12/03/2026
Maalinta Caalamiga ah ee Glaucoma(12/March/2026).
Maanta waa World Glaucoma Day, maalin dunidu ku mideysan tahay ee wacyigelinta cudurka Glaucoma—cudur si tartiib ah u waxyeelleeya neerfaha aragga, mararka qaarkoodna qofka ka qaada nimcada aragga isaga oo aan h**e u muujin calaamado muuqda.
Araggu waa mid ka mid ah nicmooyinka ugu waaweyn ee Ilaahay aadamaha siiyay. Laakiin mararka qaar cudurrada qaar waxay u yimaadaan si aamusnaan ah. Glaucoma waa cudur noocaas ah; wuxuu ku bilaabmaa si qarsoon, isaga oo dhaawacaya neerfaha aragga (optic nerve), ugu dambayntiina haddii aan la ogaan oo aan la daaweyn waqtigeeda, wuxuu sababi karaa indho la’aan aan dib loo celin karin.
Waxa ugu muhiimsan in la fahmo Cudurka glaucoma in badanaa uusan lahayn calaamado muuqda. Qofku wax wuu arki karaa oo wuu la noolaan karaa sanado badan isaga oo aan dareemin wax dhibaato ah, ilaa ay waxyeelladu gaarto heer sare. Sidaa darteed baaritaanka indhaha ee joogtada ahi waa difaaca ugu fiican.
Bulshadeenna waxaa muhiim ah in la xasuusiyo qof kasta oo gaaray da’da afartan sano iyo wixii ka weyn, ama qof qoyska kamid ah uu qabo cudurka glaucoma kada, in uu si joogto ah u sameeyo baaritaan indhaha ah. Baaritaan yar oo qaata daqiiqado kooban ayaa badbaadin kara arag nolosha oo dhan.
Maalintan waxay ina xasuusinaysaa masuuliyadda aynu wada leenahay:
• In aan daryeelno caafimaadka indhaheena
• In aan wacyigelinno qoysaskeena iyo bulshada
• In qof kasta la xusuusiyo in araggu yahay hanti qaali ah
Araggu waa iftiin nolosha ka mid ah; ilaalintiisuna waa waajib👁️✨