25/05/2024
Waayihii h**e, si ay lammaanaha is qabaa Soomaalida dhexdeeda uga noqdaan kuwo lagu daydo (role model), waxaa khasab ahaan jirtay in ay noqdaan lammaane ah siyaasiyiin, aqoonyahanno, ganacsato, wadaaddo, u dhaq-dhaqaaqayaal bulsho, ama kuwo kal adag oo nolosha samir iyo dedaal kaga gudba.
Hadda laakiin, lammaanuhu si ay u noqdaan kuwo lagu daydo, oo dad malaayiin ahi taageeraan, waxaa muhiim ah keliya in ay yihiin labo doqon, oo si anshax xumo leh meediyaha (media) ugu baahiya muuqaallo muujinaya qooq, diin la’aan, xishood xumo, iyo niiko bes.
Taasi waxa ay ka dhigan tahay in ay dadku berigii h**e inta badan ka fekeri jireen aakhiro, nolol, hormar iyo mustaqbal, halka ay hadda ka fekeraan gogol iyo raaxo bes!