Dr saed Osman aden

Dr saed Osman aden Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr saed Osman aden, Doctor, University, Bosaso.

Geedi socod 2Ma jiro wax cajiib ah oo ku saabsan ujeedada qoraalka iyo sawirka bal iskaba dhaaf ee waxay isku yeelan doo...
20/12/2022

Geedi socod 2
Ma jiro wax cajiib ah oo ku saabsan ujeedada qoraalka iyo sawirka bal iskaba dhaaf ee waxay isku yeelan doonaan saamayn dhab ah mar latix geliyo fahanka dhabta ah wax badan waxaad aragteen iyadoo laga sheekaynayo Islamarkaana daraasado laga bixinayo maskaxda bini aadamka markaan si qeexan usheego waa maskaxdaada sidaa darteed waxaa is waydiin mudan majirtaa weli wax aad ogolaatay inay tahay sax markaan usoo qaato tusaale
1/bini aadamka wuxuu leeyahay labo caqli kuwaas oo lagu tilmaamo labo qayb oo ay maskaxdu u qaybsanto!!!
2/xubinka maskaxdu waa midka ugu wayn jirka bini aadamka
3/caqliga dhow iyo Kan fog labadaasi waxay ka kooban yihiin maskaxda oo keliya
Qodobadaas iyo kuwa lamid ah majirtaa inaad ufahantay si kaduwan ama ka xeel dheer sida loo dhigay daraasadahaad dhamaan waxa laga Soo xigtay reergalbeed walow ay jireen saynis yahano ka tiro badan iyaga haddana weli waxaa jira wax la qariyey sabab la xiriirta fahanka dhabnimada abuurista taasi waxay masuul ka noqotay mashquul badan oo Soo wajahay qofka lumay marka laga reebo inyar oo fara ku tiris ah kusoo dhowow sahanka bedqabka geedi socod waxaynu qaadaa dhigi doonaa dhamaan waxa ku saabsan garashada garaadka maskaxda caqliga qalbiga fun,aadka iyo wixii la Hal maala sida cadaanka ah waxaa kuxusan magacyo dhowr kuwaas oo loo maleeyo inay ka turjumaayaan Hal faalo oo qura qaar ku xusan kitaabada samaawiga ah ha ugu cilmi badnaado midka aad hadda haysato ama lagu Soo bandhigay tastuurka caalamka maanta ee musxafka sharafta badan ee qur,aan qaarka kale waa qoraalo laga turjumay fahano iyo magacbixino qan lays waydiin halka ay ku salaysan yihiin markaan abaarno sida tooska ah waa barta magacbixintani ay katimid qur,aankay waxa ku xusan suuradii ugu horaysay ee Soo degta الذي علم بالقلم
Baristani waxay ahayd mid jirtey horaba bal waxaa muhiim ah in lakala saaro caqliga tusaale dhow markaan Soo qaato haddii basharka la suuxiyo kadibna lagu sameeyo camaliyad ama qaliin xaqiiqdii madareemayo xanun

Geedi socod 1Markii aan xuso erayga ku dhiiro xaqiiqada wuxuu la micno noqonayaa mid kaduwan dhiiri gelin Isla markaana ...
18/12/2022

Geedi socod 1
Markii aan xuso erayga ku dhiiro xaqiiqada wuxuu la micno noqonayaa mid kaduwan dhiiri gelin Isla markaana waa mid laga dhadhamin karo ka hayaamid wadareed oo tilmaamaya loo qaateen erayga SAMEE taasi waxay daaha ka qaaday in uu barnaamijkan geedi socod guud ahaanba ku wajahanyahay Hal qof oo ah adiga hadda aqrinaya Soo dhowow
(Mudane)&(marwo) aynu dhaqaaqno ila imminka!!!!!!
sidaynu wada ognahay dhegtu waxay qabataa squer ama xawlka wareega kugu hareeraysan halka ishu ay qabato 180 marka loo eego tirada wareega caalamka oo taagan bare hoos ka ah lugahaaga haddaba waxaa iswaydiin waydiin mudan labada midkee ayaa mashquul badan? Maxayse ku kala duwanyihiin xayawaanka iyo bini aadamka marka loo eego feejignaanta aragtida iyo maqalka?
Sida cadaanka ah waxa ugu mashquul badantahay waa dhanka aragtida tusaale dhow hadaan Soo qaadano qofka indhoolka ah iyo qofka dhegoolka ah waxay u kala badanyihiin macquul galka waxyaabaha ay samaynayaan waxaana dareemaya maqnaansho wax badan waa qofka indhoolka ah dhanka kale xayawaanka waxaa laga yaabaa inay maqlaan wax aanad adiga maqlin jabaq yar ood markaa adigu ka mashquul ahayd weli inagoo ku dhex soconayna mawduuceenii aqrinta taasi waxay si dhab ah kuugu qeexi doontaa in waxa joogtada ahi kaga badanyahay dhanka dareenka waxa aan joogtada ahayn sidaa darteed waa hubaal inaad jawaab cad kabixisay midka mudan amaanta fa,idada taasina waa midda qura oo loo tartamayo
FAA,IIDO lasocodkaaga sida haboon waa midka ka marag kici doona isbedelka noloshaada mahadsanid

Ku dhiiro xaqiiqadaWeedhan kor ku xusan waxay hormuud utahay mawjado iyo hirar waawayn kuwaas oo kugu hogaamin doona sad...
18/12/2022

Ku dhiiro xaqiiqada
Weedhan kor ku xusan waxay hormuud utahay mawjado iyo hirar waawayn kuwaas oo kugu hogaamin doona sadaxa xaqiiqada inkasta oo magaca aynu ku qaadaa dhigi doono uu noqon doono GEEDI SOCOD waxaa amaan mudan uyeeshaha nasiibka oo maanta aad noqotay adiga hambalyo
Soo dhowow wixii saxan ama aad hubiso inaad ka faa,iiday waxaan unisbayn sida saxda ah Allah iyo rasuulkiisa oo nagu caawinay inaan qorno aqrino iyo weliba fahano wixii qaldan ama aan Soo kordhin wax yarna waxaan unisbayn sida saxda cadowga kasoo horjeeda ee loogu yeedho shaydaan ama saxiibka xumaha waxaan kuugu bishaaraynayaa inaad aad ufahmi doonto kullamaa uu fahanka h**e aad u adkaan doono Soo dhowow ayno bilowno inaynu guurno hadda Isla wakhtigaan!!!!
Sida aynu wada ognahay dunidu waxay martay sabano iyo isbedelo weliba adiga oo jooga maanta oo ay kubeegantahay wakhtiga aynu is waydaarsanayno xubin ka mid ah hagaha nolosha looguna yeedho AQRIN ama in wax la aqriyo waxa ay tahay halkay katimid iyo fa,idada ay leedahay cadaunta ugu horaysa haka laablaaban inaynu hadda kulanay labadeeno maxaa kawanaagsan adiga oon hubin halkaan joogo inaan haddana kulano taasi waa midda ugu yar oo ay dheertahay dhegeysiga maanta hadheeyey caalamka sida cadaanka ah eraygani waa midka keliya ee dhulka ku yeedhay labo mar Islamar ahaantaana la sameeyey labo mar khilaal daqiiqadii ay dhacday aynu si awood buuxda leh ugu salino nebigeena calayhi salatu wasalaam oo hubaashii ahaa basharkii ugu h**eeyey ee umaqlay si Amar ah xaal and qiyaasi karayn اللهم صل على سيدنا محمد وعلى آله وأصحابه أجمعين والتابعين لهم بإحسان إلى يوم الدين waxaan kuu rajaynayaa inaadan niyad jabin tan iyo intaad caga dhex dabaal doonto macaanka taxanahan geedi socod !!!!!!

Address

University
Bosaso

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr saed Osman aden posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category