16/08/2022
Maxaa iska baddelay Shaqada Cisbitaalka guud Ee Deg.Dhabbad ee Galgaduud;-.
Kor inta aanay Dowladda Galmudug ii magacaabbin Agaasimaha Cisbitaalka guud ee degmadda majirin wax adeeg ah oo uu bixiyo Cisbitaalku , majirin Dhakhaatiir, kalkaaliyaal, umulisooyin iyo qaybaha kale midna .
Waxaa halmar Wasaaradda Caafimaadka Galmudug dib u howlgelisay in Cisbitaalku yeesho Agaasin, Dhakhtar, kalkaaliyaal, Umulisooyin, iyo shaqaalaha qaybaha Nafaqada, Talaalka, Nadaafadda, iyo ilaaladda .
Sidoo kale waxay Wasaaradda Caafimaadku si joogtaa ubixisaa Daawooyinka iyo agabyadda muhiimkaa si toos ah iyo ay umarayso hay'addaha Caalamigaa sida Hay'dda Care iyo Hay'adda Save the children ee Kahowlgala deegaanadda Galmudug.
Hadda Cisbitaalku wuxuu adeeg caafimaad siiyaa dhamaan deegaanadda kuxeedhan degmadda iyo nawaaxigeedda iyo deegaanadda xuduudda dhaca ee gobolka doollo ee dowladda deegaanka soomaalida itoobiya.
Celcelis ahaan ( 2000) ayaan bishii qaabilaa oo adeeg caafimaad siinaa bukaanaddaan oo isugu jira kuwa xaaladdaha degdeg ah , kuwa dhalmo ubaahan ,kuwa bukkaan socod ah, kuwa nafaqo darro laddaalaa dhacaya sida caruurta iyo dadka nuggul.
Waxaan mahad gaar u naqayaa howleedda ila shaqeeya waxaan leeyahay shaqaddaan quruxda badan idinkaa qabtay allaha idinka abbaal siiyo Aakhara iyo Adduunba.
Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa madaxda kala duwan ee dowladda Galmudug iyo hay'addaha aan wadda shaqaynta leenahay .
Waxaan rajaynayaa in innagoo kaashanayna bulshada degmadda qaran joog iyo qurba joogba aan sii quruxin doono shaqada degmadda guud ahaan gaar ahaana adeegyadda Waxbarashada iyo caafimaad.
Allaah ayaa mahad leh .
Wada shaqayn wacan.
Agaasimaha Dhabbad General Hospital ee degmadda Dhabbad Dr Mds Said Egaal