24/05/2025
Wacyigelin Caafimaad Qaybta 5:
*Dhiig La’aanta Xilliga Uurka*
Waxaa Diyaarisay: *Dr. Sabaax Maxamed Muuse*
Dhiig la’aanta (anemia) xilliga uurka waxay dhacdaa marka heerka hemoglobinta uu ka yaraado 11mg/dl. Tani waa dhibaato ku badan dumarka ku nool wadamada soo koraya. Haddii aan si sax ah loo daawayn, waxay waxyeello u keeni kartaa hooyada, ilmaha caloosha ku jira, iyo geedi socodka dhalmada.
*Maxaa Sababa?*
Sababta ugu weyn waa yaraanta birta (iron), taasoo ay sabab u tahay baahida badan ee jirka hooyada iyo ilmaha u qabaan birta si loo dhiso fetal hemoglobin.
*Calaamadaha Lagu Garto:*
Daal badan iyo neef qabasho markay hooyadu socoto
Wadna garaac degdeg ah
Dawakhaad iyo madax xanuun
Hemoglobin ka yar 11mg/dl
*Sida Loo Hortago:*
Hooyadu waa inay horay isu baarto oo ka hortagtaa dhiig yaraanta.
Cunto bir hodan ku ah ha cunto: hilib, beer, kalyaha, spinach, legumes iwm.
Ha iska hubiso hemoglobinta mar kasta oo ay dhakhtar tagto.
Haddii hemoglobintu yaraato, ha qaadato birta (iron supplements) oo 3 toddobaad ka dib ha is hubiso.
Ha qaadato vitamins-ka ay ku jirto birta haddii laga shakiyo dhiig la’aan, oo dhakhtarka la xiriir.
*Saamaynta Ay Ku Leedahay:*
Ilmaha miisaan yar ayuu ku dhashaa
Ilmuhu wuu dhiman karaa kahor dhalmada
Dhiig bax ayaa ku dhici kara hooyada xiliga dhalmada
Nafaqo darro iyo halis dhimasho oo hooyada ah
Foolasho ka hor 9 bilood
*Fariin:* Hooyooy, naftaada iyo ilmahaaga badbaadi — la tasho dhakhtarka, cun cunto nafaqo leh, oo qaado birta (iron) haddii loo baahdo. Daryeelkaaga maanta waa badbaadada ilmahaaga berri.