31/12/2025
π *Gurmad CV β Adeeg loogu talagalay Ardayda Soomaaliyeed*
Gurmad CV waa adeeg cusub oo ay hirgelisay Gurmad Educational Hub, kaas oo loogu talagalay in uu fududeeyo sameynta CV iyo Cover Letter tayo leh oo luuqada Somaliga iyo English ku heli.
Muddo dheer waxaan ogaanay in arday badan oo nala soo xiriira ay la kulmaan caqabad ah inaysan haysan CV, ama aysan aqoon sida loo diyaariyo CV ku habboon:
β’ codsiyada shaqo
β’ deeqaha waxbarasho (scholarships)
β’ fiisooyinka iyo fursadaha kale
Arrintaas awgeed ayaan u abuurnay Gurmad CV, si ardaygu u helo meel fudud oo:
β’ uu ku dhisan karo CV si bilaash ah
β’ uu ugu soo dejisan karo PDF nadiif ah
β’ uu uga heli karo Cover Letter uu AI ka caawinayo qoristiisa
β’ uu u isticmaali karo mobile ama laptop si isku mid ah
Gurmad CV waxa uu adeegsadaa qaabab CV oo heer Yurub ah, kuwaas oo ka caawinaya ardayga in CV-giisu noqdo mid la aqbali karo, cad, kana tarjumaaya awooddiisa iyo waayo-aragnimadiisa.
Ujeeddadeennu waa in aan yarayno caqabadaha ka hor istaaga ardayda fursadaha, isla markaana aan siinno qalab casri ah oo ay si fudud u isticmaali karaan.
Booqo link oo iska diwaan geli si free ahππΌππΌππΌππΌππΌππΌππΌππΌππΌ
Gurmad CV Builder
https://gurmad-cv.youware.app
Gurmad CV
by Gurmad Educational Hub
Gurmad CV Builder
https://gurmad-cv.youware.app
Create European-style CVs and cover letters for jobs, scholarships, and visas. Free to start.