Adal International Hospital

Adal International Hospital Waxana kugu diyaara Dhakhaatiir Takhukhusaad kala duwan Leh. Hoyga Daryeelka Bukaanka.

Adal international Hospital Waa daboolay baahiyo badan oo bulshadu qabtay kuna socda kolba in uu usoo dhaweeyo bahiyaha bukaanada gobolku aan h**e looga heli jirin.

Happy new year Waxan idin rajaynaynaa sanad cusub Oo gul iyo horymar leh
01/01/2026

Happy new year

Waxan idin rajaynaynaa sanad cusub
Oo gul iyo horymar leh

Soo wac numberka Gaaban ee 617811 si aad u hesho adeeg caafimad oo degdeg ah
22/12/2025

Soo wac numberka Gaaban ee 617811 si aad u hesho adeeg caafimad oo degdeg ah



19/12/2025

Gudoomiyaha Cisbitaalka Adal International Hospital Dr Abdirahman Jama Hadi, ayaa kusoo dhaweeyay Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Xuseen Bashiir Xirsi.

Waxa Gudoomiyaha iyo Agaasimaha Cisbitaalka Adal, ay Wasiirka Caafimaadka iyo Waftigii uu hogaaminayay ay soo mariyeen Bukaanaddii ku waxyeeloobay Rabshadihii Ka dhacey Magaaladda Boorama.

Gunaanadkii Booqashadda ayaa Dr Ahmed Muumin Agaasimaha Cisbitaalku u jeediyay Wasiirka, Warbixintii Dhaawacyaddii kala duwanaa ee soo gaadhey cisbitaalka iyo Gargaarka iyo qaliinaddii kala duwanaa ee loo fidiyay, isaga oo agaasimuhu sheegay in dhamaan adeegyadda badnaa ee uu fidiyay Cisbitaalku ay ahaayeen kuwo si bilaash ah bulshadda loogu qabtay.


Gudoomiyaha Cisbitaalka Adal International Hospital Dr Abdirahman Jama Hadi, ayaa kusoo dhaweeyay Wafti uu Hogaaminayo W...
18/12/2025

Gudoomiyaha Cisbitaalka Adal International Hospital Dr Abdirahman Jama Hadi, ayaa kusoo dhaweeyay Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Xuseen Bashiir Xirsi.

Waxa Gudoomiyaha iyo Agaasimaha Cisbitaalka Adal, ay Wasiirka Caafimaadka iyo Waftigii uu hogaaminayay ay soo mariyeen Bukaanaddii ku waxyeeloobay Rabshadihii Ka dhacey Magaaladda Boorama.

Gunaanadkii Booqashadda ayaa Dr Ahmed Muumin Agaasimaha Cisbitaalku u jeediyay Wasiirka, Warbixintii Dhaawacyaddii kala duwanaa ee soo gaadhey cisbitaalka iyo Gargaarka iyo qaliinaddii kala duwanaa ee loo fidiyay, isaga oo agaasimuhu sheegay in dhamaan adeegyadda badnaa ee uu fidiyay Cisbitaalku ay ahaayeen kuwo si bilaash ah bulshadda loogu qabtay.

Badhasaabka cusub ee gobolka Awdal, Mudane Abdirashiid Hassan Mataan, ayaa maanta booqasho  ku yimid Adal International ...
12/12/2025

Badhasaabka cusub ee gobolka Awdal, Mudane Abdirashiid Hassan Mataan, ayaa maanta booqasho ku yimid Adal International Hospital si uu ugu kuur-galo xaaladda bukaanadii ku dhaawacmay mashaqadii ka dhacday magaalada Borama.

Intii uu joogay, Badhasaabku wuxuu warbixin kooban ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta, wuxuuna u muujiyey bukaanada iyo eheladooda duco, dhiirigelin iyo garab istaag. Isagoo tilmaamay in maamulka gobolka uu mudnaan siin doono daryeelka bulshada iyo gaar ahaan dadka dhaawacyadu soo gaadheen.


Suldaan Samater Suldaan Ibrahim Jamac ayaa maanta booqday bukaanadii ku dhaawacmay mashaqadii ka dhacday magaalada, isag...
11/12/2025

Suldaan Samater Suldaan Ibrahim Jamac ayaa maanta booqday bukaanadii ku dhaawacmay mashaqadii ka dhacday magaalada, isaga oo u muujiyey garab istaag, duco xilli ay u baahnaayeen dareen iyo kalgacal bulsho.

Shaqaalaha Adal International Hospital waxay sii wadaan dadaalka iyo daryeelka joogtada ah ee bukaannada, annagoo alle uga baryeyna inuu caafimaad degdeg ah siiyo dhammaan dhaawaca.

Illaahey ha ka dulqaado xanuunka.

Adal International Hospital
— Caafimaadka Bulshadu Waxaan Uga Go’an Tahay daryeel & Mas’uuliyad.


Maanta waxaa isbitaalkeenna Adal International Hospital kusoo booqday dadkii ku dhaawacmay mashaqadii 4-tii maalmood ee ...
10/12/2025

Maanta waxaa isbitaalkeenna Adal International Hospital kusoo booqday dadkii ku dhaawacmay mashaqadii 4-tii maalmood ee u dambeeyay ka taagneyd magaalada, Ugaas Abdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi. Boqashada Ugaaska waxay ahayd mid rajo iyo nafis u noqotay bukaannada iyo eheladooda, kuwaas oo weli ku jira xaalad.

Ugaasku wuxuu si dhow ula hadlay dhaawacyada, wuxuuna la wadaagay ereyo dhiirigelin iyo duco ah. Qoysaskii la socdayna waxay muujinayeen mahadnaq iyo qadarin, maadaama qof kasta oo la xasuusto xilliga dhibaato uu u baahan yahay garab iyo dhiirigalin.

Adal International Hospital waxa uu u taagan yahay in uu u adeegto bulshada, lana garab istaago xilliga ay ugu baahida badan yihiin. Dhakhaatiirteena, kalkaaliyeyaasha iyo dhammaan shaqaalaha isbitaalku waxay si joogto ah ugu hawlan yihiin daryeelka iyo bogsiinta dhaawacyada, annaga oo rumeysan in bukaanku yahay masuuliyad, dadkana ay yihiin amanada ugu weyn.

Waxaan u duceyneynaa dhammaan dhaawacyada: Illaahey ha u fududeeyo xanuunka, hana siiyo caafimaad degdeg ah.
Waxaan sidoo kale u mahad celinaynaa Ugaaska iyo cid kasta oo muujisay garab istaag, dareen iyo naxariis.

Adal International Hospital
– Caafimaadkaaga waa mudnaanteena.


.

09/12/2025

Adal International Hospital

🌟 Warbixin:  kadib Bukaanadii Qaliimadoodu Dagdaga ahayeen, waxa saaka Qaliimadi loo Bilaabay Bukaanadi Xaladoodu dagana...
08/12/2025

🌟 Warbixin: kadib Bukaanadii Qaliimadoodu Dagdaga ahayeen, waxa saaka Qaliimadi loo Bilaabay Bukaanadi Xaladoodu daganayd🌟

Saddexdii cisho ee u dambaysay waxaa Adal International Hospital si joogto ah uga socday shaqo aad u adag, oo isugu jirta qalitaanka bukaannada iyo daryeelka dhaawacyada degdegga ah.

Kadib markii habeenimadii xalay ahayd aan soo gabogabeynay bukanadii xaladoodu dagdaga ahayd.

Subaxnimadii maanta waxaan si guul leh u wadna bukaannadii xaaladdoodu daganayd waxaana loo sameeyay qaliinno kala duwan oo badbaadiyay noloshooda, waxayna heleen daryeel iyo dabagal tayo leh.

Dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, iyo dhammaan shaqaalaha cusbitaalku waxay muujiyeen dadaal aan kala go’ lahayn – habeen iyo maalin. Waxaa ka muuqday u heellanaan, wadashaqeyn iyo qalab casri ah oo la adeegsanayo si bukaan kastaa u helo adeeg hufan.

Waxaan u mahadcelineynaa bulshada iyo bukaannada nagu aamina caafimaadkooda.
Adal International Hospital mar walba wuxuu diyaar u yahay adeeg degdeg ah iyo daryeel bini’aadanimo.





06/12/2025

Wali waxaanu gargaarka caafimad u fidinaynaa dadkayaga waxyeelada badani kasoo gaadhay mashaqadii ka taagnayd sadexdii (3) maalmood ee u danbaysay magaaladeena.

.

Mahad-celin iyo QaddarinWaxaan jeclahay inaan halkan uga gudbiyo mahad-celin qoto dheer oo qalbi ka timi dhammaan shaqaa...
06/12/2025

Mahad-celin iyo Qaddarin

Waxaan jeclahay inaan halkan uga gudbiyo mahad-celin qoto dheer oo qalbi ka timi dhammaan shaqaalaha Adal International Hospital ee muddo 35 saacadood oo xidhiidh ah si naf-hurnimo leh ugu adeegaya bulshada.

Shaqadiinu waa mid qiimo aan la koobi karin leh.
Inaad habeen iyo maalin u taagan tihiin badbaadinta nolosha dadka dhaawacyada culus soo gaadhay, adigoo aan ku baaqan daal, hurdo la’aan, ama xaaladaha adag, waxa ay caddeyn u tahay:
• xirfaddiina sare,
• naxariistiina bani’aadamnimo,
• iyo daacadnimadiina shaqo.

Bulshadu maanta waxay aragtaa geesinimadiina, waxayna dareemaysaa gacantiina sharafta leh ee badbaadinaysa nololo badan oo u dhimankaray daryeel la’aan. Inaad wali diyaar u tihiin inaad sii adeegtaan, shacabka u dadaashaan, waa arrin aan la qarin karin oo mudan ammaan iyo bogaadin.

Waxaan leenahay:

Mahadsanidiin.
Ilaahay ha idiin barakeeyo waqtigiina, caafimaadkiina, iyo dadaalkiina.
Waxaad tihiin iftiin ka dhex muuqda bulshada.


.

24 saac oo xidhiidh ayay waajibka gudanayaan shaqalaha cafimaadku aad ayay ugu mahadsanyihin sida ay bulshada ugu Hagar ...
05/12/2025

24 saac oo xidhiidh ayay waajibka gudanayaan shaqalaha cafimaadku aad ayay ugu mahadsanyihin sida ay bulshada ugu Hagar baxeen ee wajibka ay u gudanayaan
Dhawacayada hospitalada horay haloo gaadhsiiyo inta uuna dhiig bax badani ku dhicin iyo halka kolba qofka u dhaw

Address

Jarka Near Ubaya Secondary School
Borama
000

Telephone

+252634452717

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Adal International Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category