20/04/2025
Hadii aad muraayadaha/ookiyaalaha xirato ama aanad xidhan ; h**e ma u maqasheen xeerka 20-20-20?.
Waxaa caadi ah in daqiiqaddiiba uu qofku 15 jeer libirsado se marka uu qofku ku shuqlanyahay shaashadaha lambarkani hoos ayuu u dhacayaa kalabbar ma seddex meelood laba meel. Waana halkaas halka ay saamaynta shaashadaha iyo indhuhu ka billaabmeyso. Bal e xanuunka shaashadaha waxa loogu wanqalay computer vision syndrome (CVS). Saa waa halkaas barta dabaqidda xeerkani ka billaambeyso.
Akademiyada Culuumta Indhaha ee Maraykanka, ayadoo sharraxaysa xeerkan waxa ay leeyihiin inkastoo fiirinta aaladaha dhijitaalka ah aysan saameyn toos ku lahayn indhaha, haddane ay daciifiyaan awoodaha aragga iyo bedqabka indhaha oo ay keeni karaan cillado iyo calaamado aan fiicnayn sida indho qallal, cuncun, ama in ay midab ahaan is beddelaan, saameyntaasina ay si tartiib ah u waxyeeleyso araggii.
Xeerka 20-20-20, waxa uu leeyahay; 20kii daqiiqo ee kasta oo aad shaashadda ku fooggantahay, isku day in aad diiraddaada u weeeciso 20 ilbiriqi (Seconds) meel kaa fog ilaa 20 dhudhun (feet).
Labaatankaa daqiiqo is ku day in aad indhahaaga shaashad ka fogeyso moobeyl,TV, kumbuutar. Tusaale; eeg darbiyada xafiiskaaga, sawirka darbiga kuugu dheggan, iridka xafiiska, daaqadaha, haddii aad istaagto ee aad wax labaatankii dhudhun ka fog eegtana kaba fiican sida geedaha bannaanka, dhismo kaa fog, ama cirka. Muhiimadda labaatankaa daqiiqo waxa ay ku sababeeyeen in meesha ugu yar ee indhuhu nasiino ku heli karaan ay tahay labataankaa sikin/ilbiriqsi in aad diiraddiii u dhoweyd ka leexisaa.
Sida aad isku xasuusineyso, way adagtahay in aad laabatan daqiiqo kastaa xasuusato se faaidada digitaalka ayey ka mid tahay e waxa aad heleysaa applications aad soo degsan karto oo aad xeerkaa ku tababbari karto, aad na kuu caawinaya in 20 kii daqiiqo kaddibba ay kuu soo dhacaan farriimo (pop-up) ah.