Al ixsaan clinic pharmacy&laboratory center

Al ixsaan clinic pharmacy&laboratory center ᴄᴀᴀꜰɪᴍᴀᴀᴅᴋᴀᴀɢᴜ ᴡᴀᴀ ᴍᴜᴅɴᴀᴀɴᴛᴀʏᴀᴅᴀ, ᴡᴀxᴀᴀɴᴜ ʙɪxɪɴᴀᴀ ᴅᴀʀʏᴇᴇʟ ᴅʜᴀᴍᴀʏꜱᴛɪʀᴀɴ ᴏᴏ ʟᴇʜ ɴᴀxᴀʀɪɪꜱ ɪʏᴏ ᴋʜɪʙʀᴀᴅ.

Waxyaabaha u fiican caafimaadka kilyaha (kidneys) iyo id kasta faaiidooyinka caafimaadka kilyaha u leedahay:1. Qajaarka ...
22/08/2025

Waxyaabaha u fiican caafimaadka kilyaha (kidneys) iyo id kasta faaiidooyinka caafimaadka kilyaha u leedahay:

1. Qajaarka (Cucumber)

Biyo badan ayuu leeyahay, wuxuuna soo saaraa kaadi badan si uu sunta uga saaro kilyaha.

2. Tufaaxa (Apple)

Wuxuuna leeyahay antioxidants yarayn kara bararka kilyaha.

3. Cambaha

Wuxuu leeyahay antioxidants-ka loo yaqaan anthocyanins kuwaas oo ilaaliya unugyada kilyaha.

4. Qumbaha (Coconut water)

Wuxuu soo saaraa kaadi badan, wuxuuna hagaajiyaa kilyaha si ay si fiican u shaqeeyaan.

5. Basasha (Onion)

Waa Anti-inflammatory waxayna leedahay flavonoids yarayn kara cadaadiska dhiigga kilyaha saaran.

6. Garlic (Toon)

Waa Daawo dabiici ah oo yaraysa bararka kilyaha, hoos u dhigta cadaadiska dhiigga.

7. Canabka cas (Red grapes)

Waa ku jira maadada resveratrol – wuxuu ka ilaaliyaa kilyaha dhaawac ka yimaada sunta jirka..

8. Limo dhanaan (Lemon)

Waxaa ku jirta Citric acid-ka waxay ka hortagtaa samaysanka dhagxaanta kilyaha.

9. Lowska

Wuxuu leeyahay magnesium, waxayna caawisaa dheelitirka electrolytes iyo shaqada kilyaha.

16/11/2024
15/11/2024

Jimco Wanaagsan
Ciidankan Waxa Cadow U ah Qofkii Ka Soo Horjeeda Ama Lidi Ku Ah Jiritanka Xududaha SSC Khatumo .

15/11/2024
15/11/2024
14/11/2024
02/06/2022

Farrriin caafimaad !

Xanuunka dillaaga ah ee kaankarada(Cancer) ayaa aad ugu soo badanaya Soomaaliya, gaar ahaan Gobalka Mudug oo aan xog-ogaal u ahay, qiyaastii celcelis ahaan waxaa bil walba dalka Hindiya utaga ku dhawaad 20 qof oo xanuunkaas la il-darran, meelaha kale ee aadka loogu tago waxaa ka mid ah Turkey, Ethiopia, Kenya iyo Bangladesh.
Si guud xanuunkaan khatartiisu waa mid dunnida oo dhan kusii kordhaysa waxaana lagu wadaa cilmi baaris joogto ah.
Tusaale ahaan sannadkii 2020-kii hay'ada caafimaadka adduunka ee WHO waxay diwaan galisay in ay xanuunkaan u dhinteen dad ku dhow 10 milyuun oo qof adduunka oo dhan.

Sidaas-daraadeed waxaan usoo jeedinayaa Dhaqaatiirta Soomaaliyeed in ay kordhista cudurkaan halista ah cilmi baaris ka sameeyaan.

Sidoo kale waxaan usoo jeedinayaa qof kasta oo qoraalkaan akhrin doona tallooyinkaan hoos ku xusan:-
1. In qofku caafimaadkiisa la socdo asagoo haddii uu awoodo 6-dii bilood ba mar ama ugu yaraan sannadkii hal mar general chech-up maraya.
2. Iska ilaali in aad shay caag ka samaysan cunto ku kululaysatid, waayo caagu waa dhalaalayaa markii horana qashin(byproduct) buu ka samaysnaa kadibna cuntaduu raacayaa sidaas buuna jirkaaga ku galayaa ⚠️ ⛔️
3. Haddii in kabadan hal qof oo familkaaga ka mid ah xanuunkaan horay ugu dhacay iska baar waayo wuxuu noqdaa dhaxal “genetic disease”.
4. Ka digtoonoow in aad u dhawaato qalabka shucaaca khatarta ah leh( ionized radiation) sida X-ray-da, CT-scan iyo wixii la mid ah adiga oo aan xirnayn qalabka difaaca ( personal protective equipment).
5. Wax ka badal hab nololeedkaaga sida cabista sigaarka, isticmaalka khamriga iyo miisaanka jirkaaga.
6. Iska hubi taariikhda dhicitaanka daawada iyo cuntada aad qaadanayso.

Wabillaahi Towfiq
Qore: wll keen dr .maxed omer

Cashirada Tukaha laga barto ee horumarka lagu gaaroTukaha oo ah shimbir lagu tilmaamo inuu aad u caqli badan yahay ayaa ...
05/01/2022

Cashirada Tukaha laga barto ee horumarka lagu gaaro

Tukaha oo ah shimbir lagu tilmaamo inuu aad u caqli badan yahay ayaa laga baran karaa waxyaabo badan oo ay aqoonyahannada u kuurgalay ku sheegeen kuwo ku saabsan dhinaca horumarka.

David Hughes, oo ah nin Shimbiraha xannaaneeya ayaa yiri: "Si guud marka loo eego shimbiraha oo dhan, tukaha waa xayawaan aad iyo aad u caqli badan oo waxyaabo badan laga faa'iideysan karo".

Afar Cashar oo Tukaha laga barto, horumarna lagu gaari karo

Horay ayaa loo soo tabiyay sheekooyin ku saabsan mucjisooyinka u gaarka ah Shimbirkan, balse tani waa mid faa'iido weyn u leh bani'aadanka.

Cashirka 1-aad: In Hal-abuurnimo looga gudbo caqabadaha

Beki Hooper, waa haweeney aqoonyahanad ah oo sameysa cilmi baarista ku saabsan xayawaanka, waxayna aaminsan tahay in Tukaha uu awood u leeyahay xalinta dhibaatooyinka.

"Iyagoo halabuurnimo adeegsanaya ayey xallin karaan xujo walba, waayo waxay isu geynayaan xirfado ay barteen oo ay dib usoo xasuustaan, waxayna caqabaddii u xallinayaan hab ay si gaar ah usoo hindiseen".

Sidoo kale, Mr Hughes qudhiisu wuxuu sheegayaa in tukeyaasha ku jira shimbiraha uu xannaaneeyo uu waxyaabo badan ka bartay.

Wuxuu tusaale ahaan usoo qaatay mid dhadig ah oo lagu magacaabo Betty.

"Wax ayey arkeysaa , kadib madaxa ayey ruxeysaa isla markiina waxaad arkeysaa sida ay uga shaqeyneyso helitaanka waxaas".

Cashirkan waxay dadku ka baran karaan in marka ay xal u raadinayaan dhibaatooyinka ay u eegaan hab halabuurnimo ah oo khaas ah.

Cashirka 2-aad: In lala qabsado xaaladaha aad ku khasban tahay

Qodobkan wuxuu ku sabasan yahay in tukaha uu leeyahay dabeecad uu ku wajaho caqabadaha lama huraanka ah, uuna uga gudbo nidaam qorsheysan.

James Dyer, wuxuu khabiir ku yahay xirfadaha lagu badbaadiyo nafta, wuxuuna isagoo arrintan sharraxaya yiri: "Waxaa jirta xigmad military oo dhaheysa ;'caqabadda marka h**e fahan, ka dib la qabso, ugu dambeynna ka gudub'. Taasi runtii waa dhanka wanaagsan ee laga eegi karo wax walba".

Shimbirka Tukaha wuxuu si caqliyeysan uga gudbaa caqabadaha soo wajaha, taasoo dadkuna ay ka faa'iidi karaan inay dhibaatada la qabsadaan, oo la tacaalaan halkii ay ku niyad jabi lahaayeen

Beki Hooper oo mar kale ka hadleysay sida uu xayawaankan u noolyahay ayaa sheegtay in xitaa uu sameysto qalab uu raashinka ku raadsado.

"Waxay sameystaan qalab ay dadaal farabadan ku bixiyaan, kaasoo ay hal dhinac ka dhigaan mid adag dhinaca kalena ka jilicsan oo dhankii la doono loo wareejin karo, ka dibna waxay u adeegsadaan inay dhulka ku qodaan ugana soo baxsadaan cuntadooda", ayey tiri Marwo Hooper.

Cashirka 3-aad: in wax la keydsado

Bani'aadanka waxaa muhiim u ah inay lacagta keydsadaan, laakiin arrintaas dad badan waxaa ka heysata caqabad.

Hase yeeshee, Tukaha ayey aad ugu sahlan tahay inuu raashinkiisa keydsado, taasina uu ka dhigtay dabeecad.

Aqoonyahannadu waxay sheegayaan in dadku ay shimbirkan ka baran karaan arrintaas, si ay dhinaca dhaqaalaha uga dhismaan.

Haddii aad wax keydinta ka dhigto qeyb ka mid ah dabeecaddaada joogtada ah waxay kuu horseedeysaa horumar baaxad leh.

Rob Gardner, waa aqoonyahan wax ka dhiga cilmiga maaliyadda.

"Tukuhu wuxuu run ahaantii fahansan yahay faa'iidada ku jirta in keyd la sameysto, iyo waliba in keydkaaga uu dulsaar yeesho, sidaas awgeed marka ay raashin keydsadaan, oo ay ku qarsadaan cawska hoostiisa, waxay ogyihiin inay muddo ka dib cuntadaas u imaanayaan cayayaan, markaasna Tukuhu wuxuu helayaa raashin kale oo dheeraad ah, maadaama cayayaanka qudhiisa uu cuntadiisa ka mid yahay", ayuu yiri Mr Gardner.

Cashirka 4-aad: Qofkii wax muddo suga inuu helayo waxa ugu fiican

Waxay cilmi baareyaashu sheegeen in muddo dheer la aaminsanaa in sugitaanka waxa wanaagsan ee soo daaha uu dhif iyo naadir ku yahay bani'aadanka iyo xayawaannada, laakiin hadda la ogaaday in Tukaha uu si joogto ah ugu xisaabtamo faa'iidada soo daahda.

Waxay tukayaashu diidaan inay qaataan waxyaabo ay isla markaas heli karaa, iyagoo doonaya inay muddo ka dib helaan wixii oo intii h**e ka badan kana tayo fiican, gaar ahaan cuntada.

Mararka qaar haddii ay arkaan wax ay hal waqti cuni karaan, waxay ku aasaan dhulka, iyagoo markii ay muddo sugaan dib ugu laabta cuntadii oo dixiri badan ku dhashay, sidaasna ku badatay.

Haddaba cashiradan ayaa loo arkaa kuwo wax ka tari kara dhinaca horumarka bani'aadanka, markii dhanka kale loo rogo, iyadoo tusaale uun laga qaadanayo, waxaana jira sheekooyin kale oo ku saabsan shimbirka Tukaha.

Reff: dr.maxamed omer

Aamiin Guul

Ahmiyadda ay Leedahay In La Cabo Cabitaanka Kaarootada Iyo Sanjabiisha La Isku DarayQoraalkaan waxaan ku soo qaadanaynaa...
27/12/2021

Ahmiyadda ay Leedahay In La Cabo Cabitaanka Kaarootada Iyo Sanjabiisha La Isku Daray

Qoraalkaan waxaan ku soo qaadanaynaa faa’idooyinka caafimaadka ee laga helo cabitaanka kaarootada iyo sanjabiisha la isku daro iyo qaabka loo diyaariyo.

Sanjabiishu waxay ugu horreysaa geedo daaweedyada, waxaana laga isticmaalaa wadamo aad u badan. Kaarootadu waxay ka mid tahay cuntooyinka ay soomaalidu taqaanno, lagana helo dhulkooda, kaaarootadu waxay leedahay faa’idooyin badan oo aan ahayn kaliya in aragga ay wax u tarto.


Xoojinta difaaca jirka:
Isku-darka sanjabiisha iyo kaarootadu waxay kor u qaadaan awoodda difaaca jirka. Kaarootadu waxay ka mid tahay cuntada difaaca jirka sare u qaado waxaa laga helaa fiitamiinnada A iyo C oo muhiim u ah difaaca jirka. Sanjabiishu waxay kor u qaadaa difaaca jirka iyado firfircooni gelisa unuygyada difaaca jirka ka qayb qaato. Sanjabiishu waxay ka hortagaa bakteeriyada iyo fayrasyada sidaas awgeed wax weyn ayay hargabka ka tartaa.

Ka hortaggaa kansarka:
Daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in cabitaanka kaarooda iyo sanjabiishu uu ka hortago noocyo badan oo cudurka kansarka ka mid ah, khaas ahaan kansarka ku dhaca sambabada, malawadka iyo naasaha. Kaarootada waxaa ka buuxo maado la yiraahdo “Beta-carotene” maadadaan waxay yaraysaa halista kansarrada khaasatan kansarka sambabka, waxaa la arkay haddii qofka maadadaan uu ka qaato 2.7 milligram maalin kasta inay yaraynayso halista kansarka boqolkiiba 40% markii lagu tijaabiyay dadka sigaarka aad u cabo, cilmibaaris kale waxaa lagu arkay inay yarayso halista kansarka malawadka ku dhaco, taasi waxay na tusinaysaa in kaarootadu ay faa’ido ka hortag oo aad wayn in ay leedahay haddii la joogteeyo. Sanjabiisha Waxaa ku jira madooyin ka hortaga faafida unugyada kansarka, waxay si weyn hoos ugu dhigtaa halista cudurka kansarka.

Wanaajinta caafimaadka wadnaha:
Madooyinka sun-saarista ee ka buuxo kaarootada iyo sanjabiisha waxay kobciyaan caafimaadka wadnaha. Maadooyinka beta-carotene, alpha-carotene iyo lutein ee laga helo kaarootada waxay hoos u dhigaan halista cudurka wadne istaagga. Maadada gingerol ee ku jirta sanjabiisha waxay ka qeyb qaadataa dejinta dhiig karka waxayna siyaadisaa qulqulka dhiigga.

Murqo Xanuunka:
Sanjabiishu waxay dishaa caabuqa waxayna hoos u dhigtaa murqo xanuunka. Fiitamiin A-ga iyo maadada loo yaqaanno Beta-carotene ee ku jira kaarootada waxay wax ka taraan murqo xanuunka.

Caafimaadka maqaarka:
Cabitaanka kaarootada iyo sanjabiishu wuxuu aad ugu roon yahay caafimaadka maqaarka. Sida aan kor ku soo xusnay kaarootada waxaa laga helaa Beta-carotene kor u qaadaa caafimaadka maqaarka jirka. Sanjabiisha waxaa ku jira maadooyin sun-saarista oo ka hortaga calaamadaha duqnimada.

Maaraynta Sonkorowga:
Waxay dhakhaatiirtu ku taliyaan in la joogteeyo cabitaanka kaarootada iyo sanjbiisha sababtoo ah waxaa ka buuxo maadooyinka sun-saarista ee la dagaallama sonkorowga. Sanjabiishu waxay hoos u dhigtaa heerka sonkorta dhiigga waxayna siyaadisaa awoodda hormoonka insulin, dadka sonkorowga qabo gaar ahaan nooca 2-aad ayaa lagula taliyaa inay joogteeyaan sanjabiisha. Kaarootadu waxay kantarooshaa heerka sonkorta dhiigga waxayna ka hortagtaa howlgabka ama firfircooni yarida unugyada soo saaro insulin-ta.

Cabitaanka kaarootada iyo sanjabiisha wuxuu u fiicanyahay hooyada uurka leh, wuxuu siyaadiyaa arragga indhaha, waxa uu daawo u yahay lalabada iyo matagga, waxa uu kobciyaa caafimaadka cirridka.


Qaabka diyaarinta cabitaanka kaarootada iyo sanjabiisha:
Jar-jar kaarootada oo mayr, kadibna qallaji
Sanjabiisha diirka ka fiiq oo mayr.
Ku rid mashiinka cabiitaanka lagu shiido Kadibna isku shiid illaa uu ka noqonayo cabitaan jilicsan
Ku darso liin dhanaan islamarkaana cab maalin kasta.
Waxa idin lawadaagaya walalkiin dr maxamed cumar eddo



Advertisement


English Articles

Top 3 Reasons you Sho

5 cunto oo xoojiya awoodda ragga ee gogoshaCuntooyin isugu jira kuwo la kariyo iyo kuwo miro ah ayaa lagu qeexay inay wa...
09/11/2021

5 cunto oo xoojiya awoodda ragga ee gogosha

Cuntooyin isugu jira kuwo la kariyo iyo kuwo miro ah ayaa lagu qeexay inay wax badan ku taraan ragga xaasaka leh.
Qormadan iska indho tir haddii aad tahay iskaabulo, ama xaaskaaga aysan kula nooleyn, raashinkaaguna ha ahaado nid isku dheellitiran.
Si guud waxay khubarada ugu taliyaan in ragga doonaya xoojinta awooddooda ay sare u qaadaan vitamin b-1 jirkooda ku jira.
Waxaa maadadaas badanaa laga heli karaa noocyo ka mid ah digirta iyo lowska.

Haddaba, marka laga soo tago taas, kuwani waa shanta cunto ee u wanaagsan ragga aan kor kusoo xusnay.

1- Ukun
Seynisyahannada caafimaafka waxay xaqiijiyeen in ukunta ay ku jiraan fitamiinnada nooca B oo badan, ayna qofka ka caawiso isku dheelitirkooda.
Waxaa kale oo ay ukuntu yareysaa walwalka maslaxda oo qayb ka ah hoos u dhaca raganimada.
2- Basal iyo Toon
Labadan cunto uma fiicna afkaaga, oo neeftaada ayay ka dhigayaan mid shiireysa, laakiin wax tarka ay kuu leeyihiin waa cajiib.
Waad ku dadaali kartaa in adigoo isticmaalaya aysan kaasoo shiirin, balse waxay u baahan tahay howl badan.
3- Omega-3
Maaddadan waxay leedahay dufan ay u baahan yihiin hormoonnada ragga.
Waxaa laga heli karaa kalluunka, afakaadhada iyo saliid seytuunka.
4- Moos
Mooska waxa uu qani ku yahay maadada loo yaqaanno potassium, waxaana uu ragga ka caawin karaa inuu yareeyo cadaadiska dhiigga oo loo baahan yahay marka gogosha la joogo.
Ha dhayalsanin mooska, maxaa yeelay faa’iidooyinkiisa qaarkood ayaa sidaas u wanaagsan.
5- Basbaas
Dhammaan cuntooyinka basbaaska leh waxay wax ka taraan qulqulka dhiiggga iyo inay yareeyaan gubashada jirka gudihiisa ah.
Mararka qaar xitaa dadka gaaska qaba waxay aad u isticmaalaan basbaaska, si uu uga dajiyo.

Cuntooyinkan waxay aasaas u yihiin xoojinta awoodda ragga, kuwo kale oo badanna way jiraan,


Hadaba aan kudadaalno cunooyinkaas si ay wax utaraan dad aad ugu bahan cunooyinkan

Waxa idin lawadaagaya walalkin dr.maxamed cumar eddo

WACYIGELIN CAAFIMAAD  ( DAAWADA DEXAMETHADASONE) OO LOO YAQAN KINIINKA BARIISKA__________________________________Isticma...
31/10/2021

WACYIGELIN CAAFIMAAD ( DAAWADA DEXAMETHADASONE) OO LOO YAQAN KINIINKA BARIISKA
__________________________________

Isticmaalka ama cunista kaniiniyada loo isticmaalo xasaasiyadda iyo sanboorka ee loo yaqaano kaniini bariis ( Dexamethasone ) waxaa soo batay isticmaalka kaniinkaan oo bulshada qaarkeed si khaldan ugu isticmaalaan waxyaabahan soo socda:

1. Cayilka: dadka qaar dumarka ubadan ayaa kaniinkan u isticmaala inay isku cayiliyaan iyagoo ka faaiidaysanaya cilladihiisa caafimaad ( Side effects).

2. Hargabka: qaar ka mid ganacsatada daawooyinka ee farmasiyada jooga ayaa dadka kaniinkan siiya waqtiyada ay cabur ama hargab dareemayaan waana khalad weyn oo caafimaad darro ba'an keeni kara.

Daawadaan Dexamatheson waxay kamid tahay daawooyinka loo yaqaan (Steroid drugs ) ama daawinka difaaca jirka hoos udhiga( immune lowering agents ) waxayna leeyihiin isticmaal gaara oo xaddidan iyo shuruudo lagu qaato kana mid ma ahan daawooyinka la ogolyahay in warqad la,aan la iibin karo ama la iibsankaro( over the counter drugs) waayo waxay leedahay waxyeelooyin tiro beel ah haddii aan si sax ah ama qiyaas sax ah la isticmaalin ama cunin.

Dhibaatooyinka( Side effects ) kaniini bariiska( Dexamethasone)
_______________________________________
1. Dhiig kar ( Hypertension ) haddi uu qofka ku dhoco xanuunka loo yaqaan ( Cushing syndrome)
2. Sonkor ( steroid induced diabetes )
3. Cayil siyaado ah ( obesity) cayil aan jirka simayn oo qofku ka ciyilayo dhexda iyo tunka.
4. Isbaddal midabka ah sida caddaan ( depigmentation) qofka oo caddaan aan dabiici ahayn cadaada( waana sababta dad badan u cunaan kaniinka)
5. Xanuunno iyo howlgab ku dhaca qanjirrada jirka qaarkood. ( adrenal insufficiency ) Iyo cillado iyo jirrooyin kaloo badan.

Talo soo jeedin
_______________

1. Waxaan kula talinaynaa bulshada inaysan daawadaas isticmaalkeeda billaabin talo iyo ogolaansho xirfadle caafimaad la,anteed.
2. Waa in qofkii hadda isticmaala uu iska daayo isagoo la tashanaya dhakhtar si talo looga siiyo joojinteeda maadama haddi hal mar lawada joojiyo dhibaato keenayo.

Dr.Mohamud Aden Koor iyo walalkin dr maxed cumar faarax
Akademiyada barashada cilmiga caafimadka(Sudan)
kulliyadda barashada Daawada iyo Sunta.

Address

Dhinaca Ku Haysaa Sahan Mall
Bosaso
00252

Opening Hours

Monday 06:00 - 00:00
Tuesday 06:00 - 00:00
Wednesday 06:00 - 12:00
Thursday 06:00 - 12:00
Friday 06:00 - 12:00
Saturday 06:00 - 12:00
Sunday 06:00 - 12:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al ixsaan clinic pharmacy&laboratory center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram