02/08/2023
Geedka timirta ah ee barakaysan waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah , oo ay adagtahay inay ka baxaan geedaha dalag yadda kale ee la quuto. caadi ahaan timirtu waxay ka baxdaa dhul cimila ahaan aad ukulul.

Timirtu waxay u leedahay faa,iidooyin farabaddan qaybo baddan oo kamid jidhka aadamah , faa,iidooyinka iyo mucjisooyinka ay koobsatay waxaa ka mid ah ,
Timirta waxaa ku jira maado loo yaqaano Pectin oo dhinta heer cholesterol ee dhiig ,xiddidada jirkana ka illaalisa qalafsanaanta.
waxay joojisaa in ilakaha uu suus galo sabatoo ah waxaa ku jirta maadada fluoride.
waxay ilaalisaa qaab dhismeedka jidhka waayo waxaa timirta ku jira maadooyinka Sodium ,potassium ,iyo vitamin C
Timirtu waxay da weysaa dhiig-yaraanta waayo waxaa ku jira maadooyinka Iron ,Copper iyo Vitamin B2
Waxay daawo u tahay lafaha waxaa ku jira maadooyinka calcium ,phosphors iyo Vitamin A
Waxay furtaa Appetite ka ( Amateedka ) waxaa ku jira maadada potassium
Waxay daweysaa itaal darida iyo wadna xanuunka waxaa ku jira maadooyinka magnesium iyo Cupper
Waxay ka hortagtaa Cancer ka waayo waxaa ku jirta maadada selenium
waxay daweysaa Cancer ka iyo Rheumatism waxaa ku jira maadad Poron
Waxay daweysaa qalaylka jirka iyo qalaylka indhaha guraxooga waxaa ku jira maadada Vitamin A
Waxay fadudaysaa habdhiska dheefshiidka waayo waxaa ku jira maadad Vitamin B1
Waxay ka hortagtaa ama daweysaa xanuunadda ciridka ku dhaca waxaa ku jiraa maadada vitamin C
Waxay daweysaa dacarta caloosha waxaa ku jira maadooyinka chloride , potassium iyo sodium
Waxaa ku jira maado daweysa itaal yaridda xagga galmadda.
Waxay ka hortagtaa cancer ka xiidmaha , waxayna kaa ilaalisaa baabasiirka
Waxay sidoo kale fududaysaa marxaladaha Uurka , dhalmadda iyo dhiiga ka danbayya uurka waxaana ku jira maadada fibers ka oo aad u wanaagsan xaga dheefshiidka iyo sonkorta dhaksho u riiqmato.
Geedka timirta ah maaha wax lasoo koobi karo faa,iidooyin kiis waa geed cunto ahaan ka sokow dawo ahaan loo adeegsado,diinteena suuban wa