Sacaadadiin Dental Center and Pharmacy

Sacaadadiin Dental Center and Pharmacy sacaadadiin markasta waxa uu ka shaqeeya ka haqibtirka bilshada dhinaca caafimaadka ilkaha

15/08/2025

Waxaynu si kooban uuga hadli doonaa suuska

​Waa maxay suusku?

​Suusku waa godad yaryar oo ku samaysma oogada iliga. Waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu caansan ee ku dhaca ilkaha, waxaana la dhibtooda inta badan dadka waaweyn iyo carruurtuba. Haddii aan la daaweyn, suusku wuu sii fidaa, wuxuuna sababi karaa xanuun, caabuq, iyo lumista iliga.

​Maxaa keena suuska?

​Suuska waxaa keena bakteeriyo ku nool afkaaga. Bakteeriyadan waxay ku kortaa raashinka iyo cabitaannada ku hadha afka. Markay bakteeriyadu la macaasho sonkorta iyo waxyaabaha kale ee sonkorta leh, waxay soo saartaa asiidh. Asiidhkaas ayaa weerara oo waxyeeleeya oogada iligaaga, taasoo ugu dambayn sababta inay daloolo.

​Maxaa lagu daaweeyaa?

​Daaweynta suuska waxay ku xidhan tahay heerka uu gaadhay.

​Marxaladda koowaad:
Haddii suusku yahay mid cusub oo aanu weli daloolin iliga, waxa laga yaabaa in loo isticmaalo fluoride, oo ah macdan caawisa dib-u-dhiska oogada iliga.

​Marxaladda labaad:
Haddii suusku dalooliyay iliga, dhakhtarka ilkuhu wuxuu buuxin (filling) ku samaynayaa daloolka ka dib marka uu nadiifiyo meesha suusku galay.

​Marxaladda saddexaad:
Haddii suusku gaadho xididka iliga, waxaa laga yaabaa in loo baahdo daawayn loo yaqaano Root Canal Treatment (daawaynta xididka), ama haddii ay xaaladdu aad u liidato, in la saaro iligaas.

​Maxaa looga hortagaa suuska?

​Kahortagga suuska waa waxa ugu muhiimsan ee aad samayn karto si aad u ilaaliso caafimaadka ilkahaaga.

​Cadayasho joogto ah:
Caday ilkahaaga laba jeer maalintii (subaxdii iyo fiidkii) adoo isticmaalaya daawada ilkaha ee ay ku jirto fluoride.

​Isticmaalka 'Floss'(dunta ilkaha lagu nadiifiyo):
Nadiifi ilkaha dhexdooda si aad uga saarto raashinka iyo bakteeriyada aanay cadayadu gaadhin.

​Xakamee sonkorta:
Iska yaree cunista sonkorta iyo cabitaanada macaan.

​Kormeer joogto ah:
La xidhiidh dhakhtarkaaga ilkaha si joogto ah si uu u hubiyo caafimaadka ilkahaaga.

Mahadsanid sxb

Sacaadadiin Dental Center and Pharmacy
23/06/2025

Sacaadadiin Dental Center and Pharmacy

31/08/2024

Mabruuk Dr-Mubarik Mohamed Omar

Ku xidhnow Sacaadadiin Dental Center and Pharmacy
12/08/2024

Ku xidhnow Sacaadadiin Dental Center and Pharmacy

Ilaahay jannadiisa ha geeyo, shahaadana ha u aqbalo hogaamiye Ismaciil Haniya, madaxii xarakada xamaas, mid ka khayrbada...
31/07/2024

Ilaahay jannadiisa ha geeyo, shahaadana ha u aqbalo hogaamiye Ismaciil Haniya, madaxii xarakada xamaas, mid ka khayrbadanna umadda ha ugu beddelo. Jihaadku wuu ku xoogaysan, cadawgana wuu ku jabi inshallah. Ilaahay geeridiisa haa kayeelo mid sababta baraarug umadeed, انا لله وانا اليه راجعون .

TACSI INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN Waxan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa     cawaale cumer iyo mahdi xasan oo wii...
23/06/2024

TACSI
INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Waxan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa cawaale cumer iyo mahdi xasan oo wiilkoodii curad marwan Mahdi Xasan xalay baabuur ku jiidhay magaalada borama.

Illahay janooyinkiisa ha ku casuumo

17/05/2024
Xidhida silliga si casriya
06/05/2024

Xidhida silliga si casriya

Xidhidda silliga si casriya
26/04/2024

Xidhidda silliga si casriya

Jimce wngsn
25/04/2024

Jimce wngsn

Mahadsanid Moumin Ahmed
25/04/2024

Mahadsanid Moumin Ahmed

Address

Borama
AWDAL

Opening Hours

Monday 08:00 - 12:00
15:45 - 22:00
Tuesday 08:00 - 12:00
15:45 - 22:00
Wednesday 08:00 - 12:00
15:45 - 22:00
Thursday 08:00 - 12:00
15:45 - 22:00
Friday 15:45 - 22:00
Saturday 08:00 - 12:00
15:45 - 22:00
Sunday 08:00 - 12:00
15:45 - 22:00

Telephone

+252633557517

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sacaadadiin Dental Center and Pharmacy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Sacaadadiin Dental Center and Pharmacy:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram