadii ay sameeyeen Hay’adaha ugu xeeldheer aqoonta caafimaadka ee Dunida. Waxaa xusid mudan in in xogtani ay ku astaysantahay taariikhda qoraalka, sidaas darteed wixii macluumaad ah oo cusub ama isbadala waa wixii ka dambeeyay taariikhda qoraalka.

Waxaan xogtan ka soo xigtay: WHO website of Covid-19 vaccine, European Medicine agency, British Society of Immunology, Aljazeera English website, Center of disease control (USA), Worldometer website, BBC English website, Washington Post.

The full reference list for this leaflet can be found online www.immunology.org/guide-covid-vaccines/references
British Society for Immunology https://www.immunology.org
WHO website – COVID-19 vaccines http://bit.ly/WHOcovidvaccine WHO/2019-nCoV/vaccines/SAGE_recommendation/AZD1222/2022

Skeletal system
17/02/2020

Skeletal system

31/01/2020
31/01/2020
15/01/2020

*_🏥 💊 DRUGS To AVOID During PREGNANCY 💉 🏥_*

*💊 1) Antibiotics :*

▫Fluoroquinolones :
(Ciprofloxacin, Ofloxacin, Levofloxacin, And Norfloxacin)
▫Sulfonamides :
(Sulfasalazine And Trimethoprim - Sulfamethoxazole)
▫Tetracyclines
▫Streptomycin
▫Nitrofurantoin

_📌 Abnormalities Caused :_

Possibility of Bone And Joint Abnormalities.
(Seen Only In animals).

*💊2) Anticonvulsants :*

▪Carbamazepine
▪Phenobarbital
▪Phenytoin
▪Valproate

_📌 Abnormalities Caused :_

Bleeding Problems In The Newborn.
This Problem Can be Prevented By Taking Vitamin K Orally 30 Days Before Delivery.

Cause Risk Of Birth Defects, Including Neural Tube Defects.
(Such As Spina Bifida)

Valproate Cause Some (1%) Risk Of Birth Defects, Including Neural Tube Defects.
(Such As Meningomyelocele),
Cleft Palate, And
Defects of Face, The Heart, Skull, Limbs and Spine.

*💊 3) Antihypertensives :*

💊 a)Angiotensin - Converting Enzyme (ACE) Inhibitors :

▪Captopril
▪Benazepril
▪Fosinopril
▪Enalapril
▪Lisinopril
▪Quinapril
▪Ramipril
▪Trandolapril
▪Perindopril

_📌 Abnormalities Caused :_

Serious Injury To The Fetus,
May Cause Kidney Damage In The Fetus,
Reduce Amniotic Fluid,
Also Cause Defects Of Lungs, Face and Limbs.

💊 b) Calcium Channel Blockers :

▫Isradipine
▫Nisoldipine
▫Amlodipine
▫Verapamil
▫Nifedipine (Sustained - Release Only)
▫Diltiazem(Sustained - Release Only)
▫Nicardipine
▫Felodipine

_📌 Abnormalities Caused :_

Fluid Retention in the Ankles,
Dizziness,
Headache,
Flushing,
Heartburn,
Tachycardia and
Enlarged Gums.

Verapamil Also Causes Constipation.

💊 c) Beta Blockers :

▫Atenolol
▫Bisoprolol
▫Metoprolol
▫Acebutolol
▫Nadolol
▫Penbutolol
▫Propranolol
▫Betaxolol
▫Carteolol
▫Timolol
▫Nebivolol
▫Pindolol

_📌 Problems Caused :_

Slow Growth Rate In The Fetus,
Low Level Of Blood Sugar And Low Heart Rate.

Git pharmacology
13/01/2020

Git pharmacology

Address

Borama
0025263

Telephone

+252634092081

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Abdulrashiid Younis Lodoon posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Abdulrashiid Younis Lodoon:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram