30/07/2023
Walaal keen HAYBE 24 ka saacadood wuxu ka shaqeeya Haynta ilmihiisa yar, ilmahani waa 10 jir Ma hadlo maskaxdiisuna gaabis xoogan bay ku jirtaa inta waxa u dheer in ilmahani uu leeyahay xarakaad ama dhaqdhaqaaq badan xita heli maysid jaanis yar oo ad sawirkaga qaado wuxu xoog dhulka ula dhaca gacantiisa, wuxu afka galinaya wax kasta oo gacantisa soo galla.
Ilmahan qofka hayya wuxu ku qasban yahay in ku dhawaad 15 saacadood malinkasta uu ilmaha ka ilaaliyo in uu gacanta dhulka la dhaco si anay gacantu wax u noqon.
Ilmahani wuxu qabba 2ba xanuun oo ka tirsan bahda loo yaqaan neurodevepmental disorder ( development +behavioral disorders )
Aabaha dhalay ilmahani wuxu ka cabanaya duruufo badan oo nololeed, wuxu inaga codsanaya in marka h**e loo duceeyo kadibna aynu ka caawino in wiikan yari helo dhakhtar dabadeed iyo deegan uu ka helayo dajin iyo daawayn joogta ah sida dawooyinka Central Nervous System stimulates ka iyo ABA therapy.
Ugu yaraan waxaynu u iibin karnaa wheelchair ilmaha lagu fadhiisin karo oo leh suuman/beelal ilmaha lagu ilaalin karo islamarkaana dhaqdhaqaaqiisa lagu xadidi karo.
Aabahani wuxu iga codsaday in shekadisa an la baahiyo anoo isticmalaya sawiradiisa iyo sawirada ilmahaba bulshadana taagere dhaqaale iyo mid caafimaadba loo waydiiyo
Lkn waxaynu baahin doona 1sawir iyo 1 video oo ilmuhu leeyahay si aynu ufahano xaalada ilmaha iyo si uu u helo taagero wayn ilmahani inshallah.
waxaan asxaabta ka codsanaynaa in aynu siwada jir ah uga farxino aabahan fariintana meel fog la gaadhsiino.
Lanbarada lagala xidhiidhi karo ama lagu taageeri karo na waa
ZAAD 0634995551
E-Dahab 0654995551
Mahadsanidiin
MBBS,MD, doctor at Burco Mental Hospital, Dabiib medical center,&Director of Burco Insight Therapy.