Dr ismaaciil baarri

Dr ismaaciil baarri this page you will get a medical advices and lectures

Digtoore kaneecaa i haysee iga baadhHadhow marka laga helana kiniinka mafiicnee  irbad iiga dhigXanuunka haya iyo dawadi...
15/08/2023

Digtoore kaneecaa i haysee iga baadh
Hadhow marka laga helana kiniinka mafiicnee irbad iiga dhig

Xanuunka haya iyo dawadiisaba isagaa yaqaana
Waxaaba dhici karta inuu kaa diido inaad sii waraysato oo waxaa laga yaabaa inuu la soo boodo maxaad iga wareerin intaa ii samee

Waa ku faraxsanahay in soomaalidii wada dhakhaatiir noqotay 😅🤣

Dilaaga qarsoon
09/07/2023

Dilaaga qarsoon

Kissing sign Severe tonsilitis
10/06/2023

Kissing sign

Severe tonsilitis

Sida sawirka ka muuqata jidhka banii aadamka intiisa u badan waa biyo Sidaa darteed inaad biyo badan cabtaa waa muhiim
26/01/2023

Sida sawirka ka muuqata jidhka banii aadamka intiisa u badan waa biyo

Sidaa darteed inaad biyo badan cabtaa waa muhiim

Hadaad tirisaan nimcooyinka ilaahay masoo koobi kartaa , waa micnaha aayad qur'aan ah-----------------------------------...
16/01/2023

Hadaad tirisaan nimcooyinka ilaahay masoo koobi kartaa , waa micnaha aayad qur'aan ah
-------------------------------------------------------------------------------

Aan kasoo qaadano hawada aynu neefsano ( oxygen-ta)

Sida caadiga ah qofka qaan-gaadhka ah ee caafimaadka qaba wuxuu neefsadaa halkii daqiiqo 12 ilaa 20 jeer

Bal aan isku deyno inaan xisaabino 24 saac gudohood inta neefsasho ee qofku u baahan yahay inagoo soo qaadanayna lambarka u dhexeeya 12 ilaa 20 oo ah lambarka 16

16 jeer oo u dhiganta neefashada halkii daqiiqo ayaan ku dhufanaynaa 1 saac ilaa 24 saac

16jeer×60 daqiiqo=960 jeer halkii saac intaas ayaad neefsataa

16jeer×24saac= 23,040 ayaad neesataa 24 saac

Bal ka waran haddi halkii neefsasho laguugu dhufan lahaa waxa ugu yar lacag ahaan oo ah hal sinti waxay ahaan lahayd lacag badan waxayna ahaan lahayd dhibaato wayn

Lkn alle wayne wuxuu intaas iyo ka badan ba inoo siiyay inaan caabudno oo kaliya kuna xamdino nimcooyinka rabbi

Alle ha naga dhigo kuwo alle ku xamdiya mar walba aamin

By Dr ismaaciil baarri

15/01/2023

Qabsinka

Howsha dhaqida ama Sifaynta Kelyaha (Dialysis)  kolka qofka lagu samaynayo waxaa la galiyaa laba Tuubo oo mataano ah oo ...
14/01/2023

Howsha dhaqida ama Sifaynta Kelyaha (Dialysis) kolka qofka lagu samaynayo waxaa la galiyaa laba Tuubo oo mataano ah oo mid isku ah ah oo mid waliba howl gaar ah qabanayso, ayadoo la galinayo Xididka Arooraha ah (vein) ee qoorta, laabta ama bowdada midkood iyada oo la isticmaalayo suuxdinta gaarka ah (local anesthesia) inta lagu gudo jiro sifeynta Kilyaha.

Dhiiga ayaa waxa uu ka soo baxayaa jirka isaga oo soo raacaya Tuubada cas, wuxuu dhex maraa aaladda sifeynta, waxa uuna ku soo noqdaa tuubada Buluugga, xaaladaas ayuu qofka ku sugnaanayaan ilaa 4 saacadood isaga oo saaran sariir dusheeda oo waliba bilaa dhaqdhaqaaq ah.

Qofka ayaa loo sameeyaa howsha Sifeynta Kelyaha Todobaadkii Sadex jeer, taasoo noqonaysa Bishiiba 12 Mar, hadii Saacad ahaana loo xisaabiyo waxay noqonaysaa wadarta guud 48 saacadood Bil kasta.

Waxaa intaas ka sii daran waxaa baxaya kharash badan oo Boqolaal Doolar ah Bishii taasoo aysan ka bixi Karin dadka dhaqaalahoodu hooseeya. !

Adiga, aniga iyo guud ahaan dadka caafimaadka qaba ee aan qabin cudurka kidney failure (Kilyaha oo howlgab noqda) ma Qiyaasi kartaa inta jeer ee Kelyahaada ay isa sifeeyaan?

Qiyaasii Lixdan jeer ayay maalintii Kelyahaada si Automatic ah isu meyraan, sida dhaqaaqiirta ay sheegaan. Howshaas ayaa waxay dhacdaa innaga oo aanan dareemin wax dhibaato ah ama xanuun ah oo waliba cidna meel na seexin, Tubooyina nagu xirin, mana jirto kharash nooga baxa howshaas wayn oo la’aanteed qofka uusan noolaan Karin. !!

Waxaan haysanaa Nicmooyin badan oo aan la tirin Karin, lana koobi karin . الحمدلله

وَإِن تَعُدُّوا نِعْمَةَ اللَّهِ لَا تُحْصُوهَا ۗ إِنَّ اللَّهَ لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ (18) سورة النحل

Hussein Sahnuni

28/12/2022
○Dhibanuhu waa bukaanka○Faa,iidadu waa dawada ama shaqada loo qabtay bukaanka ○sababtuna waa bahda caafimaadka ○ bogshad...
03/12/2022

○Dhibanuhu waa bukaanka
○Faa,iidadu waa dawada ama shaqada loo qabtay bukaanka
○sababtuna waa bahda caafimaadka
○ bogshaduna waa ta alle

Address

Buuhoodle

Telephone

+252634492187

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr ismaaciil baarri posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram