Dr. Abdirisaq muse

Dr. Abdirisaq muse Currenlty working at Togdheer Private Hospital and Burco General Hospital...Partime lecturer at University of Burcoa and Gollis University

23/07/2025
Dhaman shaqalaha cusbtialka Togdheer private hsopital- maternity department way ku mahadsan yihiin xaflada qurxoon ee ay...
01/07/2025

Dhaman shaqalaha cusbtialka Togdheer private hsopital- maternity department way ku mahadsan yihiin xaflada qurxoon ee ay naku mamuseen ani iyo Dr. gulleed ba.

Maanta markii ay saacaddu ahayd 2:00Pm ayaa Telephone igu soo dhacay igu wargeliyay in la iiga baahanyahay qolka qalliin...
20/06/2024

Maanta markii ay saacaddu ahayd 2:00Pm ayaa Telephone igu soo dhacay igu wargeliyay in la iiga baahanyahay qolka qalliinka ee Cisbitalka aan joogo si aan u sugo ilmo yar oo hooyadii qalliin Emergency ah la galiyay oo la rabo in aan daqiiqadaha ugu horreeya ee noloshiisa aan ka caawiyo in uu neefsado si uu nolol haddii Alle u qoray u noolaado, waa waxa loo yaqaano Neonatal resuscitation oo kamid ah xirfadaha ugu qiimaha sarreeya ee aqoonta caafimaadka.
Hooyadan, shalay maqribki ayaa lagula taliyay in ay qalliin degdeg ah gasho si ilmaheeda loo badbaadiyo, nasiib darro se wey diidday! Muddo ka badan 15 saacadood ayaa uu ilmuhu ku dhex sirirsanaa uurka hooyadii oo neefsashadiisu aanay fiicnayn, garaaca wadnihiisuna yaraa. Marka ilmuhu siriro uurka hooyadii ayaa uu ku dhex saxaroodaa, kaddib malkii uu sii daayay ayaa uu liqaa oo sanbabaduusa buuxiya, ( Meconium Aspiration) sidoo kale malku waxa uu buuxiyaa daloolka sanka iyo dalqada kaddib Oxygenti ilmuhu u baahnaa ayaa u waayaa daqiiqadaha u horreeya ee noloshiisa taas baa keenta in maskaxdiisu ay noqoto meesha u horraysa ee wax noqota( Hypoxic Ischemic Encephalopathy)
Nasiib darro wax calaamad oo nololeed oo ilmaha ka muuqday markii uu dhashay, oo aan ahayn in wadnihiisu garaacmayo ilaa 60jeer daqiiqaddii( waa in uu ka bataa 100 jeer ilamaha dhashay) ma ay jirin
Aniga iyo teamka ila waday shaqada oo ahaa 2 nurses ah waxa kolba su'aal u dhigan " How is the baby Dr", i weydiinaya 2 dhaqtar oo qallinka hooyada ku jira oo ka tacaalaya xaaladdeeda, Waxa igaga dareen badan hooyada qaliinka ku jirta oo aan maqlayo su'aal ay weydiinayso suuxiyaha korfadhiya, iyadoo ku leh "miyuu dhintay ilmihii"?!
Waxa aanu resuscitate gareeynay ilaa 20 daqiiqo, kaddibna hadda waxa uu yaalla qaybta baxnaada sare ee carruurta dhashay ee loo yaqaaan NICU. Ilmahaas yar weli xaaladiisu way culustay, wax ka yar 20% ayaa ay tahay rajadu in uu noolaado!. Haddii uu noolaado xataa waxa la oddorasaya in ka badan 90%, in ilmahaas yar noloshiisu ay caqabad weyn ku noqon doonto waalidka dhalay- isaga oo la noolaan doona xanuuno gaadha maskaxdiisa iyo neerfaha sida( korriin la'aan maskaxeed, qallal iyo suuxdin, hadal la'aan, naafo iwm) taasoo sababi doonta boqollaal kun oo dollar in ay kaga baxaan raadinta caafimaad aan la hubin in ay u heli doonaan!
Cusbitaalka waxaasi ka dhacayaan oo ah kii uu shalay ka hadlayay walaalkeen Coldoon, 1 dollar lagama qaado hooyo ummulaysa ( shaybaadh iyo qalliin toona), ilmaha la geeyo NICU ga ee ay dhashana 1 dollar laga ma qaado( Shaybaadh iyo adeeg kale toona xataa hadii 10 jeer MRI la saaro). Walahi waxan ku dhaaran karaa dhaqaatiirta qalliinka ku jirtay xataa in aanay qado cunin marka ay hawshaas ku jireen!
Maxay hooyadaasi u diidday qalliinkaas!
Abdilmalik Musa Coldoon , haddii aan idhaahdo adiga ayaa ay akhrisatay qoraalladaada oo denbigaas qaadanaya tolow miyaan qaldanay!
Cabdirashiid Libaax
Burco/Somaliland.

24/09/2023

Hotgdheer private hospital orthopedic department

Address

Tawali Street
Burco

Opening Hours

Monday 00:00 - 00:00
Tuesday 00:00 - 00:00
Wednesday 00:00 - 00:00
Thursday 00:00 - 00:00
Saturday 00:00 - 00:00
Sunday 00:00 - 00:00

Telephone

+252654043160

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Abdirisaq muse posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category