Drkhalid Suldan

Drkhalid Suldan Magacaygu waa drkhalid Kusoo biir bogeyga oo hel talooyin caafimad oo indhaha iyo badqabkooda👉👀👓

Finanka baalasha indhaha kaso baxa (stye):———————————————————————Stye, oo sidoo kale loo yaqaan 'hordeolum' waa fin yar ...
24/11/2024

Finanka baalasha indhaha kaso baxa (stye):
———————————————————————
Stye, oo sidoo kale loo yaqaan 'hordeolum' waa fin yar ama finan xanuun badan, oo ka soo baxa qaybta sare ama gudaha baalasha indhaha. Waxa laga yaabaa in uu yeesho midab ka duwan maqaarkaaga(guduud) iyo barar.

waxaa inta badan keena caabuq waxayna keentaa xanuun, barar, iyo casaan. Hordeolum wuxuu u eeg yahay buro ama finan, kasoo baxa hareeraha baalasha indhaha.
Wuxuna noqon kara mid so noqnoqda.


Dadka qaarkood aad bey ugu nugul yihiin inay yeeshaan hordeolum, waxayna la xiriiri kartaa:
➡️Nadaafad daro.
➡️caabuuq(bacterial infections)
➡️Isticmaalka make-upka indhaha oo duug ah ama wasakhaysan.
➡️Blepharitis, caabuq ku dhaca baalasha indhaha.
➡️Xaalado la xidhiidha cafikaadka guud sida rosacea, seborrheic dermatitis, iyo diabetes.


✔️Fin xanun badan oo kaso baxa balasga indhaha
✔️barar iyo guduudasho balasha ah
✔️xanuun baadka isha daboola.
✔️dareen sida in ishaada wax ku jiraan ama ku dhaganyahy.
✔️Ilmo badan.
✔️baq-baq/fiish
✔️ cun-cun ama xajiin


✅Inta badan xaaladani dhib kuma keento indhaha mana saameyso arragtida.waana xaalad inta badan mudo koban ku bogsata, isticmaalka wax-diiran/kulul ama qandaca way ku caawin kartaa, balse hadi muddo kooban ku baabi wayo boqo dhaqtarka indhaha, gaar ahaan hadii aad qabtid :
🔼sonkor/macaan
🔼blepharitis
🔼xanunada maqaarka ama uu
🔼jidhkaagu qallalanyahy(dry skin)

⚠️ :
🚫Ha tuujin hana taa-taaban finka.
🚫Ha xoqin baalka sare ishaada.
🚫Ha marsan make-up ilaa aad ka bogsato.
🚫Qofna ha la wadaagin tuwaalka io wax-walba oo wajiga la marsado.

✒️Drkhalid Suldan

⏯️Tijaabi aragaaga⬇️ Soo qor qoraalka meeshaas ku qoran oo hadii aad saxdid alx dheh in argaagu fiicanyahy⬇️
10/07/2024

⏯️Tijaabi aragaaga⬇️
Soo qor qoraalka meeshaas ku qoran oo hadii aad saxdid alx dheh in argaagu fiicanyahy⬇️

أعاده الله عليكم وعلى الأمة الإسلامية بالخير واليمن والبركات، عيدكم مبارك
15/06/2024

أعاده الله عليكم وعلى الأمة الإسلامية بالخير واليمن والبركات، عيدكم مبارك

Toddobaadka wacyigelinta Myopia ——————————————————-➡️waa wacyigelin sanadle ah oo kor loogu qaado wacyiga ku saabsan dho...
19/05/2024

Toddobaadka wacyigelinta Myopia
——————————————————-
➡️waa wacyigelin sanadle ah oo kor loogu qaado wacyiga ku saabsan dhowan arraga, oo loo yaqaanno myopia. ujeedadaduna tahay in bulshada loogu iftiimiyo lagana baraarujiyo dhibtaoyinka myopia ama dhowan arragu leyahay, oo ay ku jiraan sababaha kena, calaamadaha lagu garto, iyo xeeladaha kala duwan ee lagu maareyo.

➡️Myopia oo loo yaqaano dhowan arrag waa xanuun ku dhaca arraga oo ka dhiga, arraga fog mid shucaac ah ama uusan qofku awoodin inuu sifiican u arko wixii ka fog halka wixii u dhow uu sifiican u arki karo.


✔️Waxa ugu wayn ee sababa waa in indhuhu ka dheeryihin inta caadiga ah
✔️in qaabka xuubka cornea anu sax ahyn ama qabka wax ka qaldanyihin

1️⃣Aragtida fog oo daciifta ama yaraata
2️⃣ Indho xanuun iyo araga fog oo shucac noqda
3️⃣ Indho daal
4️⃣ Ilin badan
5️⃣ Iftiinka oo dhiba qofka
6️⃣ Carurta waxa lagu arkaa ayaga oo hoosta ka galaaya TV ga ama aad isugu dhaweynaya si ay wax u arkaan.


✅ xaaladan waxa lagu maareya okiyaalayasha loo yaqaano (Mines lenses)
✅Hadii cabirka okiyaluhu ka badan yahay (-6), waxa qofka loo sameyni karaa qaliinada loo yaqaano (Refractive surgery)


✅Myopia iney korodho waxa ugu wayn ee ka qayb qaata, waa marka ay caruurtu waqti badan ku qaatan qol dhexdisa ama ay aragtida dhow aad u isticmaalan, sida daawashada mobilida telefishanada iwm.
✅Qodabka kore badalkisa waxaa muhiim ah in caruurtu banaanka ku ciyaaran oy waqti ku qataan, Lagana ilaaliyo in waqti badan ku qatan dawashada alladaha digitalka ah
✅Yaree wakhtiga aad ku isticmaalayso aaladaha dhijitaalka ah, oo qaado nasasho joogto ah. Waxa muhiima carruurta da'doodu tahay 2 ama ka weyn ay ku xaddidaan wakhtiga shaashadda 1-2 saacadood maalintii.
✅ markasta ood isticmalyso alladaha digitalka Raac xeerka 20-20-20 oo dhigaya “20kii daqiiqaba, eeg masaafo ka fog 20 ilbiriqsi”.
✅Waxa muhiima in Dhammaan carruurta, baadhis indhaha ah oo dhamaystiran si jogta loogu sameeyo sanad kasta

✒️Drkhalid Suldan

14/05/2024

Indho qalalku
_______________
Qalaylku waa marka Ilmadu yaraato tiradeeda ama tayadeeda sababtona inuu qofku dareemo indho qalayl iyo inuu u dareemo qofku in qoryo yaryar ama saxar uga wareegayaan indhaha .

✒️Drkhalid Suldan

khudaarta ugu fiican caafimaadka indhaha———————————————————————➡️Isku dheeli-tirnaanta cuntadu waxay si weyn u yarayn ka...
08/05/2024

khudaarta ugu fiican caafimaadka indhaha
———————————————————————
➡️Isku dheeli-tirnaanta cuntadu waxay si weyn u yarayn kartaa halista dhibaatooyinka caafimaadka indhaha. Cuntooyinka ay ku badan yihiin antioxidant-ka iyo fiitamiinnada ayaa door muhiim ah ka ciyaara caafimaadka indhahaaga. Jimicsi joogto ah iyo cunto dheeli tiran ayaa muhiim u ah badqabka guud iyo caafimaadka indhaha ah. shantan khudaarta ee hoos ku qorani waxay muhiim u yihiin indhaha iyo araga⬇️

1️⃣Karootada
👁️Karootada ayaa qani ku ah maadada beta-carotene, taasoo uu jirku u beddelo fitamiin A. Faytamiin A ayaa lagama maarmaan u ah ilaalinta aragga, gaar ahaan xaaladaha iftiinku hooseeyo. Waxay kale oo ay ka hortagta indho la'aanta habeenkii waxayna taageertaa guud ahaan caafimaadka indhaha.

2️⃣Papayga
👁️Papayga ayaa qani ku ah beta-carotene, vitamin C, iyo vitamin E, kuwaas oo dhamaantood kor u qaada caafimaadka indhaha.

3️⃣Orange
👁️Liintu waa il weyn oo laga helo fiitamiin C, oo ah antioxidant awood leh oo taageerta caafimaadka xididdada dhiigga ee indhaha.Faytamiin C waxa kale oo uu ka qayb qaataa caafimaadka guud ee unugyada indhaha.

4️⃣ Spinach
👁️Koostada waxaa laga hela carotenoids sida lutein iyo zeaxanthin, kuwaas oo ah antioxidants inaga caawiya hagaajinta aragga, waxay inaga cawwiyan ka hortaga shucaac blue light.

5️⃣Sweet potatoes
👁️Baradhada macaan waa il kale oo laga helo beta-carotene, kaas oo jidhku u beddelo fiitamiin A, oo muhiim u ah ilaalinta aragga, ka hortagga indho la'aanta habeenkii, iyo taageeridda caafimaadka indhaha.

6️⃣ Blueberries
👁️ Blueberries waxaa ka buuxa antioxidants, gaar ahaan anthocyanins, kuwaas oo hoos u dhiga khatarta xanunka macular degeneration (AMD oo ah xanun dada la xidhiidha oo ku dhaca shabakada danbe isha iyo cataracts oo cadka indhaha ah.

✒️Drkhalid Suldan

07/05/2024

Accommodative esotropia
——————————————
➡️Accommodative esotropia waa mid ka mid ah noocyada ugu badan ee weershaha caruurta.
➡️Badanaa waxaa lagu arkaa bukaanada leh foggan arraga (hyperopia).

5-waxyeelo oo sigaarku u gaysto indhaha iyo arraga➡️Dadka sigaarka cabba inta badan ma qabaan wax dhibaato ah oo indhaha...
06/05/2024

5-waxyeelo oo sigaarku u gaysto indhaha iyo arraga

➡️Dadka sigaarka cabba inta badan ma qabaan wax dhibaato ah oo indhaha ah inta lagu jiro marxaladaha h**e, laakiin marka sigaar-cabbiddu ay balwad noqoto, indhahu waxay bilaaban inay si tartib tariba isku bedellan, Shanta qodob ee hoos ku qorani waa waxaye lada sigaarku ku leyahay indhaha iyo araga. ⬇️

1️⃣Dry eye
Qiiqa sigaarku wuxu hoos u dhiga illinta indhaha
Waxana ka dhalata xaalad la dhaho “dry eye syndrome”(indho-qalayl)

2️⃣Diabetic Retinopathy
Sigaar cabista waxaa lala xiriiriyaa khatarta sii kordheysa ee uu ku yeelan karo Nooca labaad ee sonkorta, taaso horseeda in xididdada dhiigga ee retina (shabakada aragu) ay dhaawacman, taas oo keeni karta khatar arraga.

3️⃣Cataract
Waxaa la aaminsan yahay in qiiqa tubaakada ay beddelaan unugyada bikaacda isha(lens cells). Waxyeellada noocan oo kale ah waxay ka dhigan tahay in dadka sigaar-caba ay aad ugu nugulyihin iney yeeshan caadka indhaha.

4️⃣Age-related macular degeneration (AMD)

Waa xaalad la xiriirta da’da halkaasoo dhaawac uu ku yimaado qayb ka mid ah retina oo loo yaqaan macula. Inta badan waxay ku soo baxdaa marka qofku da'da yahay, oo saamaysa aragtida horseedana indha-laan, Dadka sigaarka caba aad bey ugu nugulyihin iney yeeshan xaaladan AMD

5️⃣Glaucoma
Glaucoma waxa loo yaqana biyaha indhaha ku furma oo keeni karta indho la'aan iyagoo dhaawac u geysta neerfaha dambe ee indhaha. Xogta laga helay cilmi-baadhis lagu sameeyay xidhiidhka ka dhexeeya sigaarka iyo glaucoma ayaa sheegaysa in sigaarku sababo glaucoma.

⚠️ waxa muhiima oon ku boorinayaa qof walba inuusan isticmaalin oo laga fogaado tubaakada iyo sigaarka xitaa kuwa elektaroonigga ah si aad u ilaaliso caafimaadkaga guud, oo ay ku jiraan caafimaadka indhaha,hadii aad cabtona joji❗️

✒️Drkhalid Suldan

tijaabi aragaaga➡️👀hadaad 15-second kuso saari waydo ereyga (F) ee ku dhex qarsoon xarfaha p, nagu soo booqo dhaqtarka i...
05/05/2024

tijaabi aragaaga➡️👀
hadaad 15-second kuso saari waydo ereyga (F) ee ku dhex qarsoon xarfaha p, nagu soo booqo dhaqtarka indhaha😅 nagula wadaag jawaabtada commentiga⬇️

04/05/2024

pterygium waa nooc kamida hilbaha ku samaysma indhaha gaar ahan xuubka daboola qaybta cad ee isha ee loo yaqano (conjunctiva)

 ?—————————➡️Retinoblastoma waa nooc ka mid ah kansarka ku dhaca indhaha oo ka bilaabma retina(shabakada danbe ee isha)....
01/05/2024

?
—————————
➡️Retinoblastoma waa nooc ka mid ah kansarka ku dhaca indhaha oo ka bilaabma retina(shabakada danbe ee isha). Waa cancer dhif iyo naadira wana midka ugu caansan ee asiiba indhaha carruurta.

➡️Cancerkan inta badan wuxu ku dhaca hal il, Qiyaastii 60% kiisaska retinoblastoma waxay ku dhacan hal ill.mararka qaarna labada indhoodba wuu ku dhaca. Waxay sidoo kale ku faafi karaan qaybaha kale ee jirka, oo ay ku jiraan maskaxda iyo lafdhabarta.

?
➡️Waa xalad la xidhiidha hidde sidaha. halkaasoo unugyada shabakada danbe araga (retina) ay si xawli ah u shaqeeyaan oo ay bilaabaan inay u tarmaan si aan la xakamayn karin.

?
✔️leukocoria (Calaamada ugu horreeysa uguna caansan ee retinoblastoma waa budda isha ama qaybta madow ee isha oo yelata muuqal caddaan ah gaar ahaan hadiiba iftiin uu qabto indhah sida flashta mobilada ama cameradaha xiliga sawirda ama iftiin uu indhaha ka qabto .
✔️ Strabismus(indhaha aan tosneyn ama meel isku mida aan wada eegi karin oo qalooc ku jiro)
✔️Isha oo gududata, xanunta, bararna yeelata
✔️Araga oo xumada ama daciifa
✔️ isha oo aan dhaq-dhaqaaqayn
✔️isha oo waynta h**ena uso baxda


Waxaa jira siyaabo badan oo lagu daweeyo retinoblastoma. Badanaa, daaweyntu waxay ku xidhantahy heerka uu marayo. Daawaynta waxa ka mid noqon kara qaliin, iyo habab kale oo lagu tacalo xaaladan

✒️Drkhalid Suldan

Waa maxay qalooca ama weershaha indhahu? —————————————————————————-👁️Strabismus oo sidoo kale loo yaqaano (squint), waa ...
30/04/2024

Waa maxay qalooca ama weershaha indhahu?
—————————————————————————-
👁️Strabismus oo sidoo kale loo yaqaano (squint), waa mid ka mid ah xaaladaha ugu badan ee saameya indhaha carruurta, Waa xaalad dhacda marka aysan indhuhu toosneyn ama qaloocan.
👁️Mid ama labada indhood ayaa laga yaabaa inay u qaloocdo gudaha (esotropia), dibadda (exotropia), kor (hypertropia), ama hoos (hypotropia).

👁️Dhallaanka iyo carruurta leh strabismus waa in si deg-dega markiiba loo baaro si looga hortago amblyopia, taasoo keenta indho’laan.

?
Strabismus waxaa sababi kara dhibaatooyinka
✔️murqaha isha
✔️neerfayaasha, ama
✔️qaybta maskaxda ee xakameynaysa dhaqdhaqaaqa indhaha.
✔️Fogan arraga(hyperopia)
✔️Dhawaan arrag(myopia)
✔️familka oo dhaxal u leh
✔️xaalado la xidhidha thyroidka
✔️Xalado cafimaadka guud ah sida(Premature birth, Down syndrome, cerebral palsy, hydrocephalus) Walow sababuhu aydsan mar walba cadeyn.

:
➡️Indhahah oo is-waydarsan
➡️Indhaha wada socon ama aan israacyn
➡️Indho-bidhiqsiga ama indho isku-qabadka oo bata
➡️Madaxa oo hal dhinac inta badan u jan-jeedha marka ilmuhu wax fiirinyo ama dawanayo
➡️Arraga oo laba-laba noqda


Daaweynta xaaladan waxa ka mida
✅muraayadaha indhaha
✅prisms
✅daaweynta aragga,
✅qalliinka muruqa indhaha.

⚠️Waxa muhiima in Dhammaan carruurta, baadhis indhaha ah oo dhamaystiran si jogta loogu sameeyo 3 ilaa 5 sano ee ugu h**eysa, madama xaladan ay soo bilaabmato 3-sano ee ugu h**eysa ilmaaha, xilliga ugu haboon ee la daaweyn karona ay tahay isla xiligaa caruurnimada.

✒️Drkhalid Suldan

Address

Borama

Telephone

+252907959568

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Drkhalid Suldan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Drkhalid Suldan:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category