21/07/2025
Celceliska Caalamiga ah
Hepatitis B (HBV)
254 milyan oo qof ayaa la nool HBV sanadkii 2022, oo ah qiyaastii 3.3% guud ahaan dadka adduunka.
Waxaa sanadkii 2022 ee kaliya lagu daray 1.23 milyan oo kiis cusub, iyadoo dhimashadu ahayd 1.10 milyan qof .
Hepatitis C (HCV)
50 milyan oo qof ayaa qaba caabuqa dawgiisu uu joogsan karo (chronic), ama 0.7% guud ahaan dadka dunida.
Sanadkii 2022 waxaa jiray 1 milyan oo kiis cusub, iyo 240,000 dhimasho.
Wadarta HBV iyo HCV, waxaa jira 304 milyan qof oo qaba, iyadoo 2.2 milyan kiis cusub abuureen sanadkii 2022, dhimashaduna gaareyso 1.3 milyan qof.
Xogta Soomaaliya
HBV (Hepatitis B)
Dhibanayaasha HBV ee wakhtigan waxaa lagu qiyaasaa 5.2% guud ahaan bulshada (HBsAg+) sanadkii 2022.
Si kastaba, daraasado ballaaran oo meta-analysis ah oo Soomaaliya iyo qurbajoogta ku saabsan, waxay muujiyeen celcelis ah 17.5% guud ahaan dadka, halka gudaha Soomaaliya gaar ahaan uu yahay 20.9%, taasoo muujineysa baaxad sare.
Daraasado gaar ah oo gudaha Muqdisho, tusaale ahaan, HBsAg-positivity waa 13.3% iyo 11.2%, taas oo sidoo kale ah meel sare .
HCV (Hepatitis C)
Celcelis ahaan bulshada guud ee Soomaaliya ayaa leh 0.9% HCV antibody positivity (range 0.3–1.9%).
Reference
Xog Caalami ah (WHO & CDC)
1. WHO – Hepatitis Global Data
🔗 https://www.who.int/data/gho/data/themes/chronic-viral-hepatitis
2. CDC – Hepatitis Global Information
🔗 https://www.cdc.gov/hepatitis/global/index.htm
Xogta Soomaaliya (Global Hepatitis Profile & Daraasado)
3. Coalition for Global Hepatitis Elimination – Somalia Country Profile
🔗 https://www.globalhep.org/data-profiles/countries/somalia
4. Meta-analysis 2025 – Prevalence of Hepatitis B among Somalis (ResearchGate)
🔗 https://www.researchgate.net/publication/378853726
5. Daraasad Muqdisho 2025 – HBV Sero-prevalence https://bmcinfectdis.biomedcentral.com/articles/10.1186/s12879-025-11145-5
6. PLOS ONE – Hepatitis C in Somalia: Meta-analysis (2016) https://journals.plos.org/plosone/article?id=10.1371/journal.pone.0149966
Muse H. Mohed