Dr Asma Cabdiraxmaan

Dr Asma Cabdiraxmaan waxaad kala socon kartaa boggan aqoon ku saabsan cilmiga caafimaadka iyo casharada kale ee nolosha.

Siyaasigii gubay Quraanka si uun maalmo loo hadal haayo hadda waxaa uu leeyahay ''Hort k**a shalaynaayo in aan Kitaabka ...
30/01/2023

Siyaasigii gubay Quraanka si uun maalmo loo hadal haayo hadda waxaa uu leeyahay ''Hort k**a shalaynaayo in aan Kitaabka Quraanka dab qabad siiyey, Laakiin siddii aan wax u qorsheeyey si ka duwan ayey wax u dhaceen. Aad ayaan u cabsanayaa hadda 20-kii daqiiqaba message-yo argagax leh oo hanjabaad ah ayaa iisoo dhacaayo, Dadkani ma aha dad kaftamaayo, Xaqiiqdii waan ka baqayaa in ay i dilaan''.,

29/01/2023

Alle haka raaali ahaade maxuu dhaxal inooga tagayaa

Send a message to learn more

28/10/2022

Fariin caafimaad

Qiso dareen xambaarsan🥲W/Q jaamic xasan yuusufNin ayaa yidhi: "xaaskayga ayaa maalin igu tidhi: Maxaad maalin uu firaaqo...
09/09/2022

Qiso dareen xambaarsan🥲

W/Q jaamic xasan yuusuf

Nin ayaa yidhi: "xaaskayga ayaa maalin igu tidhi: Maxaad maalin uu firaaqo u heli wayday oo aad mar walba ugu mashquulsan tahay shaqada iyo hawlahan aad hayso, oo aad hooyadaa wakhti ula soo qaadan wayday si aad u illawsiisid kelinimada oo u dareensiin wayday jacayl iyo inaad danaynayso iyada iyo la jooggeeda, waayo hooyadaa waxa ay keli tahay muddo 19 sano ah markii aabbahaa dhintay kaddib? Waxan ogahay in aad hooyadaa aad u jeceshahay iyaduna sidoo kale ay aad kuu jeceshahay kuuna hilawdo"...

Iyada oo xaaskaygu hadalka ii wada ayaa waxa soo dhacay telefoonkaygii waa hooyaday oo ila soo xidhiidhay waan ka qabtay waxaan ku idhi " hooyo caawa cashada ayeynu isu raacaynaa!" Hooyo waxay igu tidhi: hooyo wiilkaygiyoow ma fiican tahay?" " Haa.. hooyo waan wanaagsanahaye, waxan doonayaa caawa in aynu suuqa u wada baxno oo aynu meelahaa kusoo cawaynno" ayaan ugu jawaabay. Cod farxadi ka muuqato ayey igu tidhi: ma labadeenna oo qudha hooyo!? Haa baan ku idhi, waxay igu tidhi hooyo " Alla! Hooyo imisa ayaan sugayey hadalkan iyo maalintan ❤ "

Makhribkii ayaan ku tukaday masjid udhoow guriga hooyo, waxana aan u tegey hooyo oo guriga hor taagan oo gashan dhar aad u qurxoon oo aan u maleeyey inay yihiin kuwii ugu danbeeyey ee aabbahay u iibiyo intii aanu dhiman... hooyaday waxa ay u dhoollacadaynaysay sidii Janno loogu bushaareeyey, waxa ay igu tidhi, " dhammaan dadkii oodhan waxanan u sheegay in wiilkaygii aanu israaci doonno caawa"

Waxa aanu tagnay maqaaxi cunto ( restaurant) aad u qurux badan oo meel deggan ku yaalla. Markii aanu fadhiisannay waxa aan bilaabay in aan akhriyo buuggii cuntooyinku ku yaalleen ( Menu) , waayo hooyaday ma akhriyi karto farta (qoraalka) aadka u yaryar, markii aan akhriyayey hooyaday iyada mabsuudsan ayey isoo eegaysay... akhriskii ayey iga dhex gashay waxayna tidhi: hooyo sidan oo kale ayaa aan kuugu akhriyi jiray markii aad yarayd." Aad baan u qiirooday waanan u maraaqooday, iyada oo ilmo indhahayga ku taagan tahay ayaan idhi Alla hooyooy! goorma ayaan gudi doonaa wax ka mid ah daynkaagii!!

Sidii marba aniga iyo hooyaday aanu sheekeeyin h**e iyo kuwo hadda ah ba isugu dhiibdhiibaynay ayaanu wakhtigiiba illawnay ilaa ay noqotay dhexe. Markii aanu noqonnay ee aanu gaadhnay albaabkii guriga hooyo, ayey igu tidhi: " Hooyo waxan rajaynayaa in aan mar dambe sidan oo kale u wada baxno laakiin waa in aan anigu qarashka bixiyo" gacanteeda ayaan sii dhunkaday waxanna ku idhi Nabadgelyo hooyo.

Maalmo yar kaddib hooyaday waa ay dhimatay wadnaha ayaana istaagay; si degdeg bay u go'day anna waxba uma qaban karayn.
Muddo kaddib ayaan tegey maqaaxidii aanu wada fadhinay aniga iyo hooyaday habeenkii... waxana nin meheradda ka shaqaynayey iikeenay waraaq ay hooyo gacanteeda ku qortay oo dhahaysay: " Wiilkaygiiyoow waan sii qaddimay lacagta cashada laba wakhti waayo anigu ma joogo halkan waxaanan usheegay mar aynaan wada socon inaad ku cawaysaan, waxana cashadooda sii bixiyey adiga iyo xaaskaaga maxaa yeelay habeenkii waxa uu ahaa habeenkii iigu quruxda badnaa intii aan noolaa, waan ku jecelahay WIILKAYGIYOOW!"

Maalin maalmaha ka mid ah way guurayaan waalidkeen Ilaahay amarkii ayeyna ku geeriyoon doonaan innagu ma joojin karno. Haddii ay geeriyoodaanna Ilaahay usoo duceeya inta aad ka danbaysaan, cidday jeclaayeenna xidhiidhiya, Ilaahayna denbidhaaf iyo naxariis u weydiiya. Ilaahay korreeye waxa uu yidhi:

•{وَٱخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ ٱلذُّلِّ مِنَ ٱلرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ٱرْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِى صَغِيرًا}•

Waad ku mahadsan tahay akhriskaaga, sii faafi si saaxiibadaada kale u akhriyan

Nin ayaa waxa uu guursaday gabadh ay isku qoys kasoo jeedaan  oo qaraabo ahaayeen, reerka ay ka dhasheenna waxa uu leeya...
06/09/2022

Nin ayaa waxa uu guursaday gabadh ay isku qoys kasoo jeedaan oo qaraabo ahaayeen, reerka ay ka dhasheenna waxa uu leeyahay xanuun hidde ah (heredity disease), waana in qofka maqalkiisu daciifo mar kasta da'diisu sii weynaato.
Sannado badan markii ay wada joogeen ayaa ninkii waxa uu uga shakiyey in xaaskiisu gaadhay marxaladdii oo maqalkeedii cuslaaday. Si uu u hubiyo waxa uu u tegey dhakhtarkoodii isna waxa uu sheegay in sida ugu dhoow ee uu ku hubin karaa ay tahay; inuu cod dhexdhexaad ah kula hadlo marka uu u jiro 50 feet meelahaa haddii aanay uga jawaabinna, hadana uu isla hadalkii ku celiyo marka uu u jiro 40 feet hadaanay uga jawaabin, hadana isla hadalkii ku celiyo marka uu u jiro 30...... oo uu sidaas ku wado ilaa uu u dhawaanayo ilaa 10 feet u jirsanayo, haddii ay uga jawaabi waydo taasi waxa ay caddayn u tahay in shakigiisu run yahay, oo xaaskiisu dhegihii cuslaadeen.

Odaygii gurigii buu ku laabtay xaaskiisuna waxa ay Kijada ku diyaarinaysay qadadii, markii uu u jiray ilaa 12 tallaabo ee uu guriga soo gelayey ayaa uu ku yidhi, " Ee Faadumo maxaad karinaysay maanta!?" Ugamay jawaabin!
Hadana waa uu usii dhawaaday ilaa 8 tallaabo, isla su'aashii ayaanu weydiiyey ugamay jawaabin!
Waxa uu u jirsaday 6 tallaabo suaashii lafteedii ayaa ku celiyey, ugamay jawaabin!
Mar afraad waa uu usii dhawaaday ilaa 4 tallaabo, isla su'aashii ayaa uu weydiiyey, ugamay jawaabin!
Markii shanaad ayaa uu dhabarkeeda soo istaagay, waxana uu ku yidhi; " eyaahe maxaad iigu jawaabi wayday, waxan ku idhi maanta maxaad karinaysaa!?"
Inta ay kusoo jeesatay ayey ku tidhi: " waa markii shanaad ee aan ku leeyahay waxa aan karinayaa digaag shiilan iyo Makarooni!".
Odaygii: 🤭

Dulucda sheekadan aynu ka baran karnaa waa:

In aanu qofku mar walba u malayn in uu isagu saxsan yahay, dadka qaarkood dhibta haysata ayaa ah ah inay illaawaan ceebahooda iyo khaladaadkooda oo ay arkaan isla markaana tiriyaan khaladaadka iyo ceebaha dadka kale. Naftaada ka biloow inta aanad eedayn dadka kale ama aanad raadin ceebtooda.

Haddii aad ogaato ceebtaada k**a werweri/welweli doontid ceebaha dadka kale leeyihiin.

La wadaag saaxibadaada kale si ay u akhriyaan iyana, mahadsanid.

W/Q jaamic xasan yuusuf

21/06/2022

Magaalo ka mid ah magaalooyinka Carbeed ayaa waxa ku noolaa wiil agoon ahaa oo hooyadii ay ahayd cidda keliya ee adduunka u joogta, inkasta oo ay hooyadii markan ahayd islaan waayeel ah, waxa ay korintiisii lasoo martay nolol rafaad badan. Waxa ay ku dartay waxbarasho diini iyo maaddiba leh, markii uu Jaamacaddii dhammeeyey waxa uu ku shaqeeyey cilmigii uu bartay.

Dabadeed muddo kaddib ayaa waxa uu doonay inuu guursado, waxa ay hooyadii kula talisay inuu guursado gabadh dhaqan wanaagsan iyo diin leh, isagana mar walba xasuusisa cabsida Ilaahay, xagga Jannada u kaxaysa.

Laakiin wiilka waxa qalbigiisa ku xidhnayd gabadh ay Jaamacadda isku fasal ahaayeen oo ahayd gabadh qurxoon oo ka dhalatay qoys maalqabeen ah, laakiin ma lahayn astaamihii ay hooyadii u tilmaantay, waxana uu naftiisa ku yidhi, " waad beddeli doontaa marka aad guursato cibaaddada Ilaahayna waad ku xidhi doontaa".

Wiilkii waa uu doonay gabadhii, markii ugu horraysayna waxa ay kasoo horjeesatay in hooyada wiilka dhashay ay guri kula noolaato labadooda laakiin ehelka gabadha ayaa ku qanciyey in wiilku hooyadii ugu jiro boos muhiim ah, isaga la'aantii aanay ka maarmi karin islaantuna maadaama ay waayeel tahay ay dhiman doonto laba ama saddex sano kaddib.

Arrintii waa ay ku waafaqtay inantii qoyska, markii ay dhammaatay bishii kowaad (bishii malabka) kaddib aqal-galkoodii markii koowaad ayaa waxa ay qoysku ku kulmeen hal miis cashadii. Inyar kaddib ayaa inantii miskii ka kacday, waxana ay degdeg u gashay qolkeedii iyada oo cadho ka muuqato.

Kaddib markii uu hooyadii cashadii la dhameeyey ayaa uu ka daba tegey xaaskiisii si uu u ogaado sababta keentay inay miiska ka kacdo.
Markii uu u tegey waxa ay u sheegtay in hooyadii gacmaheedu ay wasakh yihiin isla markaana ay ka wiswistay in ay cuntada meel kula cunto, isla markaana waxa ay usoo jeedisay inuu hooyadii meel gaar ah ugu rido oo aanay maalin dambe meel kula wadaagayn cuntada.

Waxanu inankii si deggan xaaskiisii ugu sheegay inay hooyadii hadda tahay waayeel isla markaana u baahan tahay daryeel iyo inuu ilaaliyo. Gabadhii waxa ay u usheegtay haddii ay daryeel u baahan tahay inuu geeyo meelaha lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah haddii aanu sidaa samaynna ay iyadu tegi doonto, gurigii ehelkeeda aadi doonto.

Ninkii ayaa yidhi isaga oo dhoola-caddaynaya, " waa fikrad fiican, laakiin aabbahaa ayaa isoo wacay markii aan hooyaday wax la cunayey, wuxuuna rabaa inaan dhamaanteen guriga ugu nimaadno, ee waayo?" Xaaskii ayaa tidhi markii aan miiska ka kacay ayaan la hadlay, berrina waad ogaan doontaa sababta, laakiin hadda waan seexanayaaye...BYE.

Ninkii ayaa kusoo noqday hooyadii, waxayna ku tidhi, "maxaa jira wiilkaygiiyoow? Miyey xaaskaagu xanuunsanaysaa sababtaa awgeed ayeyna cuntada uga kacday.... haddii ay xanuunsanayso ugu yeedh dhakhtar, xaaraan weeye inay hurdo I qabato iyadoo xaaskaagu gaajoonayso isla markaana xanuunsanayso" Ninkii ayaa yidhi, is deji hooyo, way nasanaysaa xanuun sidaas u weyni ma jiro, cabbaar kaddibna way iska cuntayn doontaa. Berrina waxa aynu dhammaanteen tegi doonnaa meel ay isku soo beddeli doonto, waxa aan kaa rajynayaa inaad iga yeesho inaan isku raacno" hooyadii waa ay ka yeeshay waxana ay ku boorisay in uu sameeyo wixii Alle ka raalli yahay.

Maalintii xigtay waxa u tageen inanta reerkoodii, waxana lasoo diyaariyey xeedhooyinkii (sixniyadii) cuntada.
Dabadeed soddogii ayaa kaxaystay inankii uu c soddogga u ahaa, wuxuuna u sheegay in inantiisu ay ka murugaysan tahay joogitaanka hooyadiis oo ay la joogto, ayna xaq u leedahay inay la noolaato guri aanay hoyadii la degganayn. Waxana uu ugu hanjabay haddii aanu dalabkeeda u fulin in aanay raaci doonin, wiilkii waa uu dhoolla-caddeeyey markii uu miiskii kusoo noqdayna waxa uu arkay hooyadii oo aan miiskii cuntada joogin, markii uu weydiiyeyna waxa loo sheegay in ay kijada kula cuntaynayso adeegayaashii guriga.

Wiilkii waxa uu arkay qoyskii kale oo dhammaantood miiska fadhiya, waxana uu si cadho leh u yidhi, " ma awoodo inaan wax la cunno gacmihiinnan wasakhda leh sida qalibyadiina oo kale... iigu yeedha hooyaday si aan u raaco, hooyaday oo ah sababta aan u noolahay korintaydiina kasoo martay rafaad badan, suuragalna maaha inaan ka doorto qoys isla weyn oo aan igu ixtiraamayn samafalkeeda iyo xidhiidhinta hooyaday...

Intaa kaddib waxa uu u yeedhay hooyadii gacanta ayaanu qabsaday, iyada oo aan waxba ogayn. Inta uu reerkii soo eegay ayaa uu ku yidhi, " Inantiinnu Jannaddii iyo Adduunkiiba ka dhigta aniga hooyaday ayaa labadaba ii ah, weliba muddo bil ah ayaan idin siinayaa oo inantiinnu xaaskayga ahaanaysaa, haddii aad doonaysaan inaad gabadhiinu gurigeeda joogtana aniga iyo iyaduba waxaanu adeegayaal u ahanaynaa hooyaday, haddiise ay diiddo waraaqdeedii waa iga diyaar..." waanay baxeen.

Ilaahay waxa uu yidhi:

قال تعالى:وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا ۚ إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِندَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَا أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوْلًا كَرِيمًا (23) سورة الإسراء

W/T: Jaamic Xasan Yuusuf

11/06/2022

Ma aaminsan tahay wax la dhaho " Camalkayga ha raacine, cilmigayga raac" ?

Inta badan, marka aad aragto dad ereyo fiican kuu sheegi oo samaynaya dhaqanno aan wanaagsanayn, waxa uu kuugu jawaabayaa odhaahdaa aan xagga sare kusoo sheegay.

Haddaba sidee ayey suuragal u tahay in qof kaa cilmi hooseeyaa uu weedhaas kaa rumaysto? Ma se og tahay in hadalka iyo dhaqanka uu dhaqanku saamayn badan yahay?

Haddii aad leedahay ilmo yar oo mar walba kaa arka dhaqanno aan wanaagsanayn sida inaanad tukanayn ama aad balwad xun leedahay sidee ayuu dareemayaa markaad ku wacdido wax aanad adba samaynayn. Ilmuhu waxa uu mar walba qaadanayaa dhaqanka ee qaadan maayo, waano aan meel haysan.

Noloshaada oodhanna weligaa wax aad adigu samayso qofna haka wacdiyin haddaanad naftaada ku darin.

Waxa la yidhi beri baa oday damcay inuu wiilkiisa ka wacdiyo Sigaarka oo uu ugu yimi isaga oo qiijinaya, odayguna Sigaarka aad ayuu u cabbi jiray, dabadeed isaga oo inankii ku waaninaya inuu iska tuuro iskana daayo balwaddaas ayaa xaraaraddii Sigaarku qabatay markii uu kusoo uray, dabadeed waxa uu yidhi, " waar aabboow bahalkaa iska daa oo yaanan ku arkin..... intaana iidhiiboo!!" 😲
waxa uu doonayey inuu sigaarka in u reebo wuuna ka waaninayey!!? 😃😃😃

Ka warran wiilkaasi wax maka qaadanayaa aabbaha?

Saddex qof oo iyaga oo aan juuq odhan guulaystay dunidana caan ka noqday!!.1. Rowan Atkinson, oo loo yaqaan Mr. Bean, ma...
08/06/2022

Saddex qof oo iyaga oo aan juuq odhan guulaystay dunidana caan ka noqday!!.

1. Rowan Atkinson, oo loo yaqaan Mr. Bean, markiisii h**e waxa uu ahaa Injineer bartay cilmiga korontada, Shahaadada master ta ayuuna ka sitaaa cilmigaas. Muddo badan ayaa uu dadka ka qoslinayey isaga oo aan Kelmad odhan, waxa uu ka mid yahay tobanka jilaa ee loogu jecel yahay dunida.

2. Charlie Chaplin, isagu yaraantiisii waxa uu soo maray nolol rafaad badan. Qoyskiisu waxa uu ka mid ahaa foqorada magaalada London deggan, hooyadii oo qudha ayaa nolosha reerka la tacaalaysay kaddib markii ay Chaplin aabbihii kala tageen. Markii da'diisu ahayd 9 sano, waxa uu laba jeer kasoo shaqeeyey shaqo guryo nadiifin ah, muddo kadib hooyadii waxa ay ku xeraysay meelaha lagu hayo dadka dhimirka qaba, ilaa markii danbe uu ka baxay. Ugu danbayn waxa qaadatay shirkad Maraykan ah oo filimada samaysa, halkaas buuna kusoo caan baxay.

3. Khabane Khabe Lame, waa wiil u dhashay dalka Senegal kuna sugan dalka Talyaaniga, laba sano ka hor waxa uu ahaa shaqaale warshad soo saarta mishiinno kala duwan, sannadkii 2020 ayaa uu shaqadii kadib kadib markii xannibaadda cudurka Karoonuhu dhacday. Waxa uu bog ka samaystay aaladda Tiktok, imikana waa qofka labaad ee ugu Follow-da badan aaladdaas, waxa keliya ka sarraysa gabadha la dhaho Charli D'amelio. Khabe waxa uu sameeyaa muqaallo gaagaaban oo uu aamusan yahay kuwaas oo kaga falcelinayo muqaallo dad h**e sameyeen, waxana uu sameeyaa marka uu dhammeeyo ishaaro uu gacmaha ka samaynayo oo uu ku caan baxay.

Guushu kuma xidhnaan karto keliya shaqo, shahaado iyo maskax-badnaan keliya waxa muhim ah inay jirto waddo kasta oo aad ku gaadhi karto himilada aad doonayso.

W/Q: Jaamic Xasan Yuusuf

Fayruska Africka ka qarxay wax ka ogow monkeypox ( furuq daayeerka). Monkeypox (Furuqa daanyeeradda) waa cudur uu keeno ...
23/05/2022

Fayruska Africka ka qarxay wax ka ogow monkeypox ( furuq daayeerka).

Monkeypox (Furuqa daanyeeradda) waa cudur uu keeno il ma'araga virus ka, oo qayb ka ah Orthopoxvirus genus, qoys ahaanna raacsan famil ka Poxviridae.

Monkeypox Waa Cudur fayruus ah oo ku dhaca xayawaaanka una gudba Bani aadamka (zoonotic disease) badanaana lagu arko kaymaha Africada Dhexe iyo Africada galbeed.

Monkeypox calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah
●Qandho
●nabaro afka biyo iyo malax ku wata
●qanjiro barar (fever, rash and swollen lymph nodes).

Monkeypox badanaa waa cudur si iskiis ah looga bogsado muddo 2 ilaa 4 asbuuc gudahood ah (self-limited disease with the symptoms lasting from 2 to 4 weeks).

Xaaladdo aad u daran ayaa dhici kara mararka Qaarkood oo dhimasho keeni kara (Severe complicated cases can occur).

Monkeypox wuxuu ku gudbaa taabashada qof ama xawaan qaba cudurkaas.

Calaamadaha lagu garto cudurkaan waxay u egyihiin calaamadaha cudurka furuqa oo dunida hada ka hor laga daba jaray iyadoo la isticmaalay Talaal xaaladii ugu danbaysayna cudurka furuqa dunida oo idil waxaa lagu arkay somalia gaar ahaan jubadda hoose.

Monkeypox waa ka faafid yaryahay, waana ka dhimasho yaryahay marka loo eego cudurka furuqa ( smallpox).

Monkeypox Waxaa looga hortagaa Talaalkii cudurka furuqa lagu daba jaray, kuwa cusubna hada ayaa loo helay. Sidoo kale waxaa dhawaan la helay dawooyin lagula tacaalo xaaladaha cudurkaa uu soo rito.
Dr zarqaawi

Eid mubaarik umadda islamka ah meelkastad joogtan farxadku ciida ayn idin leeyay🥰Acmaashii khayrka lahaydna rabi waxaynu...
02/05/2022

Eid mubaarik umadda islamka ah meelkastad joogtan farxadku ciida ayn idin leeyay🥰

Acmaashii khayrka lahaydna rabi waxaynu waydiisanynaa inuu inaga aqabalo🤲

27/04/2022
10/04/2022
Subxaanallaah, waa dhul Carbeed oo dadkiisu ay “soomayaan” 3 saacadood oo qudha bisha Ramadaan, “Wekan” waa tuulo yar oo...
04/04/2022

Subxaanallaah, waa dhul Carbeed oo dadkiisu ay “soomayaan” 3 saacadood oo qudha bisha Ramadaan, “Wekan” waa tuulo yar oo buuraley ah oo ku taal Saldanada Cumaan 🇴🇲 joog sare oo dhan 2000 mitir ka sarraysa heerka badda, qorraxduna waxay soo baxdaa 11 subaxnimmo waxayna Dhacdaa 2:30 galabnimmo.😌

Waxaa diyaariyay: Abdifatah Shandaqiiqo

  muhiima●Marka aad saxuurato kedib horay haka seexanin Ma ogtahay  in dhibatooyin farabadan lagala kulmo Hadii aad hora...
03/04/2022

muhiima

●Marka aad saxuurato kedib horay haka seexanin Ma ogtahay in dhibatooyin farabadan lagala kulmo Hadii aad horay kaseexato marka aad cuntada cunto kedib,
Dhibaatooyinka lagala kulmo in cuntada lalaseexdo waxaa kamid ah;-
-In ey hurdadaada dib udhacdo ama ey hurdada kaaso daahdo
-In uu gaas kugu dhaco
-in ey sokor kugu dhacdo
-in aad cayisho qaasatan in ey caloosha ku weynaato IWM.

Fadlan xoga sosoco marka aad saxuurato kedib ama xitaa Cabaar fadhi

Talo Caafimaad..Post traumatic Stress Disorder(PTSD)..Waxa la wada ogyahay in qofka marka  ay soo waajahaan dhacdooyin a...
03/04/2022

Talo Caafimaad..

Post traumatic Stress Disorder(PTSD)..

Waxa la wada ogyahay in qofka marka ay soo waajahaan dhacdooyin ama xaalado xanuun badan in ay jugo gaadhsiin karaan maskaxdiisa , jugahaas oo qofka nolashiisa saamayn xun ku yeelan kara kuna keeni kara in uu ka dhaxlo Xanuun maskaxeed oo nolashiisa wax badan khalkhal ku ridi kara ..

waxa ka mid ah dhacdooyinka dhaawacaa maskaxeed gaysan kara ,Dagaalada ,Masiibooyinka dabiicigaa ee galaafan kara Naf iyo maalba ..

haddaba Masiibadii xalay ee suuqa waaheen waxa ay ka mid tahay masiibooyinka dadka ay taabatay gaadhsiin karta Jugo maskaxeed , Waa run dadkeennu waa dad Iimaan leh oo adkaysi baddan Allena rumaysan se taasi meesha ka saari mayso in dadkaas qaar baddan oo ka mid ahi in ay ku reebto jug dhanka maskaxda ah , sababtoo ah waa dad mar qudha hantidoodii waayay iyakoo waliba arkaya hortoodana ay ku shuf beeshay .

waxaan talo ahaan u soo jeedin lahaa dadkeenna dhibtaasi gaadhay in ay la tashadaan dhakhaatiirta Aqoonta u leh cilmiga nafsiga iyo maskaxda hadii ay isku arkaan xasillooni daro badan , war war , baqdin iyo kalsooni la,aan ..

waxaan kaloo u soo jeedinayaa qoysaska iyo Asxaabta dadka dhibtu soo gaadhay in ay fiiro gaar ah u yeeshaan hab dhaqanka dadkaas masiibadu taabatay inta ay ku jiraan marxallada ka soo kabashada ..

ugu danbayn Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Guud ahaan bahda Caafimaadka waxa la gudboon in ay xil gaar ah iska saaraan la talinta iyo Daawaynta dadkaas dhibtu ku habsatay intooda lagu arko Astaamaha sheegaya in ay masiibadii ku reebtay jug ( PTSD) ...

W/Q mohamed Hussien Hirsi

Maxaa cunno ku fiican maxaase ku xun inta aad ku jirtid bisha ramadaan !!!! Waxaan ku guda jirnaa bishii Ramadaan oo ah ...
02/04/2022

Maxaa cunno ku fiican maxaase ku xun inta aad ku jirtid bisha ramadaan !!!!

Waxaan ku guda jirnaa bishii Ramadaan oo ah bil barakeysan oo u baahan cibaado iyo in la is cafiyo intaas kaddib dadka waxay soomanyihin in ka badan 12 saac kuwaas oo aan cabbin wax biyo ah iyo wax cunno ah.

Haddaba qofk markuu afurayo maxaa u fiican maxaase u fiicneen.!!!

1-Ku afur biyo iyo timir biyaha ha iska badin waxaad u bahantahay biyo isku dheelitiran si xawaaraha jidhka u helo biyo ku filan. Si kale haddii aan u dhigo biyaha badan cunnada ayey ka hor istagayaan.

2-Ku afur cunnooyinka galka leh sida shurbadda/Mushaarida,Misirta iyo maraq laga sameyey khudaar,dhamaan cunnooyinkaas waxay ka caawinayaan in calooshaada si sahlan wax u shiido caloosha maddaama 12 saac in ka badan aad soomaneed.

3-Ku afur cunnooyinka ay ku yar yihiin dufanka iyo saliidda.

4-Ku afur hilib biyo lagu karkariyey (Falfal) iyo malay ofenka lagu kariyey.

5-Cun khudaar aan adkeen sida Qaraha/Xab xabka iyo wixii la mid ah.

Waxaad u baahan tahay in aad iska ilaalisid ??

●Cunnooyinka saliida leh sida burshilshiilka,Sambooska,Mashmashka iwm.

●Waxaad u bahantahay in aad iska ilaalisid hilibka la shiilay iyo maleyga la shiilay dhamantood waxay leeyihin dufan saaid ah caloosha in ay shiido muddo dheer ku qaadaneysaa.

●iska ilaali in aad si saaid ah u dharagtid,dharagtu cafimaad ma ahan.

●Iska ilaali cunnooyinka saaidka u kulul inta aad sooman tahay.Sababtoo ah dhuun mareenka iyo caloosha si sahlan ayey boog ku qaadi karaan aakhirkiina wuxuu sababi karaa kancerka caloosha iyo kan dhuun mareenka.

NB:Haddii aad la ildaran tahay gaas iyo wixii la mid ah iska ilaali cunnooyinka basbaaska ku badan iyo kuwa cusbada ku badan

Dr Cadceed

Address

Burco

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Asma Cabdiraxmaan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Asma Cabdiraxmaan:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram