Mubaarik Habeeb

Mubaarik Habeeb وَمَنْ أَحْسَنُ قَوْلا مِمَّنْ دَعَا إِلَى اللَّهِ ...

Sonkor badan waxay kordhin kartaa halista dhagaxaanta kilyaha ilaa 40%Cilmi-baaris ballaadhan oo ka dhacday Maraykanka a...
16/09/2025

Sonkor badan waxay kordhin kartaa halista dhagaxaanta kilyaha ilaa 40%

Cilmi-baaris ballaadhan oo ka dhacday Maraykanka ayaa lagu ogaaday in cunista sonkorta badan ee lagu daro kuwa ku qarsoon cabitaannada fudud, nacnaca, macmacaanka iyo cuntada la warshadeeyay ay si weyn u kordhiso halista dhagaxaanta kilyaha.

Markii la falanqeeyay xog ka timid in ka badan 28,000 oo qof oo ka qaybgalay daraasadda National Health and Nutrition Examination Survey (NHANES), cilmi baadhayaashu waxay ogaadeen in dadka cunay sonkorta ugu badan ay ahaayeen 39% kuwo u nugul halista dhagaxaanta kilyaha marka loo eego kuwa ugu yar ee qaata sonkorta.

Waxa yaab leh, dadka 25% kalooriyadooda ay ku jirto sonkor, waxay leeyihiinn 88% khatar dheeraad ah.
Dhagaxaanta kilyaha waxay saameeyeen ilaa 15% dadka Waqooyiga Ameerika, waxayna keeni karaan xanuun daran, matag, qandho, iyo xitaa dhaawac joogto ah oo kilyaha ah. Inkasta oo fuuqbaxa, cayilka, iyo cuduro gaar ah h**e loo yaqaanay inay yihiin halis, tani waa daraasaddii ugu horreysay ee ballaadhan oo si toos ah u muujisa xiriirka ka dhexeeya sonkorta la cuno iyo dhagaxaanta kilyaha.

Cilmi-baadhayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen in loo baahan yahay daraasado dheeraad ah si loo fahmo sida saxda ah ee sonkorta u saameyso samaysanka dhagaxaanta kalyaha, balse dhimista isticmaalka sonkorta waa tallaabo wax ku ool ah oo ka hortag ah. Waxa kamida tallaabooyinka lagu yarayn karo:
Yaraynta cabitaannada macaan iyo cuntada la warshadeeyay, kuwa la kariyo sida bariis iyo baasto, sharaabka la shiido, iyo waxyabaha sonkortu ku badan tahayba.
kuwani waxay ilaalin karaan kilyaha isla markaana guud ahaan caafimaadkana way u fiicnaan kartaa.

📖 Xigasho: Yin, S., Yang, Z., Zhu, P., Du, Z., Yu, X., Tang, T., & Borné, Y. (2023). Association between added sugars and kidney stones in U.S. adults: data from National Health and Nutrition Examination Survey 2007–2018. Frontiers in Nutrition, Aug. 4, 2023.

Aynu ka nasano khilaafka culimadaCaawa salaadii cishe waxan ku tukaday masjid jamaca burco, waxanan arkay ficil aad u wa...
23/08/2025

Aynu ka nasano khilaafka culimada

Caawa salaadii cishe waxan ku tukaday masjid jamaca burco, waxanan arkay ficil aad u wanaagsan oo ku tusinaysa hadii bulshadu is dirto in wax walbaa hagaagayaan.

Will dhalinyaro ah aya waxa uu galayey masjidka, dabcan waan arkayey oo wuxu xidhnaa kabo buudh ah, kadib kabihii ayuu bixiyey oo sharabaadkii ayaanu bixin, waxa masjidka isna galayey will kale oo dhalinyaro ah oo aan ahayn maamulka masaajidka balse ahaa qof is diray, wuxu ku yidhi " walal masaajidka dhawaan aya rooga la dhigay, shiikhuna wuxu yidhi sharabaadka hala soo gelina ee bixiya ee markaa wll iska bixi ".

Wiilkii kale isaga oo aan cadhoon wax kalena odhan ayuu ugu jawaabay " hye hye wll", dabadeed wuxu u raaciyey dadkan tukanaya bal eeg qaar badan aya sitee.

kadib wiilkii wuxu ugu jawaabay," waxa laga yaabaa inaanay ogayn lkn qofka aad aragtaba si gaara ugu sheeg, nadaafada masaajidka waa ina wada saaran tahay dhammmanteene", wiilkii wuxu ugu jawabay "hye wayahay."

FARIIN

Fariintan waxan uga faaidaysanayaa waxa jira in ay xaqiiqo tahay waxa masaajidada baabiiya gogoshooda ay yihiin sharabaadka nadiif iyo nadiif la'aanba oo aanay bulshadu magaalda burco uba arkayn wax wayn balse, waxaad ogaata hal qof oo ku sujuuda halkaad sharabaadka la soo martay oo karaahiyo, makruuh iyo salaadiisii oo bilaa khushuuc noqotaa aad adigu masuul ka noqonaysid, dunuubna aad shaqaysan kartid adoon ogayn.

MAXA INALA GUDBOON
Fadlan qof walaw daaci noqo oo walalkaga kugu xiga gaadhsii in sharabaadku dhib ku yahay salaada, qofka iyo weliba nadaafada masaajidka.

Fadlan, gaadhsiiya bulshadeena reer burco ee aan ku baraarugsanayn dhibka sharaabadka xiliga salaada

Mahadsanid.

madaxwayne,qiimihii gobolka Togdheer ayaad garatay oo EEBBE ku waafajiyey👏👏👏MASHAARIICDA LA DHAGAX DHIGAY :1) Hospital C...
21/08/2025

madaxwayne,qiimihii gobolka Togdheer ayaad garatay oo EEBBE ku waafajiyey👏👏👏

MASHAARIICDA LA DHAGAX DHIGAY :

1) Hospital Cusub, oo noqonaya referral hospital, kaas oo noqonaya hospital ka somaliland ugu wayn.

2) halkii Somaliland lagaga dhawaqay oo burco National Musiam laga dhisayo.

3) Alamzey stadium oo ilaa 60kii aan dib habayn mooyee waxba lagu kordhin, ayaa la casriyeyn doonaa.

4) Biyo balaadhinta magalada burco oo la dhagax dhigay.

5) Zone ka warshadaha oo la dhagax dhigay.

6) Ku dhawaaqista jebinta laydhka oo laga dhigay 0.59 oo marki h**e ahaa 0.73.

Adeegyadii bulshada oo burco la keenay sida:

Samayanta Passport ka ,National ID , Certificate ka Waxbarashada dugsiyada.

BALANQAADYADII

1.) Mashruuca wadada isku xidha Burao-Odweyne-Hargiesa.

2.) Dhisidda Mashruuca madaarka madaadka caalamiga ee Burao international airport.

N.B
Waxa iigu farxad badnayd markuu madaxweynuhu yidhi waan fulinaya balanqaadya oo waanu dhisaynaa mashaaariicda aanu dhagax dhignay.

Mudane MadaxweyneHE DR. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cabdiraxmaan CirroKusoo Dhowoow Gobolka Togdheer.
18/08/2025

Mudane Madaxweyne
HE DR. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cabdiraxmaan Cirro
Kusoo Dhowoow Gobolka Togdheer.

Waxan halkan uga hambaleynayaa dhamman ardaydii soo dedaashay ee ku baastay imtixaanadii ay galeen.Dedaala oo sii wada d...
17/08/2025

Waxan halkan uga hambaleynayaa dhamman ardaydii soo dedaashay ee ku baastay imtixaanadii ay galeen.

Dedaala oo sii wada dedaalkiina insha alh.

Hambalyo meher wacan mudane Xirsi Nuur Ahmed iyo marwadiisa Hodan Mohamed jamac oo maanta meherkiisu ka qabsoomay magala...
15/08/2025

Hambalyo meher wacan mudane Xirsi Nuur Ahmed iyo marwadiisa Hodan Mohamed jamac oo maanta meherkiisu ka qabsoomay magalada burco gaar ahaan hotel hamdi.

Waxan leyahay barakalahu laka wabaaraka calayka wajamaca baynakumaa fii khayr.

11/08/2025
10/08/2025

President Trump acknowledges ’s bid for recognition, signals ongoing discussions

In a surprising development during a press conference with leaders from Azerbaijan and Armenia, U.S. President Donald Trump addressed the long-standing issue of Somaliland’s quest for international recognition.

When questioned about Somaliland’s proposal, Trump responded, “Good question, we are looking into it right now,” indicating that the U.S. is actively considering the matter.

Somaliland, since reclaiming its independence from Somalia in 1991, has been seeking formal recognition from the international community, despite its relative stability and democratic governance compared to Somalia.

Somaliland’s President Abdirahman Mohamed Abdullahi has expressed optimism, stating at the 2025 World Government Summit that recognition is “on the horizon,” with the U.S. likely to lead.

His planned U.S. visit this year 2025 and recent meetings with U.S. military officials, including the top Horn of Africa officer, underscore ongoing engagement.

The nation’s strategic location near the Red Sea and its offers of military cooperation and access to critical minerals have recently intensified its lobbying efforts, particularly towards the Trump administration.

https://horntribune.com/2025/08/08/president-trump-acknowledges-somalilands-bid-for-recognition-signals-ongoing-discussions/

Garyaqan guuleed waad ku mahadsan tahay dareenkaas bulsho.Xildhibaanada labada gole ee mid walbaa u xaadiro $2000 waxa k...
09/08/2025

Garyaqan guuleed waad ku mahadsan tahay dareenkaas bulsho.

Xildhibaanada labada gole ee mid walbaa u xaadiro $2000 waxa ka badan, waxay awoodi kari waayeen in bulshadooda ay la dareen noqdaan.

Tani waxay cadayn u tahay, qofka la dooranayo in la iska eego intaan la dooran,

Reeraha soo xulaya xildhibanada u tartamaya golaha wakiilada waxaanu ka codsanaynaaa in qof dadkooda la dareen ah inay zoo xulaan.

Mahadsanid mudane madaxwayne.
09/08/2025

Mahadsanid mudane madaxwayne.

Anniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan ummaddayda ku wargelinayaa in Xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta ee dalka ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, go’aankan oo ay shirkaduhu h**e ugu dhawaaqeen.

Qiimaha adeegyadu waxa ay ahaan doonaan sidii h**e, ilaa amar dambe, iyada oo Xukuumaddu si degdeg ah wada-hadallo arrintan la xidhiidha ula yeelan doonto shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

09/08/2025

Wax walba waxa nagaga daran unlimited kii ku hadalka oo Limited laga dhigay
Tusaale:
Telesom ta 7$ waxa lagu hadli jiray 30 maalmood oo aan xadidnayn, hadana waxa laga dhigay 1000 minutes oo xadidan.
Somtel 3$ waxa lagu hadli jiray 30 maalmood oo xadidnayn, hadana waxaa laga dhigay 350 minutes oo xadidan.

Si walba way u jabeen bulshadani, ilahay ha u gargaaro umaddan.

starlink internetRa'yi ahaan, waxaan qabaa markuu nin la dhaho Elon musk keenay internat kiisa xawaaraha sare leh ee   a...
08/08/2025

starlink internet

Ra'yi ahaan, waxaan qabaa markuu nin la dhaho Elon musk keenay internat kiisa xawaaraha sare leh ee ay ka cabsanayan in suuqa iyo hawadaba laga saaro.

Telesom, somtel iyo soltelco ba, waxay qaadeen tallaabo aad u xun oo aan lahayn dareen bulsho iyo mid dadnimo labadaba

Address

October
Burao

Telephone

+252634373325

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mubaarik Habeeb posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Mubaarik Habeeb:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category