Abdinasir Hamud Abdilahi

Abdinasir Hamud Abdilahi Nutritionist

25/04/2023

Asbaabaha Ay U Wanaagsan Tahay In La Isku Cuno Timirta Iyo Caanaha!

Faaidada isku cunista timirta iyo caanaha:

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa daahfuray in midhaha timirta ay ku jiraan xaddi aad u badan oo ah Faytamiinno, macdanno iyo sonkoro uu jidhku si joogto ah ugu baahan yahay maalin kasta. Marka uu qofku sooman yahay ama uu ku jiro cunto yarayntana waxa ay jidhka si degdeg ah ugu keenaan faa’iidooyinka aynu soo tirinnay ee uu ka heli lahaa cuntooyinka kala duwan ee uu joojiyey ama yareeyey.

Timirtu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka sida aad u dhaqsaha badan u shiidma, sidaa awgeed faa’iidooyinkeeda iyo raadkeedu ay saacado yar gudahood la falgalaan dhiigga, waxa aanay fududeeyaan shaqada dheefshiidka iyo weliba in uu cuntada si aad u fiican u shiido. Timirta waxaa ku jira khabiirro (Yeast) dabiici ah oo wax weyn ka tara nidaaminta shaqada caloosha gudaheeda ka jirta, isla markaana yaraysa dibbirada mararka qaarkood cuntada kaddib la isku arko.

Haddaba marka timirta o faa’iidooyinkaas leh loo geeyo caanaha oo isku hal waqti la cuno, waxa sii kordhaysa faa’iidooyinkii laga filayey oo ay ka mid yihiin.

• Waxa uu jidhku ka helaa sonkoraha, macdanaha iyo faytamiinnada uu u baahan yahay.

• Waxa uu jidhku ka helaa tamar iyo firfircooni.

• Caanaha iyo Timirta isla falgalkoodu waxa ay dawo ka yihiin cadhada daran iyo dhaqso u cadhoodka, waxa ay sida oo kale ka dawo yihiin xaalado nafsi ah oo qulubka iyo isku buuqu ka mid yihiin.

• Caanaha iyo timirtu waxa ay kordhiyaan xadiidka dhiigga.

• Waxa ay daweeyaan taagdarrada ku dhacda muruqa wadnaha.

• Waxa ay daweeyaan calool istaagga aadka ah, gaar ahaan dumarka uurka leh.

• Waxa ay daweeyaan xasaasiyadda dadku cuntooyinka qaar ku yeeshaan.

• Waxa ay joojiyaan dhiigfuranka iyo dhiig baxa.

• Waxa ay caawiyaan caafimaadka keliyaha, sababtuna waa faytamiinnada ku jira ee A, J, B1, B2 iyo B3.

• Waxa ay yareeyaan khatarta xiiqda iyo cidhiidhka saableyda iyo neefsiga ku dhaca.

• Waxa ay ka takhalusa

Address

Borama

Telephone

+252634559301

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdinasir Hamud Abdilahi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Abdinasir Hamud Abdilahi:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram